mahersi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahersi
m.l la-mid: mehersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahersi
-ga: (magac, lab, keli) guursasho oo meher sharci ah ku xidhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maheri
(fal) guurso oo meher ku xidho. Gabadha aad is jeclaateen aabbeheedna ku siiyay maheri Dh: meheri, guurso, nikaaxso. Li: fur.
maheri: (fal) 'sheekh' goob joog ka ahaw ducadana akhri gabadh weligeedii uu nin u meherinayo. Qaadiyoow gabadha meheri. Dh: guuri, nikaaxi. Li: fur.
maheri: (fal) «u ~» gabadh aabbo aad ka tahay nin u guuri. Inantaadu innaka way ku wakiilatee u maheri. Dh: meheri, guuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mehersi
m.l la-mid: mehersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarsi
(Maarsi-ga)
Maarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maarsi
vl. n. doing without
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maarsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maarsi
a: maarsasho (/da) [vn-f]
de: doing without
lx: maarsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: maarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: meheri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahari
v. marry (a woman of a man)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahari
de: marry (a woman of a man)
lx: mahari
pd: (mahariyey)
ps: v2a=tr
see: meheri
key: mahari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meersi
m.l la-mid: meersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meersi
-ga: (magac, lab, keli) xooluhu qeybahay ay u kala dareeraan ama loo kala raaco mid ka mid ah. Dh: qeyb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meheri
f.g2 (-iyay, -isay) Naag si sharci ah nin ugu xirid (guur). la-mid: mahari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meheri
f.g2 (-iyay, -isay) Naag si sharci ah nin ugu xirid (guur). m.f.dh, meherin. la-mid: mahari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meheri
v. marry (a woman of a man); marry off, give in marriage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meheri
-yey: (v) join in marriage; give in marriage; declare husband and wife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meheri
(fal) gabadh aabbo aad ka tahay nin u guuri. Inantaadu way ku wakiilatee meheri. Dh: guuri.
meheri: (fal) guurso oo meher ku xidho. Gabadha aad is jeclaateen aabbeheedna ku siiyay meheri. Dh: guurso, nikaaxso. Li: fur.
meheri: (fal) qaadi ahaan goob joog uga ahaw ducadana akhri gabadh weligeedii uu nin u meherinayo. Dh: guuri, nikaaxi. Li: fur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meheri
a: mahari
de: marry (a woman of a man); marry off, give in marriage
lx: meheri
pd: (meheriyey)
ps: v2a=tr
key: meheri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: meherso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maharso
v. marry (a man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharso
(fal) gabadh meher ku xidho oo sharci ku guurso. Gabadha inta aabbeheed joogo maharso. Dh: meherso, nikaaxso, guurso. Li: fur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maharso
de: marry (a man)
lx: maharso
pd: (maharsaday)
ps: v3a=tr
see: meherso
key: maharso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maherin
-ta: (magac, dhedig, keli) meher ku xidhid oo si sharci ah gabadh nin ugu guurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maneysi
m.l la-mid: maneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maneysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maneysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meherso
f.g3 (-saday, -satay) Naag meher ku xirad. la-mid: maharso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meherso
f.g3 (-saday, -satay) Naag meher ku xirad. m.f.dh, mehersasho. la-mid: maharso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meherso
v. marry, get married to (a man of a woman)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meherso
(fal) gabadh meher ku xidho oo sharci ku guurso. Gabadha inta aabbeheed joogo meherso. Dh: maharso, nikaaxso, guurso. Li: fur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meherso
a: maharso
de: marry, get married to (a man of a woman)
lx: meherso
pd: (mehersaday)
ps: v3a=tr
key: meherso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahmeysi
(Fahmeysi-ga)
Fahmeysad; fahmeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysi
m.l la-mid: maadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maadeysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhaxsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg madhaxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeysi
m.l la-mid: megdeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsad
m.l la-mid: mehersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsad
-ka: (magac, lab, keli) meher ku xidhasho, si sharci ah u guursasho. Dh: mehersad, guursi, nikaaxsi. Li: furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: mehersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsan
(tilmaame) meher ku xidhan yahay oo la nigkaaxsaday ah. Gabadh maharsan meher labaad waa ka xaaraan. Dh: nikaaxsan. Li: dalaaqan, furan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaarsi
(Maqaarsi-ga)
Cid weji u noqosho; qof kale sharafki ama magaci, wax ku doonasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsi
m.l la-mid: maqaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg marmarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maroorsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsi
-ga: (magac, lab, keli) qof kale ujeedde uga hinaasiisasho. Masayrsiga islaanta ma inaad ku dhacdo ayaad uga jeeddaa. Dh: masayrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqsi
-ga: (magac, lab, keli) si basarxumo ah wax u cunid; calashi mashaqmashaq ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mehersad
(Mehersad-ka)
Mehersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mehersad
m.l la-mid: mehersasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mehersad
vl. n. marriage, getting married
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mehersad
-ka: (magac, lab, keli) meher ku xidhasho si sharci ah u guursasho. Dh: guursi, nikaaxsi. Li: furid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mehersad
a: mehersasho (/da) [vn-f], mehersi (ga) [vn-m]
de: marriage, getting married
lx: mehersad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: mehersad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mehersan
La mehershey; la nikaaxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mehersan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ku m.: haweeney meher ku xiranyahay ahaansho. la-mid: maharsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mehersan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ku m.: haweeney meher ku xiranyahay ahaansho. m.f.dh, mehersanaan. la-mid: maharsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mehersan
der. [adjective] married (to someone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mehersan
mehersanayd: (adj) in a married state, especially woman in a married state
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mehersan
(tilmaame) meher ku xidhan yahay oo la nigkaaxsaday ah. Gabadh mehersan meher labaad waa ka xaaraan. Dh: nikaaxsan. Li: dalaaqan, furan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mehersan
a: maharsan
de: married (to s.o.) (with preposition ku)
lx: mehersan
pd: (mehersanaa)
ps: adj-der
key: mehersan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
muóversi
v.rifl. - dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
washensi
m.l.kh Badow; qashiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
washensi
m.l.kh Badow; qashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
washensi
-ga: (magac, lab, keli) qof badow ah. Dh: qashiin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
imbattersi
v.rifl. - la kulmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hers
/hers/ (pron) keeda, wexeeda. e.g. That is my book and hers is over there.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mari
mari¹: m.dh Lax saddex jeer ama ka badan dhashay.
