mahure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahure
(Mahura-ha)
Aan la huri karin; lamahuraan; lagamamaarmaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahure
m. n. indispensable thing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mahure
magac loo bixiyo wiil laga filayo inuu noqdo lagama maarmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahure
-ha: (magac, lab, keli) eeg mahuraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahure
de: indispensable thing
lx: mahure
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: mahure
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
manure
/manur/ (n) saalada xoolaha (digada xoolaha oo badanaa loo adeegsado bacrinta beeraha).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mature
a., bisil.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hachure
hachure, n.f. - jeexjeex is feedh orda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguure
-ha: (magac, lab, keli) eeg maguuraan.
maguure-ha: (magac, lab, keli) reer aan meelihiisa ka guurin oo ku negi. Reer beeraley waa maguure. Li: reerguuraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahurto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mahuraan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Measure
Qiyaas, cabbir
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
measure
cabbir
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
measure
(v) to determine the dimensions, quantity, or capacity of something,
qiyaas
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
measure
/meshar/ (n) 1. cabbir (cabbiraad) 2. hal-beeg (ama qalab wax lugu cabbiri karo).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Measure
Cabbiraad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
measure
n., geedka lugu qiyaaso, maylin, -ki; take the measure, qiyaas; v.tr., dhudhumi, diraac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafhure
-ha: (magac, lab, keli) qof noloshiisa u quudha qadiyad uu rumaysan yahay. Soomaaligu diinta wuxu u yahay nafhure. Dh: naftiihure.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hure
-ha: (magac, lab, keli) qof niyad wax u baxsha. Dh: deeqsi, gacanfurane. Li: waakade, bakhayl.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mare
/meer/ (n) geenyo (fardaha midda dheddig).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mare
s.f. - bad, maanyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mare
mare, n.f. - Jidhaan (Biyo fariistaan); Dhijaan; Berkedda lagu dabbaasho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mare
n., geenyo, -adi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ahuri
ahuri, adj. - argagax; cabsiin
ahuri, n. - Nacas; doqon
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
azure
/aazar/ (adj) midab buluug ah oo barxan (aan tikh ahayn). e.g. The azure sky.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
azure
n., madow cadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhure
(Dhura-ha)
1. Weel ceelasha biyaha lagaga dhuro.
2. Weel kastoo wax lagu dhuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhure
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Fandhaal weyn. 2. Weel kasta oo wax lagu dhuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhure
m. n. ladle, scoop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhure
-dhuraha: (n) scoop (iskuup); a scoop used taking up water from a well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhure
-ha: (magac, lab, keli) weel u samaysan sida fandhaalka ka se weyn oo lagu walaaqo shuurada. Dh: qudde.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhure
cf: fandhaal, qarsin, qudde
de: ladle, scoop
lx: dhure
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhure
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
madre
s.f. - hooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahar
m.l la-mid: meher.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahar
m. n. marriage contract ~ settlement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahar
-ka: (magac, lab, keli) heshiis sharci ah oo shuruudo iyo xeerar diintu u jidaysay leh oo bilaw u ah dhismaha qoys muslin ah. Dh: meher, nikaax.
mahar -ka: (magac, lab, keli) maal aan xad go'an lahayn oo ninku ku xalaalaysto la guri galka oorida uu guursanayo oo gabadha la guursanayaa xaq u leedahay in la siiyo sharciguna u jideeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahar
a: meher
de: marriage contract ~ settlement (portion that husband gives to the wife in accordance with the agreement stipulated before their marriage)
lx: mahar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mahar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maire
maire, n.m. - Guddoomiyaha Dawladda hoose; Madaxa munashiibiyaha ee ay magaalo leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marre
(Marra-ha)
Quraanka oo suuradihiisa kol la wada akhriyo ama suurad keliya 114 jeer la akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marre
m.l (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. la-mid: marro (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marre
m.l (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. la-mid: marro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marre
m. n. reading of the whole Koran at one session
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marre
-ha: (magac, lab, keli) Qur'aanka oo suuradihiisa kol la wada akhriyo ama suurad keliya 114 jeer la akhriyo. Reerka marre ha loo akhriyo. Dh: xirsixidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marre
a: marro
de: reading of the whole Koran at one session (usually as a ritual to benefit the sick)
lx: marre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: marre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarre
-ha: (magac, lab, keli) qori ka mid ah bunduqyadii hore ee dagaalka. Geeljiraha maarraha sitaa madhiyay geeshkiiye. Dh: bunduq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahabe
mahabe¹: m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Weel aan biyaha ka dusaynin. 2. Ciid aan si fudud biyaha u dhuuqayn.
