mansuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mansuun
m.l (-no, m.dh) (juqraafi) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mansuun
m.l (-no, m.dh) (juqraafi) Erey ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee 'mawsim' macnaheeduna yahay 'xilli', Carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mansuun
Monsoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuun
-ka: (magac, lab, keli) guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha bannaannada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansuun
-ta: (magac, dhedig, keli) dabayl xilliyeed ka timaad badweynta Hindiya oo roobab badan u soo xambaarta xeebaha ku wareegsan. Xilliyada dabaylaha maansuuntu waa bad xidhan. Dh: maasuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasuun
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maansuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macsuun
(fal) casumad u samee. Walaalkaa macsuun. Dh: casuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuug
(fal) cunto ama wax kale oo lagu siiyay saluug oo in laguu biiriyo doon. Mansuug waa laguu biirine. Dh: saluug.
mansuug: (fal) wax ad hayso cid u diid oo kala bakhayl. Lacag la mansuug.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) saluug ama yaraysi wax la isa siiyay ama cunto la yaraysto oo biro la doono. Dh: saluug.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) lexjeclo iyo bakhaylnimo darteed oo cid wax loogu diido. Mansuuggu waa dhagan aan fiicnayn. Dh: bukhli Li: deeqsinimo.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) qof bakhaylah oon waxba ka dhicin. Mansuug miyir wax ugma baxaan. Dh: dhabcaal, bakhayl.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mansuur
name-m protected, victorious, triumphant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badfur
m.l (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badfuran.

badxidhan
m.dh (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badxir, badxiran.

kayn
kayn¹: m.dh (-ymo, m.l) 1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dhir badan; hawd; jiq; toon.
kayn²: m.dh (-ymo, m.l) (juqraafi) Eray lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaan hoosbaxayaal isku cufan; mararka gaarkood waxaa loo adeegsadaa, iyadoo waxa la isku qanciyaa yaryihiin , inay yihiin kaymaha mansuunta nooc ahaantooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-badhaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (juqraafi) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-mansuun
m.l (-nno, m.dh) (juqraafi) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen-dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badfur
m.l (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badfuran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badxidhan
m.dh (juqraafi) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. la-mid: badxir, badxiran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kayn
kayn¹: m.dh (-ymo, m.l) 1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dhir badan; hawd; jiq; toon.
kayn²: m.dh (-ymo, m.l) (juqraafi) Erey lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaan hoosbaxayaal isku cufan; mararka gaarkood waxaa loo adeegsadaa, iyadoo waxa la isku qanciyaa yaryihiin , inay yihiin kaymaha mansuunta nooc ahaantooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kayn-mansuun
m.l (-nno, m.dh) (juqraafi) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaynbadhaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (juqraafi) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Monsoon
Mansuun
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Monsoon forest
Keyn mansuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynbadhaale
-ha: (magac, lab, keli) juqraafi ahaan, kaymaha cagaarmadhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, xilli oomane ahna usan jirin. Meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynmansuun
-ka: (magac, lab, keli) jugraafi ahaan, nooc kaymaha kulaalayda ah oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin. geedaha caleendhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maasuuni
-ga: (magac, lab, keli) qof ka tirsan ururka maasuuniyadda. Ninka maasuuniga ah dhayal looma ogaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anuun
mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'uun 3'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anuun
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'ani' iyo 'uun' oo la isku ladhay. Ani uun buu i dhalay aabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganuun
(Ganuun-ka)
Weel caanood; haruub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuun
m.l (-nno, m.dh) 1. Haruub yar oo xoolaha lagu maalo (ari). 2. Ceel, meel salkiisa ka mid ah oo biyo ka soo maaxdaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganuun
m. n. milk vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganuun
-ka: (magac, lab, keli) gorof yar oo lagu maalo xoolaha. Ganuunka iyo xeedhyahaba middaan goor alleba dhiibin... Dabadeed ganuun buuxda iyo gaawe raacsadaye. Dh: hadhuub.
ganuun -ka: (magac, lab, keli) ceelasha la qodo kuwa dhuudhuuban ee afka yar leh. Dh: mataan.
