magaaleysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleysad
m.l la-mid: magaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) magaalo ka dhigasho oo cammirid. Dh: magaalaysi.
magaalaysad -ka: (magac, lab, keli) magaalo ka soo safrasho oo wixii looga baahnaa u doonasho. Dh: suuqsad, magaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleysi
m.l la-mid: magaaleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyso
f.mg3 (-stay, -satay) Miyi ama tuulo magaalo ka aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaaneysad
-ka: (magac, lab, keli) wax macaan ka dhigasho. Macaanaysadka badan waa la nacay. Dh: macaanaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleysasho
m.f.dh eeg magaaleyso. la-mid: magaaleysad, magaaleysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaleysad
m.l.u la-mid: dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafeysad
m.l la-mid: gaafeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysad
m.l la-mid: maadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysad
-ka: (magac, lab, keli) cid ka tooxsasho oo ku qosqoslid. Wilku maadaysadka wuu nacaaye ka aamusa. Dh: maadaysasho, ruwaayadays, maadaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeysad
m.l la-mid: megdeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaareysad
m.l la-mid: abaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaleysad
m.l la-mid: ilaaleysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg magaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayso
(fal) meel cammiro oo magaalo ka dhigo. Xaafad kastaay suuqaaga magaalayso.
magaalayso: (fal) magaalada u bax oo waxaad uga baahan tahay ka soo iibso. Dh: safro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaaweysad
-ka: (magac, lab, keli) cadow ka dhigasho; cadaaweysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeysad
m.l la-mid: dadaabeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabeysad
-ka: (magac, lab, keli) biyo la'aan darteed ciid habaas leh salaadka ku bannaysasho. Dh: goggobeysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafaysad
-ka: (magac, lab, keli) masaafa geysasho oo ku soo mehersasho. Masaafasadku waa weli ka carar. Dh: masaafageysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalaalaysad
(Xalaalaysad-ka)
Xalaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalaysad
m.l la-mid: xalaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan lagu oggolayn iskaa u bannaysasho oo sharci la'aan iska cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgaaleysad
m.l la-mid: googgaaleysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgaaleysad
-ka: (magac, lab, keli) halxidhaalaha googgaalaysiga ciyaarid oo ku maaweelaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg masaafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaalaysad
(Dhaqaalaysad-ka)
Dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalaysad
m.l la-mid: dhaqaalaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaalaysad
vl. n. act of saving, tending, economizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalaysad
-ka: (magac, lab, keli) ciddaada ilaalsasho oo daranyada ka dhabasho.
dhaqaalaysad -ka: (magac, lab, keli) dhaqaale yeelasho. Dadka oo wax la baraa waa dhaqaalaysadka ugu wanaagsan. Dh: dhaqaalaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaalaysad
a: dhaqaalaysasho (/da) [vn6-f], dhaqaalaysi (ga) [vn2-m]
de: act of saving, tending, economizing
lx: dhaqaalaysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dhaqaalaysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallaysad
-ka: (magac, lab, keli) lug keli ah ku socod ama ku boodboodid. Dh: hangallaysasho, hangallaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraalaysad
-ka: (magac, lab, keli) warwareegid meel qudha lagu warwareego. Dh: duurid. meeraalaysasho -da: (magac, dhedig, keli) meermeerasho kolba dhan loo meeraysto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaalaysad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tuugaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysad
m.l la-mid: cageysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaliyad
(Maaliyad-da)
Xoolo; maal; lacag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaliyad
m.dh Hanti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaliyad
f. n. wealth, property; finance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaliyad
-da: (n) finance (fe-naansi). Ex: Wasaaradda Maaliyadda; the Ministry of Finance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaliyad
-da: (magac, dhedig, keli) hanti badan oo lacag ama qiimo lacageed leh. Waxbarasho sare oo tayo lihi maaliyad badan bay u baahan tahay Dh: aduun, dhaqaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaliyad
bw: Arabic
cf: maal; lacag; xoolo
de: wealth, property; [ext.] finance
lx: maaliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maaliyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaaneysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsad
m.l la-mid: madalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsad
-ka: (magac, lab, keli) madal ku ballamid: ballan qabsasho oo meel iyo milay ku heshiin. Kolka ciyaar la tegayo madalsadka ayaa ugu muhiimsan. Dh: isballansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalay
