magoolin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magoolin
m.dh la-mid: magoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) fiilin oo baar cusub ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magooli
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: magool².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magooli
v. sprout, be covered with greenery (as a tree); prosper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magooli
(fal) fiili oo baar cusub ka soo saar Ilaahoow geedaha noo magooli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magooli
de: sprout, be covered with greenery (as a tree); [fig.] prosper
lx: magooli
pd: (magooliyey)
ps: v2a=intr
key: magooli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magoolid
(Magoolid-da)
Magool soo saarid; fufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magoolid
m.f.dh eeg magool². la-mid: magoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magoolid
-da: (magac, dhedig, keli) fiilid ay geeduhu fiilaan oo curub iyo fadhaq qurxoon ay bixiyaan kolka ay roob helaan ama cimiladu is beddesho. Dh: fiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magool
(Magool-ka)
Caleemaysiga cusub oo dhirta, siiba kolkay xilli-magoolaan; fuf; cosob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magool
magool¹: m.l.u la-mid: magoolayaal.
magool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Geedo caleen bixin xilli aan roob jirin; fufid. la-mid: magooli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Magool
pr. n., [feminine] Magol
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magool
m. n. germination, sprouting, new growth (of plants)
magool v. sprout, bud, put forth new growth; prosper
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Magool
name-f germination, sprouting, bud, new growth or prosperity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magool
-ay/magooshay/magooleen: (v) produce buds; produce a flower; bloom (buluum)-, bud (badh); sprout (isparawt); germinate (jeer-mi-neeyt) ~ ubxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Magool
magac loo bixiyo gabadh da' yar sida magoolka oo qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magool
(fal) baar iyo fiile soo bixi. Biyihii heshaye geedyahaw magool. Dh: fiil, cagaar.
magool-ka: (magac, lab, keli) fiilka cagaaran ee ay dhirtu bixiso kolka uu guga roobku ku da'o. Magool baxay la mood yeey: Dh: baar, yurub, curub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakoolin
m.dh Daruuro yaryar oo kala googo'an oo wada socda middood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) daruur yar oo cad; cirku marka uu daruuraha samaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqoolin
m.f.dh eeg baqooli. la-mid: baqoolis, baqoolsiin, baqoolsiin, boqoolin, boqool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, meel dheer u hayaamin oo u rarid. Hadday abaari jirto baqoolinta xooluhu waa lama huraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daloolin
(Daloolin-ta)
Dalool u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daloolin
m.f.dh eeg dalooli. la-mid: duleelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daloolin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel furu yeelid. Dh: daloolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoojin
m.f.dh eeg hagooji. la-mid: hagoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magoogid
m.f.dh eeg magoog². la-mid: magoog¹
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magool_1
cf: fuf, cosob
de: germination, sprouting, new growth (of plants)
hm: 1
lx: magool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: magool_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magool_2
a: magooli
de: sprout, bud, put forth new growth; [fig.] prosper
hm: 2
lx: magool
pd: (magoolay)
ps: v1=intr
key: magool_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Magool_3
de: Magol
hm: 3
lx: Magool
ps: name-f
key: Magool_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maroojin
(Maroojin-ta)
Si maroorsan u wareejin; maroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroojin
m.f.dh eeg marooji. la-mid: maroojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroojin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aad ah u qabasho oo iyada oo la wareejinayo isku duubid Gacantu maroojinta way ku jabtaa. Dh: maroojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorin
m.f.dh eeg maroori.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroorin
vl. n. twisting, wringing; unclasping of hands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax toosan oo saani ah qalloocin oo dhan kale u weecin. Dh: xoodin, qalloocin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroorin
de: twisting, wringing; unclasping of hands
lx: maroorin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maroorin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagootin
m.dh la-mid: sagootiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagootin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbabixin qof kaa tagaya. Sagootin iyo sooryo ayaa loo sameeyey socotadii. Dh: nabadgalyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magoolitaan
-ka: (magac, lab, keli) magool soo saarid, dib u fiilid. Dh: fufitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balloolin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dareensi awgii sida ur iyo wixii la mid ah sanka labadiisa dul weynayn. Dh: sanbaloolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaroodin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhirraandhirrin oo sidii xal loo heli lahaa kolba xeelad adeegsasho; farsamayn oo xaajo culus xal u helid Dh: maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magoolbax
-a: (magac, lab, keli) dib u fiilidda geedka laamaha laga jaro. Geedkii aan jiilaalka gooyay imukuu magoolbax yahay Dh: asalo, dibufiil. Li: yabaal, engeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsin
m.dh (-imo/-inno, m.l) Dambiil weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maroogsin
m.dh (-imo/-inno, m.l) Dambiil weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maroogsin
f. n. big straw basket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroogsin
-ta: (magac, dhedig, keli) sambiil weyn. Dh: dambiil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maroogsin
cf: danbiil
de: big straw basket
lx: maroogsin
pd: (-ta Pl: maroogsimo (/ha))
ps: n1-f, n2-f
key: maroogsin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saagootin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruux tegaya sagootis, qof tegeya woxogaa sii raacid oo gelbin. Saagootinna soddohday kama helin. Dh: sagootin, sabootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majagororin
m.dh la-mid: manjagorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijagororin
m.dh la-mid: manjagororin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agool
(Agool-ka)
1. Hollobta timaha salkooda ka dhalata.
2. Astayn, calaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agool
m.l Qolof cad oo madaxa yeesho marka uu basaaso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agool
m.l Qolof cad oo madaxa yeesho marka uu basaaso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agool
m. n. dandruff; mark, stain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agool
-ka: (n) dandruff (daanduruf); scurf (iskeerf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agool
-ka: (magac, lab, keli) hollobta salka timaha ku dhalata. Dh: toxob.