mahabe²: m.l (jooloji) Dhadhaabaha aan shirqadaha lahayn oo aan biyaha gudbin: tusaale ahaan dhadhaabahaasi biyaha roobka uma oggolaanayaan inay dhex galaan oo ay ka dusaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahabe
mahabe¹: m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Weel aan biyaha ka dusaynin. 2. Ciid aan si fudud biyaha u dhuuqayn.
mahabe²: m.l (jool.) Dhadhaabaha aan shirqadaha lahayn oo aan biyaha gudbin: tusaale ahaan dhadhaabahaasi biyaha roobka uma oggolaanayaan inay dhex galaan oo ay ka dusaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahabe
-ha: (magac, lab, keli) dhagax aanay biyuhu dhex mari karin. Dhoobadu waa camuud ay biyuhu galaan waase mahabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: meheri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahari
v. marry (a woman of a man)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahari
de: marry (a woman of a man)
lx: mahari
pd: (mahariyey)
ps: v2a=tr
see: meheri
key: mahari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahaye
-ha: (magac, lab, keli) qof wixii la weydiiyaba ma hayo uun yidhaa oo wax bixintu ku adag tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maheri
(fal) guurso oo meher ku xidho. Gabadha aad is jeclaateen aabbeheedna ku siiyay maheri Dh: meheri, guurso, nikaaxso. Li: fur.
maheri: (fal) 'sheekh' goob joog ka ahaw ducadana akhri gabadh weligeedii uu nin u meherinayo. Qaadiyoow gabadha meheri. Dh: guuri, nikaaxi. Li: fur.
maheri: (fal) «u ~» gabadh aabbo aad ka tahay nin u guuri. Inantaadu innaka way ku wakiilatee u maheri. Dh: meheri, guuri.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maigre
maigre, adj. - Weyd; Naxiif; Dhumuc yar; Dhuuban.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maître
maître, n.m. - Qofka wax dhiga (Bare Xirfad); Tababare; Taliye haybad sare leh; Macallin; Bare.
maître d'armes - Qofka dadka bara isticmaalka hubka
maître assistant - Kaaliye bare sare (Ninka kaaliyayaalka madaxda u ah)
maître auxiliaire - macalin ku meel gaadh ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majare
(Majara-ha)
Dhabbaha ama xarriiqda markabka dhoofsan ama dayuuradda lagu wado oo lagu raawiso; doc; dhinac; jaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majare
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Dhabbe ama xariiq maraakiibta ama dayuuradaha lagu wado. 2. Waddo la maro. 3. 32 xariiqood ee ku yaal diiradda dusheeda middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majare
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Dhabbe ama xariiq maraakiibta ama dayuuradaha lagu wado. 2. Waddo la maro. 3. 32 xariiqood ee ku yaal diiradda dusheeda middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majare
m. n. navigation route, course (of ship), flight path (of plane)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majare
-majaraha: (n) controlling position; commanding or leading position ~ hoggaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majare
-ha: (magac, lab, keli) xadhig fardaha afka laga geliyo oo ninka wadaayi gacanta ku qabto si uu kolba dhinaca uu u leexinayo faraska ugu maamulo. Dh: hoggaan.
majare-ha: (magac, lab, keli) maraakiibta, dayuuradaha iyo wixii la mid ah, garaaddaha kambaska ee muujisa tubta ay ku socdaan oo lagu wado. Markabkii majarihii ayaa cadilmay. Dh: hoggaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majare
de: navigation route, course (of ship), flight path (of plane)
lx: majare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: majare
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malgré
malgré, prép. - In kastoo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marbre
marbre, n.m. - marmar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
maturo
agg. - bisil; qaangaar ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mesure
mesure, n.f. - Qiyaas; cabbir; la cabbiro.
mesure disciplinaire - qiyaas sharci.
battre la mesure - garaacid marka wax la qiyaasayo
faire bonne mesure - cabirid fiican.
sur mesure - cabiraad.
