malluug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malluug
(Malluug-ga)
Muuqaal aan dhab u qeexnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malluug
m.l (-gyo, m.dh) Wax meel fog laga arko oo aan qaabkooda la sixi karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malluug
m. n. blurred image ~ vision, distant profile
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malluug
-ga: (n) outline of an object
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluug
-ga: (magac, lab, keli) khalqiga koonka ku nool oo dhan noole iyo manoolaba. Inta joogta malluugga adaan kuu mashxaradaa. Dh: duni caalam, kown.
malluug-ga: (magac, lab, keli) eeg magallooti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malluug
cf: magallooti
de: blurred image ~ vision, distant profile
lx: malluug
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: malluug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluuge
-ha: (magac, lab, keli) eeg magallooti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maluug
mid ka mid ah koox ama hurin xiddigo ah oo tiradoodu tahay qiyaastii boqol kun oo milyan oo walxood gorraxduna ku jirto. Dh: habarjiid.
maluug-ga: (magac, lab, keli) muuqaal durugsan oo aan la sixi karayn waxa uu yahay oo inta beeraha la dhextaago qof loo ekeysiiyo. Dh: tuhun. Li: hubaal.
maluug -ta: (magac, dhedig, keli) tuhun aan markhaati iyo caddayn kale midna loo hayn. Dh: matatuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalluug
(Dalluug-ga)
Geed weligi cagaar ah oo laamo keliya oo cumur ah iyo caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan yeesha; hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalluug
m.l (dalluug, m.dh) Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalluug
m.l (dalluug, m.dh) Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalluug
m. n. evergreen tree species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalluug
-ta: (n) evergreen tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalluug
-ga: (magac, lab, keli) geed weligii cagaar ah oo laamo keliya oo cumur ah iyo caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan yeesha. Dh: hayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalluug
cf: hayn
de: evergreen tree sp.
lx: dalluug
pd: (-ga)
ps: n5-m
key: dalluug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluud
-da: (magac, dhedig, keli) miid jilicsan oo macaan oo la muudsado. Waxan xaramka ka keenay timir malluud ah. Dh: miid.
malluud -da: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geed dhexaadka oo geelu cuno oo jecelyahay xididkiisana wax lagu dabiibo. Malluudda ayaan wax ku daaweeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluuq
(fal) laba shay iyo wax ka badan isku dhex laaq. Daqiiqda iyo beedka isku malluuq. Dh: laaq, mulaaq. Li: kalasaar.
malluuq: (fal) si foolxun oo karkaran u tol. Irbadda qaado oo adu maluuq waad baran doontaa tolmaha e. Dh: malmalluuq.
malluuq-a: (magac, lab, keli) wax aan si fican isugu duubnayn oo tuuro leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaagsasho
(Hummaagsasha-da)
Arag aan fiicnayn wax ku eegid; malluug aan qeexnayn oo durugsan fiirin; biciriirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magallooti
(Magallooti-ga)
Muuqaal dheer oo aan dhab u qeexnayn; malluug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turmaag
(Turmaag-ga)
Muuqaal ama malluug kor u yuuban, kor u dhereran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turmaagan
Turmaag ah; dhereran, yuuban; malluugan; liqdaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaagsi
-ga: (magac, lab, keli) arag aan fiicnayn wax ku eegid; malluug aan qeexnayn oo durugsan fiirin. Dh: biciriirsasho, hummaagsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaagso
(fal): malluug aanay aragtidiisu qeexnayn oo durugsan si himbiriirsi ah ku eeg. Dh: himbiriirso, biciriirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogajooge
-ha: (magac, lab, keli) hummaag dad loo ekaysiiyo oo beeraha iyo wixii la mid ah lagu taago si looga ilaaliyo shimbiraha iyo dugaagga. Dh: mudutuul, malluug, magalooti.
joogajooge -ha: (magac, lab, keli) saca marka uu ka dhinto ilmuhu, haragga lagu maalo ee ilmaha looga dhigo. Dh: gondaal, buubuule, cucub.
