mah!
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mah!
inter. - waa cood tilmaama jawaab la hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaal
(Abaal-ka)
Samafal laysu galay, xusuusta wanaagsan iyo mahadda laysaga hayo; lib; gallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalhayn
(Abaalhayn-ta)
Samaan laysu falay, mahad iyo xusuus wanaagsan u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daraawiish
(Daraawiish-ta)
1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba.
2. Daraawiishtii Mahdigii Suudaan iyo tii Ina Cabdille Xasan.
3. Ciidanka Soomaalida oo nabadda gudaha, qayb kamid ah.
4. Masaakiin; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunqaaro
(Dunqaara-da)
Dadka mahee, nafleyda inteeda kale; 'dad iyo dunqaaro'; duunyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaad
(Eedaad-ka)
1. Aan la mahadin; rafaad; dhibaato; silic; saxariir.
2. Xanuun taah leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gallad
(Gallad-da)
Mahad; liibaan; deeq; abaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaka
Mahadnaq; baga!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isgowlid
(Isgowlid-da)
Isu garaabid la'aan; is mahadin la'aan; isu baas noqosho; is eedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lamahuraan
(Lamahuraan-ka)
Wax aan la'aantood lagu geli karin; aan la huri karin; aan laga fursan karin; (ama mahuraan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadho
(Mahadha-da)
(wax) Saamays weyn leh oo aan weligi la illaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadin
(Mahadin-ta)
Mahad celin; shugriyid; xamdiyid; mahadniqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadnaq
(Mahadnaq-a)
Mahad celin; shugrinnaq; xamdinnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadniqid
(Mahadniqid-da)
Mahad celin; xamdiyid; shugriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadsan
La mahadshey; mahad loo naqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahadsanid
Erey qofkii wax wanaagsan sameeya lagu yiraahdo (isaguna uu kolkaas yiraahdo: Adaa mudan); waxay la mid tahay: waa aad mahadsan tahay, mahad badan, lib baan kuu hayaa, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maharjaan
(Maharjaan-ka)
Shir ama isu'imaad weyn (ama mihrajaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahayammoog
(Mahayammoog-ga)
Dhallaanka aan weli garaad buuran lahayn; carruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahaysato
(Mahaysata-da)
(dad) Aan wax haysan; sabool; cayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahiigaan
(Mahiigaan-ka)
(roob, col) weyn, faro badan; (ama mahiiggaan).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maha
name-m cool and quiet (Danakil)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: muho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maho
v. desire, want
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maho
(fal) wax jeclaw. Dh: muho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maho
de: desire, want
lx: maho
pd: (mahday)
ps: v3b=intr
see: muho
key: maho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaha
Ma aha (ama maahan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaha
v., neg., present habitual: it is not
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaha
(falkaabe) diidmo ah oo u dhigma 'sidaa si ka duwan weeyaan'. Dh: maaha, maahin, maahane, sidaas, maahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaha
de: it is not
lx: maaha
pd: (ma aha)
ps: v5a-3-neg-prhb
xe: Today the weather is not cold.
xv: Maanta hawadu qabow maaha.
key: maaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahi
mąahi: f.g2 (-iyay, -isay) Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maahi
v. make deficient; make absent-minded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahi
(fal) sidii qof maqan iska dhig adoo isyeelyeelaya. Si laguu dhaafo is maahi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maahi
cf: maahsan
de: make deficient; make absent-minded
lx: maahi
pd: (maahiyey)
ps: v2a=tr
key: maahi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhi
v. empty, finish off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhi
-yey / say: (v) make empty; finish the contents of ~ mari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhi
(fal) waxba ha reebin; wada idlee. Xeedhada cuntada ka madhi. Dh: mari, dhammee, faaruqi. Li: reeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhi
a: mari {N}
de: empty, finish off
lx: madhi
pd: (madhiyey)
ps: v2a=tr
key: madhi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madho
inch. v. become empty, get used up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madho
-madhtay / madhatay: (v) be empty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madho
(fal) wax dhammaaday oo idlaaday noqo. Gurcudoow madho, caddoow noo imo, aan ciyaarnee. Dh: idlaa.
