maggo'oo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggo'oo
-ga: (magac, lab, keli) xadhig aad u adag oo aan la goyn karin oo maydhax aad loo tidcay ama balaastiig ah. Maggo oo ku xidh haduu is waalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mago'oo
-ga: (magac, lab, keli) eeg maggo'oo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowso
f.g3 (-stay, -satay) Hoore aad u cantuugid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggowso
v. take a large mouthful, swig ~ gulp of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowso
(fal) caano kabbo oo cantuugo afka buuxi. Caanaha laba goor maggowso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggowso
de: take a large mouthful, swig ~ gulp of s.t.
lx: maggowso
nt: maggowsad (ka) [vn-m], maggowsasho (/da) [vn-f]
pd: (maggowsaday)
ps: v3a=
key: maggowso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
màggio
s.m. - maajo, meey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
maggot
/maagat/ (n) dixiri (dirxi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggow
(Maggow-ga)
(xoolo) Godlad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggow
maggow¹: m.l 1. Marka ibaha candhada xoolaha caanuhu ku soo istaagaan. 2. la-mid: maggaabid.
maggow²: f.g1 (-gaabay,-bowday; -gaabi) Hoore aad u cantuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggow
v. be ready for milking (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggow
-ga: (magac, lab, keli) diyaarinta neefku isku diyaariyo in caano laga maalo ama laga nuugo oo caanaha uu naasaha ku soo daayo. Dh: godol. maggow: (fal) eeg maggaaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggow
a: maggaw
cf: godlo
de: be ready for milking (of animal)
lx: maggow
pd: (maggaabay / maggowday)
ps: v1=intr
key: maggow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magoog
magoog¹: m.l 1. Tacabka beeraha. 2. M. ah: geed har weyn leh geed-saar ka dulbaxay. 3. Qof aan waxtar lahayn. 4. la-mid: magoogid.
magoog²: f.g1 (-gay, -gtay) Daash, geed iyo wixi lamida har u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magoog
magoog¹: m.l 1. Tacabka beeraha. 2. M. ah: geed har weyn leh geed-saar ka dulbaxay. 3. Qof aan waxtar lahayn.
magool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Geedo caleen bixin xilli aan roob jirin; fufid. m.f.dh, magoolid. la-mid: magooli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magoog
v. create something from nothing
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAGOOG
(Magog) S Allium sp. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magoog
(fal) daash, geed iyo wixii la mid ah, hadh u yeel.
magoog -ga: (magac, lab, keli) tacabka beeraha.
magoog -ga: (magac, lab, keli) geed hadh weyn leh ama geedsaar ka dulbaxay.
magoog -ga: (magac, lab, keli) qof aan waxtar lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magoog
de: create s.t. from nothing
lx: magoog
nt: magoog (ga) [vn-m], magoogid (da) [vn-f]
pd: (magoogay)
ps: v1=tr
key: magoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magool
(Magool-ka)
Caleemaysiga cusub oo dhirta, siiba kolkay xilli-magoolaan; fuf; cosob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magool
magool¹: m.l.u la-mid: magoolayaal.
magool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Geedo caleen bixin xilli aan roob jirin; fufid. la-mid: magooli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Magool
pr. n., [feminine] Magol
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magool
m. n. germination, sprouting, new growth (of plants)
magool v. sprout, bud, put forth new growth; prosper
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Magool
name-f germination, sprouting, bud, new growth or prosperity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magool
-ay/magooshay/magooleen: (v) produce buds; produce a flower; bloom (buluum)-, bud (badh); sprout (isparawt); germinate (jeer-mi-neeyt) ~ ubxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Magool
magac loo bixiyo gabadh da' yar sida magoolka oo qurux badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magool
(fal) baar iyo fiile soo bixi. Biyihii heshaye geedyahaw magool. Dh: fiil, cagaar.
