mahad-alle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mahad-Alle
name-m thanks to Allah; gratitude to God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal lagu muujiyo in wanaag iyo abaal laysu galay oo loo bogay oo la jecel yahay oo aan la illaabi karin. Mahad iga guddoon. Dh: lib, gallad, shukri, mahadnaq.
mahad-da: (magac, dhedig, keli) ammaan iyo abaalcelin cid loo hayo oo odhaah lagu muujiyo Mahad Ilaahay weeye khilaafkii haddaad joojiseen. mahad'alle: magac loo bixiyo wiil dhalashadiisa lagu tilmaamayo in ay tahay mahad Eebbe.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mahadle
name-m gratitude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhadhaqle
-ha: (magac, lab, keli) cidda shanqadha badhadhaq sameysa ama ka soo baxdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhambalme
m. n. indehiscent plant (not splitting open at maturity)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhambalme
de: indehiscent plant (not splitting open at maturity) rw: ma dhambalan
lx: madhambalme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: madhambalme
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makhaayadle
(Makhaayadla-ha)
Qof makhaayad leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makhaayadle
m. n. coffee-shop operator, restaurant owner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makhaayadle
-makhaayadlaha: (n) restaurateur (restarateer); restaurant owner ~ maqaayadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhaayadle
-ha: (magac, lab, keli) qof maqaaxi laga cunteeyo leh. Walaalkay waa makhaayadle. Dh: maqaaxiile, maqaayadle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makhaayadle
a: maqaayadle
de: coffee-shop operator, restaurant owner
lx: makhaayadle
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: makhaayadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaale
(ereycodeed) lagu tusmeeyo yaabka ka yimaadda dhacitaanka wax hore la iskaga ogaa.. Aadaale! Aadaale! Dh: caadaley!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madhale
(Madhala-ha)
Nin aan dhalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin aan naag rimin karin. la-mid: madhaleys¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madhale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin aan naag rimin karin. la-mid: madhaleys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhale
m. n. childless man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhale
-madhalaha: (adj) infertile (infeertal), sterile (isteeral), barren (baaran) or impotent (im-potant) male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhale
-ha: (magac, lab, keli) eeg madhalays madhaleys -ka: (magac, lab, keli) eeg madhalays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhale
de: childless man
lx: madhale
pd: (/ha)
ps: n7-m
see: dhal
key: madhale
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Magadle
nickname; name-m tanned hide, leather; tanning substance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Magadle
magac loo bixiyo wiil cas oo lagu metaalay sidii harig la aslay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaale
(Maqaala-ha)
War la maqlay, runtiisase aan la hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaale
m.l War la maqlay aan goobjoog loo ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaale
m.l War la maqlay aan goobjoog loo ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaale
m. n. rumor, something one heard
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaale
-ha: (magac, lab, keli) war la maqlay oon dhab ahaantiisa la haynin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaale
de: rumor, s.t. one heard
lx: maqaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maqaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masalle
(Masalla-ha)
Harag, idiin la jilciyey oo la qurxiyey ah, oo qof deeqa oo lagu tukado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Salli maqaar ka samaysan oo qaabab kala duwan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Salli maqaar ka samaysan oo qaabab kala duwan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masalle
m. n. prayer mat, small carpet ~ rug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masalle
-masallaha: (n) prayer rug (pareeyer retag) ~ sajaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalle
-ha: (magac, lab, keli) harag idiin la jilciyey oo la qurxiyey oo qof keli ahi ku tukan karo ah. Dh: mosolle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masalle
bw: Arabic
de: prayer mat, small carpet ~ rug
lx: masalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: masalle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahaale
(tilmaame) dhib aan sii weynayn. Nabarku waa sahaale. Dh: sahal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdalle
name: Abdalla
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdalle
bw: Arabic
de: Abdalla
lx: Cabdalle
ps: name-m
key: Cabdalle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gar-alle
inter. let God decide; leave it to God
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Orod hal lug lagu ordo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadwale
-ha: (magac, lab, keli) qofka jaadka ka ganacsada ama gaadiidka jaadka wada. Dh: jaadle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddaale
m. n. tireless man, indefatigable person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddaale
-ha: (magac, lab, keli) qof hawlkar ah oo gacan fudud. Dh: hawlkar. Li: waxmatare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddaale
de: tireless man, indefatigable person
lx: maddaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maddaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Meel magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaalee
v. set up a town; make (a village) into a city
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalee
-yey / magaaleysay: (v) urbanise (eerbaneeyz); make urban; make into a city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalee
(fal) eeg magaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaalee
de: set up a town; make (a village) into a city
lx: magaalee
pd: (magaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: magaalee
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mahad-da
remerciements.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadnaq
(Mahadnaq-a)
Mahad celin; shugrinnaq; xamdinnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadnaq
mahadnaq¹: m.l 1. Ereyo xushmad iyo qaddarin loo jeediyo cid samafashay. 2. la-mid: mahadniqid.
mahadnaq²: f.mg1 (-qay, -qday; -niqi/naaqi) U/ku m.: cid samafashay ereyo xushmad iyo qaddarin leh u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahadnaq
mahadnaq¹: m.l 1. Ereyo xushmad iyo qaddarin loo jeediyo cid samafashay.
