manaahiij
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manaahiij
m.dh.w eeg manhaj.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manaahiij
f. n., pl. curricula; schedules, programming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
manaahiij
-ta: (n) [ Plural of manhaj-ka] curriculums (ki riik 'alamis) or curricula; courses of study ~ daraasad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manaahiij
-ta: (magacwadareed) agab waxbarasho oo xambaarsan siyaasadaha iyo ujeedooyinka guud ee cidda maalgelisa oo loo dejiyo jihaynta ubadka waxku baranaya. Dh: manhaj.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manaahiij
bw: Arabic
de: curricula; schedules, programming Sg: manhaj
lx: manaahiij
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: manaahiij
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
manhaj
m.l (-naahij, m.dh) Barnaamij wax barasho loo dejiyo. m.dh.w, manaahiij.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manhaj
de: curriculum, program of study, educational course
lx: manhaj
pd: (-ka Pl: manaahiij (ta))
ps: n2a-m, n8-m
xe: educational system
xv: Arabic
key: manhaj
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Makaahiil
name: Michael
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Makaahiil
de: Michael
lx: Makaahiil
ps: name-m
key: Makaahiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqnaadiis
-ka: (magac, lab, keli) cufjiidadka birlabta. Dh: cufisjiidad.
maqnaadiis -ta: (magac, dhedig, keli) birlab macdan ah oo karti u leh jiidashada macdanaha kale ee danabka ay xambaarsan tahi uu ka geddisan yahay keeda. Maqnaadiisku masaabiirta way soo jiidataa. Dh: birlab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashii
(fal) cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadhiin
(Maadhiin-ka)
Buntukh Ingiriis oo xabbad-kelyaale ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadhiin
m.l (-nno, m.dh) Bunduq xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore la isticmaali jiray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadhiin
m. n. English rifle ~ shotgun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadhiin
-ka: (magac, lab, keli) bunduq Ingiriisku samayn jirey oo xabbad keliyaale ahaa. Gabadhi geel iyo qori maadhiin ah ayaa laga keenay
maadhiin: (tilmaame) midab casaan iyo madaw isku jira ah. Sac maadhiin ah ayaa iga hallaabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadhiin
cf: buntukh, harti
de: English rifle ~ shotgun
lx: maadhiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maadhiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashiis
-ka: (magac, lab, keli) qof ay meeli had iyo jeer xanuunto. Wilku maashiis ayuu ku dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaahid
m.dh.w eeg machad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaahid
f. n., pl. institutes, institutions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaahid
bw: Arabic
de: institutes, institutions Sg: machad
lx: macaahid
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: macaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqashii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid war dhagaysiin. la-mid: maqalsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqashii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid war dhagaysiin. m.f.dh, maqashiin. la-mid: maqalsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqashii
ditransitive v. make someone hear something, cause something to be heard by someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqashii
-yey I say: (v) make some one listen or hear ~ maqalsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqashii
(fal) dhawaq cid kale gaadhsii si uu u maqlo. Eedaanka na maqashii. Dh: maqalsii, dhegeysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqashii
de: make s.o. hear s.t., cause s.t. to be heard by s.o. rw: maqal + -sii
lx: maqashii
pd: (maqashiiyey)
ps: v2a=ditr
key: maqashii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaadiiq
m.dh.w eeg buntuq. la-mid: banaatiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banaadiiq
f. n., pl. rifles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
banaadiiq
-da: (n) [plural of buntuq- a] guns (ganis); riffles (raayfelis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banaadiiq
bw: Arabic
de: rifles Sg: bunduq ~ buntukh
lx: banaadiiq
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: banaadiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaatiiq
m.dh.u eeg buntuq. la-mid: banaadiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaasiir
m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaasiir
m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaasiir
f. n., pl. evils [pl.] ; radical, member of the opposition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaasiir
-ta: (n) [plural of cunsur] elements
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaasiir
-ta: (magacwadareed) koox wax kharribta oo aan khayr lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaasiir
bw: Arabic
de: evils [pl]; [fig.] radical, member of the opposition
lx: canaasiir
pd: (-ta Sg: cunsur)
ps: n8-f-pl
key: canaasiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaajiin
m.dh.w eeg fujaan. la-mid: faraajiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaajiin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel yar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu cabbo. Dh: fujaan, koob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabaahiir
(Gabaahiir-ta)
Meel bannaan oo aan waxba ka bixin; gabaaddiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaahiir
m.dh.kh la-mid: gabaaddiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaahiir
m. n. uninhabited place, desert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaahiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gabaaddiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaahiir
cf: cidla'
de: uninhabited place, desert
lx: gabaahiir
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: gabaahiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaahiir
m.dh.w Wadar dad ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaahiir
m.dh.w Wadar dad ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamaahiir
f. n., [collective] mass (of people); masses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaahiir
-ta: (magacwadareed) ururka dad shicibweyne ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamaahiir
bw: Arabic
de: mass (of people); masses
lx: jamaahiir
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: jamaahiir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mabaadii'
-da: (n) Plural of mabda' ~ see also [eeg] mabda'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabaasiir
