mamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamid
m.f.dh eeg mam. la-mid: mabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku noqnoqosho oo samaytiisa aad u jeclaan. Dhandhamadi uu dhandhamiyay ayuu mamid ka qaaday Dh: mamis, walfid, hororoobid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amid
/eeymid/ (prep) dhaty, dhattis. The house stood amid the big trees.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amid
amidst, among, amongst, ad., dhex, dhexda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
maid
/meydh/ (n) adeegto (gabar ka adeegta guri ama huteel iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
maid
n., gabadh, -di, ugub, -ki, gashaan, -ti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mami
(fal) welfi oo aad wax u jecleysi. Ninka cuntada ku mami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamid
m.dh la-mid: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad jeclayd, ka xiisadhicis oo noqnoqoshadiisa nicid; ka daalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mabid
m.dh la-mid: maamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madid
m.f.dh eeg mad². la-mid: medid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magid
(Magid-da)
1. Mag bixin, gudid.
2. Qaan ama wax kale oo laysku lee yahay bixin, gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magid
m.f.dh eeg mag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax loo geytay mag siin. Magid lagu heshiis yahay dhib ma leh. Dh: kafalid, magis. Li: bi'in, dafirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malid
m.f.dh eeg mal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamad
-ka: (magac, lab, keli) walfid meel wax lagu bartay lagu sii noqnoqdo in badan. Dh: mamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marid
(Marid-da)
1. Meel socod ku dhaafid, gudbid.
2. Geel maraq naasaha kaga xirid.
3. Marriin ama daliig kale wax ku dunbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marid
m.f.dh eeg mar³. la-mid: mar¹ (4), maris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marid
-da: (magac, dhedig, keli) ido badan habeen keliya wada asoolin. Dh: asoolin, rimin, saarasho, maris.
marid -da: (magac, dhedig, keli) maraq ku xidhid: maraq naasaha hasha kaga duudduubid. Maraq gaaban kuma filla maridda afarta naase ku dheer qaado. Dh: marqid, maris.
marid-da: (magac, dhedig, keli) haylaaq dheer oo maro ama wax kale ah wax dusha kaga duuduubid oo ku wareejin. Dh: duubid, maris.
marid -da: (magac, dhedig, keli) meel socod ku dhaafid. Maridda magaaladu waa igu qallooc. Dh: gudbid, maris.
marid-da: (magac, dhedig, keli) taabasho oo uskagayn. Maridda renjiga qoyan iska jir
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mam
f.mg1 (-may, -mtay) Wax isticmaalkooda caadeeysasho. m.f.dh, mamid. la-mid: mab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku mammanaan oo aad u danayn. Dh: mamid. daddaamin -ta: (magac, dhedig, keli) cid wax ku mamsiin oo jecleysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madqid
-da: (magac, dhedig, keli) ababarsho iyo mamid. Neef ababay madqidi uma laabna. Dh: madqis.
madqid-da: (magac, dhedig, keli) rajo filasho. Madgid fiican uunbaa la fishaa. Dh: rajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax mamay oo welfay ahaan. Mamitaanku iimaan xumuu keenaa. Dh: walfitaan, mamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la barto ku mamid oo mar walba heliddiisa ku dadaalid. Hamuuntu waa walfid fool xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarmid
(Maarmid-da)
(ka maarmid) Wax la'aantooda ama maqnaantoodu ayan cid wax u dhimayn, aan la tebeyn; huri karid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarmid
m.f.dh eeg maaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarmid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka kaaftoomid oo dooniddiisa ka hahid. Ka maarmid qasab ah ayaan alaabtaydii ka maarmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayrmid
m.f.dh eeg mayran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayrmid
-da: (magac, dhedig, keli) uskag ka nadiifoobid; wasakh daahir ka noqosho.
mayrmid -da: (magac, dhedig, keli) biyo ku dhex baabi'id. Midabka shaadhka mayrmidda ka ilaali. Dh: maydhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamid
m.f.dh eeg mitan². la-mid: miltan¹, miltamid, mitan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasmid
(Aasmid-da)
Xabaalmid; duugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasmid
m.f.dh eeg aasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ku rogmid; wax aasamay oo ciidi ku rogmatay noqosho. Ceelka aasmidda ka ilaaliya, dib looma qodi karayee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmid
m.f.dh eeg baran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo badh noqosho. Joonyadda iyada oo buuxda qaad oo barmid ha ku qaadin. Dh: badhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadmid
m.dh la-mid: dedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagmid
m.f.dh eeg dagan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaldamid oo wax dagan noqosho. Dagmidda iska jir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalmid
m.f.dh eeg dalan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddel sidii hore ka muuqaal xun. Gaajada ayaa xoolaha dalmidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damcid
(Damcid-da)
Doonid; rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damcid
m.f.dh eeg damac². la-mid: damac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damcid
-da: (magac, dhedig, keli) doonidda wax ama jeclaysashadiisa. Damcid qarsoon baa ku jirta gabadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damqid
m.dh la-mid: danqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yeelid nabar, dhaawac iyo wixii la mid ah oo hore u bukay oo aan weli bogsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmid
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darmid
(Darmid-da)
Wax wax lagu daray ama ku darmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmid
m.f.dh eeg daran². la-mid: darsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku biirid oo ka mid noqod. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamid
(Dhamid-da)
Cabbidda caanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamid
m.f.dh eeg dhan². la-mid: dhamis, dhamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, afka ku shubasho oo ligid. Caano dhamid mooyee calalis ma laha. Li: calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagmid
m.f.dh eeg fagan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid la fagtay noqod; kolba miiq u saarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmid
m.f.dh eeg fahan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahmid
-da: (n) the act or the fact of understanding or comprehending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u garasho. Dh: kassid, garad, weeleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falmid
(Falmid-da)