mahadnaq²: f.mg1 (-qay, -qday; -niqi/naaqi) U/ku m.: cid samafashay ereyo xushmad iyo qaddarin leh u jeedin. m.f.dh, mahadniqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahadnaq
v., [compound] thank, be grateful
mahadnaq vl. n., [compound] thanks, gratitude; acknowledgement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahadnaq
-a: (n) thanks (thaangkis)-, gratitude (garaatatuud); appreciation (aparishiyeeyshin) ~ shugri, xamdinnaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadnaq
(fal) cid wax fiican tartay wanaag iyo jacayl u muuji oo inaad abaal u hayso ku ammaan. Eebbaa ammaan lehe u mahadnaq. Dh: mahadceli, shukrinaq, xamdinaq. Li: abaaldar.
mahadnaq -a: (magac, lab, keli) wanaag iyo jacayl loo muuji cid wax wanaagsan tartay oo in abaal loo hayo lagu ammaano. Mahad naq Allihii noo nicmeeyaa mudan. Dh: mahadcelin, xamdi naq, shugrinaq. Li: abaaldar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mahadnaq
شُکران
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadsan
La mahadshey; mahad loo naqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la mahadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la mahadiyey ahaansho. m.f.dh, mahadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahadsan
der. [adjective] thanked; thank you, be thanked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahadsan
-aa: (adj) appreciated; thankful; showing appreciation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadsan
(tilmaame) la mahadshey oo loo mahad naqay ah. Ninka shicibkiisa u adeegaa waa nin mahadsan. Dh: ammaanan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahadsan
de: thanked; [expr] thank you, be thanked
lx: mahadsan
pd: (mahadsanaa)
ps: adj-der
xe: Thank you for coming.
xv: Waad ku mahadsantahay imaatinka.
key: mahadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadwale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof ka ganacsada qaadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaadwale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof ka ganacsada qaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadwale
m. n. seller of khat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadwale
-qaadwalaha: (n) khat seller; man who sells khat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadwale
-ha: (magac, lab, keli) qof qaad ka ganacsada ama wada gaaddidka lagu sido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadwale
de: seller of khat
lx: qaadwale
pd: (-ha)
ps: n7-m
key: qaadwale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaalle
m.l (-layaal, m.l) Xaashi turub oo sagaal dhibcood leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagaalle
m. n. nine (playing card)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalle
-ha: (magac, lab, keli) shaxan ama wax kale oo sagaal xagal ama gees leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagaalle
de: nine (playing card)
initial: s
lx: sagaalle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sagaalle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haakaalle
e.d la-mid: haaka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haakaalle
(tilmaame) wax laga raalli yahay oo la qaayibay. Dh: haaka.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAGAGALLE
[CHEGOGALE] Conostomium ?kenyense 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadable
m.l L. ah: qof laba guri ka wada cunteeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadable
-ha: (magac, lab, keli) qof labo guri ka wada cunteeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulle
m.l Xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadulle
-ha: (magac, lab, keli) xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labagalle
-ha: (magac, lab, keli) qof hadba cidduu la joogo isaga dhiga inuu daacad u yahay. Dh: labawejiile, munaafaq, jirjirroole. Li: daacad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAAR-DILE
(Mar-dile) N, C Tragus berteronianus Schult. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaali
(fal) maaweelo u samee. I madadaali daali i maaweeli weeli. Dh: maaweeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalo
-da: (magac, dhedig, keli) wax xilliga aan la shaqaynayn lagu baashaalo oo la isku maaweeliyo. Riwaayadaha waxan u daawadaa madadaalo ahaan. Dh: maaweelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadceli
f.g2 (-iyay, -isay) U m.: cid abaal gashay u mahadnaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahadceli
f.g2 (-iyay, -isay) U m.: cid abaal gashay u mahadnaqid. m.f.dh, mahadcelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahadceli
v., [compound] thank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahadceli
-yey/say/yeen/nay: (v) express thanks or gratitude for; appreciate (apri-shi-yeeyt) ~ mahadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahadceli
de: thank
lx: mahadceli
pd: (mahadceliyey)
ps: v2a=cmp
key: mahadceli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahadanbe
-ha: (magac, lab, keli) maalinta berri ka danbaysay. Dh: saadanbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaggalle
(Labaggalla-ha)
Qofka hadba qofkuu la joogo isaga dhiga inuu lillaahi iyo daacad u yahay, kolkii la kala tagona, siyaaso ka dhan ah, ku kaca; labawejiile; munaafaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaggalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Laba wejiile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaggalle
m. n., [compound] hypocrite, deceitful person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaggalle
bw: munaafaq
de: hypocrite, deceitful person Lit: having two covers
lx: labaggalle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: labawejile
key: labaggalle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalad
-da: (magac, dhedig, keli) ismaaweelin waqtiga la isku dhaafiyo. Madadaalad ayaan qaadka u cunaa. Dh: maddadaalo, maaweelo.
madadaalad -ka: (magac, lab, keli) madaddaalo isku illawsiin ismaaweelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax madaddaalo ah u samayn. Dh: maaweelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaddaali
f.g2 (-iyay, -isay) Cid maawelin.