maharsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsad
m.l la-mid: mehersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsad
-ka: (magac, lab, keli) meher ku xidhasho, si sharci ah u guursasho. Dh: mehersad, guursi, nikaaxsi. Li: furid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsad
-ka: (magac, lab, keli) kaaftoomid wax laga kaaftoomo.
maarsad -ka: (magac, lab, keli) maangaabni. Dh: maarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: mehersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsan
(tilmaame) meher ku xidhan yahay oo la nigkaaxsaday ah. Gabadh maharsan meher labaad waa ka xaaraan. Dh: nikaaxsan. Li: dalaaqan, furan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mehersasho
m.f.dh eeg meherso. la-mid: maharsad, maharsasho, maharsi, mehersad, mehersi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madarasad
-da: (magac, dhedig, keli) dugsi carabiga iyo qur'aanka lagu barto. Willkii yaraa madarasad ayaan ku darnay Dh: madarisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhaxsad
-ka: (magac, lab, keli) shay isticmaalkiisa dib u dhigid oo kaydsasho. Baayacmushtarku madhaxsadka alaabta way yaqaaniin. Dh: kaydsi, kaydsad, maraxsad.
madhaxsad -ka: (magac, lab, keli) dhigasho illaa uu qudhmayo. Dh: qudhmisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsad
m.l la-mid: maqaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dubka dushiisa iska jijibin. Dh: marmasasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsad
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» goosashada aano hore loo geystay. Ka aarsadka ninkii shirkadda qiyaamay waa in xeerka loo maro. Dh: aargoosad, aargoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harsad
(Harsad-ka)
Harsasho; harsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsad
m.l la-mid: harsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harsad
vl. n. act of sheltering from the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsad
-ka: (magac, lab, keli) meel hoos leh, hadhgelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harsad
a: harsasho (/da) [vn-f], harsi (ga) [vn-m]
de: act of sheltering from the sun
lx: harsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: harsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarad
m.l la-mid: maadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarad
-ka: (magac, lab, keli) kaaftoon; ka baahi beel. Maarad aan ka maarmay alaabta uma soo doonan waayine waan haleeli waayay Dh: maaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasad
-da: (magac, dhedig, keli) goob wax lagu barto oo ay arday isugu timaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsad
(Marsad-ka)
Marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsad
m.l la-mid: marasasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsad
vl. n. act of finishing; dressing oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marsad
-ka: (n) the act of rubbing or applying, especially on the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsad
-ka: (magac, lab, keli) cadarsasho. Marsadka cadarka ha isku badin.
marsad -ka: (magac, lab, keli) cashar cid kale ka dhegeysasho oo ka akhrisasho. Masaajidku waa halka marsadka kutubta ugu fiican. Dh: barasho, marsi, marsasho.
marsad -ka: (magac, lab, keli) ku dhaboolaqa iyo ku masaxidda shey qoyan shay kale korkii. Dh: dulmarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsad
a: marsasho (/da) [vn6-f]
de: act of finishing; dressing oneself
lx: marsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: marsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarsad
m.l la-mid: ajarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsad
m.l la-mid: faarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadeysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarmad
-ka: (magac, lab, keli) ka maarmasho ka maaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: meherso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maharso
v. marry (a man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharso
(fal) gabadh meher ku xidho oo sharci ku guurso. Gabadha inta aabbeheed joogo maharso. Dh: meherso, nikaaxso, guurso. Li: fur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maharso
de: marry (a man)
lx: maharso
pd: (maharsaday)
ps: v3a=tr
see: meherso
key: maharso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharsad
-ka: (magac, lab, keli) sharaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysad
m.l la-mid: bahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale xigtayso; cid kale la bahaw.
bahaysad -ka: (magac, lab, keli) (is ~) dad, urur, koox iyo waxii la mid ah isutaga, si ay u dhaliyaan awood iyo itaal wax lagu muquuniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsad
m.l la-mid: cararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsad
m.l la-mid: dawarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsad
-ka: (magac, lab, keli) baryidda in cid kale wax ku siiso. Dadka qaar baa dawarsadka xirfad ka dhigtay. Dh: tuugsad, qarafaysad, baryootan, dawersad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysad
m.l la-mid: jahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaaneysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsad
m.l la-mid: madalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsad
-ka: (magac, lab, keli) madal ku ballamid: ballan qabsasho oo meel iyo milay ku heshiin. Kolka ciyaar la tegayo madalsadka ayaa ugu muhiimsan. Dh: isballansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansad
-ka: (magac, lab, keli) cid wax weydiisasho. Magansad baan kuugu imide ha i hongoobin. Dh: tuugid, baryootan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadsan
La mahadshey; mahad loo naqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la mahadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la mahadiyey ahaansho. m.f.dh, mahadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahadsan
der. [adjective] thanked; thank you, be thanked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahadsan
-aa: (adj) appreciated; thankful; showing appreciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadsan
(tilmaame) la mahadshey oo loo mahad naqay ah. Ninka shicibkiisa u adeegaa waa nin mahadsan. Dh: ammaanan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahadsan
de: thanked; [expr] thank you, be thanked
lx: mahadsan
pd: (mahadsanaa)
ps: adj-der
xe: Thank you for coming.
