malabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malabsasho
(Malabsasha-da)
Carrabka bushimaha ku leefleefid ama soo bixbixin, cunno jacayl darti, (ama malefsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsasho
m.dh la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) milliqsasho oo xiiso iyo jacayl cunto loo qabo darteed carrabka iyo faruuryaha leefleefid. Dh: malabsad, melebsi, milliqsi.
malabsasho -da: (magac, dhedig, keli) malab gurasho. Dhallinyaradu galabta malabsasho ayay buurta ugu baxayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsasho
(Galabsasha-da)
Wax la falay (oo badanaa xun) abaalmariskeed gar u yeelasho, mutaysasho, istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsasho
m.f.dh eeg galabso. la-mid: galabsad, galabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) milay galab ah gaadhis.
galabsasho-da: (magac, dhedig, keli) danbaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsasho
(Halabsasha-da)
Faras kd. fuulid, iyadoo aan rakaabka cagta la saarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsasho
m.f.dh eeg halabso. la-mid: halabsad, halabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) faras iyo wixii la mid ah fuulid iyada oo rakaabyada aan cagta la saarayn. Dh: gammaqabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsasho oo afka ka keensasho. Malaasashada ad weelka malaasanayso ma beelo ba'ay baad ka hadhay. Dh: buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malafsasho
m.f.dh eeg malafso. la-mid: malabsad, malabsasho, malabsi, malafsad, malafsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malafsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeq malafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysasho
m.f.dh eeg malayso. la-mid: malaysad, malaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqabsasho
m.f.dh eeg halqabso. la-mid: halqabsad, halqabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) halqabsi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agabsasho
m.f.dh eeg agabso. la-mid: agabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) taageero iyo kaalmo raadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamsasho
m.f.dh eeg alamso. la-mid: alamsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la cunayo, kolba in weyn dhakhso u liqliqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabsasho
m.f.dh eeg baabso. la-mid: baabsad, baabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baad cid kali leedahay iska suntasho oo kuwaaga ku biirsasho. Dh: duntasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsasho
(Gaabsasha-da)
1. Dherer gaaban u yeelasho.
2. (hadal, kd.) hoos u dhigasho; yaraysasho.
3. Gaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsasho
m.f.dh eeg gaabso. la-mid: gaabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadalka oo cid ay xurgufi idin dhextaallo laga yaraysto; xidhiidh u jaris, qof xun ka gaabsasho ayaa lagaga amaan helaa.
gaabsasho-da: (magac, dhedig, keli) wax dheer oo intii loo baahnaa la le'ekaysiisto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadsasho
m.f.dh eeg maadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maadeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarsasho
(Maarsasha-da)
1. (wax ka maarsasho) cabsasho, biqid.
2. Ka fursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarsasho
m.f.dh eeg maarso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maarsad.
maarsasho -da: (magac, dhedig, keli) ka cabsi maarsasho ayaa ku jirta wiilka yar. Dh: bigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raabsasho
(Raabsasha-da)
Baryaqaadid; calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabsasho
m.f.dh eeg raabso. la-mid: raabsi, raamsasho, raamsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raabsasho
f. n. act of chewing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira calalsasho. Dh: raamsasho, raabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raabsasho
de: act of chewing
lx: raabsasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: raabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabsasho
m.dh la-mid: saabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsasho
(Xaabsasha-da)
Si boob ku jiro, wax u qaadasho; xankakaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsasho
m.f.dh eeg xaabso. la-mid: xaabsad, xaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsasho
-da: (magac, dhedi, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid. Xaabsashada aayar cidi kaama boobaysee. Dh: xankakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) dan la wato cid kaga fajacsiin, ka amankaagiin, ka yaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsasho
m.f.dh eeg balacso. la-mid: balacsad, balacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg balacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsasho
m.f.dh eeg balaqso. la-mid: balaqso, balaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareere kale carrabka ku cabbid. Balaqsashada bisaduhuna way yaqaanaan. Dh: dhabaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsasho
m.f.dh eeg calafso. la-mid: calafsad, calafsi, calfad, calfasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax calaf ka dhigasho. Dh: calafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsasho
