maggeyno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggeyno
m.dh Sac ama hal aad u caano badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggeyno
-da: (magac, dhedig, keli) sac ama hal aad u caano badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mageyno
-da: (magac, dhedig, keli) hal caano badan oo aan cidi muquuno u bixin. Mageynada kuu dhashay hadhuubkay ma buuxisaa. Dh: ayro.
mageyno -da: (magac, dhedig, keli) eeg mageydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magayno
-da: (magac, dhedig, keli) hal qurux badan oo nirgo dhasha oo madi ah. Magayno dambarkeedii geeljiraa ka dhergey. Dh: hal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeyn
m.dh la-mid: megdeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magdayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mageydo
-da: (magac, dhedig, keli) wax kasta oo xumaan an loo quudhi karin oo laga ilaaliyo. Soddohdu waa canaan mageydo, geedka la hadhsadaana waa biri mageydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeyso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: megdeyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayno
v-aux, pl., neg., present progressive: we are not doing (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayno
de: we are not doing (X) With infinitive verb form
lx: mayno
pd: (meyno)
ps: v-aux-1pl-neg-prpg
xe: We arent starting a fire.
xv: Annagu dab shidi mayno.
key: mayno
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
màggio
s.m. - maajo, meey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maseyn
m.f.dh la-mid: miseyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maseyn
-ka: (magac, laab, keli) dibi laboodhedig ah.
maseyn -ta: (magac, dhedig, keli) wax siman oo isku mid ama is le'eg ah ka dhigid. Dh: masayn, simid, misayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageyso
f.g3 (-stay, -satay) Neef irmaan sacab ku maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangeyn
m.f.dh eeg dangee. la-mid: dangeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeyn
(Maadeyn-ta)
Hadal maad ah sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyn
m.f.dh eeg maadee. la-mid: maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyn
-ta: (magac, dhedig. keli) bandhig maaweelo oo lagu qoslo samayn; hadal maad ah sheegid. Jigjigaawi iyo Miicaad Miiggane maadeyn waa looga hadhay. Dh: majaajillayn, maaweelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyn
m.f.dh eeg maaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madkeyn
m.f.dh eeg madkee. la-mid: madkeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) harag idiinayn oo dhogor iyo hilib wixii raacay ka daguugid. Mocooyo megdaynta masallooyinka way tagaan. Dh: magdeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeys
m.l la-mid: megdeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maleeyn
vl. n. conception, representation, hypothesis theory
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maleeyn
a: maleyn ~ malayn
de: conception, representation, hypothesis theory
lx: maleeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maleeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maneyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ubax yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maneyso
(fal) cid wax sii oo abaal u gal. Ilaahoow barwaago nagu maneyso. Dh: mannayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manneyn
m.f.dh eeg mannee. la-mid: minneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqleyn
m.f.dh eeg maqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maqle ku shiilid; daawe saarid. Maqleynta ha ku illoobin baastada aad shaaxidinayso. Dh: daawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardeyn
m.f.dh eeg mardee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ilaa saddex laamood isku qabasho oo mardo ka dhigid. Dh: mardays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marweyn
m.dh la-mid: murweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xilkasnimo iyo hannaan marwonimo ku dhaqmid. Marweyntu waa u dhalasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
materno
agg. - xagga hooyo; (zio m.: abti; zia m. habaryar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Megdeyn
(Megdeyn-ta)
Meged gelin; idiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeyn
m.f.dh eeg megdee. la-mid: magdeyn, magdeys, megdeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ka sifayn oo idiin ka dhigid. Woobka iyo maraaga ayaa megdeynta hargaha ugu fiican. Dh: megdin, megdayn, megdays.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midgeyn
Taning
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigeyn
m.f.dh eeg miigee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milgeyn
(Milgeyn-ta)
1. Milgo ama ulajeeddo wanaagsan hadalka u yeelid; muunayn; xurmayn; murtiyeyn.
2. Shabaag milgo ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milgeyn
m.f.dh eeg milgee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) keli socosho.
mugleyn-ta: (magac, dhedig, kell) buuxinta inta uu wax muglihi qaadi karo oo dhan. Dh: mugleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugweyn
(tilmaame) qaadweyn; wax badan qaada ah. Dh: qaadweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragleyn
m.dh la-mid: raqleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargeyn
m.f.dh eeg wargee. la-mid: wargeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) war qaadid oo cid kale u tebin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaggeen
question word, vl. pron. where ... I?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaggeen
de: where ... I?
initial: x
lx: xaggeen
ps: qw + vpro
xe: Where can I find this medicine?
xv: xaggaan = xag + -kee + baan
key: xaggeen
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xagleyn
to lob in
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku m.: qof ku dheeldheelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku m.: qof ku dheeldheelid. m.f.dh, maadeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadeyso
v. amuse, enjoy oneself, entertain each other with jokes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyso
(fal) is maaweeli oo maad iyo kaftan iska samayso. Intaad welwel iyo walbahaar ku jiri lahayd iska maadeyso.
