magaalo-yar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
magaalo-yar
بليدة
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Magaalo-da
ville.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaryad
(Qaryad-da)
Magaalo yar; tuulo; buulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaryad
m.dh (-do, m.l) Magaalo yar; tuulo; buulo. la-mid: qaryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuulo
m.dh (-ooyin, ml.) Magaalo yar oo meel miyi ah ku taal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulo
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar badanaa ka kooban buulal. Buulo bannaankeeda lama dego. Dh: dabaayid, kaam, tuulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabiyad
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar oo aan weyneyn. Daabiyadda ayaan shaah kasoo cabbay. Dh: tuulo. Li: caasimad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayjad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ballaadhan oo oommane ah, cidi na aanay degganayn. Dh: suun, gabaahiir.
hayjad -da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar oo dhul kala go'an ah ku taal. Dh: daabiyad, tuulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaryad
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar oo miyi ku dhex taal. Weeca waa qaryad Carta u dhaw Dh: tuulo, buulo. Wa: qaryado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulajoog
-ga: (magac, lab, keli) ruuxa ku nool magaalo yar, ee aan docna u dhaafin. Dh: badaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulo
-da: (magac, dhedig, keli) daabiyad yar oo dadku wax ka iibsado ama magaalo yar. Dh: daabiyad. Li: caasimad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaalo-madax
(Magaalo-madax-da)
Magaalada madaxa qaranka iyo dowladdu ay fadhiyaan, laamaha waaweyn oo dhexe oo taliskuna ku yaalliin; caasimad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Magaalomadax
Capitale
Capital
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalomadax
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magaalamadax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalay
(fal) suuq iyo meherado u samee oo magaalo ka dhig. Hayjadda magaalay oo tukaanno ka fur. Dh: magaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Meel magaalo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalow
(fal) magaalo camiran oo wax laga iibsado noqo; dhismayaal badan iyo suuqyo yeelo.
magaalow: (fal) reer magaal noqo iyo muunad iyo muuqaal reer magaal yeelo. Miyi kol haddaad ka timaad haddeed magaalow.
magaalow-ga: (magac, lab, keli) eeg magaaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) magaalo ka dhigid. Dh: magaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaaloob
inch. v. become a town ~ city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaaloob
a: magaalow
de: become a town ~ city
lx: magaaloob
pd: (magaaloobay / magaalowday)
ps: v1=inch
key: magaaloob
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maqaal-ka
article (de journal).
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Masaal-ka
exemple.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Masalo-da
affaire, problème.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-YAR
(Adad-ier) C Acacia senegal (L) Willd Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg magaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayso
(fal) meel cammiro oo magaalo ka dhigo. Xaafad kastaay suuqaaga magaalayso.
magaalayso: (fal) magaalada u bax oo waxaad uga baahan tahay ka soo iibso. Dh: safro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleysi
m.l la-mid: magaaleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyso
f.mg3 (-stay, -satay) Miyi ama tuulo magaalo ka aadid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mataano-ha
jumeaux.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sagaaro-da
antilope.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tabaalo-da
fatigue.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) magaalo ka dhigasho oo cammirid. Dh: magaalaysi.
magaalaysad -ka: (magac, lab, keli) magaalo ka soo safrasho oo wixii looga baahnaa u doonasho. Dh: suuqsad, magaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleysad
m.l la-mid: magaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaloobid
(Magaaloobid-da)
Magaalo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaloobid
m.f.dh eeg magaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo noqosho; cammirmid. Magaaloobidda magaalada waxa asaas u ah biyaha iyo waddooyinka. Dh: magaaloobis.
magaaloobid-da: (magac, dhedig, keli) reer magaal noqosho; qof reer magaal ah ahaansho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SAGAARO-GAL
[SEGARGAL] Dichrostachys kirkii 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAGAARO-GAL
(Sagarogal) C Dicrostachys kirkii Benth. Mimosaceae.
C Dalbergia uarandensis (Chiov.) Thulin Papilionaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SAGAARO-SAL
Commiphora ancistrophora 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-yar
m.l (-yo ..., m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadls yar
Depression
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaal-yahan
-ka: (n) warrior (wooriyar)-, fighter (faayter)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Macaamilo-da
rapport, relation.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalamadax
-da: (n) capital (kaapital); capital city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalamadax
-da: (magac, dhedig, keli) magaalada saldhigga u ah xarumaha looga taliyo dalka iyo dadka ee ay hay'daha dawliga ahi deggen yihiin. Dh: caasimad, xarun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalaqaran
m.dh Qaran hal magaalo ka kooban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaalaqaran
f. n. city-state
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaqaran
(tilmaame) magaalo aan qabiil iyo qolo toona gaar u hayne oo dadka dal wada gala oo dhan u dhaxaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaalaqaran
de: city-state
lx: magaalaqaran
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: magaalaqaran
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaalo weyn
Metropolis
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Magangale-ha
réfugié.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaalo kulaal
Satelite town
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Abaal-ka
récompense.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalan
(fal) dagaal gal oo wax dil adna in lagu dilo isku diyaari. Orod dagaalan waaka dalkaagii la haystee. Dh: dagaallan, dirir.
