malaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaasid
(Malaasid-da)
1. Malaas iyo dhoobo ku wada daboolid.
2. (gaadiidka dagaalka, qol, dhalo, ...) wax adag oo aan xabbadda iyo waxyaalaha qarxadaa karin, ku daboolid, ku qafilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasid
m.f.dh eeg malaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxin oo meel faaruq ah u diidid. Kubbaayadda shaaha ah malaasidda ka daa way bilgane. Dh: buuxin.
malaasid -da: (magac, dhedig, keli) dalool furan wada gufayn oo wada daboolid. Kaashka shimbiraha malaasidda ka daa oo daldalool u yeel. Dh: awdid, gufayn.
malaasid -da: (magac, dhedig, keli) duuduubid oo sida kubbadda goobo uga dhigid. Carruurtu malaasidda dhoobada way ka helaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasmid
m.f.dh eeg malaasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsamid oo wax daf ah noqosho. Taangigu wuu buuxaa oo malaasmidi uma hadhin. Dh: buuxsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) malaaq ka dhigid. Beeshu waxay ku mashquulsan tahay malaaqidda malaaq cusub. Dh: boqrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhababid
(Dhababid-da)
Niibid; malaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibid
(Niibid-da)
Wax meel aad ugu dhejin, ugu nabid, ugu malaasid;.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mari
mari¹: m.dh Lax saddex jeer ama ka badan dhashay.
mari²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin. m.f.dh, marin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
embed
/imbedh/ (v) ku-dhejin, ku malaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaasid
m.f.dh eeg alalaas². la-mid: alalaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaasid
-da: (magac, dhedig, keli) dalamo samayn; farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaashid
(Macaashid-da)
Macaash ka helid; wax ka dheefid; faa'idid; ribxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaashid
m.f.dh eeg macaash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaashid
-da: (magac, dhedig, keli) macaash helid; faa'iido helid. Adoon raasamaalkii hayn macaashid ha doondoonin. Dh: faa'idid, ribxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaakhid
(Malaakhid-da)
Malaakh ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaakhid
m.f.dh eeg malaakh².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaas
(Malaas-ta)
Xaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaas
malaas¹: m.l Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iyo wixi lamida ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.
malaas²: m.dh 1. Dhoobo gaar ah oo madaxa la marsado si ay tiinta u caseeyso; xaraar; tarro. 2. Tin aad u jilicsan.
malaas³: f.g1 (-say, -stay) Wax, wax kale sida dhoobo iyo wixi lamida si wanaagsan ugu dhoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaas
malaas¹: m.l Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iyo wixi lamida ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.
malaas²: m.dh 1. Dhoobo gaar ah oo madaxa la marsado si ay tiinta u caseeyso; xaraar; tarro. 2. Tin aad u jilicsan.
malaas³: f.g1 (-say, -stay) Wax, wax kale sida dhoobo iyo wixi lamida si wanaagsan ugu dhoobid. m.f.dh, malaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaas
f. n. lime dressing for the hair
malaas v. cover with a mixture of lime and clay; smooth, seal off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaas
-ay -tay: (v) plaster (palaas ter) salaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaas
(fal) aad u buuxi oo illaa halka ugu sarraysa gaadhsii. Odayga innoo yimid joonyad u malaas oo sii. Dh: buuxi.
malaas: (fal) dalool ama fur bannaan afka ka dabool oo wax ku xidh. Furta bannaan dhoobo ku malaas. Dh: gufee, awd.
malaas: (fal) duuduub oo wax kuusan ka dhig. Ciid ii malaas aan luxudka dhigee.
malaas -ta: (magac, dhedig, keli) dhagax nuuradeed burbura oo budadiisa reer miyigu madaxa ku nadiifiyaan. Dh: xaraar, nuurad.
