mamnuucitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucitaan
-ka: (magac, lab, keli) joojitaan; wax reebban oon la isku oggolayn ka dhigitaan. Mamnuucitaanka sigaarku waa sax. Dh: diiditaan, joojitaan, reebitaan. Li: oggolaan, saamixitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucnaan
m.f.dh eeg mamnuucan. la-mid: mamnuucnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la mamnuucay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mamnuucan
der. [adjective] prohibited, forbidden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mamnuucan
-mamnuucnaa: (adj) prohibited (poroohibitidh); banned (baanidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucan
(tilmaame) reebban ah; la isku oggolayn ah. Wax mamnuucan ha samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mamnuucan
de: prohibited, forbidden
lx: mamnuucan
pd: (mamnuucnaa)
ps: adj-der
key: mamnuucan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadduucitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef ido ah labada lugood qabasho oo sare u qaadid, labada jeeni oo hore ku socodsiin oo hore u riixid.
dadduucitaan -ka: (magac, lab, keli) qof inuu meel tago diiddan si dhib leh ku kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabsuuditaan
-ka: (magac, lab, keli) farxid kal iyo laab ah. Ducadu waxay la socotaa mabsuuditaanka waalidka. Dh: mustreexitaan, masuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macsuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg casuumad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si jactadan o kala dhaadheer u tolitaan. Tolmaha malluugi taanku wuu foolxumeeyaa. Dh: cuyubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la bakhaylitaan. Mansuugitaanka iska jir waa caado xune. Dh: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masruufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg masruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haanfuuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg haan -fuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaluulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damcitaan
-ka: (magac, lab, keli) si xoog leh oo wax loo jeclaado in wax la hanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucid
m.f.dh eeg mamnuuc².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mamnuucid
-da: (n) prohibition (poroohibishiri); the act of prohibiting ~ maanicid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucid
-da: (magac, dhedig, keli) wax reebban oon cidna loo oggolayn ka dhigid. Dh: celin, joojin. Li: oggolaansho, fasixid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nuugitaan
Absorptivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuugitaan
-ka: (n) the act of absorbing or sucking; absorption (ab soorp-shin) ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) jiiditaan wax dareere ah lagu soo nuugo dhuun ama cabbitaan. Nuugitaanka foostada qanjidhaxanuun ayaa laga qaadaa. Dh: nuugniin.
nuugitaan-ka: (magac, lab, keli) jiqitaanka naaska. Ilmaha labo sano u daa nuugitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuritaan
m.l la-mid: abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg afuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aruubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubitaan
-ka: (magac, lab, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysasho; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubid, afduubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alluubitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax yuubitaan Dh: qalluubidtaan, qayuubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburitaanka walax iyo waxii la mid ah. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baguugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusitaan
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubitaan; mid jactadsan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) martiqaaditaan iyo sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faquuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale oo joogay ama socday, dhinac u jeexitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg maamulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmacitaan
-ka: (magac, lab, keli) isku kabkabitaan oo dhabdhabitaan. Macmacitaanka buugaagtu waa lagama maarmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammacitaan
-ka: (magac, lab, keli) indhaha iyo wejiga ka hanjabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabitaan ama cunno, ka afbuuxsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) cashuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) falluuqidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg masallafitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) shamuumidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha sare wax ka xaadin; badh ka xalluufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucnaansho
m.l/dh 1. eeg mamnuucnow. 2. la-mid: mamnuucaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) canshuur ka qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo iyo wax la mid ah, huube ka miiris. Dh: jarruuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg afurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacitaan
-ka: (magac, lab, keli) kor u qaaditaan labada gacmood wax lagu qaado oo madaxa kor loo dhaafiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, la garramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badcitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubitaan
-ka: (magac, lab, keli) cabsi la cararitaan arwka raran, tuuritaanka rarka. Buubitaanka qaalinka ka ilaali. Dh: diditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuqis iyo bulaamitaan. Buuqitaanka jooji waxba kaama maqnee. buuqniin -ka: (magac, lab, keli) buuqitaanka badan. Qayladiyo buugitaanka nala dhaafa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuritaan
-ka: (magac, lab, keli) buuridda wax. Buuritaan u sooh dawliska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg buusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxitaan
vl. n. overflowing, state of being too full
buuxitaan v. overflow (of a river)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuxitaan
-ka: (n) the act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) weel buuxa ahaan. Buuxitaan ku soo qaaday baaldiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caacitaan
-ka: (magac, lab, keli) roob aan laga jirsan ku rafaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damqitaan
-ka: (magac, lab, keli) nabar hore u bukey oo aan weli bogsan waxyeellayn. Dh: xanuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulitaan
vl. n. flight; act of flying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulitaan
-ka: (n) flying (falaaying)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhulka ka kicid oo hawada dhex jibaaxid.