à mesure que - markii aan...
au fur et à mesure - markii aan...
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nature
/neyjar/ (n) 1. dabeecadda (waxyaabaha dabiiciga ah ee aan dadku samayn, sida dhirta, badda, buuraha iwm). 2. dabciga qofka 3. nooc.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nature
nature, n.f. - dabeecadda; caalamka oo dhan iyo wax kasta oo la abuuray.
payer en nature - isu doorin.
par nature - Dabcan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
nature
n., duunyo, -adi; (temper) abuur, -ki, -ti.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parure
parure, n.f. - kuul.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pâture
pâture, n.f. - cawska, dooga ama naga ay xooluhu cunaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ramure
ramure, n.f. - laamaha geedka
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rayure
rayure, n.f. - nooc kamid ah qoryaha rasaastu ka dhacdo dhibco; xagtin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
saturé
saturé, adj. - buuxa; tif ah
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Armature
Xurbiye
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Armature
Shub
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
armature
armature, n.f. - haykalka
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hachurer
hachurer, v. - jeexjeexid
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hachures
Hashuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhurre
-ha: (magac, lab, keli) eeg gorayacawl.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
immature
/imajuur/immaturity; (adj) aan qaan gaar ahayn (aan baaluqin); waqtigiisii aan gaarin. e.g. He acts like an immature person.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
immature
immature, adj. - aan weli baaluqin; aan qaangaarin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
machoire
machoire, n.f. - fuqa; labada fuq ee afka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magguure
(Magguura-ha)
Aan meeshiisa ka guurin; negi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magguure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Wax aan tirmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magguure
m. n. (adj.): sedentary ~ settled person; immobile; indelible
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magguure
cf: neg
de: sedentary ~ settled person; [atr.] immobile; indelible
lx: magguure
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: magguure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahuraan
(Mahuraan-ka)
Aan laga fursan karin; lamahuraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahuraan
m.l.kh M. ah: wax aan laga fursan karin, lama huraan, lagamammaarmaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahuraan
m.l.kh M. ah: wax aan laga fursan karin, lama huraan, lagamammaarmaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahuraan
m. n. necessity, indispensable thing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahuraan
-ka: (n) something indispensable; necessity (nasesati), necessary (nesasari) ~ lamahuraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahuraan
-ka: (magac, lab, keli) wax lagu khasban yahay oo aan laga maarmayn. Mahuraan waa caws jiilaal. Dh: lamahuraan.
mahuraan -ka: (magac, lab, keli) xigto sogkeeye oo sina looga bixi karin dhalasho iyo dhaadashaba. Xigtadaadu waa mahuraan. Dh: mahurto, qaraabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahuraan
a: lamahuraan
de: necessity, indispensable thing
lx: mahuraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mahuraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makharje
m.l M. ah: harar lagu naqshay midabbo kala duwan oo aan kala soocnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makharje
-ha: (magac, lab, keli) harrar lagu naqshadeeyay midabbo kala duwan oo aan kala soocnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuuri
f.lg2 (-iyay, -isay) la-mid: maquuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuuri
(fal) eeg makhuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuuro
(fal) adu biyaha quus oo isku wada dhex qari. Bal makhuuro haddaad dabaal tagaan. Dh: muquuro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
manicure
/maana kyur/ (n) ciddiyaha iyo faraha ka shaqayntooda (jaridooda, nadiifintooda iwm).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mar hore
adv., time: already, previously; early, before