makalnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalnaan
m.f.dh eeg makalan. la-mid: makalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax makalan oo hantaaqo qaba ahaan. Makalnaan waad mutaysatee la meermeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalnaan
m.f.dh eeg maalan. la-mid: maalni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabnaan
m.f.dh eeg makaaban. la-mid: makaabnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) karkaarnaan oo wax afka qoryo kaga raaran ahaan. Ceelashu makaabnaanta ayay ku fiican yihiin. Dh: raarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxlalnaan
m.f.dh eeg maxlalan. la-mid: maxlalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxlalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maxlalasho sameeyey ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax waxyeelo weyn la gaarsiiyey ahaansho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalan
(fal) haltago ha ku gaadho. Haddaad maatilays tahay makalan oo mawdku ha ku qaado. Dh: dhimo.
makalan: (tilmaame) haltago qaba ah; dhibaato gaadhay ah; kambalan. Hadduu muruqa bawdadu ku go'o waad makalantaaye. Dh: hantaaqan, naafaaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakanaan
m.f.dh eeg kakan. la-mid: kaka-naansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kakanaan
to stiffen up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u adag oo qallafsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalnaan
m.f.dh eeg laalan². la-mid: laalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel sare sudhan ahaan. dal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maannaan
(pronoun plus negative) we ... not. Ex: maannaan arag; we didn't see ~ maannu
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Makahaan
name-m very patient; low-tempered
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makaraan
(Makaraan-ka)
1. Cadad qori ah oo harag ku jallaadan yahay oo caadaqaateyaashii hore, wiilasha dhasha - kolka wax laga siiyo - u xiri jireen.
2. Qardhaas; xirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaraan
m.l (-nno/makaraan, m.dh) 1. Cadad, qori ah oo dhir gaar ah laga soo jaray, oo harag ku jallaadan oo caadaqaatayaashii hore, kolka wiilasha dhashay wax laga siiyo ay u xiri jireen. 2. Qardhaas; xirsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
makaraan
m.l (-nno/makaraan, m.dh) 1. Cadad, qori ah oo dhir gaar ah laga soo jaray, oo harag ku jallaadan oo caadaqaatayaashii hore, kolka wiilasha dhashay wax laga siiyo ay u xiri jireen. 2. Qardhaas; xirsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makaraan
m. n. amulet
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Makaraan
name-unisex amulet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaraan
-ka: (magac, lab, keli) eeg makaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makaraan
cf: qardhaas, xirsi
de: amulet
lx: makaraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: makaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax waalan ahaan.
waalnaan -ta: (magac, dhedig, keli) waallida lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaanaan
(Macaanaan-ta)
Wax macaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaanaan
m.f.dh eeg macaan³. la-mid: macaanaansho, macaani (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanaan
f. n., [abstract] sweetness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaanaan
-ta: (n) sweetness (iswiitnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Muus aan bislaan macaanaan ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanaan
a: macaani
de: sweetness
lx: macaanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: macaanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaxnaan
m.f.dh eeg masaxan. la-mid: masaxnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si wanaagsan u masaxan oo nadiif ah ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataxnaan
m.dh la-mid: mutuxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax mutuxan oo qaawan ahaan. Dh: mutuxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalnaansho
m.l/dh la-mid: makalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg makalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsanaan
m.f.dh eeg madalsan. la-mid: madalsanaansho (2), madashanaan, madashanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakaalnaan
m.f.dh eeg shakaalan. la-mid: shakaalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shakaalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalnaan
m.dh la-mid: beddelnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baddalan oo wixii hore ka duwan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalnaan
m.f.dh eeg dąldalan. la-mid: daldalnaansho, deldelnaan, deldelnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax daldalan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalnaan
m.f.dh eeg fashalan². la-mid: fashalnaansho, fashilnaan, fashilnaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fashalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalnaan
(Galaalnaan-ta)
Wax galaalan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalnaan
m.f.dh eeg galaalan. la-mid: galaalnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaalnaan
f. n., [abstract] state of being whitewashed ~ having a white stripe on the head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhakada ama wejiga bar cad ku leh ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaalnaan
de: state of being whitewashed ~ having a white stripe on the head
lx: galaalnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: galaalnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hangalan ahaan. Dh: hengelnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalnaan
m.f.dh eeg haydalan². la-mid: haydalnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkabnaan
(Kabkabnaan-ta)
Wax kabkab leh ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabkabnaan
f. n., [abstract] state of being patched, mended ~ pieced together
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabkabnaan
a: kabkabnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being patched, mended ~ pieced together
lx: kabkabnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: kabkabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalnaan
m.f.dh eeg khatalan³. la-mid: khatalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la khatalay ahaan. Dh: sirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamulnaan
m.dh la-mid: maammulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanacnaan
m.f.dh eeg maanacan. la-mid: maanacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mamnuuc ahaan; wax la maanacay oon la oggolayn ahaan. Maanacnaanta qaadku muddo kooban ayay hirgashy. Dh: mamnuucnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xadaysnaan oo daari lagu garto lahaan. Beeruhu madaysnaan kama maarmaan. Dh: daariyaysnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kebirsanaan oo isla weyni iyo qab la mannaanikhid. madmadnaansho -da: (magac, dhedig, keli) eeg madmadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalaalax
makalaalax¹: m.l.kh M. ah: Qof hurdo laga kiciyay oo aan weli baraarugin.
