majuujis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuujis
m.l la-mid: majuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maroojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuujiso
f.mg3 (-stay, -satay) Maro iyo wixi lamida oo qoyan maroojin si biyaha looga saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Maro qoyan, liin iyo wixi lamida xoog u maroojin si hooraha ku jiro looga saaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Maro qoyan, liin iyo wixi lamida xoog u maroojin si hooraha ku jiro looga saaro. m.f.dh, majuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majuuji
v. wring out, squeeze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majuuji
-yey / say: (v) squeeze out (iskuwiis awf) ~ maroojis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majuuji
(fal) biyaha ka saar adoo maroojinaya. Bustaha majuuji. Dh: marooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majuuji
de: wring out, squeeze
lx: majuuji
pd: (majuujiyey)
ps: v2a=
key: majuuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maguujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majuujin
(Majuujin-ta)
Wax qoyan xoog gacnaha ugu maroojin, si biyaha ku jiraa uga yimaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuujin
m.f.dh eeg majuuji. la-mid: majuujis, majuujo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan xoog gacmaha ugu maroojin si ay biyuhu uga dhammaadaan. Dh: maroojin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
majuujin
عَصر، ضَغط
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuujis
m.l la-mid: camajuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuujisasho
m.f.dh eeg majuujiso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
squeeze
/skwiis/ (v) 1. tuujin (majuujin) (v) 2. isku ciriiriyid (ku kakabin) (n) 3. maroojis (majuujis) (n) 4. ciriiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muujis
m.l la-mid: muujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muujis
-ta: (magac, lab, keli) wax muuqda oo saani loo arki karo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg aguujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maguuji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tuuryo meel ku gaarsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguuji
(fal) eeg maguugi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuujo
m.dh la-mid: majuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majuujo
-da: (magac, dhedig, keli) maroojinta dharka kolka biyaha laga maroojinayo si loo engejo. Dh: maroojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majuusi
(Majuusi-ga)
Dadka qorraxda ama dabka caabuda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuusi
m.l (dii.) Dadka dabka caabuda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majuusi
m.l (dii.) Dadka dabka caabuda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majuusi
m. n. pagan, heathen; sun-worshipper, fire-worshipper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Majuusi
-ga: (magac, lab, keli) qof cadceed caabuda oo ilaah ka dhigta. Majuusi waa mushrig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majuusi
bw: Arabic
de: pagan, heathen; sun-worshipper, fire-worshipper
lx: majuusi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: majuusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduujis
m.l la-mid: baduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maguujin
m.f.dh eeg maguuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguujin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u tuurid: aad u kaynaanin. Dh: maguujis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xanuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camajuujin
(Camajuujin-ta)
Camcamin; rifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuujin
m.f.dh eeg camajuuji. la-mid: camadhuujin, camajuujis, camanjuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camajuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) rifid oo camcamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. la-mid: camandhuuji, camanjuuji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camajuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. m.f.dh, camajuujin. la-mid: camandhuuji, camanjuuji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camajuuji
v. wrestle someone to the ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camajuuji
(fal) rif oo camcami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camajuuji
de: wrestle s.o. to the ground
lx: camajuuji
pd: (camajuujiyey)
ps: v2a=
syn: camcami
key: camajuuji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halluujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halluujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maacuudis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maacuudin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADUULISO
(Maduliso) May Cissus aphylla Chiov. Vitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majuujsan
(tilmaame) maroojisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruufis
mayruufis¹: m.l la-mid: mayruufin.
mayruufis²: m.dh la-mid: mayruufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xanfuujin. xanfuujisan: (tilmaame) la xanfuujiyey ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camanjuujin
m.dh la-mid: camajuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camanjuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) camajuujin; camcamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hadal, arrin iyo wixi lamida ujeeddadooda caddayn. 2. Wax, wax muuqda ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muuji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hadal, arrin iyo wixi lamida ujeeddadooda caddayn. 2. Wax, wax muuqda ka dhigid. m.f.dh, muujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muuji
v. show, display, indicate, express, reveal, demonstrate, make visible; affirm, base; discover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muuji
-yey / say: (v) indicate (indikeeyt); expose (ikispows); show (shoow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muuji
(fal) ka dhiq wax muuqda oo saani loo arki karo. Sawirkaaga dhegaha muuji. Dh: tus. Li: qari, khabbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muuji
cf: muug; muuq
de: show, display, indicate, express, reveal, demonstrate, make visible; affirm, base; discover
lx: muuji
pd: (muujiyey)
ps: v2a=
key: muuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uujis
m.l la-mid: uujin, uugaw¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguuji
(fal) xoolo iyo wixii la mid ah si degdeg iyo duubni ah u kaxee. Waa gabbal dhacaye, adhiga innaga soo aguuji. Dh: bulli. Li: dalaandali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajuus
(Cajuus-ka)
(erey cay iyo liididi ku jirto) oday xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuus
m.l (-siin/-syo, m.dh) Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cajuus
m.l (-siin/-syo, m.dh) Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajuus
m. n. old man {derogatory}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajuus
-ka: (n) aged man; old man; elderly man [impolite form] ~ oday catatab ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuus
-ka: (magac, lab, keli) oday da' weyn, nin duqoobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajuus
cf: oday
de: old man {derogatory}
lx: cajuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: cajuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuujis
m.l Ceel cabbiddiisa marba cid ama koox loo daayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqis
m.l la-mid: juuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majlis
(Majlis-ka)
