manometer
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Manometer
Xoogbeege Manomitor
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadisbeege
Barometer, Manometer
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barometer
Cadaadisbeege
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barometer
Cadaadis beege
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barometer
/baaromitar/ (n) qalab lugu cabbiro cimilada (cadaadiska hawada).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Barometer
Mitir qoyaan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
barometer
/baaromitar/ (n) aaly debeelly kaluulshe i qoboobshe lyky ibbiraw.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Manometre
Cadaadisbeege
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manomètre
manomètre, n.m. - Makiinad lagu qiyaaso xoogga gaaska ama neefta.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Parometer
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
#Anemometer
Animoomitir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anemometer
/anamometer/ (n) qalab lugu cabbiro xawaaraha dabaysha ama hawada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Clinometer
Janjeedh cabbir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanomitir
m.l (-rro, m.dh) (fiisikis) Qalab lagu cabbiro cadaadiska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanomitir
-ka: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro cadaadiska.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manifester
manifester, V. - Qeexid; Mudaaharaadid
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Micrometer
Waxyar qiyaas, mikoomitir
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Planimeter
Cabbire qaablaaweyaal
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ammeter
Ambiyeer beege
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malmener
malmener, v. - Si xun loo sameeyay ama loo habeeyey.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mandater
mandater, v. - Awood siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandheer
(Mandheer-ta)
Xubin kankoonsan oo ilmasideenka gudihiisa ka samaysanta kolka uurka la lee yahay oo uurjifka cunnada siisa; iyada iyo ilmaha waxaa isu haya xarigga xuddunta, dhalmada kaddibna waa ay soo dhacdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandheer
m.dh (cilmiga naflayda) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. la-mid: maldheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandheer
m.dh (cilmiga naflayda) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. la-mid: maldheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandheer
f. n. placenta
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mandheer
-ta: (n) placenta (palasenta)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandheer
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandheer
de: placenta
lx: mandheer
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: mandheer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
odometer
/owhomatar/ (n) saacadda baabuurka ee masaafada xisaabta.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kilometer
Kiilomitir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kilometer
/kilo mitir/ (n) hal kiilomitir (= 1000 mitir)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Kilometer
Kiiloomitar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mahométan
mahométan, adj. - Muxamadiyo; Islaam.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Mahometan
n., Muslim, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Parameter
Baaramitir
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Galvanometer
Galfanoometer
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Calorimeter
Kulbeege
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Dynamometer
Diinamo-qiyaas
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Audiometer
Maqal beege
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
centimeter
/sentametar/ (n) sentimitar, ibbirky dhiirirky. (halkii meter, 100 centimeter ye ly jing eyi).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hydrometer
Cufnaan beeg
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hydrometer
Mitirbiyood
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hygrometer
Huur beeg
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hygrometer
Huur beeg
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hypsometer
Joogbeege
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
innocenter
innocenter, V. - dambilaawe.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manoeuvrer
manoeuvrer, v. - shiraaca doonayha; bad marista; bad maaxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Millimeter
Milimitir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
millimeter
/milamiitar/ (n) halbeegga dhererka (1 meter 1000 millimeters)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Opisometer
Knarildad cabbire
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pantomètre
pantomètre, n.m. - qalab lagu sawiro xagallada iyo xariiqimaha.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Inclinometer
Laxand-Beeg
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magnetometre
Birlabnimobeege
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmeer
(Afmeer-ka)
Wax wareegsan afki; wareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afmeer
afmeer¹: m.l 1. (-rro, m.dh) Af wareegsan; wareeg. 2. la-mid: afmeerid.
afmeer²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Meel iyada oo wax gaar ah laga baarayo aaggeeda hore ku wareegid. 2. Wax afmeer u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afmeer
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Meel iyada oo wax gaar ah laga baarayo aaggeeda hore ku wareegid. 2. Wax afmeer u yeelid. 3. Arrin soo koobid. m.f.dh, afmeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afmeer
m. n., [compound] edge, rim
afmeer v., [compound] go around the edge (of something), skirt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afmeer
(fal) «soo ~» soo gabagabee; soo afjar. Soo afmeer hadalka, arrintu innala sii ballaadhane. Dh: afjar, gabagabee, dhammee.
afmeer: (fal) wax wareegsan soo koob adoo ku soo meeraya. Toban jeer, garoonka soo afmeer.
afmeer -ka: (magac, lab, keli) meeriska u dambeeya ee agabka la tolo sida aloolka, raradhawrta, kebedda iyo masafta. Afmeerkii oo keliya ayaa u hadhay masafta. Dh: meeris, idhan.
afmeer -ka: (magac, lab, keli) doox aad u weyn oo tigaad badan bixiya. Dh: qaali. Wa: afmeerro.
afmeer -ka: (magac, lab, keli) cidhifka ama gooddiga deegaanka reer yaallo; dhulka qoorta ah ee ka faana baxsan oollimaadka beesha. Idinkoo afmeer iyo ka yimi idhanka Gaaroodi. Dh: idhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agmeer
(fal) meel aan ka fogayn, warwareeg.