makalaalax²: f.mg1 (-xay, -xday) Qof hurdo ka kicid isagoon weli bogan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalaalax
-a: (magac, lab, keli) qof hurdo laga kiciyay oo aan weli baraarugin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaasnaan
(Malaasnaan-ta)
Wax malaasan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasnaan
m.f.dh eeg malaasan². la-mid: malaasnaansho, malaasni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaasnaan
f. n., [abstract] state of being dressed with lime; stiff ~ smoothed off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la malaasay ahaan. Malaasnaanta waan ugu imidday uun. Dh: malaasni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaasnaan
de: state of being dressed with lime; stiff ~ smoothed off
lx: malaasnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: malaasnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maldahnaan
(Maldahnaan-ta)
Wax maldahan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maldahnaan
m.f.dh eeg maldahan. la-mid: maldahnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maldahnaan
f. n., [abstract] concealment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maldahnaan
(magac, dhedig, keli) wax maldahan oo sarbeeban ahaan. Nin wayn maldahnaan baa wax loogu sheegaa. Dh: sarbeebnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maldahnaan
de: concealment
lx: maldahnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: maldahnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxmilnaan
m.f.dh eeg maxmilan. la-mid: maxmilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalnaan
m.f.dh eeg milaalan². la-mid: milaalnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalnaan
m.f.dh eeg qafaalan. la-mid: qafaalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la afduubtay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallalnaan
m.f.dh eeg qallalan. la-mid: qallalnaansho, qallayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax engegan ahaan. Saloolkii gallalnaan ayuu ku haldhabaystay Dh: engegnaan.
qallalnaan-ta: (magac, dhedig, keli) wax qombobsan oo isku dheggan ahaan. Gaajo ayaa neefka qallalnaanta ugu wacan. Dh: qombobsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalnaan
(Qasaalnaan-ta)
Wax qasaalan ahaan; mayrnaan; dhaqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalnaan
m.f.dh eeg qasaalan. la-mid: qasaalnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qasaalnaan
f. n., [abstract] cleanness, state of being washed ~ laundered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qasaalan oo la maydhay ahaan. Dharkayga qasaalnaan ayaan ku ogaaye maxaa uskageeyey. Dh: maydhnaan, dhaqnaan. Li: uskagaysnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qasaalnaan
de: cleanness, state of being washed ~ laundered
lx: qasaalnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qasaalnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlalnaan
m.f.dh eeg qawlalan. la-mid: qawlalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg shakalitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalnaan
m.f.dh eeg xabaalan. la-mid: xabaalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax god ku jira oo la aasay ahaan; dhulka hoostiisa ku aasnaan. Dh: aasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaan
m.l Hadal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaan
Common N. word; speech, talk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal ama khudbad meel laga jeediyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaan
a: kalaam
bw: Arabic
de: word; speech, talk
lx: kalaan
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
key: kalaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la lisay ahaansho (neef irmaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalan
der. [adjective] milked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalan
de: milked
lx: maalan
pd: (maalnaa)
ps: adj-der
key: maalan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanan
neg, vl. pron., neg. I ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanan
de: I ... not = ma + aan + aan
lx: maanan
ps: neg + vpro + neg
xe: I would not have gone.
xv: Maanan tegi lahayn.
key: maanan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makaan
(Makaan-ka)
Kob; meel; jago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Hooy; guri. 2. Ilmagaleenka haweenka.