mannasheegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mannasheegad
m.l la-mid: mannasheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannasheegad
-ka: (magac, lab, keli) abaal shee gasho anaa waxaa ku siiyay anaa waxaa kuu sameeyey cid lagu yidhaa; cid abaal loo sameeyey oo mar walba loogu faano. Mannasheegadku waa bahdilaad. Dh: mannasheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minnasheegad
m.l la-mid: mannasheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegad
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanadoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mannasheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) Cid u abaalsheegasho. la-mid: minnasheego.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mannasheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) Cid u abaalsheegasho. m.f.dh, mannasheegasho. la-mid: minnasheego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mannasheego
v. be pleased with ~ take pleasure in one's prosperity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mannasheego
a: minnasheego
de: be pleased with ~ take pleasure in one's prosperity (i.e., as granted by God)
lx: mannasheego
pd: (mannasheegtay)
ps: v3b=intr
key: mannasheego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mannasheegasho
m.f.dh eeg mannasheego. la-mid: mannasheegad, minnasheegad, minnasheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannasheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) abaalsheegad oo qof wax horay loo siiyay ugu faanid. Mannasheegasho waa macnadarro. Dh: abaalsheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dansheegad
(Dansheegad-ka)
Dansheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheegad
m.l la-mid: dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheegad
vl. n. proclaming one's interests
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheegad
-ka: (magac, lab, keli) cabasho baahi la sheegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheegad
a: dansheegasho (/da) [vn6-f]
de: proclaming one's interests
lx: dansheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dansheegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minnasheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) la-mid: mannasheego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minnasheego
v. take pleasure in one's own well-being
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minnasheego
de: take pleasure in one's own well-being (granted by God)
lx: minnasheego
pd: (minnasheegtay)
ps: v3b=intr
see: mannasheego
key: minnasheego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
minnasheegasho
m.dh la-mid: mannasheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u mannasheego
v. keep boasting of what one has done for someone; taunt, reproach
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_mannasheego
a: ku mannasheego
de: keep boasting of what one has done for s.o.; taunt, reproach
initial: u
lx: u mannasheego
pd: (mannasheegtay)
ps: v3b=expr
key: u_mannasheego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarsheegad
-ka: (magac, lab, keli) abaalsheegad, qof aad wax u qabtay, u mannasheegad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsheegad
-ka: (magac, lab, keli) qof haybtiisa iyo waxa uu yahay sheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalsheegad
-ka: (magac, lab, keli) mannasheegad uu ruux wanaag hore qof kale uu sheegashadiisa ku dhibo. Dh: mannasheegad, abaalsheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) raadinta aargudashada xumaan hore loo geystay. Dh: aanadoonasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balasheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof balaayo iyo baas mar walba ka warrama oo calaalcal badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danseegid
m.f.dh eeg danseeg². la-mid: danseeg¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danseegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dani ku jirin, ku mashquulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dansheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dansheego
f.mg3 (-gtay, -gatay) U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho. m.f.dh, dansheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dansheego
v. proclaim one's interest in something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dansheego
-dansheegtay / dansheegatay: (v) express your needs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dansheego
(fal) cid kale, danta aad leedahay iyo xogtaada u sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dansheego
de: proclaim one's interest in s.t.
lx: dansheego
pd: (dansheegtay)
ps: v3b=
key: dansheego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageerad
-ka: (magac, lab, keli) wax gaar loo leeyahay xayndaab ku wareejisasho. Maageeradka beertaada ikhtiyaar baad u leedahay: Dh: dayrad. wareejisad, ijaarad, meegaarad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maasheeye
name-m drowner; overwhelmer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhisme qudbad dheer oo dhuuban ah oo masaajidyada laga ag taago aadna loo qurxiyo oo makarafoonnadan la dul saaro. Masjidka mannaarad looma sameyn. Wa: mannaarado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansheeg
m.dh (-gyo, m.l) (dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaansheeg
m.dh (-gyo, m.l) (dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansheeg
f. n. commercial invoice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansheeg
-ga: (n) invoice (in-vooys); bill (bid); invoice of goods shipped or services provided ~ qaansheegto, Ex: shirkaddayadu waxay u dirtay qaansheeg (qaansheegto) bil ka hor; Our company sent him an invoice a month ago
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
QAANSHEEG
Fattura
Central bank
Waa warqad qof, Shirkad, ama Hay'adi, alaab la gatay, ama hawl la qabtay, lacagtood ku weydiisanayso qofkii, Shirkaddii ama Hay'addii alaabta qaadatay, ama hawsha loo qabtay.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qaansheeg
Fattura
Invoice; bill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansheeg
-ta: (magac, dhedig. keli) warqad deymaha lagu qoro oo muddada bixinteedu ay ku caddahay maalin bil sannad iyo wixii la mid ah. Qaansheegta aad amaahaha ku qortay ii keen. Dh: deynsheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansheeg
de: commercial invoice
lx: qaansheeg
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: qaansheeg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sannadeed
n. phr., genetive: annual
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sannadeed
de: annual
initial: s
lx: sannadeed
ps: np-gen
key: sannadeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsheegad
-ka: (magac, lab, keli) qofka oo haybtiisa tilmaama isagoo cabsoonaya ama cid kale ka cabsiinaya. Dh: haybsheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
runsheegid
m.dh Sheegidda xaqiiqada. la-mid: runsheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warsheegid
(Warsheegid-da)
Warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsheegid
m.f.dh eeg warsheeg². la-mid: warsheeg¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxsheegid
m.dh 1. Hadlid. 2. Hamasho. la-mid: waxsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxsheegid
-da: (magac, dhedig, keli) war ama xog kale oo loo baahnaa cid u tebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beensheegid
m.dh Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. la-mid: beensheeg (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beensheegid
-da: (magac, dhedig, keli) been ku warramid; hadal xaqiiqada ka duwan dhihid. Beensheegid ninka caado ka dhigtaa beenaale ayuu noqdaa. Dh: beensheegis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marasheysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: marashiyeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansheegte
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof qaansheeg soo qortay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaansheegte
m. n. creditor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansheegte
-qaansheegtaha: (n) one who sends an invoice or bill to customers; creditor (karedhi-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansheegte
-ha: (magac, lab, keli) qof cid kale deyn ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaansheegte
de: creditor
lx: qaansheegte
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaansheegte
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baas'sheegid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xun oo keliya sheegid. Baas'sheegid iyo belo Allow naga ahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalsheegad
m.l la-mid: itaalsheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalsheegad
(magac, lab, keli) xoogsheegad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan la sheegin
(adj) 1. unannounced (an-anawn-sid) 2. unspecified (an ispe sifaayid) ~ aan la tilmaamin. Ex: wakhti aan la sheegin; unspecified time
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habka dheegid
Inductive Method
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manshashuurid
m.dh la-mid: mashashuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaardhexaad
-ka: (magac, lab, keli) lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka. waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaandheregla'
-da: (magac, dhedig, keli) lafdhabarta geela oo cadka laga jaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaad sheegtey
greeting: How are you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaad_sheegtey
de: How are you? Lit: What did you tell?
lx: maxaad sheegtey
ps: greeting
key: maxaad_sheegtey