magmakays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magmakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg magmakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magmakay
(fal) meel cidhiidhi ah wax weyni inuu galo ku qasab; ku cadaadi oo xoog u geli. Kartoonka meesha ku magmakay. Dh: cadaadi, riix, dirqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magmakayn
(Magmakayn-ta)
Matatarin; kakabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmakayn
m.f.dh eeg magmakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magmakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah wax weyni inuu galo ku qasbid; ku cadaadin oo xoog u gelin. Magmakayn wax an ahayn kuma galayee ku cadaadi. Dh: cadaadin, dirqiyid, matatarin, magmakays, kakabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg magaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayso
(fal) meel cammiro oo magaalo ka dhigo. Xaafad kastaay suuqaaga magaalayso.
magaalayso: (fal) magaalada u bax oo waxaad uga baahan tahay ka soo iibso. Dh: safro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmarhays
m.dh Karreysaha geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaay
m.l Jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn. Cali magaaygu wuu ka bi'i lahaa hadduu timir helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magaay
m.l Jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn. Cali magaaygu wuu ka bi'i lahaa hadduu timir helo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaay
-ga: (magac, lab, keli) jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg agagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadays
-ka: (magac, lab, keli) bandhig maaweelo iyo maadi ka buuxdo oo qof ama wax ka badani jilaan lana daawado. Waa maadays adduunyadu dadkuna way matalayaan. Dh: majaajillo, maweelo, maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahays
-ka: (magac, lab, keli) qof aan garaad badan lahayn oo wuxuu sameeyaana inta badan wax ka soo qaad lahayn. Maahayska ninmankii nii malmalay muranku waa ceebe. Dh: maangaab.
maahays -ka: (magac, lab, keli) inta tamarta yar ee in loo naxo oo la dhawro mudan. Xilliga dagaallada mahayska iyo rayadka lama laayo. Dh: maati, maxas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarays
-ta: (magac, dhedig,meli) eeg maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayays
-ka: (magac, lab, keli) eeg maanyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmaag
f.g1 (-gay, -gtay) Dab si uusan u baqtin dambas ku duugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magmaag
(fal) ku gudub oo xoog ugu tuur. Gudbinta qaad oo ku magmaag intuu midigta dhaqaajin. Dh: kaynaani.
magmaag -ga: (magac, lab, keli) gudbin labada caaro loo fiiqay oo lagu dagaallami jiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxmaas
(Maxmaas-ka)
Wed bunka iyo wixii la mid ah, lagu xammiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxmaas
m.l (-syo, m.dh) Birdaawada bunka lagu dubo ama lagu saloolo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxmaas
m. n. coffee-roasting pan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxmaas
-ka: (magac, lab, keli) weel bunka iyo wixii la mid ah lagu dubo, Maxmaas aan bunka ku saloollo noo keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxmaas
de: coffee-roasting pan (used to roast or fry coffee beans)
lx: maxmaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: maxmaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg falakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg halakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalay
(fal) suuq iyo meherado u samee oo magaalo ka dhig. Hayjadda magaalay oo tukaanno ka fur. Dh: magaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmaago
f.mg3 (-gtay, -gatay) Dhuxul nool dambas ku duugasho si aysan u demin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmakee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Ku m.: wax meel daloosha oo ciriiri ah si xoog leh ugu riixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magmakee
v. force ~ squeeze (into); urge on, cause to hurry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magmakee
-yey / magmakeysay: (v) [with proposition ku] squeeze in; insert by forcing in; jam (jaam) ~ ku magamakee. Ex: isku mag-ma-kee; squeeze into
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magmakee
(fal) meel cidhiidhi ah wax weyni inuu galo ku qasab; ku cadaadi oo xoog u geli. Kartoonka meesha ku magmakee. Dh: cadaadi, riix, dirqi, matatari, magmakay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magmakee
cf: kakabi, matatari
de: force ~ squeeze (into); [ext.] urge on, cause to hurry (with preposition ku)
lx: magmakee
pd: (magmakeeyey)
ps: v2b=tr
key: magmakee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xarakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaanayn.
macaanays-ta: (magac, dhedig, keli) eeg macaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhalays
-ka: (magac, lab, keli) noole da'dii la dhalayay gaadhay oo xanuun ama abuur Ilaahay darteed aan dhalin isaga oo galmoodkii loo baahnaa sameeyey Sac madhalays ah ayuu iibsaday. Li: dhalooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) magaalo ka dhigid. Dh: magaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg malookayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maraabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg mardabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashagays
-ka: (magac, lab, keli) eeg mashaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataanays
-ta: (magac, dheig, keli) eeg mataanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqmadays
-ka: (magac, lab, keli) muqmad samayn; luqmadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalays
-ka: (magac, lab, keli) sagaal ka dhigis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) magaalo ka dhigasho oo cammirid. Dh: magaalaysi.