duulitaan-ka: (magac, lab, keli) cid kale oo colaadi idinka dhaxayso, weerar ku qaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulitaan
de: flight; act of flying
lx: duulitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: duulitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) korista meel sare; dusha uga bixitaan. Dh: koritaan. Li: daadegitaan, dhaadhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuritaan
-ka: (magac, lab, keli) huuridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg laacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuditaan
-ka: (magac, lab, keli) socod qunyar ah, luudid ku socosho. Dh: luudniin,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maagitaan
-ka: (magac, lab, keli) joogsad socod ama fal qabashadii laga joogsado oo laga waabto. Marka daad la dul yimaad geelbaa maagitaan lagu yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalitaan
-ka: (magac, lab, keli) naas irmaan caano ka lisitaan. Saca maalitaan baan ula hadhay. Dh: maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhaafitaan; saamixidtaan. Ninka dil ku kacay maaritaan xaq uma leh. Dh: maarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u soocid. Ma laba saacadoodbaad madhitaanka koobka garawga ah ku jirtaa. Dh: xulitaan, soocitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguuraan
-ka: (magac, lab, keli) reer beereley ama baal agar ah oo meesha uu dego muddo dheer aan gu' iyo jilaal midna ka guurin kana baqoolin. Beereleydu waa negaadi maguuraan ah.
maguuraan -ka: (magac, lab, keli) hanti rasmi ah oo meesheeda ka dhaqaaqayn sida guryaha iyo beeraha. Dh: maguurto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mamnuuc_1
bw: Arabic
de: prohibit, forbid, ban
hm: 1
lx: mamnuuc
pd: (mamnuucay)
ps: v1=tr
key: mamnuuc_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mamnuuc_2
de: ban, prohibition, restriction; [atr.] prohibited, forbidden
hm: 2
lx: mamnuuc
pd: (-a)
ps: n2a-m
xe: It is prohibited to send this sort of thing out.
xv: Waa mamnuuc in loo diro wax nocan ah dibedda.
key: mamnuuc_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhiqitaan oo nadiif ka dhigitaan. Shaadhku waa nadiif oo mayritaan uma baahna. Dh: mayrniin, dhaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) guritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murkitaan
-ka: (magac, lab, keli) xoodhitaan oo caleen ama timo ka hoolmitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murxitaan
-ka: (magac, lab, keli) hoolnaan oo dub iyo dirba la'aan. Barastu waa murxitaan jidhka haraggu ka saarmo. Dh: galdhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid meel u socota ku biiritaan oo la socosho.
raacitaan -ka: (magac, lab, keli) jirid oo daranyada ka dhabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarcitaan
-ka: (magac, lab, keli) beeritaan; falitaan.
sarcitaan-ka: (magac, lab, keli) safis; falis; sarcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulitaan
-ka: (magac, lab, keli) isqarin; suulid; qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuritaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo dheer, suulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxitaan
-ka: (magac, lab, keli) dhicid, miyirbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax isdulsaaran ka dhigitaan; wax tuulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaacitaan
-ka: (magac, lab, keli) furuuruc iyo wixii la mid ah, dubka ka soo bixbixitaan; ka soo yaacniin.
yaacitaan -ka: (magac, lab, keli) mar wada ordid; wadajir u cararitaan. Magal dheregtey yaacitaan ka sug. Dh: caymadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuubitaan
-ka: (magac, lab, keli) soo taagitaan; wax yuucan ka dhigid. Aad u yuubitaanka ka daa mudaca. Dh: yuucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusitaan
-ka: (magac, lab, keli) gunuunucitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg alkumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asturitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg asturid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aynabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dananitaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyitaanka fardaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayicitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dayacan oo baylahsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuumnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan lahayn weecweecad lahayn oo sigib tiran u go'naan. Dh: gamuunnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuurnaan
m.dh la-mid: gamuuxnaan.