joogajooge-ha: (magac, lab, keli) waqti xidhiidhsan hawl ama socod aan kelfis lahayn. Joogajooge dhaan waa tamuum, joogajooge geel waa wabax, joogajooge dadna waa adhiwad. Dh: kelfis, bobojin, yohoon, tamuum.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magallooti
-ga: (magac, lab, keli) muuqaal dheer oo aan dhab u qeexnayn. Waa maxay magallootiga halkaa ka muuqdaayi. Dh: malluuge, madallool.
magallooti-ga: (magac, lab, keli) muuqaal dad loo ekeysiiyo oo dhar iyo caleen la huwiyo oo beeraha shimbiraha iyo dugaagga lagaga cabsiiyo. Beerta dhexdeeda magallooti ka taag. Dh: madallool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) si jactadan o kala dhaadheer u tolitaan. Tolmaha malluugi taanku wuu foolxumeeyaa. Dh: cuyubitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turmaag
-ga: (magac, lab, keli) muuqaal ama malluug kor u yuuban ama kor u dhereran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turmaagnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) malluugnaan; liqdaarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turmaagnaansho
-ha: (magac, lab, keli) malluugnaansho; liqdaarnaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magallooti
cf: malluug
de: image seen dimly in the distance; [fig.] fantasy
lx: magallooti
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: magallooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahalluug
-ta: (magac, dhedig, keli) isugeynta xiddigaha dayaxu la fadhiisto. Mahalluugtoo isdabotaal, danbo-same habeen tiro, deelleeyda socotaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malluugid
-da: (magac, dhedig, keli) si tuuratuura leh oon isku sinnayn u tolid. Marada malluugidda ka bi'i. Dh: malmalluuqid, cucuyubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matalluug
-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal dad u eg oo meel ka muuqda. Beerta matalluugu samee qof ha la moodee. Dh: magallooti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alluub
(fal) si qalluub ah oo yuuban noqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daluug
v. massage
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DALUUG
(Dalug) S Suaeda fruticosa (L) Forsk. Chenopodiaceae.
S Suaeda micromeris Brenan. Chenopodiaceae.
S Suaeda monoica J.F.Gmel. Chenopodiaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daluug
a: daliig
de: massage
lx: daluug
pd: (daluugay)
ps: v1=
key: daluug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maguug
m.dh 1. Huummaag (qof meel fog jooga). 2. M. ah: xoolo xul ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maguug
m. n. image, shape; profile (seen in the distance)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguug
-ga: (magac, lab, keli) tuurmo dheer oo gacanta wax laga tuuro. Gacanta ayaa i xanuuhaysa oo maguug ma karayo. Dh: murgugaaf.
maguug -ta: (magac, dhedig, keli) huummaagga qof meel fog jooga.
maguug-ta: (magac, dhedig, keli) qaalmo ishin ah oo xul ah oo midna mid ka laadlaadin quruxda iyo sharafta. Hibashada maguugtaa dalaaq looga hirayaaye, hamrashada ka daa yaradku waa gabadh hubkeedii e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maguug
de: image, shape; profile (seen in the distance)
lx: maguug
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: maguug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuq
f.g/f.mg1 (-qay, -qday) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iyo wixi lamida meel ku dhoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maluuq
f.g/f.mg1 (-qay, -qday) 1. Madax timo ka wada xiirid. 2. Ku maluuq subag, dhoob, wasaq iyo wixi lamida meel ku dhoobid. m.f.dh, maluuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maluuq
(fal) Madax timo ka wada xiirid.
maluuq-a: (magac, lab, keli) eeg malluuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masuug
(Masuug-ga)
Dhabcaal; bakhayl; muudal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masuug
masuug¹: m.l 1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah.
masuug²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax ku bakhaylid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masuug
masuug¹: m.l 1. Bakhaylidda wax lagu bakhaylo. 2. M. ah: qof bakhayl ah.
masuug²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax ku bakhaylid. m.f.dh, masuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masuug
m. n., [abstract] avarice, dissatisfaction with one's lot; miser
masuug v.; v: be a miser ~ miserly; be dissatisfied; begrudge something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masuug
-ay -tay: (v) fall short of expectations; feel oneself not to have sufficient, adequate or enough ~ qawad, dhaliil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuug
(fal) saluug oo yarayso. Adoo xalay qaday haddii hal laxoox ah lagu siyo masuug. Dh: saluug. Li: qanac.