malaas -ta: (magac, dhedig, keli) malqaacad af weyn leh oo dheriga lagu walaaqo laguna kala guro. Dh: malqaacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araasid
-da: (magac, lab, keli) sac markaa dhalay meeshuu ku ogaa ilmihiisa tegid, isagoo cod iyo orod samaynaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaasid
(Asaasid-da)
Asaas u yeelid; bilaabid; (ama aasaasid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasid
m.f.dh eeg asaas². la-mid: aasaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaasid
vl. n. act of founding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asaasid
-da: (n) the act of creating or founding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, yagleelid. Dh: aasaasid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaasid
de: act of founding
lx: asaasid
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: asaasid
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MALAASO
(Malaso) S Digitaria acuminatissima Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaaso
(fal) buuxso oo afka ka keen. Caanaha koobka halkaa yaal malaaso. Dh: buuxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malabsi
(Malabsi-ga)
Malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsi
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malafsi
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malafsi
-ga: (magac, lab, keli) kolba meel wax ka cunid. Malafsi ayaad ku nooshay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysi
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg malaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasid
m.dh la-mid: asaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasid
-da: (magac, dhedig, keli) unkidda wax cusub oo la bilaabo. Waxa la oggolaaday aasaasidda xisbi cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basaasid
(Basaasid-da)
1. Jaasuusid.
2. Dufan lays marsho waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasid
m.f.dh eeg basaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasid
-da: (magac, dhedig, keli) bisaarad iyo cawlaan kugu dhaca dhaashixumo awgeed.
basaasid -da: (magac, dhedig, keli) si qarsoodi ah warka uga soo helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaabid
(Dalaabid-da)
Dalqalaad iska aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow¹. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye aadid oo xuduudda ama badaha ka tallaabid. Dh: tallaabid, dhoofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaafid
(Dalaafid-da)
Ayaandarro iyo darxumo ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaafid
m.f.dh eeg dalaaf². la-mid: dalaaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaafid
-da: (magac, dhedig, keli) darxumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaaqid
(Dalaaqid-da)
Xiriirkii guurka jebin; dalaaqihii isu dhixidda iyo isqabiddu ku jaba hayeen ku dhawaaqid; xilafurid; furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaaqid
m.f.dh eeg dalaaq³. la-mid: dalaaq¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalaaqid
vl. n. divorce, annulment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) guur hore u guntamay jebin; ereyo isqabiddii sharciga ahayd ay ku jabayaan, ku dhawaaqid. Dh: furid, xilafurid, furis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalaaqid
de: divorce, annulment
lx: dalaaqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dalaaqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajaasid
(Fajaasid-da)
Nabar fajaas ah, ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajaasid
m.f.dh eeg fajaas². la-mid: fajaas¹ (2), fujaas¹, fujaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qallacaynta awrku mid kale uu miciyaha ku dhufto. Dh: qallac.
fajaasid -da: (magac, dhedig, keli) qof iyo wax la mid ah, qalab bir ah ku garaacid oo ku saafid.
fajaasid -da: (magac, dhedig, keli) shinni dhulka ku daadin. Fajaasidda beertu nin yagaan bay ku roon tahay. Dh: shinniyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaasid
(Hagaasid-da)
Yaraantii, korriimo wanaagsan waayid: hagaas noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaasid
m.f.dh eeg hagaas². la-mid: hagaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaasid
-da: (magac, dhedig, keli) hagaas noqosho; korriimo wanaagsan waayid. Dh: hagaasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaagid
(Halaagid-da)
Baabbi'in; layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaagid
m.f.dh eeg halaag². la-mid: halaag¹ (2), halaajin, halaajis, hallig¹, hallig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'in oo dabargoyn. Dh: halaagis, dabargoyn. Li: badbaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaaqid
(Halaaqid-da)
Unuunufidda badan oo xoolaha qaarkood, siiba lo'da, oo ay doontaan lafo dibadda lagu qubay oo ay ruugaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqid
m.f.dh eeg halaaq². la-mid: halaaq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) unuunufidda badan oo xoolaha qaarkood, siiba lo'da, oo ay ku raadsadaan lafo ay ruugaan.
