maqaar-ku-dur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaar-ku-dur
m.dh (daawo) Mudidda ila maqaarka hoostiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaar-kudur
m.dh (daaw.) Mudidda ila maqaarka hoostiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaarkudur
-ta: (magac, dhedig, keli) mudidda ila maqaarka hoostiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magac-cudur
m. n. diagnosis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaara-furdug
m.dh Nooc sagaarada ka mid ah oo aad u waaweyn; kuna nool dhulka carro madowga ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-BUUR
(Madah-burr) C,N? Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S,C Dactyloctenium scindicum Boiss. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-KUUS
(Madah-koos) C Blepharis phillipsiae Rendle. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaarsaar
(Maqaarsaar-ka)
(xoolo) ilmo dhintay oo maqaarkooda ilmo kale la saaro, si neefkii dhalay ugu dagmo oo u godlado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsaar
maqaarsaar¹: m.l 1. Saaridda hal ama sac ilmo ka dhintay maqaarkiisa loo saaro ilmo kale si ay ugu godlato. 2. M. ah: qof waxa uu u magacaabanyahay aan awood u lahayn. 3. la-mid: maqaarsaarid.
maqaarsaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Hal ama sac ilmo aysan dhalin maqaar u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaarsaar
m.l 1. Saaridda hal ama sac ilmo ka dhintay maqaarkiisa loo saaro ilmo kale si ay ugu godlato. 2. M. ah: qof waxa uu u magacaabanyahay aan awood u lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaarsaar
vn-m-idiom: cover up; trick, deceit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaarsaar
-ka: (n) puppet (pap'it) Ex: dawlad maqaarsaar ah; a puppet government
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaarsaar
-ka: (magac, lab, keli) maqaarka neef yar oo dhinta oo neef kale la dulsaaro ama tigaad iyo maryo laga buuxiyo oo neefkii loo ekeysiiyo dabadeedna neefkii dhalay lagu irmaaneeyo ama lagaga liso. Hashu ha godlatee maqaarsaar u samee. Dh: haragsaar.
maqaarsaar-ka: (magac, lab, keli) wax la dhalliilayo oon raalli laga ahayn. Gumaysigu wuxu noo dhisi jiray dawlado maqaarsaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaarsaar
de: cover up; trick, deceit
lx: maqaarsaar
pd: (-ka)
ps: vn-m-idiom
see: u maqaarsaar
key: maqaarsaar
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RAMAAS-BUUR
(Ramas-bur) N Rhynchelytrum repens (Willd) C.E.Hubb. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadaal-cudur
m.dh (daawo) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saadaal-cudur
m.dh (daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafimaadka guud ee bukaanka, da'da iyo jinsiga bukaanka.