mangas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mangas
-ka: (magac, lab, keli) laba birood oo af leh oo dhexda si dabacsan iskaga xidhan oo wax lagu jaro. Xadhigga mangas ku kala jar. Dh: magas, gardhabo. Wa: manqasyo, gonof, suldaaro.
mangas -ka: (magac, lab, keli) hab qofka ordaya lagu legdo oo lugtiisa labada lugood ee ka wax legdaya la dhexgeliyo laguna legdo. Dh: tamco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manqas
(Manqas-ka)
Labo birood oo af leh oo isku xiran oo wax lagu jaro; qardhabe (ama maqas).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manqas
m.l (-syo, m.dh) Laba birood oo isku xiran afna leh oo wax lagu jaro; qardhabo. la-mid: maqas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manqas
m. n. scissors
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Manqas
Forbice
Scissors
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manqas
-ka: (magac, lab, keli) qosol badan iyo ciyaar aan turxaan lahayn. Dh: kaftan, ciyaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manqas
a: maqas
bw: Arabic
de: scissors
lx: manqas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: manqas
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Brachiura genn. spp.
(I) Granchio generico;
(E) Crab, generic;
(S) Cankalo (S. g.: ‘Ankalò); MANGASSEH (S. c. m.: Mangasseh); SULGOOSTO (S. g. Sulgòs, Sulgosto)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fujis
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah qaadka oo laamihiisa salka laga soo googooyo. Dh: rujis.
fujis -ka: (magac, lab, kel) cuntada inta dheriga guntiisa ku dhegta ee kolka laga gurayo laga rujin keri waayo. Dh: gaxadhato, gaxaadhato.
fujis -ka: (magac, lab, keli) ciyaar carruurtu ciyaarto oo faraha oo kolba in la laabo lagu kala badiyo oo loo qaybiyo: bud, mudac mangas iyo seef. Fujiska labo labo ayaa loo ciyaaraa. Dh: hujis.
fujis -ka: (magac, lab, keli) eeg fujin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ciseaux
ciseaux - Magas; mangas; Ka dharka marka la tolayo lagu jarjaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangad
maangad¹: m.l Arrin adag oo caqliga ka weyn.
maangad²: f.mg1 (-day, -dday) Arrin adag oo caqliga ka weyn la kulmid.
maangad³: m.dh Kulayl daran oo nafleydu u adkeysan karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maangad
m.l Arrin adag oo caqliga ka weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangad
-ka: (magac, lab, keli) meel la jeexo oo ciiddana dhan qudha loo rogo oo loogu tala galo in daadku uu maro. Beerta maangad u same biyuhu u soo maraan. Dh: moos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangal
m.l.kh M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maangal
m.l.kh M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maangal
Real
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maangal
m. n., [compound] rational idea, conceivable event
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangal
-ka: (magac, lab, keli) wax garaadka beni'aadanku fahmi karo oo inuu caqligal ayahy uu u arako. Dh: macquul, caqligal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maangal
de: rational idea, conceivable event
lx: maangal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: maangal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mangaal
-ka: (magac, lab, keli) buushiga iyo huubaha ka soo baxa badarka kolka la shiido ama la tumo. Mangaalka xoolaha ayaa loo dhigaa. Dh: mankaal, buushi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agas
(Agas-ka)
Cunno la raacsho qofka dhinta oo xabaasha agteeda lagu cuno; qoriqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agas
m.l Cunto la siiyo dadka aasaya qof dhintay oo qabriga lagu dul cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agas
m.l Cunto la siiyo dadka aasaya qof dhintay oo qabriga lagu dul cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agas
(ereycodeed) erey lagu dhawaaqo marka la muujinayo fajac iyo yaab. Agas! aar muxuu yidhi!
agas -ka: (magac, lab, keli) Quraanka iyo werdiga loo akhriyo qof dhintey. U akhriya agas ragii uu waraabuhu abxadey.
agas-ka: (magac, lab, keli) cunto la raacsho qofka dhinta oo lagu cuno xabaasha dusheeda. Agas badan baa xabaasha la dul keenay. Dh: qori'qaad, axan.
agas -ka: (magac, lab, keli) geerida iyo dhimashada lafteeda.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Anas
name-m very sociable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maas
(Maas-ka)
1. Harag la megdeeyey.
2. (beer) a) Fil weyn oo aan harame danbe ka soo bixin. b) La falay welise aan wax lagu abuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maas
m.l 1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maas
m.l 1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maas
m. n., (mass n.): leather
maas m. n., [collective] fallow ~ unplanted land; sterile ~ unproductive soil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maas
-ah: (adj) leather (leether) ~ harag. Ex: kabo maas ah; leather shoes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maas
-ka: (magac, lab, keli) beer la rogay oo aad loo jilciyay oo haramo iyo gufiba la salabeeyey Beer maas ah nin leh roobna ugu da'o barwaaqo kama maqna.