1. Meesha la fariisto oo la isugu yimaado.
2. Fadhi; urur; shir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majlis
m.l (-syo/-jaalis, m.dh) 1. Meel fadhi wanaagsan leh oo la iskugu yimaado. 2. Shir wax lagu go'aaniyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majlis
m.l (-syo/-jaalis, m.dh) 1. Meel fadhi wanaagsan leh oo la iskugu yimaado. 2. Shir wax lagu go'aaniyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majlis
m. n. meeting, plural, ace; meeting, assembly, council
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majlis
-ka: (magac, lab, keli) meel la fadhiisto oo la iskugu yimaaddo waana meel inta badan lagu qayilo. Dh: majilis, mijilis, gole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majlis
bw: Arabic
de: meeting-place; meeting, assembly, council traditional gathering place for religious men near a mosque
lx: majlis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: majlis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manuus
-ka: (magac, lab, keli) maararraw bilaa macne ah oo guddafadaha iyo gujufyada la dhex socsocodo. Dh: munuus.
manuus -ka: (magac, lab, keli) qof bilaa macne guddafadaha iyo gujufyada iska dhex socsocda. Ninkii yaraa manuus buu noqday. Dh: munuus.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maquis
Jldhida dhexe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maquis
maquis, n.m. - Hawd; duur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquus
maquus¹: m.l la-mid: muquusid.
maquus²: f.g1 (-say, -stay) la-mid: muquus².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maquus
v. swim under something (water); be immersed under something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maquus
bw: muquus
de: swim under s.t. (water); be immersed under s.t.
lx: maquus
nt: maquus (ka) [vn-m]
pd: (maquusay)
ps: v1=tr
key: maquus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjis
m.l la-mid: merjin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARJIS
(Marjis) S Premna resinosa Schauer. Verbenaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murjis
(Murjis-ka)
1. Waran yar oo af dhuuban leh; (ama murgin).
2. (Murjis-ta) Geed-abaareed buuraha ka baxa oo xoolaha lagu dhacariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murjis
murjis¹: m.l (-syo/murjis, m.dh) Waran yar oo af dhuuban leh.
murjis²: m.dh Geed-abaareed buuraha korkooda ka baxa oo xoolaha lagu dhacariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murjis
m. n. small spear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
murjis
-ka: (n) javelin (jaavalin); a light spear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murjis
-ka: (magac, lab, keli) eeg murjin.
murjis -ta: (magac, dhedig, keli) geed abaareed buuraha ka baxa oo xoolaha lagu dhacariye Xoolaha meel murjis leh u soofi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murjis
de: small spear
lx: murjis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: murjis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muujin
(Muujin-ta)
Wax muuqda ka dhigid; tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muujin
m.f.dh eeg muuji. la-mid: muujis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muujin
vl. n. affirmation, basing; revealing, expression, displaying, illustration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muujin
-ta: (n) indication (indikeeyshan)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Muujin
Illustrazione
Illustration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muuqda oo saani loo arki karo ka dhigid, Dh: tusid, Li: qarin, khabbayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muujin
de: affirmation, basing; revealing, expression, displaying, illustration
lx: muujin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: muujin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
muujin
إِظْهَارِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuujis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nuujin. nuunaas -ka: (magac, lab, keli) hadal calaacal iyo diidmo ah oo hoos loo yidhaa. Dh: gunuunuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suujis
m.l la-mid: suujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuujis
m.l (cilmiga naflayda) Wejiga garaaca wadnaha, marka caloolyarooyinka wadnuhu isku soo ururaan si ay dhiigga ugu tuuraan halbowlayaasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuujis
m.l (cilmiga naflayda) Wejiga garaaca wadnaha, marka caloolyarooyinka wadnuhu isku soo ururaan si ay dhiigga ugu tuuraan halbowlayaasha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tuujin.