magool-ka: (magac, lab, keli) fiilka cagaaran ee ay dhirtu bixiso kolka uu guga roobku ku da'o. Magool baxay la mood yeey: Dh: baar, yurub, curub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggows
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggaabo
(Maggaaba-da)
Cantuugo weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaabo
m.dh (-ooyin, m.l) Cantuugo weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggaabo
f. n. large mouthful, big gulp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaabo
-da: (magac, dhedig, keli) cantuugo caano lis ah la cantuugo oo afka kol laga buuxsho. Maggaabo way igu filan tahay: Dh: muggaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggaabo
bw: maggaw ~ maggow
cf: cantuugo
de: large mouthful, big gulp
lx: maggaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: maggaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggawso
(fal) eeg maggaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggeyno
m.dh Sac ama hal aad u caano badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggeyno
-da: (magac, dhedig, keli) sac ama hal aad u caano badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowsi
m.l la-mid: maggowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maggowsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangooyo
m.dh Cid magan laga ballan qaaday u gooynteeda. la-mid: magangoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabood
-ka: (magac, lab, keli) geedgaab dhanaan oo bannaanada ka baxa, xooluhuna aad u daaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaaloob
inch. v. become a town ~ city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaaloob
a: magaalow
de: become a town ~ city
lx: magaaloob
pd: (magaaloobay / magaalowday)
ps: v1=inch
key: magaaloob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggowsad
(Maggowsad-ka)
Maggowsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowsad
m.l la-mid: maggowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowsad
-ka: (magac, lab, keli) kabbasho aad ah oo caano la cantuugo siiba kuwa liska ah. Maggowsiga khamrigu laabta ayuu gubaa. Dh: kabbasho, maggowsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof, hoore hal mar afka uga buuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggowsii
ditransitive v. make someone take a big gulp of (milk)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggowsii
de: make s.o. take a big gulp of (milk)
lx: maggowsii
pd: (maggowsiiyey)
ps: v2a=ditr
key: maggowsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowsli
(fal) qof caano kabbisi: caano cantuuji qantuugsii. Dh: magawsii, magaabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magguurto
m.dh 1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iyo wixi lamida. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magguurto
m.dh 1. Hanti m. ah: hanti aan guurguurin oo deynta lagu qaadan karo, sida beeraha guryaha iyo wixi lamida. 2. Dad si joogto ah meel u deggan oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magguurto
f. n. immovable object ~ goods
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magguurto
-magguurtada: (n) immovables (im-muufabalis); real property that cannot be moved; Ex: hanti maguurto ah; real estate property
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magguurto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maguuraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magguurto
de: immovable object ~ goods
lx: magguurto
pd: (/da)
ps: n-f
xe: immovable property ~ real estate; Opp: guurto
xv: hanti magguurta ah
key: magguurto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majagoror
majagoror¹: m.l la-mid: manjagororid.
majagoror²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: manjagoror².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majagoror
m. n. fatigue, tired feeling in one's legs
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majagoror
de: fatigue, tired feeling in one's legs (because of standing for a long time on one's feet)
lx: majagoror
pd: (-ka)
ps: n-m
see: manjagoror
key: majagoror
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurmaggo'an
(Gurmaggo'an-ka)
(dhir) laamihii laga jaray; baargo'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmaggo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax salka laga jaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmaggo'an
m. n. tree with branches lopped off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmaggo'an
-ka: (magac, lab, keli) dhir laamihii laga jaray. Dh: baargo'an.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmaggo'an
de: tree with branches lopped off
lx: gurmaggo'an
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gurmaggo'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggarafoon
m.l (-nno, m.dh) Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddela tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. la-mid: maggaroofan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maggarafoon
m.l (-nno, m.dh) Qalab xoojiya codadka yaryar oo hirarka jabaqda u beddela tamardanabeed, kaasoo loo sii beddeli karo jaqab marka lagu qaado silig ama silig la'aanba. la-mid: maggaroofan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggarafoon
m. n. microphone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggarafoon
-ka: (magac, lab, keli) qalab casri ah oo meelo badan loo adeegsado oo codka soo qabta weyneeya baahiyana. Masaajidka maggarafoon fiican u sameeya. Dh: codbaahiye, maykarafoon, makarafoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggarafoon
a: maggaroofan (ka) [n2-m] {Eng}
de: microphone
lx: maggarafoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maggarafoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaroofan
m.l la-mid: maggarafoon.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maggaroofan
-ka: (n) microphone (maay-kara-foon) ~ makarafoon, mikorofoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggowsasho
(Maggowsasha-da)
Cantuugo weyn cantuugid; maggaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowsasho
m.f.dh eeg maggowso. la-mid: maggowsad, maggowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kabbasho cantuugo ah oo caano la kabbado. Maggowsashada ha ku saxan. Dh: magawsasho.