masuug: (fal) ku bakhayl oo wax yar ood hayso la waako. Waxaan adigaba kugu fillayn la masuug. Dh: waako, bakhayl.
masuug-ga: (magac, lab, keli) yaraysi cidi wax la siiyaay ay yaraysto oo ay aragto inaanu ku fillayn oo biiro ay u baahan tahay. Dh: saluug. Li: qanac.
masuug -ga: (magac, lab, keli) waakasho lala waakado wax la haysto iyadoo sabab looga dhigayo inaanay ku fillayn. Masuugga iska daa oo waxa had hayso bixi. Dh: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayuug
-ga: (magac, lab, keli) qaraar kaste oo aad la iskugu adkeeyo si loo fuliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullug
-ga: (magac, lab, keli) sixir daran oo aad u adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saluug
(Saluug-ga)
Wax laysa siiyey oo la diido ama laga xumaado inta loo qaato inay yar yihiin; qawad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saluug
saluug¹: m.l Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado.
saluug²: f.g1 (-gay, -gtay) Qof wax la siiyey ka qawadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saluug
saluug¹: m.l Qawadidda qof wax la siiyey ka qawado.
saluug²: f.g1 (-gay, -gtay) Qof wax la siiyey ka qawadid. m.f.dh, saluugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saluug
m. n. refusal of ~ dissatisfaction with something (as a gift)
saluug v. reject, decline; refuse ~ despise a gift
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saluug
-ay / tay: (v) be unwilling to accept or receive something because it fell short of expectations; not meeting expectations; be disappointed. —saluug -a: (n) disappointment (dis-a-pooyn-menty, discontent (dis-kon-teni)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saluug
(fal) diid oo ha oggolaan. Dh: qawed, mansuug, qanbi.
saluug -ga: (magac, lab, keli) wax lagu siiyay ama laguu soo wado oo laga hanweynaado oo la diido. Dh: qawad, mansuug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalluuc
-a: (magac, lab, keli) isqaadqaad ay iswaynayni ku jirto. Baryo iyo is dalluuc la iskuma daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalluun
m.dh God hoos u dheer oo dhuuban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalluun
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hoos u qodan oo aad u dheer. Dalluun waa lagu dhacaa, dekano waa lagu dhintaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falluuq
(fal) gogol ama wax la mid ah duub. Dh: duub, Li: fidi.
falluuq: (fal) wax ama meel, in weyn ka goo, adiga oo gudun iyo wax la mid ah adeegsanaya.
falluuq-a: (magac, lab, keli) gogol iyo wixii la mid ah duubid ama laalaabid. Dh: rafacid.
falluuq-a: (magac, lab, keli) dildillaacinta shay si aan nidaamsanayn oo foolxun kolba dhinac looga gooyo. Qorigii xeedhada laga qori lahaabaad falluuq u yeeshay. Dh: falfalluuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalluun
(Kalluun-ka)
Nafley dhiig qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhex nool: wuxuu lee yahay lafdhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal (qoomishaashyo; waaf) oo uu ka neefsado, iyo dhego (tuuro); qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah (huduf, tebediin, tarraaqad) qaarna waa waaweyn oo waa libaax-badeedka (saraacimo, shiriid, godgoddo) iyo kuwo kale (neberi, geelmaanyo); mallaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalluun
m.l.u (cilmiga naflayda) Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalluun
m.l.u (cilmiga naflayda) Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalluun
m. n. fish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalluun
-ka: (n) fish (fish) ~ mallaay
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kalluun
Pesce
Fish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluun
-ka: (magac, lab, keli) noole dhiig qabow oo noocyo badan leh oo badda ku jira. Dh: mallay. Wa: kalluuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalluun
bw: guduudo {N}
de: fish
lx: kalluun
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
syn: mallaay
key: kalluun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macluum
(tilmaame) la wada yaqaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madluun
madluun¹: m.l 1. M. ah: qof niyad xun oo aan raalli ahayn. 2. Qof la dulmiyey. 3. la-mid: madluumid.
madluun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Qof niyad xun oo aan raalli ahayn noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madluun
madluun¹: m.l 1. M. ah: qof niyad xun oo aan raalli ahayn. 2. Qof la dulmiyey.