ganuun-ta: (magac, dhedig, keli) caano geel oo lis ah. Ganuunteeda xoorka ah hashay gocatey laabtaydu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganuun
de: milk vessel
lx: ganuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ganuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuun
(Hanuun-ka)
Waxa xun iyo waxa san oo inta la kala garto, waxa san xaggooda loo bayro; duwga wanaagsan oo Ilaah loogu dhowaado oo xaggiisa loo leexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuun
hanuun¹: m.l Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey.
hanuun²: fk. Aad iyo aad, si weyn. Tusaale: “Beerka hanuun buu i xanuunayaa”.
hanuun³: f.mg1 (-nay, -ntay) Qof xume u samayn jirey ka waantoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanuun
hanuun¹: m.l Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey.
hanuun²: fk. Aad iyo aad, si weyn. Tusaale: Beerka hanuun buu i xanuunayaa.
hanuun³: f.mg1 (-nay, -ntay) Qof xume u samayn jirey ka waantoobid. m.f.dh, hanuunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuun
[adverbial] [expression] very, much, quite; a lot, many
hanuun m. n., [collective] guidance, advice, counsel
hanuun v. take counsel, receive advice, follow guidance ~ ideology
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanuun
-ka: (n) guidance (gaaydhans); counseling on matters such as religion or ideology ~ hanuunis, hagis, naseexo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuun
(fal) tubta toosan raac oo haka baydhin; wax wanaagsan samay. Li: baadiyaw, hallaw.
hanuun -ka: (magac, lab, keli) maridda jidka fiican ee Alle raaliga ka yahay. Dh: hadayn, hidaayo, toosnaan. Li: baadi, hallaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manuus
-ka: (magac, lab, keli) maararraw bilaa macne ah oo guddafadaha iyo gujufyada la dhex socsocodo. Dh: munuus.
manuus -ka: (magac, lab, keli) qof bilaa macne guddafadaha iyo gujufyada iska dhex socsocda. Ninkii yaraa manuus buu noqday. Dh: munuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuud
(tilmaame) aad u farxaansan. Anna way masuud xaal aduun mowdka ka horoowe. Dh: mabsuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masuug
(Masuug-ga)
Dhabcaal; bakhayl; muudal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masuug
masuug¹: m.l 1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah.
masuug²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax ku bakhaylid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masuug
masuug¹: m.l 1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah.
masuug²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax ku bakhaylid. m.f.dh, masuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masuug
m. n., [abstract] avarice, dissatisfaction with one's lot; miser
masuug v.; v: be a miser ~ miserly; be dissatisfied; begrudge something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masuug
-ay -tay: (v) fall short of expectations; feel oneself not to have sufficient, adequate or enough ~ qawad, dhaliil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuug
(fal) saluug oo yarayso. Adoo xalay qaday haddii hal laxoox ah lagu siyo masuug. Dh: saluug. Li: qanac.
masuug: (fal) ku bakhayl oo wax yar ood hayso la waako. Waxaan adigaba kugu fillayn la masuug. Dh: waako, bakhayl.
masuug-ga: (magac, lab, keli) yaraysi cidi wax la siiyaay ay yaraysto oo ay aragto inaanu ku fillayn oo biiro ay u baahan tahay. Dh: saluug. Li: qanac.
masuug -ga: (magac, lab, keli) waakasho lala waakado wax la haysto iyadoo sabab looga dhigayo inaanay ku fillayn. Masuugga iska daa oo waxa had hayso bixi. Dh: bakhaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masuul
m.l la-mid: mas'uul.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masuul
-ah: (adj) responsible (ris poon sibal); answerable (aan 'sarabal); liable (laayabal); accountable (a-kawn tabal)
mas'uul -ka: (n) responsible person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuul
-ka: (magac, lab, keli) qof waxgarad ah oo wax lagu aamini karo. Call waa nin masuula oo talo qaadan kara. Dh: xilkas, waayeel.