maadeyso: (fal) ka ka tooxso oo iskaa ama wax kale ku qosqosol. Dh: tooxso, majaajillayso, riwaayadayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadeyso
de: amuse, enjoy oneself, entertain each other with jokes
lx: maadeyso
pd: (maadeystay)
ps: v3=intr
key: maadeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageero
f.g3 (-rtay, -ratay) Meel ood dhagax iyo wixi lamida ku wareejisasho. la-mid: meegaaro, waageero, weegaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maageero
f.g3 (-rtay, -ratay) Meel ood dhagax iyo wixi lamida ku wareejisasho. m.f.dh, maageerasho. la-mid: meegaaro, waageero, weegaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maageero
v. enclose; encircle; trace a circle around something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageero
(fal) wax aad gaar u leedahay deyr ku xidho. Maageero meesha lagu siiyay: Dh: wareejiso, xanydaabo, meegaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maageero
a: meegaaro
de: enclose; encircle; trace a circle around s.t.
lx: maageero
pd: (maageertay)
ps: v3b=tr
key: maageero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maareyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho. m.f.dh, maareysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maareyso
v. be damaged, get spoiled, go bad ~ off (water, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareyso
(fal) wax kuu gaar ah si wanaagsan u maamulo. Maareyso shirkaddaada. Dh: maamulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maareyso
de: be damaged, get spoiled, go bad ~ off (water, etc.) See also: maarayso
lx: maareyso
pd: (maareystay)
ps: v3b=intr
key: maareyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeysi
m.l la-mid: megdeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggaabo
(Maggaaba-da)
Cantuugo weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggaabo
m.dh (-ooyin, m.l) Cantuugo weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggaabo
f. n. large mouthful, big gulp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggaabo
-da: (magac, dhedig, keli) cantuugo caano lis ah la cantuugo oo afka kol laga buuxsho. Maggaabo way igu filan tahay: Dh: muggaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggaabo
bw: maggaw ~ maggow
cf: cantuugo
de: large mouthful, big gulp
lx: maggaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: maggaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggawso
(fal) eeg maggaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggo'oo
-ga: (magac, lab, keli) xadhig aad u adag oo aan la goyn karin oo maydhax aad loo tidcay ama balaastiig ah. Maggo oo ku xidh haduu is waalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowso
f.g3 (-stay, -satay) Hoore aad u cantuugid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maggowso
v. take a large mouthful, swig ~ gulp of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowso
(fal) caano kabbo oo cantuugo afka buuxi. Caanaha laba goor maggowso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maggowso
de: take a large mouthful, swig ~ gulp of s.t.
lx: maggowso
nt: maggowsad (ka) [vn-m], maggowsasho (/da) [vn-f]
pd: (maggowsaday)
ps: v3a=
key: maggowso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manneyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. 2. Cid ku abaal sheegasho. la-mid: minneyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
manneyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. 2. Cid ku abaal sheegasho. m.f.dh, manneysasho. la-mid: minneyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manneyso
(fal) «ku Alle cid wax ugu deeqid.
manneyso: (fal) «ku ~» cid ku abaal sheegasho. Dh: minneyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
markeynu
conj., vl. pron. when we [incl.] ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
markeynu
(pronoun plus conj.) when we...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
markeynu
de: when we [incl] ... = mar (ka) + aynu
lx: markeynu
pd: (markaynu)
ps: conj + vpro
key: markeynu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
megdeyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Harag meged ka dhigasho. 2. Harag meged marsasho. la-mid: magdeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milgeyso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Shabaag milgo ka dhigasho. 2. Ceel miileysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minweyno
-da: (magac, dhedig, keli) xaasas la wada qabo islaanta u weyn ee loogu horguursado. Ninna minweynadiisa oo wanaagsan ma halladaadiyo. Li: minyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugweyni
-da: (magac, dhedig, keli) qaad weyn lahaan; wax badan qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabeyso
(fal) biyo la'aan darted, salaadka ciid ku bannayso oo ku weeysaqaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyso
f.mg3 (-stay, -satay) Miyi ama tuulo magaalo ka aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangelyo
m.dh Qof cid ka soo cararay oo la daba joogo badbaadinta iyo xannaaneynta cidda uu u tago ay siiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magangelyo
m.dh Qof cid ka soo cararay oo la daba joogo badbaadinta iyo xannaaneynta cidda uu u tago ay siiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magangelyo
-da: (magac, dhedig, keli) cid cabsanaysa nabad iyo ammaan siin oo illalinta nabaddoodana kafaala qaadid. Dh: ammaan, badbaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarweyni
m.dh la-mid: amarweynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarweyni
-da: (magac, dhedig, keli) islaweynida iyo yaraysiga dadka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeyso
f.g3 (-stay, -satay) Badar daango ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daangeyso
(fal) badar, sida galley ama hadhuudh, salool ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggeyn
m.f.dh eeg dabaggee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore wax dambe ka daba kaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargelyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: cid xumaan laga galay u hoysasho si loo raali geliyo.