mari²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin. m.f.dh, marin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mari
v. finish (off); empty
mari v. make pass, let, cause ~ allow to pass; drive
mari v. spread, wipe (on), rub with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mari
-yey / say: (v) 1. spread (ispa-reedh); apply (a palaay); rub (rab); smear (ismiiyar); put on ~ dulmari. 2. make something pass through. Ex: hoos mari; pass underneath (an dhar niith) or below. 3. finish (fi nish); use up ~ layso. Ex: cuntada mari; finish the food. 4. destroy; kill, finish ~ laa, laay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mari
(fal) cadar ama barafuun ku buufi. Dadka cadarka u mari.
mari: (fal) idlee oo waxba ha reebin; madhi oo fujuq ka sii. Dh: dhammee, idlee. Li: reeb, daa.
mari: (fal) wax adu ad waddo meel socod ku dhaafi. Awrta waddada cad mari.
mari: (fal) wax kugu yaal meel iskaga masax. Biyaha afka iska mari; siinka gidaarka iska mari. Dh: masax.
mari: (fal) tix gabay ah dadka hortiisa ku dheh. Tix gabay ah noo mari aan ku dhegeysannee. Dh: dheh, akhri.
mari: (fal) arrin sida ay kuula muuqato ama aad u og tahay u dheh. Dh: sheeg.
mari: (fal) mag iska bixi. Mag boqol halaada ah mari. Dh: dhiib.
mari: (fal) wax qoyan meel ku dul dhoob. Nabarka dawadan mari.
mari: (fal) cashar cid u akhri oo u jilci. Suurad ii mari. Dh: dhig. jilci.
mari -da: (magac, dhedig, keli) marag aan buuxin lase sheegto.
mari -da: (magac, dhedig, keli) shinbir ay Soomaalidu u taqaan inay maska, libaaxa iyo malabka sheegto. Dh: bulli.
mari -da: (magac, dhedig, keli) ido laga ilaaliyey sumalxad oo ku beegan xiligay dhali lahaayeen; ido waaweyn inta dhaleysa iyo intaan dhaleynba. Idaha mari iyo baraar u kala sooca. Dh: tirsiis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mari
mari, n.m. - Ninka xaaska leh; Ninka naagta qaba.
homme très attaché à sa femme. - Ninka naagtiisa aad u jecel.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mars
Mariikh
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mars
mars, n.m. - Bisha saddexaad ee sannadka; Maarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsi
m. n. revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsi
-ga: (n) retaliation {ritaali-yeeyshin); revenge (ri veenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka~ eeg aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsi
de: revenge
lx: aarsi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aarsi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ahuri
ahuri, adj. - argagax; cabsiin
ahuri, n. - Nacas; doqon
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chéri
chéri, adj. - Malab; Qaali; La jecel yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dahri
m. n. back; pack animal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dahri
bw: Arabic
de: back; pack animal
lx: dahri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dahri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darsi
(Darsi-ga)
Darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsi
m.l la-mid: darsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darsi
vl. n. act of scooping up
darsi m. n. lesson, study, lecture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darsi
-ga: (n) lesson (lesan); class (kalaas); chapter (jap-ter) ~ cashar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsi
-ga: (magac, lab, keli) marka wax meel ku jira aad weel godan in kaga qaaddid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dersi
(Dersi-ga)
Cashar; meeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dersi
m.l (duruus, m.dh) Cashar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dersi
m.l (duruus, m.dh) Cashar. m.dh.w, duruus. desibel m.l (-llo, m.dh) (fiisikis) Halbeeg loo isticmaalo isbarbardhigga labo heer awoodeed, badanaa waxa loo adeegsadaa jabaqda ama sinyaale danabeedka. In kasta oo desibelku yahay (1/10 = 10 -1) ee halbeegga bel, haddana waxa badanaa la adeegsadaa desibel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dersi
m. n. lesson, study, lecture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dersi
-ga: (n) lesson (lesan); lecture (lak-jer) ~ dersin, cashar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dersi
-ga: (magac, lab, keli) cashir ka mid ah casharrada laguu dhigo. Dh: cashir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dersi
a: daras ~ darsi; rw: deres
bw: Arabic
de: lesson, study, lecture
lx: dersi
pd: (-ga Pl: duruus (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: dersi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheri
(Dheri-ga)
Weel dhoobo ah oo cunnada lagu karsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheri
m.l (-iyo, m.dh) Weel dhobo ah oo wax lagu karsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheri
m.l (-iyo, m.dh) Weel dhobo ah oo wax lagu karsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheri
m. n. clay vessel, earthenware cooking pot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheri
-ga: (n) cooking pot (paat); cooking vessel ~ digsi