mandare
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mandare
v.tr. - dirid, u dirid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
andare
v.intr. - aadid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mancare
v.intr. - maqnaansho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mandate
/maandheyt/ (n) 1. awoodda iyo waajibaadka dawlad ka saaran dadkii doortay (fulinta danahooda) 2. amar-siin (hawl qof lugu waajib yeelo inuu fuliyo).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
comandare
v.tr. - talin, xukumid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
domandare
v.tr. - weyddiin, su'aalid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mandarine
mandarine, n.f. - Liin yaryaroo macaan; mandariino.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rimandare
v.tr. - dib u dhigid, dib u celin, baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandarad
(Mandarad-da)
Muraayad; biladdaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandarad
m.dh (-do, m.l) 1. Muraayad. 2. Guri dabaq ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandarad
f. n. mirror, looking glass; spectacles, eyeglasses
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mandarad
-da: (n) mirror (mirar) ~ muraayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandarad
-da: (magac, dhedig, keli) shay quraarad ballaadhan oo dhinac ka ranjiyeysan ah oo la isku daawado la iskana dhex arko. Kolkaan gadhka iska xiirayo mandarad baan isku eegaa. Dh: muraayad, minyaarad.
mandarad -da: (magac, dhedig, keli) dhisme iskor saarsaaran oo dheer oo aqallo ama xafiisyo ah. Waxan leenahay mandarad labaatan dabaq ah. Dh: bandarad, fooq. Li: buul, daso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandarad
de: mirror, looking glass; [pl] spectacles, eyeglasses
lx: mandarad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: biladdaye, muraayad
key: mandarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandaraq
-a: (magac, lab, keli) eeg madaraq.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mandater
mandater, v. - Awood siin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mangiare
v.tr. - cunid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sbandare
v.intr. - habaabid; baabuur iwm. oo waddada ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madar
(Madar-ka)
Shir; urur; isu'imaad; madal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madar
madar¹: m.l 1. Tooxo yar oo buuro u dhexeysa. 2. Nooc bulukeetiga ka mid ah oo ka samaysan dhoobo iyo caws la isku qallajiyey.
madar²: m.l/dh la-mid: madal¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madar
m.l 1. Tooxo yar oo buuro u dhexeysa. 2. Nooc bulukeetiga ka mid ah oo ka samaysan dhoobo iyo caws la isku qallajiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madar
m. n. meeting, plural, ace; gathering
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madar
name-m kindness, mercy, mercifulness; meeting place, gathering. Lit: he who was born while his kinsmen are gathering or was born at the gathering place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madar
magac loo bixiyo wiil meel lagu kulmo ama lagu shiro ku dhashay ama wiil dhashay xilli reerku shir lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madar
-ka: (magac, lab, keli) dhul xoolo daaqeen ah oo buuralayda iyo banka u dhexeeya. Xoolihii madarka ayay deggen yihiin. Dh: meder, kafar, idhan, aftin.
madar-ka: (magac, lab, keli) roob lagu doogto. Ilaahoow madar khayr qaba na sii. Dh: maddar, roob.
madar-ka: (magac, lab, keli) eeg madal.
madar -ka: (magac, lab, keli) tooxo yar oo buuro u dhexeysa.
madar-ka: (magac, lab, keli) nooc bulukeetiga kat mid ah oo ka samaysan dhoobo iyo caws la isku qallajiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madar
a: madal
de: meeting-place; gathering
lx: madar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: madar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
madre
s.f. - hooyo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
badare
v.intr. - ilaalin, dhowrid, dhaqaalayn; iskajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandar
m.l la-mid: bender.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bandar
m. n. coastal city, port town
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bandar
-ka: (n) port city; port (port); harbor (haar ber) ~ furdo, dekad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandar
-ka: (magac, lab, keli) magaalo ama meel aan miyi ahayn. Dh: magaalo. Li: baadiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bandar
bw: Arabic
de: coastal city, port town
lx: bandar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: bender
key: bandar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
madame
madame, n.f. - Marwo (dumarka eray lagu sharfo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madane
m.l la-mid: maddane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madane
m. n. branding iron
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madane
-ha: (magac, lab, keli) sabarad bir ah oo xoolaha lagu gubo marka la dawaynayo ama la suntayo. Madane qiiqaya ayaa hasha lagu qabtay. Dh: maddane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madane
a: maddane
de: branding iron
lx: madane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: madane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddar
-ka: (magac, lab, keli) eeg madar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahdar
m.l (-rro, m.dh) Musqul; suuli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majare
(Majara-ha)
Dhabbaha ama xarriiqda markabka dhoofsan ama dayuuradda lagu wado oo lagu raawiso; doc; dhinac; jaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majare
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Dhabbe ama xariiq maraakiibta ama dayuuradaha lagu wado. 2. Waddo la maro. 3. 32 xariiqood ee ku yaal diiradda dusheeda middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majare
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Dhabbe ama xariiq maraakiibta ama dayuuradaha lagu wado. 2. Waddo la maro. 3. 32 xariiqood ee ku yaal diiradda dusheeda middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majare
m. n. navigation route, course (of ship), flight path (of plane)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majare
-majaraha: (n) controlling position; commanding or leading position ~ hoggaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majare
-ha: (magac, lab, keli) xadhig fardaha afka laga geliyo oo ninka wadaayi gacanta ku qabto si uu kolba dhinaca uu u leexinayo faraska ugu maamulo. Dh: hoggaan.
