makarumbay
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAKARUMBAY
(Makarumbai) S Solanum hastifolium Dun. Solanaceae.
S Solanum incanum L. Solanaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumay
(fal) lugaha kala saar oo si wanaagsan u joogso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ma rumbaa
question word, [expression] really?, is that so?, is it true?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ma_rumbaa
de: really?, is that so?, is it true?
lx: ma rumbaa
ps: qw-expr
key: ma_rumbaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Qof maskarjab ku dhacay ahaansho. la-mid: maskabjaban, maskabjabsan, maskarjabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjaban
(tilmaame) xeebta u caaryay oo baad iyo biyo midna haysan ah. Dh: maskarjabsan maskarjabi: (fal) dad badda ku qaraqmay biyo iyo baad la'aan berriga u kexee. Maskarjabi dadka oo qayladhaan u dir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarmad
-ka: (magac, lab, keli) ka maarmasho ka maaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marimba
m.dh Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marimba
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakamay
(fal) xakame geli; xakamaha ku xidh. Faraska xakamay oo degdeg u fuul. Dh: xakamee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maarmaan
-ah: see [eeg] lagama maarmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax makaab afka laga saray ahaansho (ceel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makaaban
der. [adjective] fortified by a superstructure (of a well)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaaban
(tilmaame) ceel, bohol iyo wixii la mid ah afka qoryo kaga raaran oo ka dhisan ah. Dh: raaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makaaban
de: fortified by a superstructure (of a well)
lx: makaaban
pd: (makaabnaa)
ps: adj-der
key: makaaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makaraan
(Makaraan-ka)
1. Cadad qori ah oo harag ku jallaadan yahay oo caadaqaateyaashii hore, wiilasha dhasha - kolka wax laga siiyo - u xiri jireen.
2. Qardhaas; xirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaraan
m.l (-nno/makaraan, m.dh) 1. Cadad, qori ah oo dhir gaar ah laga soo jaray, oo harag ku jallaadan oo caadaqaatayaashii hore, kolka wiilasha dhashay wax laga siiyo ay u xiri jireen. 2. Qardhaas; xirsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
makaraan
m.l (-nno/makaraan, m.dh) 1. Cadad, qori ah oo dhir gaar ah laga soo jaray, oo harag ku jallaadan oo caadaqaatayaashii hore, kolka wiilasha dhashay wax laga siiyo ay u xiri jireen. 2. Qardhaas; xirsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makaraan
m. n. amulet
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Makaraan
name-unisex amulet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaraan
-ka: (magac, lab, keli) eeg makaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makaraan
cf: qardhaas, xirsi
de: amulet
lx: makaraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: makaraan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makastay
[question word] did you understand? —makasaysaa? are you understanding?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabay
(fal) dheeldheelli oo mawjadaha badda dartood kolba dhinac u dullaan. Dh: maraabee, leegleego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabay
(fal) khiyaamo iyo daba mar samee. Nin ku aaminay mardabay ha is odhan. Dh: mardabee, khiyaamee, dabamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarumayn
(Faarumayn-ta)
(geel) (u faarumayn) hasha la lisa hayo, lugaha dib ugu bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumayn
m.f.dh eeg faarumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) 'geel' si fiican u joojin oo lugaha kala bixin. Dh: faadhumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxumay
(fal) gabadh kufso; gabadh xoog iyo khasab ugu galmoo; ceebaal gabadh u geyso oo qasab ugu galmoo. Dh: kufso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambay
(fal) wax aanu qof qudh ihi qaadi karin, qof kale la qaad; qof kale la wandaafi. Dh: wandaafi. walaandey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) maskarjaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarxumaan
m.f.dh eeg basarxun. la-mid: basarxumaansho, basarxumi, basarxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) falaad xumaan iyo dhaqan xumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majarahabaw
-ga: (magac, lab, keli) qalad hoggaanka ku yimaad oo khad aan habboonayn lat qaado. Dh: marrinhabaw, qalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjaban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: maskarjaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabid
m.f.dh eeg maskarjab². la-mid: maskabjab¹, maskabjabid, markarjab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjabid
-da: (magac, dhedig, keli) qarqoomid oo berriga u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabin
m.f.dh eeg maskarjabi. la-mid: maskabjabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maskarjabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad badda ku qaraqmay biyo iyo baad la'aan berriga u saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskarjabnaan
m.dh eeg maskarjaban. la-mid: maskabjabnaan, maskabjabnaansho, maskabjabsanaan.