m.f.dh eeg calalso. la-mid: calalsad, calalsi, calashad, calashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calalsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsasho
m.f.dh eeg dadabso. la-mid: dadabsad, dadabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) leexsasho ruux aad leexsato. Dh: duufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dala'sasho
m.f.dh eeg dala'so. la-mid: dala'sad, dala'si.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsasho
m.dh la-mid: falkasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) bal ama caw, furfurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabsasho
(Garabsasha-da)
Garab iyo tiir ka dhigasho; kaalmaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsasho
m.dh eeg garabso. la-mid: garabsad, garabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, kaalmaysasho. Dh: gargaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsasho
m.f.dh eeg hagabso. la-mid: hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) arag la'aan socosho. Dh: handalafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakabsasho
m.dh la-mid: hagabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsasho
m.f.dh eeg halacso. la-mid: halacsad, halacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafsasho
m.f.dh eeg jalafso. la-mid: jalafsad, jalafsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidasho aan dusha la saarine, wax la laadlaadsado. Dh: lalansad, laalaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysasho
m.dh la-mid: macaanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaanaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsasho
m.f.dh eeg madalso. la-mid: madalsad, madashad, madalsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) madal ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansasho
-da: (magac, dhedig, keli) tuugsasho; cid wax weydiisasho. Qof magansasho kuugu yimid marka u horraysa madhnaan lama cesho. Dh: magansi, baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsasho
m.dh la-mid: mehersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meher ku xidhasho oo guursasho. Dh: nikaaxasho, guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsasho
m.dh la-mid: maragsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsasho
m.dh la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsasho
(Maraxsasha-da)
Wax dhaqaalaysasho, dib u dhigasho, tashiilasho, kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsasho
m.f.dh eeg maraxso. la-mid: maraxsad, maraxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsasho
-da: (magac, dhedig, kell) eeg madhaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melebsasho
-da: (magac, dhedig, keli) milliqsasho oo xiiso iyo jacayl cunto loo qabo darteed carrabka iyo faruuryaha leefleefid. Dh: malabsad, melebsad, milliqsi.
melebsasho -da: (magac, dhedig, keli) malab gurasho. Dhallinyaradu galabta melebsasho ayay buurta ugu baxayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalaysasho
m.f.dh eeg qalayso. la-mid: qalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacabsasho
m.f.dh egg sacabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sacabka ku qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walacsasho
m.f.dh eeg walacso. la-mid: walacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) walacsi cid inta wax loo fiiqo haddana diidmo faan ku jiro loo diido; hor marmarin cid la hor marmariyo wax ay u baahan tahay in la siiyana loo diido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si aabayeel la'aan ah wax u cunid. Walamsadka waa lagu saxdaa. Dh: qalamsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malabsi
(Malabsi-ga)
Malabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milliqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka iyo faruuryaha leefleefid oo cunto kuu muugata u haliilid. Dh: malabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malabso
bw: miliqso
de: lick one's lips ~ chops
lx: malabso
nt: malabsasho (/da) [vn-f], malabsi (ga) [vn-m]
pd: (malabsaday)
ps: v3a=intr
xv: malafso {C & S}
key: malabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabaysasho
m.f.dh eeg galabayso. la-mid: galabaysad, galabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilaa maalinta gellinkeeda danbe, sugasho. Dh: galabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabaysasho
(Halabaysasha-da)
Halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabaysasho
m.f.dh eeg halabayso. la-mid: halabaysad, halabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) halab yeelad: halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysasho
m.f.dh eeg malaxayso. la-mid: malaxaysad, malaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg malaxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalalabsasho
m.f.dh eeg qalalabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalalabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere weel ku shubasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hubayasho; qalabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabsasho
(Tallaabsasha-da)
Tallaabo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsasho
m.f.dh eeg tallabso. la-mid: tallaabsad, tallaabsi, tillaabsad, tillaab-sasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tallaabsasho
-tallaabsashada: (n) the act of stepping or striding ~ tallaabsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabo ku cabbirasho; tillaabsasho.