masuul-ka: (magac, lab, keli) qof meel u sarreeya oo maamulkeeda haya. Dh: madax, taliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanuun
(Sanuun-ta)
Urka ka soo baxa waxa dufanka leh oo kululaada; siniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanuun
sanuun¹: m.dh (-nyo, m.dh) 1. Sunbaax ama urta ka soo baxda hilib la shiilayo ama la dubayo. 2. Saac-xumo dhacda oo wax kasta khayrka ka qaadda.
sanuun²: f.mg1 (-nay, -ntay) Hilib la shiilayo ama la solay sunbaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanuun
f. n., (mass n.): smell of cooking
sanuun v. give off a smell of cooking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanuun
-ta: (n) sweet smell of cooking; whiff (wi/); waft (waaft); aroma (arooma) ~ sunbaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanuun
-ka: (magac, lab, keli) ilig sida dahabka ah oon dahab ahayn oo habluhu ilkaha ka dul galiyaan oo ay ku xarragodaan. Gabadh sanuun gashan ayaa tukaanka iibinaysa.
sanuun -ta: (magac, dhedig, keli) ur ka soo baxda wixii dufan leh kolka la kulyleeyo ama la shiilo. Dh: fookhad, siniin, sanoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuun
(Xanuun-ka)
1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartey darteed; kaar; dhuuri; halac, laxaw.
2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuun
xanuun¹: m.l 1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.
xanuun²: f.mg1 (-nay, -ntay) Kaar iyo wixi lamida dareemid; xanuun yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanuun
m. n. pain, ache; disease, illness, ailment
xanuun [inchoative] v. be in pain, hurt, ache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanuun
-ka: (n) 1. feeling of physical pain; pain (peeyn); sore (soor); ache (eeyk); pang (paang) ~ kaar, laxaw. 2. illness (iil-nes); disease (disiis); sickness (sik-nes) ~ jirro. Ex: xannuun khatar ah; a serious illness [disease]
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xanuun
Dolore; malattia
Pain; illness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuun
-ka: (magac, lab, keli) laxaw aad u kull oo dubku dareemo kolka wax lagu jiido. Xadhi kooraanku wuu xanuun kulul yahay. Dh: kulayl.
xanuun -ka: (magac, lab, keli) bugtaan lala jifo ama lala jiitamo. Dabayshu waa xanuun la iska tallaalo. Dh: bugtaan, marad, jirro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Xanuun
وَجَعَ، تَوَجُّع
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yanuun
(tilmame) gun dheer ah oo hoos u qodan. Dacawaa ku dhacday ceel yanuun ah. Dh: yaloon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguun
f.g1 (-uumay, -uuntay, -uumi) Geed iyo wixi lamida jirridda ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maacuun
(Maacuun-ka)
Alaabada iyo weelasha guriga siiba kuwa jikada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maacuun
m.l/dh.u Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maacuun
m.l/dh.u Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maacuun
m. n., [collective] household utensils ~ equipment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maacuun
-ka / ta: (n) housewares (haws-weersi); utensils (yuutensa-lis); kitchen tools; domestic utensils
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maacuun
Utensili
Utensils
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maacuun
-ta: (magac, dhedig, keli) alaabada jikada iyo kuwa wax lagu cuno. Dumar maacuun isku diiday dadnimo kama dhaxayso.
maacuun-ka: (magac, lab, keli) nirgaha hooyadood laga gudhin kari waayo. Waxa la i siiyay nirig maacuun ah oo hootanuug ka laadlaadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maacuun
de: household utensils ~ equipment
lx: maacuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: maacuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maasuud
m.l (-dyo, m.dh) Bir weyn oo libaax-badeedka lagu dilo marka badda laga soo saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasuud
(fal) aad ugu farax oo raalli ka noqo. Dahabkan ayuu wiilkaagii kuu keenee maasuud. Dh: mabsuud.
maasuud -ka: (magac, lab, keli) bir weyn oo libaax badeedka lagu dilo marka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mabsuud
Caloolsan; raalli (ama maqsuud).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mabsuud
mabsuud¹: m.l la-mid: maqsuud¹.
