magac u yaal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magac u yaal
(n) [Grammar] pronoun (paronawn)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
magac uyaal
ضمِيرٍ
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Magac-a u yaal
pronom.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magacuyaal
(Magacuyaal-ka)
(naxwe) Qaybaha hadalka middood gasha jagada magaca (aniga, isaga, iyaga; adiga, iyada, idinka, annaga, innaga, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacuyaal
m.l (-llo, m.dh) (naxwe) Qayb hadalka ka mid ah oo magac baddesha waxayna kala yihiin; m. ebyoon oo ah kuwa keligooda istaaga oo qodob yeelan kara (aniga, adiga iyo wixi lamida), iyo kuwo aan abyoonayn ama dhammayn, qodobna qaadan karin (i, na, ku, idin).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magacuyaal
m. n., [compound] pronoun {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magacuyaal
-ka: (n) [Grammar]; pronoun (paronawn) ~ magac-uyaal dad: personal pronoun (peer-sanal paro-nawn) Ex: sida: aniga, adiga, asaga, iyada, annaga ama ayaga; such as; I, you, he, she, we or they
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacuyaal
-ka: (magac, lab, keli) erey ama xaraf iskii aan macno u samayn oo meel magac ka maqan yahay buuxiya. Adu waad timid anna waan tegey way dhigatay. Wa: magacuyaallo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magacuyaal
de: pronoun {grammar} Lit: substitute name
lx: magacuyaal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: magacuyaal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
figurehead
/figar-heedh/ (n) 1. madax-weyne ama taliye magac u-yaal ah, oo aan awood lahayn, magac-ahaan (n) 2. jismi ama muuqaal sharraxaad ah, oo markab hortiisa laga dhiso, oo sanam u-eg
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
it
/it/ (pron) magac u yaalka mannoolaha iyo xayawaanka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
personal pronoun
/persanal-pronawn/ (n) magac u yaal (sida, i, you, iwm).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pronoun
/prownawn/ (n) magac-u-yaal (kalmad magac u taagan, sida he, she)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
she
/shii/ (pron) ayada (magac-u-yaal dheddiga loo adeegsado).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gli
art. - qodob wadar lab (eeg qaybta naxwaha).
pron. waa magac u yaalka saddexaad oo ka yimid: (a lui, a loro, a lei).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wax
(magacuyaal) erey magac u yaal u ah shay kasta oo jira siiba waxyaabaha aan la aqoon ama aan la doonayn in magacooda la sheego. Dh: shay, walax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pronom
pronom, n.m. - magac u yaal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magac gaar
n. phr. proper noun {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magac ahaan
(adj) nominal (nominal)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laacayaal
m.dh (botani) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laacayaal
m.dh (botani) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacayaal
-sha: (magacwadareed) mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laga yaab
v. be possible, be probable
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magac lab
n. phr. masculine noun {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magac_gaar
de: proper noun {grammar}
lx: magac gaar
ps: np
key: magac_gaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magoolayaal
m.dh.u (botani) Dhir gu'yaal jire ah oo daadiya caleenta xilli gaar ah, dabadeed muddo caleen la'aada, ka dibna magoola. Tusaale: “Galool”. la-mid: magool¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magoolayaal
m.dh.u (botani) Dhir gu'yaal jire ah oo daadiya caleenta xilli gaar ah, dabadeed muddo caleen la'aada, ka dibna magoola. Tusaale: Galool. la-mid: magool.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magac lahayn
(adj) nameless (neem-las)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaalo kulaal
Satelite town
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magacuyaal dad
n. phr. personal pronoun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magacuyaal_dad
de: personal pronoun
lx: magacuyaal dad
ps: np
key: magacuyaal_dad
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badad Muuqaal
Field of vision
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MADAX BUSHAAR
Momordica spinosa 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacdheeraan
m.f.dh eeg magacdheer. la-mid: magacdheeraansho, magacdheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacdheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) caan. ahaan oo wax magaciisa meelo fogfog laga yaqaanno ahaan. Magacdheeraan dhayal laguma helo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madax ku istaag
head stand