majare-ha: (magac, lab, keli) maraakiibta, dayuuradaha iyo wixii la mid ah, garaaddaha kambaska ee muujisa tubta ay ku socdaan oo lagu wado. Markabkii majarihii ayaa cadilmay. Dh: hoggaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majare
de: navigation route, course (of ship), flight path (of plane)
lx: majare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: majare
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
manage
/maanij/ (v) 1. maamulid (maarayn) 2. dabarid (hawl, dhibaato iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
manage
v.tr., tali, ku tali; manage that office, xafiiskaa u tali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandad
(Mandad-da)
Joonyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandad
m.dh (-do, m.l) Shey qaab jawaan leh oo ka samaysan xerko yar yar oo saahan, jawaankana ka qaadweyn, oo lagu shubto badarka, miraha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandad
f. n. sack
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandad
-da: (magac, dhedig, keli) shey qaab jawaan leh oo ka samaysan xerko yar yar oo saahan. jawaankana ka qaadweyn, oo lagu shubto badarka. midhaha iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandad
de: sack
lx: mandad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: joonyad
key: mandad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandal
-ka: (magac, lab, keli) bir farsamayaqaanku tumo oo harqoodyada iyo nugiyada lagu daldalooliyo. Mandal keen aan harqoodka daloolinnee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mandaq
(Mandaq-a)
Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandaq
m.l (fals.) Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandaq
m.l (fals.) Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandaq
m. n. logic; philosophy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mandaq
-a: (n) rationale (raashi-naal); logic (loojik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandaq
-a: (magac, lab, keli) cilmi maskaxda ka ilaaliya inay si qaldan u fikirto oo lagu barto sida wax loo qanciyo iyo falsafadaynta aragtida saxda ah. Saylac waxa lagu baran jiray mandaga iyo balaaqada. Dh: mandiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandaq
bw: Arabic
de: logic; philosophy
lx: mandaq
pd: (-a)
ps: n0-m
key: mandaq
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mandat
mandat, n.m. - Xil.
mandat de la poste - Xawilaad boosto (ku wareejin)
mandat de député - Xildhibaan.
mandat d'arrêt - Xilsaarid qof soo qabashadii
mandat légal - Awood sharci.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mander
mander, V. - U yeedhis; wacid; isku yeerid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
manure
/manur/ (n) saalada xoolaha (digada xoolaha oo badanaa loo adeegsado bacrinta beeraha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardar
(Mardar-ka)
Waran weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardar
m.l (-rro, m.dh) Waran weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardar
m. n. large spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardar
-ka: (magac, lab, keli) eeg mardaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardar
cf: waran
de: large spear
lx: mardar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mardar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masdar
(Masdar-ka)
Mesder.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masdar
m.l (-rro/-saadir, m.dh) (naxwe) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tusaale: “Axmed wuu akhrin karaa”, “Wiilasha way akhrin karaan”. la-mid: mesder.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masdar
m.l (-rro/-saadir, m.dh) (naxwe) Magac-faleedka falka, yacni waa qaab faleed aan ku dhicin isrogrog la xariira tirada, caynta iyo amminkaba; badanaa waxaa la raaciyaa fal ka kaaliya xagga nadooca. Tusaale: Axmed wuu akhrin karaa. Wiilasha way akhrin karaan. m.dh.w, masaadir. la-mid: mesder.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masdar
m. n. verbal noun, gerund; verb root, root word {grammar}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masdar
-ka: (magac, lab, keli) ilaha cilmiga iyo aqoonta loogu noqdo. Dh: maraajic.
masdar -ka: (magac, lab, keli) xididka ama salka erayga marka mawduuca naxwaha la joogo. Dh: mesdar, ereysaleed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masdar
a: mesder
bw: Arabic
de: verbal noun, gerund; verb root, root word {grammar}
lx: masdar
pd: (-ka Pl: masaadir (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: masdar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
menare
v.tr. - kaxayn; garaacid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
minare
v.tr. - miino gelin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sanare
v.tr.- daaweyn, caafimaadin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
bandage
(n)* a strip of fabric or other material used as a protective covering for a wound or other injury.
baandheys ama faashad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bandage
/baandheyj/ (n) faashad. e.g. Put a bandage around your knee.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bandage
Duubashi
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bandage
/baandhej/ (n) faashid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bandage
bandage, n.m. - Baandeys; Maro qaro adag oo meesha jirran lagu duubo; Faashad (maraq).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bandire
v.intr. - ogeysiin rasmi ah; musaafirin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bendare
v.tr. - faashad ku duubid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cantare
v.tr. - heesid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyare
-ha: (magac, lab, keli) qof hanti yar ama caydhba ah oo aan wax badan haysan. Kol haddaan danyare ahay, duunyo ii dareerayn; deldellaadi waa adi. Dh: danlay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
danzare
v.tr. - qoob ka cayaarid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
emanare
v.tr. soo saarid (sharci, iftiin, udug); faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddare
m.l.kh 1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. la-mid: faddaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faddare
m.l.kh 1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. la-mid: faddaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddare
-ha: (magac, lab, keli) wax aan nadiif ahayn oo ay naftu kahato; wax wasakh iyo uskag badan oo ay naftu nacdo. Meesha innaga hagaaji yaanay faddaro noqonin e. Dh: faddaaddo, faddare, nijaas, wassakh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fanfare
/faanfer/ (n) cod-muusig, oo badanaa turumbo laga yeersiiyo kolka qof la soo dhaweynayo ama xaflad iwm, la furayo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fondare
v.tr. - aasaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maddane
(Maddana-ha)
Dhenged bir ah oo xalleefsan oo daab la qabto leh oo xoolaha lagu sunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Bir xalleefsan oo daab la qabto leh oo iyadoo kulul xoolaha lagu sunto. la-mid: madane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maddane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Bir xalleefsan oo daab la qabto leh oo iyadoo kulul xoolaha lagu sunto. la-mid: madane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddane
m. n. branding-iron
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maddane
-maddanaha: (n) a tool for marking the livestock