maas-ka: (magac, lab, keli) dubbe weyn oo dhagaxa lagu jajabsho oo toban kiiloo iyo wax ka culus ah. Nin buur god ka qodayaa maas kama maarmo. Dh: dubbe
maas -ka: (magac, lab, keli) saan aad loo jilciyay oo kabaha, suumanka iyo wixii la mid ah, laga sameeye. Dh: saan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mana
neg, [conjunction] and ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mana
(conjunction) nor (noor); and not. Ex: ma cadda mana madooba; it is neither white nor black
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mana
de: and ... not
lx: mana
ps: neg + conj
xe: Then I did not and could not refuse anything he asked of me.
xv: Markaa maan diidin mana aan diidi karin wax kasta uu i weydiisto.
key: mana
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angar
angar¹: m.l la-mid: angarid.
angar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Qof meel cidla ah uga tegid. 2. Qof dhibaato ku dhaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angar
(fal) ka tag; ka dhaqaaq.
angar-ka: (magac, lab, keli) ka tegis; ka dhaqaagis. angaran: (tilmaame) mid laga tegey ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lagas
m.l (-gyo, m.dh) (fiisikis) Summad: Lx. halbeegga caalamiga (H.C.) ee iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka 1 luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lagas
-ka: (magac, lab, keli) (halbeeg) summadda (Lx.) halbeegga caalamiga (H.C.) ee lamahuraannimo 537 iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka hal luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magac
(Magac-a)
1. Erey ama tix, qof ama wax kale magac looga dhigay oo loogu yeero.
2. War wanaagsan oo qof u meel mara; caannimo; sharaf; dheg; maqaal.
3. (naxwe) Qayb weyn oo qaybaha hadalka kamid ah: waxay magac u noqon karaan, qof ama nafley ama wax kaleba; waxay kaloo magac u noqdaan, wax la falay ama la falayo ama si la yahay ama sah kolkaas lagu sugan yahay, ... (Guuleed, Maryan, faras, fardo, aqal, aqallo, gabar, oday, wiyil, qansax, run, deeq, dumar, lo', talo, talis, talin, taliye, Soomaali, Carab, Xamar, Afrika, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magac
magac¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero. 2. M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan.
magac²: m.l (-cyo, m.dh) (naxwe) Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iyo wixi lamida), wax aan noolayn (bir, loox iyo wixi lamida) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iyo wixi lamida); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iyo wixi lamida); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iyo wixi lamida); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iyo wixi lamida); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magac
magac¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero. 2. M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan.
magac²: m.l (-cyo, m.dh) (naxwe) Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iyo wixi lamida), wax aan noolayn (bir, loox iyo wixi lamida) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iyo wixi lamida); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iyo wixi lamida); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iyo wixi lamida); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iyo wixi lamida); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magac
m. n. name; title; heading; honor, reputation; noun {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magac
-a: (n) name (neem); noun (nawn)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Magac
Nome
Name
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magac
-a: (magac, lab, keli) wax qof ama neef loo bixiyay kolkuu yaraa oo loogu yeedho isaguna isku yaqaan noolaha kali waxay leeyihiin magac wadareed guud. Magac fooko kuma baxo oo magacaygu waa Madoobe.
magac -a: (magac, lab, keli) ammaan iyo sharaf laguu qiro oo dadku isku sheegaan. Dh: sharaf, qaddarin.
magac-a: (magac, lab, keli) qaybaha naxwaha kuwa ugu muhiimsan ee weedhu ku dhisan tahay wuxuna u soo arooraa wejiyo badan. Faluhu waa magac falka sameeya.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
magac
اسم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magad
m.dh la-mid: meged.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magad
f. n. tanned hide, leather; vegetable substance used in tanning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magad
-da: (n) tannin (taan-nin); a dye used to convert [hide] into leather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magad
-ka: (magac, lab, keli) hab noocyo badan leh oo hargaha dhogorta lagaga xoodhiyo. Woobayntu waa hab magadka ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magad
a: meged
de: tanned hide, leather; vegetable substance used in tanning
lx: magad
pd: (-da Pl: magdo (/ha))
ps: n3-f
key: magad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magan
(Magan-ta)
Qof tabar yar oo qof kale ama cid kale oo xoog leh ku tirsan oo ku hoos nool oo aan loo soo mari karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magan
m.dh 1. Badbaadinta la siiyo cid tabar darran. 2. Qof tabar darran oo qof kale ku tiirsan si uu badbaado u helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magan
m.dh 1. Badbaadinta la siiyo cid tabar darran. 2. Qof tabar darran oo qof kale ku tiirsan si uu badbaado u helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magan
f. n. refuge, sanctuary, protection, asylum; fugitive
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAGAN
(Magan) N Cardiospermum halicacabum L. Sapindaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Magan
name-m refuge. Lit: he who is a refugee to Allah
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magan
-ta: (n) asylum (asaaylam); refuge (refyuuj); protection (pro-tak-shari) ~ magangalyo. Ex: anuu magan ii yahay; he is under my protection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Magan
magac loo bixiyo wiil la rajaynyo inuu eebbe ku xidhnaado oo uu magan u ahaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magan
-ta: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo tabar yar oo cid ka itaal roon ku tiirsan oo ku hoos nool. Dad magan ah lama laayo. Dh: maganti.