agool -ka: (magac, lab, keli) astaynta jaangooyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agool
de: dandruff; mark, stain
lx: agool
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: agool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agoon
(Agoon-ka, Agoon-ta)
Ilmaha aan aabbihiis noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoon
agoon¹: m.l (agoon/-nno, m.dh) Wiil yar oo aabihii dhintay.
agoon²: m.dh (-omo, m.l) Gabar yar oo aabbeheed dhintay. 2. (m.u) Carruur aabbahood dhintay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agoon
m.dh (-omo, m.l) Gabar yar oo aabbeheed dhintay. 2. (m.u) Carruur aabbahood dhintay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agoon
m. n., [collective] orphan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Agoon
nickname; name-m orphan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agoon
-ka: (n) [Pl. agoonta ] orphan (oorfan); a child whose father is dead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Agoon
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay labadiisa waalid ama midkood dhintay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoon
-ka: (magac, lab keli) wiil labadii waalid ama midkood ka dhintay isaga oo aan qaangaadhin. Agoon aabbo ma leh. Dh: rajay.
agoon -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh labadii waalid ama midkood ka geeriyooday iyada oo aan qaangaadhin.
agoon -ta: (magac, dhedig, keli) gabadh uu ka geeriyooday saygeedii.
agoon -ta: (magacwadareed) carruur uu labadii waalid ama midkood ka geeriyooday. Ilaahay, in agoonta loo naxariisto ayuu inna faray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agoon
cf: yatiin
de: orphan When the father has died
lx: agoon
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m, n1-f-col
key: agoon
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
agoon
يتیم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magli
(Magli-ga)
Billaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magli
m.l (-iyo/magli, m.dh) Billaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magli
m. n. dagger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magli
-da: (magac, dhedig, keli) toorri labada dhinac af ku leh oo daabna leh. Maglidaad afaysaa ku goyn muruga waa dhaw e. Dh: abley, toorri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magli
de: dagger
lx: magli
pd: (-ga Pl: magli (da))
ps: n2a-m, n5-m
syn: billaawe
key: magli
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
malin
malin, adj. - dhagar; sir.
se montrer malin - iska dhiga qof dadka ka caqli badan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOOLI
(Moli) N Dracaena schizantha Bak. Agavaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooli
(fal) eeg maal.
mooli -ga: (magac, lab, keli) geed dheeraada oo guntiisu aanay dhuux adag iyo kurtinno lahayn oo qorixarraha laga qoro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolin
-ka: (magac, lab, keli) meel muddo badan la deggaa ama dadku aad u dego oo shilin yeelatay. Dh: guricas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asooli
(fal) sumal, laxda saaro.
asooli: (fal) hadhuudh iyo wax la mid ah, kala huf. Dh: asoori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolin
m.f.dh eeg fooli . la-mid: foolis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goblin
/goblin/ (n) jinni aad u-xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlin
(Godlin-ta)
Godlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlin
m.dh la-mid: godlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlin
-ta: (magac, dhedig, keli) naasaha irmaanka oo qof ama ilmo uu taataabto si uu u godlado. Hasha haddaanad lisayn ha godlinin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobin
m.f.dh eeg goobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofin
-ta: (magac, dhedig, keli) madhinta wax la madhiyo; dhammayn oo idlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goojin
(Goojin-ta)
(geel, kd.) dabada kor u taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goojin
m.f.dh eeg gooji. la-mid: goojis, goojo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goojin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, dabada kor u taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosin
m.dh (-nno, m.dh) Hormo xoolaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosin
-ka: (magacwadareed) cawsha kooxda iskula socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koolin
(Koolin-ta)
Ammaanid; faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koolin
m.f.dh eeg kooli. la-mid: koolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koolin
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaag badan oo qof laga sheego: qof loo bogo. Dh: ammaan. Li: cay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lagoon
Haro xeebeed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lagoon
/laguun/ (n) haro badda bacaad ka gooyey (biyo badda gaar ugu soocmay)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loolin
(Loolin-ta)
Mindi iyo wax la mid ah, oo lool la marmariyo si ay wax u goyso; afayn; lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolin
m.f.dh eeg looli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolin
-ta: (magac, dhedig, keli) mindi iyo wax la mid ah, soofayn. Dh: afayn, loolis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Loolin
Xanaf bi'in, lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalin
1. (Maalin-ka) Maalinta.
2. (Maalin-ta) a) 12ka saac oo iftiinka ah oo qorraxdu soo jeeddo; waqtiga habeenka, waqtiga ka dhigan, b) Dharaar; casho; ayaan. c) Qof neef irmaan ammaaneysiin, si uu caanaha uga maalo; maalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalin
maalin¹: m.l/dh (-lmo, m.l) Muddada u dhaxaysa marka qorraxdu soo baxdo ilaa ay dhacdo (12 saac).
maalin²: m.f.dh eeg maali. la-mid: maalis¹.