halaaqid-da: (magac, dhedig, keli) munuusid guryaha iyo xaafadaha dhexdooda. Dh: suunsuumid, ununuufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylada ama cida dheer ee riyaha. Jalaadidda riyuhu waa astaan barwaaqo. Dh: qalaadid. Li: amusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalid
m.f.dh eeg jalaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaahid
m.dh.w eeg machad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaahid
f. n., pl. institutes, institutions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaahid
bw: Arabic
de: institutes, institutions Sg: machad
lx: macaahid
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: macaahid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Maqaaxida jaarka cunto macaanid ayaa looga hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaarid
(Madaarid-da)
1. Hadal cid loogu duurxula hayo, ku hadlid; duurxulid; araarasho.
2. Talalid; taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaarid
m.f.dh eeg madaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cid loogu duurxulayo ku hadlid. Madaaridda jooji oo ujeeddadaada sheeg. Dh: duurxulid araarasho, hordhac.
madaarid -da: (magac, dhedig, keli) sida dameeraha u ciyid. Naga daa madaaridda dameer ma tihide. Dh: ciyid, qaylyid.
madaarid -da: (magac, dhedig, keli) hurdada ku taahid. Waa la hurdaaye madaaridda hoos u dhig. Dh: madaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaagid
(Magaagid-da)
Magaag ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaagid
m.f.dh eeg magaag². la-mid: magaag¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax magaagay oo cunid hilib u baahan ahaan; hilib cuniddii u baahasho; hilib u hamuumid. Dh: saruuradoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makaabid
(Makaabid-da)
Makaab u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabid
m.f.dh eeg makaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaabid
-da: (magac, dhedig, keli) karkaar u samayn; makaab u yeelid. Ceelku makaabid la'aan wuu dumayaa. Dh: karkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaa'ig
(Malaa'ig-ta)
1. (xagga diinta) Uumanka Ilaahay, saddexda ugu caansan, mid kamid ah oo nuurka iyo iftiinka laga abuuray; (labada kale waa jinniga iyo insiga).
2. Heer qaab urursan oo duuban oo aan madax iyo manjo midna ka muuqan, oo xasharaadka kora hayaa maro; wuxuu u dhexeeyaa kolka bahalka ugaxda ka baxo (lullumo, diirdiir, kd.) iyo kolka uu korriimadiisa dhammaysto, oo magac la baxo (balanbaallis, doorshaan, shinni, kaneeco, diqsi, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaa'ig
m.dh 1. Saddexda uun ee caanka ah, kan aan ahayn insiga iyo jinka oo nuurka iyo iftiinka laga abuuray. 2. Heer ka mid ah koritaanka xasharaadka qaarkood oo u dhexeeya heerka diirdiirrada, lullumada iyo wixi lamida iyo heerka ugu dambeeyo ee ay gaaraan. 3. eeg malag¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaa'ig
m.dh 1. Saddexda uun ee caanka ah, kan aan ahayn insiga iyo jinka oo nuurka iyo iftiinka laga abuuray. 2. Heer ka mid ah koritaanka xasharaadka qaarkood oo u dhexeeya heerka diirdiirrada, lullumada iyo wixi lamida iyo heerka ugu dambeeyo ee ay gaaraan. 3. eeg malag¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaa'ig
f. n., pl. angel; angels
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaa'ig
-ta: (n) [Pl. malaa'igaha] angel (an jal) malag, malaa'ik
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaa'ig
makhluuq nuur ka samaysan oo qaybka in la rumeeya ah oon waxba cunin waxna cabbin Ilaahayna joogto u caabuda oon weligood caasiyin hawlo kala duwanna qabta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaa'ig
bw: Arabic
de: angel; [col / pl] angels
lx: malaa'ig
pd: (-ta)
ps: n1-f; n8-f-pl
see: malag
key: malaa'ig
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
malaa'ig
ملك، ملاك، ملائكة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaaqad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maclaqad.