1. Wax la falay oo kale, iyadoo aan la taaban, iska noqosho; falan; falow.
2. Is dacar-faalka, aad caloosha uga bixid; dooxmid badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falmid
m.f.dh eeg falan². la-mid: faalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falmid
-da: (magac, dhedig, keli) isdacarbixin ama isdacarfaalid. Falmidda iska jooji.
falmid-da: (magac, dhedig, keli) sixramid ama qof sixran noqosho. Dh: sixramid, falan, falow.
falmid -da: (magac, dhedig, keli) wax ku mormid; wax dood iyo muran ku salaysan garran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farmid
(Farmid-da)
Fartoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farmid
m.dh la-mid: fartoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farmid
vl. n. sending ~ acting on a message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmid
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo amar qaadasho; wax lagu faray fulin.
farmid-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ka sii farcamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farmid
cf: faran
de: sending ~ acting on a message
lx: farmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: farmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gam'id
(Gam'id-da)
Hurdo dhex gelid; seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gam'id
m.f.dh eeg gama'². la-mid: gama'¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gam'id
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hurdo dhex gelid. Dh: seexasho.
gam'id: -da: (magac, dhedig, keli) hurdo gelid; hurdo seexasho. Li: baraarugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamid
-da: (magac, dhedig, keli) feker iyo talo laabta ku hayn.
haamid -da: (magac, dhedig, keli) caleen ama caws majo ama haame ku jarjarid. Haamiddii beertu weli way socotaa. Dh: goyn, jarid, haamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmid
m.f.dh eeg jaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmid
-da: (magac, dhedig, keli) go'id; wax jaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabmid
m.f.dh eeg kaban².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kammid
Kamid (ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kammid
n. phr. one of...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kammid
de: one of... = ka + mid
lx: kammid
ps: np
key: kammid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmid
m.f.dh eeg karan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la mid
n. phr., [expression] equal to ~ the same as something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_mid
de: equal to ~ the same as s.t. See also: lammid
lx: la mid
ps: np-expr
key: la_mid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labmid
m.f.dh eeg laban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laban noqosho oo qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammid
(la + mid)
Aan ka duwaneyn; u eg; la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammid
adj., [expression] equal, the same as
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lammid
de: equal, the same as
lx: lammid
ps: adj-expr
see: mid
key: lammid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmid
m.f.dh eeg laqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka oo dhimasho looga bagayo, tawxiidka u marin, u akhriyid.
laqmid-da: (magac, dhedig, keli) hadal, farriin iyo wixii la mid ah oo qof la farayo, siduu u odhan doono, ugu celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maagid
(Maagid-da)
1. Wax qalloocan oo xumaato la isaga doonayo, cid kula kicid; aabyood; daandaansasho.
2. (”) Biqid; cabsasho; guulmid.
3. Maagasho; diidid.
4. Damcid; doonid; rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maagid
maagid: m.f.dh eeg maag². la-mid: maag¹ (2).
mąagid: m.l eeg mąag². la-mid: mąag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maagid
-da: (magac, dhedig, keli) doonid oo si ikhtiyaar ah go'aan u qaadasho. Maagid tashiimo ku dar. Dh: jeclaysi, doonid, go'aansad.
maagid -da: (magac, dhedig, keli) wax samayntii ka joogsasho. Awrta maagidda waxa ugu wacan cabsi. Dh: waabad, hakad, alaalabiqid.
maagid -da: (magac, dhedig, keli) adyad iyo aflagaado gardarro ah si kas iyo sabab la'aan ah cid kale ula tegid. Maagidda dadka iska daa oo ammaan sii. Dh: xadgudubid, adyadayn, faduulin, gardarraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalid
(Maalid-da)
Neef xoolo ah oo irmaan caano ka lisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalid
m.f.dh eeg maal³. la-mid: maal¹ (3), maalis², maalniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalid
-da: (magac, dhedig, keli) naas irmaan caano ka lisasho. Dh: lisasho, maalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maamin
(Maamin-ta)
1. Maanka wax ku dhisid, ku qorshayn; kujaangoyn; maanka ku raadin, ku baarid, ku garasho; haamin.
2. Fakarid; malayn; mala'awaalid; hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamin
m.f.dh eeg maami. la-mid: maamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maabin.