ereyga

makeekiyid

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

makeekiyid

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) kas iyo isyeelyeel fal qaldan u samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

makeeki

DHAFANDHAAF
1

(fal) qalad kas iyo is yeelyeel ku jiro samee.

2

makeeki -ga: (magac, lab, keli) fal qaldan oo ogaan iyo isyeelyeel loo sameeyo. Makeekiga iska daa oo ninweyn noqo. Dh: isyeelyeel.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Akeekamid

DHAFANDHAAF
1

(Akeekamid-da)

2

Hadal akeekan ah, ku hadlid; muran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

akeekamid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg akeekan². la-mid: akeekan¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

akeekanid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) hadal akeekan ah ku hadlid; asaraartamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kalleetiyid

DHAFANDHAAF
1

(Kalleetiyid-da)

2

Kaadi ama wax la mid ah, oo kalleeti ah, sii deyn, dhiijin, ganid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kalleetiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg kalleeti².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kalleetiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) talleejin oo sarajoogga ku kaadiyid. Dh: taleejin, kalleedhin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

makeeko

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) Gogol.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

makeeko

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gogol ama wax lagu fadhiisto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Akhriyid

DHAFANDHAAF
1

(Akhriyid-da)

2

Erey ama hadal qoran kicin; ku dhawaaqid; naqid; marin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

akhriyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg akhri. la-mid: akhrin, akhris.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

akhriyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg akhris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

makeekee

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-keeyay, -keysay) Cid wax ka qarin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

makeekee

DHAFANDHAAF

(fal) cid kale, wax ka qari.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Maleegid

DHAFANDHAAF
1

(Maleegid-da)

2

1. Soohid; samayn; falkin.

3

2. (arrin xun, dhagar) si qarsoon u dhisid, u sababayn, u falkin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maleegid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg maleeg.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maleegid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) maydhax ama dun miiqyadeeda isku marmarid oo wax duuban oo isku curjisan ka dhigid. Xadhigga maleegidiisu dhib ma leh. Dh: maleegis.

2

maleegid -da: (magac, dhedig, keli) qurshayn oo khuddo wax lagu hagardaamaynayo dhigid. Maleegidda shirqoolka way u dhannaayeen. Dh: dubbaridid, habayn. Li: fashilin.

3

maleegid -da: (magac, dhedig, keli) heegan ka dhigid oo dagaal u diyaarin. Maleegidda ciidanka siidhi qudha ayaa ku filan. Dh: diyaarin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Martiyid

DHAFANDHAAF
1

(Martiyid-da)

2

Cid marti u noqosho, martiggelis ka doonid, ku hoyasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

martiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg marti³.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

martiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) cid kale marti ahaan ugu hoyasho. Dh: martiyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

milkiyid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: mulkiyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mulkiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg mulki². la-mid: milkiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mulkiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gacan ku dhigid oo hantiyid. Kol haddaad aqalka iska deggen tahay mulkiyidi ma hadhin. Dh: guddoomid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aweytiyid

DHAFANDHAAF
1

(Aweytiyid-da)

2

Aweyti ku akhriyid; habaarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aweytiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg aweyti.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bakhtiyid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: baqtiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakhtiyid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) noole gaar ahaan xoolaha naftu ka baxdo isaga oo aan la biraynin. Dh: dhimasho, baqtiyid.

2

bakhtiyid -da: (magac, dhedig, keli) demidda dab iyo wax la mid ah oo shidan. Nalka bakhtiyidda ka ilaali. Dh: demid, baqtiyid. Li: hurid, shidmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maleegmid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg maleegan¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maleegmid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) marmid oo wax maleegan noqosho. Maydhaxdu maleegmidda ayay ku soohantaa. Dh: marmid, soohmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Sakatiyid

DHAFANDHAAF
1

(Sakatiyid-da)

2

Baqdin yari gelid, iska garasho; keyrkeyrid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sakatiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg sakati². la-mid: sakatin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sakatiyid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) joogsi bagdin yari ay sababtay.

2

sakatiyid -da: (magac, dhedig, keli) baqdin yar dareemid; wax ka biqid; kayrkayrid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

makhabiyad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aan loo oggoleyn inay guriga ka soo baxdo. Nin aan diinta aad u fahmin ayaa gabadhiisa makhabiyad ka dhiga. Li: faraha laga qaad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Maraaciyid

DHAFANDHAAF
1

(Maraaciyid-da)

2

Xoodaamin jacayl ku jiro; salaaxid; xoodin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maraaciyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg maraaci². la-mid: maraaci¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maraaciyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xoodaamin. Dh: salaaxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maragkicid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg maragkac². la-mid: maragkac¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maragkicid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg maragfurid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tawelliyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) erey afcarbeed ka soo jeeda oo tilmaamaya madax noqosho iyo masuuliyad. Ma meel sheikh tawalleeyey buu... Taarig naag mehershaa!

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mareegxidhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg mareegaxidh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jadeerwicid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jadeerwac². la-mid: jadeerwac¹ (2).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Makhabbiyad

DHAFANDHAAF
1

(Makhabbiyad-da)

2

Maxajabad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

makhabbiyad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) Qof dumar ah oo gurigeeda ku dhowrsan oo aan loo oggoleen in ay dibadda u soo baxdo. la-mid: makhabbiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

makhabbiyad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) Qof dumar ah oo gurigeeda ku dhowrsan oo aan loo oggoleen in ay dibadda u soo baxdo. la-mid: makhabbiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

makhabbiyad

DHAFANDHAAF

f. n. woman living in a small hut (purdah) ~ completely covered

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

makhabbiyad

DHAFANDHAAF
1

a: maxajabad

2

bw: Arabic

3

de: woman living in a small hut (purdah) ~ completely covered (i.e., following Arabic tradition of not exposing any part of the body)

4

lx: makhabbiyad

5

pd: (-da)

6

ps: n1-f

7

key: makhabbiyad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maleewaalid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg mala'awaalid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mareegaxidh

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) xidhxidhidda ama diyaarinta mareegta maqasha lagu xidhxidho. Mareegaxidhka anu ma aqaane Ceebla' u dhiiba. Dh: mareegxidhid.

2

mareegaxidh -ka: (magac, lab, keli) halka mareegta lagu xidho. Mareegaxidhkii wuu qoyaye maqasha geedka geeya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sabeenxirid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg sabeenxir². la-mid: su- beenxirid.

waa la naqliyay ✓