agmeer-ka: (magac, lab, keli) meel aan ka fogayn, warwareegis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amener
amener, V. - Keenid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
animer
animer, v. - La nooleeyo, Naf la geliyo; Dedejin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
banter
/baantar/ (n) kaftan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
canter
/kanter/ (n) hardaf (orodka fardaha oo kacdinta iyo saqlaha u dhexeeya; orod xawaare dhexe ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
canter
v.., (gallop gently) hardaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dameer
(Dameer-ka, Dameer-ta)
Nafley, gammaanka kamid ah oo dadka la dhaqma; faraskuu u eg yahay wuxuuse lee yahay dhego dheerdheer iyo guud gaaban iyo gafuur cad, midabkiisuna beey buu u badan yahay (ama dabeer, dammeer)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dameer
dameer¹: m.l (-rro, m.dh) Labka gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhegodhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. la-mid: dabeer¹, dammeer¹.
dameer²: m.dh (-ro, m.dh) Dheddigga gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhego dhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. la-mid: dabeer², dammeer².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dameer
dameer¹: m.l (-rro, m.dh) Labka gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhegodhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. la-mid: dammeer.
dameer²: m.dh (-ro, m.dh) Dheddigga gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhego dhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. la-mid: dammeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dameer
m. n. donkey (male), ass
dameer [feminine] n. donkey (female), jenny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dameer
-ka: (n) 1. donkey (dhoonki); ass (aas). 2. stupid person
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
DAMEER
(I) Asino, generico;
(E) Donkey, Jackass
(S) DAMEER (S. g: Damèr)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dameer
-ka: (magac, lab, keli) jaad gammaanka ka mid ah oo la rarto. Dameer ma hadhsado habartiina ma hadhiyo.
dameer -ta: (magac, dhedig, keli) dameeraha tooda dhedig. Dameeri kolba dhaan raacday.
dameer -ta: (magac, dhedig, keli) jaad cayayaanka yaryar ka mid ah oo qolof madow leh. Markay waxoogaa socotoba dabada dhulka ku dhufdhufata. Dameerta waxa la arkaa xilli roobaadka iyo rayska.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dameer
حِمَارِ
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ganter
ganter, v. - gaman gashasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mander
mander, V. - U yeedhis; wacid; isku yeerid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manège
manège, n.m. - Carbinta faraska si loo tababbaro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manger
manger, v. - Cunid.
il y a à boire et à manger - wax isugu jira cabid iyo cunid.
manger ses mots - qof aan si fiican u hadli karin; aan is fasiri karin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
manier
manier, v. - Maaraynta; Dubaridka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mannee
f.mg2 (-neeyay, -neysay) Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. la-mid: minnee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mannee
f.mg2 (-neeyay, -neysay) Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. m.f.dh, manneyn. la-mid: minnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannee
(fal) xad la'aan wax u sii oo ku maashee. Ilaahoow khayraadkaaga nagu mannee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
manner
/maanar/ (n) 1. habka wax u dhacaan ama u qabsoomaan 2. dhaqanka qofka (sida qof u dhaqmo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
manner
n., si, -di, basar, -ki; in this manner, sidaan; do in the same manner, sidii loo sameeyay u samee, in what manner? sidee? (custom) dastuur, -ti; having the same manners, isku talo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mantel
/maantal/mantelpiece;(n) qarka ama xakabadda ka korraysa meesha dabka (dabka fadhiga guryaha lugu shido).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mareer
(Mareer-ka)
Geed weynaada oo aan qodxo lahayn oo miro qurux iyo macaan badani ka baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mareer
m.l 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mareer
m.l 1. Geed qodax lahayn, miro cas oo macaan, oo la cuno caleemo yaryar iyo ulo toosan leh oo geelu aad u jecelyahay. 2. Miraha geedka mareerka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mareer
m. n., [collective] tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MAREER
[MARER, MAREER] Cordia sinensis 06
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAREER
(Maded) All. Som. Cordia sinensis Lam. boraginaceae.
C, NFD, 0g, May, S Cordia ovalis R.Br. Boraginaceae.
NFD Cordia quarensis Querke. Boraginaceae.
S Cordia somaliensis Bak. Boraginaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mareer
-ka: (n) a tree with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mareer
-ka: (magac, lab, keli) eeg madheedh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mareer
de: tree sp.
lx: mareer
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: mareer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
master
/maastar/ (n) 1. sayid (qofka madaxda ah ama loo shaqeeyo) 2. macallin, (bre) (v) 3. si fiican u qaybid (si fiican u barasho, xariif ku noqosho). (adj) 4. khabiir ku ah (ku horreeya).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
master
n., saaxeb, -ki, maqadin, -ki; school-master, mucalim, -ki, fiqi, -gi, bare, -ihi.
master, v.tr., u tali; (subdue) jara bar, layli, dastuur xun karaw.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Matter
Maatar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
matter
/maatar/ (n) 1. maatar (wax la taaban karo lana arki karo) 2. mawduuc; arrin 3. macna leh (muhiimad leh).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
matter
n., (pus) dheecaan, -ki, malax, di; (cause) sabab, -ti, eed, di; what is the matter? eeddu waa maxay? or maxaad leedahay? I make no matter of it, yeelkiisa!
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAYEER
(Mayer) N Euclea schimperi (DC.) Dandy. Ebenaceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
monôme
monôme, n.m. - tarme