dagaalan -ka: (magac, lab, keli) dagaalgalid oo waxdil isku diyaari. Dh: dagaallan, dirir. dagaal'aqoon -ka: (magac, lab, keli) qof colaad u joog ah oo tabaha iyo xeeladaha dagaalka oo dhan. yaqaan. Dh: colyagaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganboyar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gamboyar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaliyad
(Maaliyad-da)
Xoolo; maal; lacag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaliyad
m.dh Hanti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaliyad
f. n. wealth, property; finance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaliyad
-da: (n) finance (fe-naansi). Ex: Wasaaradda Maaliyadda; the Ministry of Finance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaliyad
-da: (magac, dhedig, keli) hanti badan oo lacag ama qiimo lacageed leh. Waxbarasho sare oo tayo lihi maaliyad badan bay u baahan tahay Dh: aduun, dhaqaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaliyad
bw: Arabic
cf: maal; lacag; xoolo
de: wealth, property; [ext.] finance
lx: maaliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maaliyad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Madaax-a
chef.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagga
-ga: (magac, lab, keli) baahi hilib cuniddii loo baahdo. Magaag buu la miliilsan yahay. Dh: suruuradow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Meel magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaalee
v. set up a town; make (a village) into a city
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalee
-yey / magaaleysay: (v) urbanise (eerbaneeyz); make urban; make into a city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalee
(fal) eeg magaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaalee
de: set up a town; make (a village) into a city
lx: magaalee
pd: (magaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: magaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacdar
f.mg1 (-ray, -rtay) Ugu m.: qof, qof kale kala magac dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magacdar
f.mg1 (-ray, -rtay) Ugu m.: qof, qof kale kala magac dhigid. m.f.dh, magacdarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacdar
(fal) (ugu ~) magac qof hore loogu saaray, ilmo dhashay u bixi adoo ku xidhaya ama ka barakaysanaya. Curadkaaga aabbahaa ugu magacdar. Dh: magacdhig.
magacdar-ka: (magac, lab, keli) u bixinta ilmo yar oo dhashay loo bixiyo magac horay u jiray si loo xoogeeyo isku xidhka labadooda ama magacaa hore looga barakaysto.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Magan-ta
réfugié.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Malmal-a
myrrhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaalad
(Maqaalad-da)
Hadal wargeys lagu qoro; qodob; (ama maqaal, maqaalo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaalad
m.dh (-do, m.l) Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. la-mid: maqaal, maqaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaalad
m.dh (-do, m.l) Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. la-mid: maqaal, maqaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaalad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maqaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaayad
m.dh la-mid: makhaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaayad
f. n. restaurant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaayad
-da: (n) restaurant (res-taroont) ~ baar, makhaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaayad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg makhaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaayad
a: makhaayad
de: restaurant
lx: maqaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maqaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraamar
-ka: (magac, lab, keli) waydiimo badan oo qof in macluumaad laga soo saaro la doonayo la weydiiyo oo dhinacyo badan taabta. Maraamarka nabad sugiddu wuu adag yahay. Dh: imtixaan, ankeed, maraanmar.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maxal-ka
utérus.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QABO-YAR
[KABO-YAR, QUABO-YAR] Euphorbia migiurtinorum 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaalow
(fal) sagaal noqo; tiro sagaal ah noqo; tiro ku sagaal noqo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xagaa-ga
été.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalgal
m.l (-llo, m.dh) 1. Heer korriimo oo marka wiilashu gaaraan dagaalka ka qayb qaadan karaan. 2. D. ah: wiil gaaray da'dii uu dagaal kaga qayb qaadan lahaa. 3. Hab dagaal looga qayb qaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaalgal
m. n., [compound] man who has reached the age to bear arms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalgal
(fal) eeg dagaallan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaalgal
de: man who has reached the age to bear arms
lx: dagaalgal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dagaalgal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaallan
(Dagaallan-ka)
Iska hor-imaansho wax laysku yeelo; dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaallan
dagaallan¹: m.l la-mid: dagaallamid.
dagaallan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La d.: cid dagaal kula kicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dagaallan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) La d.: cid dagaal kula kicid. m.f.dh, dagaallamid.