madho: (fal) ka dhex naqayso. Buug fiican buugaagta ka dhex madho. Dh: xulo, baadho, sooco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madho
de: become empty, get used up
lx: madho
pd: (madhay / madhatay)
ps: v3b=inch
see: maro {N}
key: madho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahad
(Mahad-da)
Hadal lagu muujiyo, in wanaag iyo abaal laysu galay, loo bogey oo la jeclaystay oo aan la ilaawa hayn; lib; gallad; shugri; xamdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahad
m.dh Wanaag qof cid kale u hayo oo ka dhasha abaal loo galay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahad
m.dh Wanaag qof cid kale u hayo oo ka dhasha abaal loo galay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahad
f. n. thanks, gratitude
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mahad
name-m thanks; gratitude
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahad
-da: (n) thanks (thaangkis); gratitude (garaatatuud)-, appreciation (a-parishiyeeyshin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Mahad
Ringraziamento
Thankfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mahad
magac loo bixiyo wiil Ilaahay loogu mahadnaqayo dhalashadiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal lagu muujiyo in wanaag iyo abaal laysu galay oo loo bogay oo la jecel yahay oo aan la illaabi karin. Mahad iga guddoon. Dh: lib, gallad, shukri, mahadnaq.
mahad-da: (magac, dhedig, keli) ammaan iyo abaalcelin cid loo hayo oo odhaah lagu muujiyo Mahad Ilaahay weeye khilaafkii haddaad joojiseen. mahad'alle: magac loo bixiyo wiil dhalashadiisa lagu tilmaamayo in ay tahay mahad Eebbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahad
bw: Arabic
de: thanks, gratitude
lx: mahad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: mahad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mahad
شكر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahar
m.l la-mid: meher.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahar
m. n. marriage contract ~ settlement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahar
-ka: (magac, lab, keli) heshiis sharci ah oo shuruudo iyo xeerar diintu u jidaysay leh oo bilaw u ah dhismaha qoys muslin ah. Dh: meher, nikaax.
mahar -ka: (magac, lab, keli) maal aan xad go'an lahayn oo ninku ku xalaalaysto la guri galka oorida uu guursanayo oo gabadha la guursanayaa xaq u leedahay in la siiyo sharciguna u jideeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahar
a: meher
de: marriage contract ~ settlement (portion that husband gives to the wife in accordance with the agreement stipulated before their marriage)
lx: mahar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mahar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahdi
m.l 1. Nin diinta Islaamku sheegtay inuu aakhiru-sabaanka imaan doono. 2. Barwaaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahdi
m.l 1. Nin diinta Islaamku sheegtay inuu aakhiru-sabaanka imaan doono. 2. Barwaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahdi
v. thank, give thanks to
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mahdi
name-m leader, guide, reformer, rightly-guided, follower of the true faith
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahdi
-ga: (magac, lab, keli) nin ahlulbeydka Nebiga ah oo la rumaysan yahay inuu aakhirusamaanka iman doono oo barwaaqo iyo caddaalad uu adduunka ka buuxin doono. Mahdigu wuxu ka mid yahay calaamadaha maalinta qiyaamo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mahdi
mahdi, n.m. - Mahdi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahdi
de: thank, give thanks to rw: mahad
lx: mahdi
pd: (mahdiyey)
ps: v2a=
key: mahdi
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maheh
sauf, à l'exception de.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahwi
-ga: (magac, lab, keli) ceel aanay biyihiisu gudhin oo had iyo goor dad iyo duunyaba la ag joogo. Mahwi oon looguma dhinto. Dh: ma'wi, badays.
mahwi -ga: (magac, lab, keli) eeg madal.