madluun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Qof niyad xun oo aan raalli ahayn noqosho. m.f.dh, madluumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madluun
m. n.; [abs.]: sad ~ depressed person; sadness; displeasure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madluun
-ah: (adj) sad (saadh)-, depressed (dipareest); moody (muu-dhi); gloomy (guluumi); glum (ga-laam);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madluun
-ka: (magac, lab, keli) nafley dhibaato hayso oo wax tabanaya. Li: farxaan.
madluun -ka: (tilmaame) miskiin aan waxba haysan oo cir iyo dhul meel uu u ciirsado la' cidna garanayn. Dh: miskiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madluun
bw: Arabic
de: sad ~ depressed person; [abs.] sadness; displeasure
lx: madluun
nt: madluun (madluumay) [v1=inch]
pd: (-ka)
ps: n-m
key: madluun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malcuun
(Malcuun-ka)
1. Qof aad u xun.
2. Xag Ilaah nacaladi kaga dhacday; shayddaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malcuun
m.l 1. M. ah: qof xun. 2. Nacaladi ku dhacday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malcuun
m.l 1. M. ah: qof xun. 2. Nacaladi ku dhacday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malcuun
m. n. evil person, villain; devil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malcuun
-ka: (n) mischief-maker (mis jiif meeker); (iival dhuwer) evildoer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Malcuun
magacyada Shayddaanka midkood. Dh: Shaydaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malcuun
-ka: (magac, lab, keli) mid xun oo cadho ilaahay ku dhacday. Ninka diinta Islaamka ka riddoobaa waa malcuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malcuun
bw: Arabic
de: evil person, villain; devil
lx: malcuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: malcuun
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Malleus
Laf dhegood horaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malyuun
(Malyuun-ka)
1. Kun kumaad; kun meelood oo meeshiiba kun tahay; (1,000,000).
2. Tiro badan; (ama malyan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malyuun
m.l.t. (-nno/-laayiin, m.dh/-uumaad, m.l) Tiro ka kooban kun meelood oo min kun ah; kun kumaad; “1.000.000”. la-mid: malyan, milyan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malyuun
m.l.t. (-nno/-laayiin, m.dh/-uumaad, m.l) Tiro ka kooban kun meelood oo min kun ah; kun kumaad; 1,000,000. m.dh.w, malaayiin. la-mid: malyan, milyan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Malyuun
pr. n., [feminine] Malyun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malyuun
num., [collective] million; very large number
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malyuun
-ka: (n) million (mil'yan); 1,000,000 ~ malyan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malyuun
-ka: (magac, lab, keli) eeg malyan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuug
(fal) cunto ama wax kale oo lagu siiyay saluug oo in laguu biiriyo doon. Mansuug waa laguu biirine. Dh: saluug.
mansuug: (fal) wax ad hayso cid u diid oo kala bakhayl. Lacag la mansuug.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) saluug ama yaraysi wax la isa siiyay ama cunto la yaraysto oo biro la doono. Dh: saluug.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) lexjeclo iyo bakhaylnimo darteed oo cid wax loogu diido. Mansuuggu waa dhagan aan fiicnayn. Dh: bukhli Li: deeqsinimo.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) qof bakhaylah oon waxba ka dhicin. Mansuug miyir wax ugma baxaan. Dh: dhabcaal, bakhayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqluub
-ka: (magac, lab, keli) wejiga kale ee shay dhankiisii qummanaa laga rogay oo si kale loo geddiyay. Hadalka maqluub ayaad u fahamtay, shamiiskana maqluub ayaad u gashan tahay. Dh: cawaj.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayluux
-a: (magac, lab, keli) nooc kalluunka ka mid ah. Mayluuxa xagaagii badda lagama helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalluud
qalluud¹: m.l Si miskiinnimo ah oo la isu muujiyo (qof). la-mid: galluub¹.
qalluud²: f.mg1 (-day, -dday) Si miskiinnimo ah isu muujin (qof). la-mid: galluub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalluud
-ka: (magac, lab, keli) si miskiinnimo ah oo la isu muujiyo (qof). Dh: galluub.
qalluud: (fal) si miskiinnimo ah isu muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalluul
qalluul¹: m.dh Qarsashada cid wax ay qaybinaysay wax ka qarsato.
qalluul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Cid qaybineysay wax ka qarsasho.