magaalaysad -ka: (magac, lab, keli) magaalo ka soo safrasho oo wixii looga baahnaa u doonasho. Dh: suuqsad, magaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmadays
-ta: (magac, dhedig, keli) dhalmada oo la joojiyo iyada oon cimrigii dhalmadeyska la gaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabaysi
m.l la-mid: goggobaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: goggobayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaggabayso
v.auto: perform purification with sand
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaggabayso
-gaggabaystay / gaggabagabysatay: (v) [Islamic religion] perform dry ablution [purification] ~ boorayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaggabayso
de: perform purification with sand
lx: gaggabayso
pd: (gaggabaystay)
ps: v3b=auto
see: goggobeyso
key: gaggabayso
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gamma Rays
Fallaadhaha Gaama
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglays
-ka: (magac, keli) eeg haghaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hargaamayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ma dhalays
-ah: (adj) infertile (infeertal), sterile (isteeral), barren (baaran), or impotent (im po tanf) male
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maacalaysh
(interjection) never mind! no matter!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macaanaysad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanayso
v. make something sweet for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanayso
(fal) wax macaan ka dhigo, Bunka macaanayso. Dh: sonkorayso. Li: qadhaadhayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanayso
a: macaaneyso, macayso
de: make s.t. sweet for oneself
lx: macaanayso
pd: (macaanaystay)
ps: v3b=tr
key: macaanayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleysi
m.l la-mid: magaaleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyso
f.mg3 (-stay, -satay) Miyi ama tuulo magaalo ka aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggaraaso
(Maggaraasa-da)
Bahal badda ku nool oo malada iyo garfaadka la jaad ah oo af kala jeexan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaraaso
m.dh Nooc libaax badeedka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggaraaso
f. n. ray fish ~ stingray species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaraaso
-da: (magac, dheig, keli) bahal badda ku nool oo malada iyo garfaadka la jaad ah oo af kala jeexan leh. Badda kolkaad gasho maggaraaso yayna ku xagan. Dh: magaraaso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggaraaso
cf: garfaad
de: ray fish ~ stingray sp.
lx: maggaraaso
pd: (/da)
ps: n-f
key: maggaraaso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaasayso
v. do one's hair with oil ~ gel; set one's hair by flattening it
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaasayso
de: do one's hair with oil ~ gel; set one's hair by flattening it
lx: malaasayso
pd: (malaasaystay)
ps: v3b=tr
key: malaasayso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafaysi
-ga: (n) elopement (ilowpmenf) ~ see also masaafo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafayso
(fal) in masaafo jirta ku soo guurso weli la'aan. Ninka kugula taliya masaafayso ha ka yeelin. Dh: masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalaysi
-ga: (magac, dhedig, keli) eeg sagaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaaraysi
-ga: (magac, lab, keli) sagaaro soo ugaadhsi. Dh: sakaaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadaysi
m.l la-mid: cimaamadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamadayso
f.mg3 (-saday, -satay) Cimaamad madax ku duubasho. la-mid: cimaamado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aanayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abakas
Abacus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkays
-ka: (magac, lab, keli) eeg adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagas
m.l Qof aan ka xishoon waxyaabo bulshada uu la noolyahay ceeb ula muuqda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagas
-ka: (magac, lab, keli) qofka liidnimada iyo ducfiga qaba. Dh: saqajaan, hanyare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagay
(fal) agteeda gaadhsii. Haddaad dhammayn kari weydo, agagay. Dh: dhodhowey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
almaas
m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah. la-mid: dheeman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
almaas
m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah; dheeman.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Almaas
name-unisex diamond
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmays
-ka: (magac, lab, keli) eeg asmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakays
-ka: (magac, lab, keli) sariir iyo wax la mid ah, ku dul dakayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaas
(Fagaas-ka)
Xakame weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaas
m.l (-syo, m.dh) Bir ama qori la geliyo afka fardaha iyo baqlaha marka la xakamaynayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagaas
m. n. bridle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fagaas
-ka: (n) bridle (baraaydhel) ~ xakame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaas
(fal) faras xakame ku xidh. Faraska si fiican u fagaas. Dh: xakamee.
fagaas -ka: (magac, lab, keli) xakame weyn oo gammaanka lagu xidho. Fagaaska ku xidh faraska Dh: xakame.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagaas
de: bridle
lx: fagaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: fagaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garays
(Garays-ka)
Dharka dumarku qaato mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garays
m.l (-syo, m.dh) Guntiino midabbo leh oo haweenku xirtaan.