magan -ta: (magac, dhedig, keli) xilli colaadeed qofka ciddii dagaalka kula jirtay qof ka mid ah badbaado weydiista isagoon hub sidan. Ninkii wuxu yidhi magan baan nii ahaye ha idilina.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magan
de: refuge, sanctuary, protection, asylum; [ext.] fugitive
lx: magan
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: magan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
magan
أمان
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magar
-ka: (magac, lab, keli) xadhig tidcan oo gaaban oo muurka jeenyaha hore lagaga xido si aanay u baxsan. Dameerka magarka ha ku adkayne ku seetee. Dh: dabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magay
(Magay-ga)
God biyuhu galaan oo ka samaysma dhulka caadda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magay
m.l (magay, m.dh) God biyuhu galaan oo ka sameysmaan dhulka caadda ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magay
m. n. waterhole, hollow in the earth (that fills with water)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magay
[past tense of mag] see also [eeg] mag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magay
-ga: (magac, lab, keli) meel biyo qabatin ah oo daadku qoday. Magaygiyo dhijaamahaa xarfanaaya xareed. Dh: god, dhijaan, jidhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magay
de: waterhole, hollow in the earth (that fills with water)
lx: magay
pd: (-ga Pl: magay (da))
ps: n5-m
key: magay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magid. magitaan -ka: (magac, lab, keli) eeg magid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makas
(Makas-ta)
Dadka intiisa aan cilmiga iyo aqoonta badan lahayn; caamo; maangaab; jaahil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makas
m.dh.u 1. Dadka inta garashadoodu gaabantahay; maangaab; caamo. 2. Ilmo aan weli caqli fiican yeelan. la-mid: makasto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
makas
m.dh.u 1. Dadka inta garashadoodu gaabantahay; maangaab; caamo. 2. Ilmo aan weli caqli fiican yeelan. la-mid: makasto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makas
f. n. (adj.): ignorant person; dumb, stupid, childish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makas
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maati.
makas -ta: (magac, dhedig, keli) qof ciyaar badan oo dadka an waxba uga tudhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makas
de: ignorant person; [atr.] dumb, stupid, childish
lx: makas
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: makas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malas
m.dh Raashin yar oo neefka la maalayo loo dhigo si uu u godlado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malas
f. n., [collective] small amount of food given to an animal to soothe it
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malas
de: small amount of food given to an animal to soothe it
lx: malas
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: malas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manad
-ka: (magac, lab, keli) kiish balaastiig, xig, dun iyo wixii la mid ah laga sameeyo oo inta badan konton kiiloo qaada oo raashinka lagu shubo laguna kaydsado. Manad beriis ah iga iibi. Dh: kiish, joonyad, kiintaal.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mange
Cadho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mango
/maangow/ (n) canbe.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mango
Canbe, canbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mango
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maango.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
mania
(n) a mental disorder, characterized by rapidly changing ideas, exaggerated walking stride, increased energy, physical overactivity and confusion.
maskaxda deganayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mania
/meyniya/manias;(n) 1. waalli (jirro maskaxda gasha). 2. ku waalan (wax qof ku waalan yahay oo uu aad u jecel-yahay).
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Manza
(E) Heifer;
(S) HALEN (S. c. m.; Halen); MA RIMmantai (S. c. m.: Ma rimmantai)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqas
(Maqas-ka)
Manqas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqas
m.l la-mid: manqas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqas
m. n. scissors
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqas
-ka: (n) scissors (sizaris); shears (shiyaris) ~ manqas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqas
-ka: (magac, lab, keli) eeg mangas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqas
a: manqas
bw: Arabic
de: scissors
lx: maqas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: maqas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maras
-ta: (magac wadareed) eeg maato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masas
(Masas-ka)
(koox) gooryaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masas
m. n., pl. snakes, reptiles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masas
-ka: (n) (plural of mas -ka] snakes (isneeykis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masas
de: snakes, reptiles Sg: mas (ka)
lx: masas
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl
key: masas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxas
m.dh Dad ama duunyo la itaal yar leh da' ama dhibaato darteed.