mabsuud²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: maqsuud².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mabsuud
m. n., [abstract] (adj.): contentment, satisfaction; pleased, contented, satisfied
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabsuud
(fal) farax oo wax murugo ah ha dareemin. Waxa walaalkaa u dan ah adna ka mabsuud. Dh: masuud.
mabsuud-ka: (magac, lab, keli) farxad kal iyo laab ah oo raalli laga yahay. Anna way mabsuud xaal aduun mowdka ka horoowe. Dh: farxad, mustareex.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mabsuud
a: maqsuud
bw: Arabic
de: contentment, satisfaction; [atr.] pleased, contented, satisfied
lx: mabsuud
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: mabsuud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macduun
1. Aan la heli karin ama dhib lagu heli haro.
2. (Macduun-ka) Kan la waayey ama heliddiisu dhibta tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macduun
m.l M. ah: wax helitaankiisu dhif iyo naadir ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macduun
m.l M. ah: wax helitaankiisu dhif iyo naadir ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macduun
m. n. (adj.): rarity, rare item; scarce, hard to get ~ find
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macduun
-ah: (adj) rare (reer); scarce (iskeers); too few
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macduun
-ka: (magac, lab, keli) wax aan la heli karayn ama dhib lagu muto heliddiisa. Fallaadhi waaga hore lagu dagaallami jiray eegga waa macduun. Dh: baabah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macduun
de: rarity, rare item; [atr.] scarce, hard to get ~ find
lx: macduun
pd: (-ka)
ps: n-m
key: macduun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macsuum
(Macsuum-ka)
Dhawran oo aan denbi ka dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macsuum
macsuum¹: m.l Qof martiqaad loo fidiyey.
macsuum²: f.g1 (-uunay, -uuntay) Cid marti qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macsuum
f.g1 (-uunay, -uuntay) Cid marti qaadid. m.f.dh, macsuumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macsuum
m. n. righteous person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macsuum
-ka: (magac, lab, keli) dhawrsanaan gaar ah oo uu Eebbe ugu ballangaaday Nebiyada iyo Malaa'igta oo ah inaanay wax macsiyo ama dembi ah oo weyn aanay ku dhicin. Nebigeennu macsuum ayuu ka ahaa dembi oo dhan. Dh: dhawrsane, denbilaawe, macsuun. Li: dembiile.
macsuum-ka: (magac, lab, keli) martigaad cid la martiqaado. Maanta seedigay baan macsuum u ahaa. Dh: macsuun, casuumane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macsuum
bw: Arabic
de: righteous person
lx: macsuum
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: macsuum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madduun
-ta: (magac, dhedig, keli) xabaalguri aad u da'weyn oo dadkii hori sameeyeen. Madduun la faqay ayaa wax taariikhi ah laga soo saaray Dh: xabaalmaguur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madluun
madluun¹: m.l 1. M. ah: qof niyad xun oo aan raalli ahayn. 2. Qof la dulmiyey. 3. la-mid: madluumid.
madluun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Qof niyad xun oo aan raalli ahayn noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madluun
madluun¹: m.l 1. M. ah: qof niyad xun oo aan raalli ahayn. 2. Qof la dulmiyey.
madluun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Qof niyad xun oo aan raalli ahayn noqosho. m.f.dh, madluumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madluun
m. n.; [abs.]: sad ~ depressed person; sadness; displeasure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madluun
-ah: (adj) sad (saadh)-, depressed (dipareest); moody (muu-dhi); gloomy (guluumi); glum (ga-laam);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madluun
-ka: (magac, lab, keli) nafley dhibaato hayso oo wax tabanaya. Li: farxaan.
madluun -ka: (tilmaame) miskiin aan waxba haysan oo cir iyo dhul meel uu u ciirsado la' cidna garanayn. Dh: miskiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madluun
bw: Arabic
de: sad ~ depressed person; [abs.] sadness; displeasure
lx: madluun
nt: madluun (madluumay) [v1=inch]
pd: (-ka)
ps: n-m
key: madluun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mafsuud
-ka: (magac, lab, keli) eeg mabsuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majnuun
(Majnuun-ka)
Waalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majnuun
m.l (-jaaniin, m.dh) Qof waalan.