xv: Waad ku mahadsantahay imaatinka.
key: mahadsan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Majarrad
Galaxy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malafsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malafsad
-ka: (magac, lab, keli) meermeerid oo kolba meel wax ka cunid; saxni xaabid. Malafsad buu habeenba meel la wareegaa. Dh: malafsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsad
m.l la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsad
(Maraxsad-ka)
Maraxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsad
m.l la-mid: maraxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsad
-ka: (magac, lab, kel) eeg madharsad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaasad
-da: (n) nipple (nip'al); infant pacifier ~ mujurc-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaasad
-da: (magac, dhedig, keli) weel inta badan caag dhinacyada lambarro ku leh ah oo afkana cinjir naas u eg ku leh oo carruurta caanaha lagu siiyo. Bile masaasad buu caanaha ku dhamaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mehersad
(Mehersad-ka)
Mehersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mehersad
m.l la-mid: mehersasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mehersad
vl. n. marriage, getting married
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mehersad
-ka: (magac, lab, keli) meher ku xidhasho si sharci ah u guursasho. Dh: guursi, nikaaxsi. Li: furid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mehersad
a: mehersasho (/da) [vn-f], mehersi (ga) [vn-m]
de: marriage, getting married
lx: mehersad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: mehersad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahadsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg saadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadsanid
Erey qofkii wax wanaagsan sameeya lagu yiraahdo (isaguna uu kolkaas yiraahdo: Adaa mudan); waxay la mid tahay: waa aad mahadsan tahay, mahad badan, lib baan kuu hayaa, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadsanid
e.d Erey qofkii wax wanaagsan sameeya lagu yiraahdo, isaguna uu kolkaas yiraahdo: “Adaa mudan!”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahadsanid
e.d Erey qofkii wax wanaagsan sameeya lagu yiraahdo, isaguna uu kolkaas yiraahdo: Adaa mudan!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahadsanid
inter. thanks, thank you
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mahadsanid
merci.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahadsanid
(int.) thanks! thank you!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadsanid
erey loogu jawaabo laguna abaal gudo cid wax wanaagsan qabatay; waad mahadsan tahay. Mahadsanid haddaad jidkii xidhnaa dadka u furtay. Dh: shukran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahadsanid
de: thanks, thank you
lx: mahadsanid
ps: intj
key: mahadsanid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mahadsanid
شُكْرٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsasho
m.dh la-mid: mehersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meher ku xidhasho oo guursasho. Dh: nikaaxasho, guursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhbaasad
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu iibiyo kalluun duban iyo cunto yamani kala jaadjaaad ah. Makhbaasad ayaan u cashategney. Dh: mukhbaasad.
makhbaasad -da: (magac, dhedig, keli) cunto laga sameeyo kibis la googooyey iyo malab iyo muus iyo subag la isku futeeyey. Xalay makhbaasad baan ku casheeyey. Dh: fetamuus, mukhbaasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masharafad
m.dh la-mid: masharaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudaharaad
-ka: (magac, lab, keli) dibadbax ay dad badani isku soo baxaan si ay wax u taageeraan ama uga soo horjeestaan. Dh: mudaaharaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahardaad
(fal) si baahsan oo foolxun u fadhiiso. Maxaad meesha la bahardaaddaa. Dh: hawaarid, bakaarsasho, bacalleelid.
bahardaad -ka: (magac, lab, keli) fadhiga baahsan ee aan habaysnayn oo basarinimo ka muuqato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casharsan
(tilmaame) dad ama xoolo la cashariyey ama loo duceeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsad
m.l la-mid: dambarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsad
-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ah oo dhalay danbar ka maalid. Dh: danbarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsad
-ka: (magac, lab, keli) neef hadda uun dhalay, dambar maalid. Dh: dambarsad. danbarsad -ka: (magac, lab, keli) meherad aad in badan ka shaqaysay natiijo fiican ka gaadhid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawarsade
-dawarsadaha: (n) beggar (beegar); panhandler (paan-han-dhel-er) ~ tuugsade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsade
-ha: (magac, lab, keli) baryootamaha; tuugsadeha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacarsad
m.l la-mid: dhacarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsad
m.l la-mid: dhararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaysad
m.dh la-mid: fahmaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarsad
-ka: (magac, lab, keli) barraaqsadka iyo fadhi aan habaysnayn oo kala baahsan fadhiisi; hawaarsi u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabarsad
m.l la-mid: khabarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, khabaar ka raadin. Dh: waraysad, akhbaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysad
-ka: (magac, lab, keli) mirdhid oo daxal yeelasho. Bir labaatan sano meel taallay maaraysad waa lagama maarmaan. Dh: maarow, daxalaysad, midhidhid.
maaraysad -ka: (magac, lab, keli) si wanaagsan wax u maamulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansad
(Macaansad-ka)
Macaansasho.