-ta: (magac, dhedig, keli) cad bukooda oo malawadka ama futada afkeeda hore ka soo baxa oo ciddii yeelata laga jaro. Nin mabaasiir laga jaray ma fadhiisan karo. Dh: bawaasiir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaamiil
-macaamiisha: (n) customers (kas-tamaris); clients (kalaayantis); patrons (peey-taranis) consumers (kon suumarts) ~ macmiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaariif
m.dh.w eeg macruuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaariif
-ta: (magac, dhedig, keli) dad asxaab ah oo xidhiidh iyo saaxiibtinimo ka dhaxayso. Saxiibkay waa nin macaariif badan. Dh: asxaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaa'iix
m.dh.w eeg madiix¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaa'iix
f. n., pl. religious poems
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaa'iix
bw: Arabic
de: religious poems Sg: madiix
lx: madaa'iix
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: madaa'iix
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaafiic
m.dh.w eeg madfac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaafiic
f. n., pl. cannons; field artillery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaafiic
-da: (n) [plural of madfac] large-caliber weapons; such as cannons, howitzers, and artilleries ~ see also [eeg] madfac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaafiic
-da: (magacwadareed) hubka culculus ee taaxinta dheer. Dh: madfacyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaafiic
bw: Arabic
de: cannons; [col] field artillery
lx: madaafiic
pd: (-da Sg: madfac)
ps: n8-f-pl
key: madaafiic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mafaatiix
m.dh.w eeg muftaax.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mafaatiix
-da: (n) [plural of miftaax] keys (kiis) ~ furayaal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaasiin
m. n. warehouse, storage room, magazine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaasiin
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaasaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaasiin
de: warehouse, storage room, magazine
lx: magaasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: bakhaar {Eng}
key: magaasiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaaniin
m.dh.w eeg majnuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaaniin
f. n., pl. crazy ~ mad people
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaaniin
bw: Arabic
de: crazy ~ mad people Sg: majnuun
lx: majaaniin
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: majaaniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaayiin
m.dh.w eeg malyuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaayiin
num, pl. millions; any very large number
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaayiin
-ta: (n) millions (mil-yanis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaayiin
-ta: (magac, dhedig, keli) tirooyin aad u badan oo lambar ahaan loo garanayn oo qiyaastii malyan ka badan. Malaayiin muslimiin ah ayaa sannad walba xajka guta. Dh: malyanno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaayiin
bw: Arabic
de: millions; [ext.] any very large number Sg: malyuun
lx: malaayiin
pd: (-ta)
ps: num-f-pl
key: malaayiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mandariin
m.l Liin xaali. la-mid: mandariini.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mandariin
m.l Liin xaali. la-mid: mandariini.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mandariin
m. n. mandarin orange, tangerine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandariin
-ta: (magac, dhedig, keli) liin yaryar oo aad u macaan oo muuq badan oo ka baxda geed la isku tallaalay liin dhanaan iyo liin macaan. Mandariinta maalin walba waan ku qadeeyaa. Dh: bandariin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mandariin
de: mandarin orange, tangerine {Eng / It}
lx: mandariin
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: mandariin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manganiis
m. n., (mass n.): manganese {chemistry}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manganiis
de: manganese {chemistry} {Eng}
lx: manganiis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-mass
key: manganiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaadiir
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhinaca Rabbi ka qoran oo dhiciddiisa Alle uuni og yahay. Maqaadiir ilaahay keenay cidi ma horjoogsato. Dh: qadder.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaariib
-ta: (magac, dhedig, keli) xilliga gabaldhaca ee maqribka agagaarihiisa ah. Dh: maqrib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaasiin
m.l (-nno/maqaasiin, m.dh) Baqaar. la-mid: makhaasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaasiin
m. n. warehouse, depot, storehouse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaasiin
-ka: (n) magazine (maaga-ziin)-, storehouse ~ makhsin, makhaasiin, bakhaar, maqsin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaasiin
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaasaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaasiin
a: makhaasiin
bw: Arabic
de: warehouse, depot, storehouse
lx: maqaasiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maqaasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaasiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg makhaasiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaawiir
(Maqaawiir-ta)
Dad madax ah; waayeello; qaafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaawiir
m.dh.u Dad xigmad, awood iyo sharaf ku dhantahay oo wax hoggaamin kara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaawiir
m.dh.u Dad xigmad, awood iyo sharaf ku dhantahay oo wax hoggaamin kara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaawiir
f. n., [collective] elders, leaders, important people, notables
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaawiir
-ta: (n) influential members of a tribe, or community; charismatic leaders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaawiir
-ta: (magac, dhedig, keli) dad waawayn oo guurti xeerbeegti ah. Arrinta dhallinta ka qaada oo magaawiir u dhiiba. Dh: qammaamiir, qaafo, cuqaal, duqay, odayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaawiir
bw: Arabic
cf: qaafo; waayeello
de: elders, leaders, important people, notables
lx: maqaawiir
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: maqaawiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqashiin
m.f.dh eeg maqashii. la-mid: maqalsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqashiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawaq dhegaha cid kale gaadhsiin. Makarafoonku waa qalabka ugu wanaagsan magashiinta eedaanka. Dh: maqalsiin, dhegeysiin.