(fal) suuq iyo meherado u samee oo magaalo ka dhig. Hayjadda magaalay oo tukaanno ka fur. Dh: magaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Meel magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaalee
v. set up a town; make (a village) into a city
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalee
-yey / magaaleysay: (v) urbanise (eerbaneeyz); make urban; make into a city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalee
(fal) eeg magaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaalee
de: set up a town; make (a village) into a city
lx: magaalee
pd: (magaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: magaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansad
-ka: (magac, lab, keli) cid wax weydiisasho. Magansad baan kuugu imide ha i hongoobin. Dh: tuugid, baryootan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maneysad
m.l la-mid: manesyasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maneysad
-ka: (magac, lab, keli) cid abaal u galid; siin aan wax laga doonayn cid siin. Dh: mannaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaalad
(Maqaalad-da)
Hadal wargeys lagu qoro; qodob; (ama maqaal, maqaalo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaalad
m.dh (-do, m.l) Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. la-mid: maqaal, maqaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaalad
m.dh (-do, m.l) Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. la-mid: maqaal, maqaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaalad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maqaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaayad
m.dh la-mid: makhaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaayad
f. n. restaurant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaayad
-da: (n) restaurant (res-taroont) ~ baar, makhaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaayad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg makhaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaayad
a: makhaayad
de: restaurant
lx: maqaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maqaayad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaasad
-da: (n) nipple (nip'al); infant pacifier ~ mujurc-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaasad
-da: (magac, dhedig, keli) weel inta badan caag dhinacyada lambarro ku leh ah oo afkana cinjir naas u eg ku leh oo carruurta caanaha lagu siiyo. Bile masaasad buu caanaha ku dhamaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareysad
m.l la-mid: afareysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweysad
(Daaweysad-ka)
Daawadhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysad
m.l la-mid: daaweysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweysad
vl. n. medical treatment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale ama meel ku jirran daawo siisasho. Dh: daweysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaweysad
a: daaweysasho (/da) [vn-f]
de: medical treatment
lx: daaweysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: daaweysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalsan
(tilmaame) cid caraysan oo doonaysa inay dagaal ka gun gaadho. Dh: dirirsan. dagaaltoleed-ka: (magac, lab, keli) dagaalsokeeye oo dad isku asal ah ka dhexdhaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaajeysan
der. [adjective] hungry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaajeysan
a: gaajaysan
de: hungry Opp: dheregsan
lx: gaajeysan
pd: (gaajeysnaa)
ps: adj-der
key: gaajeysan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaajeysan
جائع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuleysad
(Guuleysad-da)
Guuleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuleysad
m.l la-mid: guuleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeysad
m.l la-mid: jaabeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamleysad
m.l la-mid: jimleysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysad
-ka: (magac, lab, keli) mirdhid oo daxal yeelasho. Bir labaatan sano meel taallay maaraysad waa lagama maarmaan. Dh: maarow, daxalaysad, midhidhid.
maaraysad -ka: (magac, lab, keli) si wanaagsan wax u maamulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareysan
(tilmaame) eeg maaraysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneys
m.l la-mid: macaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansad
(Macaansad-ka)
Macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansad
m.l la-mid: macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansad
-ka: (magac, lab, keli) dhadhan jeclaysi raaxo leh. Macaansadka shaahu yaanu ku hodine iska jooji. Dh: macaansi macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax mugdi kaaga jiro sida ay kula tahay u fasirasho oo u fahmid Dh: laqmaysad, macnaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhaleys
madhaleys¹: m.l la-mid: madhale.
madhaleys²: m.dh la-mid: madhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhaleys
m. n., [collective] barren person ~ people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhaleys
-ta: (adj) infertile (infeer tal), sterile (isteeral), barren (baaran) or impotent (im-po tant) female
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhaleys
de: barren person ~ people Alt sp: madhdhaleys
lx: madhaleys
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: madhaleys