madrigal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
madrigal
madrigal, n.m. - Gabay gaaban oo jaceyl ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marital
/maaratal/ ee guur (guurka qofka; guur ku lug leh).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marital
marital, adj. - la xidhiidha guurka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madrisad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg madrasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raddigal
m.l Col kayd ah oo marka wax la weerarayo loo kaydiyo difaac ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raddigal
-ka: (magac, lab, keli) col kayd ah oo marka wax la weerarayo loo kaydiyo difaac ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaragad
-da: (magac, dhedig, keli) dubbo yar oo wax lagu musbaaro. Maska madaragad madaxa kala dhac. Dh: dubbe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
martigali
-yey / say: (v) serve as host (howst) to.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adiga
(adi, aad, kuu...)
Qofka lala hadla hayo ama wax loo qora hayo magacuyaalki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adiga
mu.eb Magacuyaal tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha). la-mid: adi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adiga
m..eb Magacuyaal tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha). la-mid: adi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adiga
prosg. you, thou
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adiga
(pron.) you ~ adi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adiga
cf: aad, ad, adi, ku, -kaaga, -taada
de: you, thou
lx: adiga
pd: (adigu)
ps: pro-2sg
key: adiga
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
adiga
أَنتِ، أَنْتَ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
argal
-ka: (magac, lab, keli) qalab saanadda ciidanka lagu gurto. Dh: shakadda, kashadda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madal
(Mada-sha)
1. Meel dad badani joogo ama isugu yimid; shir; fagaare; madar.
2. Waqti laysu qabto; ballandhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madal
madal¹: m.dh 1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. la-mid: madar².
madal²: f.g1 (-dlay, -dashay; -dli) Qof ballamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madal
m.dh 1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. la-mid: madar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madal
f. n. appointment; meeting, plural, ace, assembly; reunion, convention
madal v. make an appointment
madal v. postpone, put off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madal
-madasha: (n) a public meeting place for open discussion; forum (fooram)-, court (koort) ~ gole, fagaare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madal
-sha: (magac, dhedig, keli) goob shir ama ciyaar loo yimid. Ama waa la muuqdaa ama madasha lama tego. Dh: fagaare, goob, gego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adigaa
pron., sg. It is you who ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adigaa
(pron.) it is you... Ex: Adigaa laguu yeerayaa; it is you who is called
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adigaa
de: It is you who ... = adiga + baa
lx: adigaa
ps: pro-2sg + focus
key: adigaa
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aerial
Eeriyal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aerial
/eeriyal/ (n) fiilo ama bir dhuuban oo awood u leh inay gudbiso ama soo qabato hirarka raadyaha (t.v. anteena).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
aerial
/eeriyal/ (n) anteeny.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badgal
-ka: (magac, lab, keli) meel loo socdey ama loo kicitimay nabad ku gaadhid. Dh: nabadgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fargal
m.l 1. (-llo, m.dh) la-mid: fargashi. 2. la-mid: faraggal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fargal
m.l 1. (-llo, m.dh) la-mid: fargashi. 2. la-mid: faraggal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fargal
Annulus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargal
-ka: (magac, lab, keli) walax yar oo wareegsan oo macdan ka samaysan oo faraha la gashado iyadoo qurux laga dayayo. Dh: faraartin, fargashi, kaatun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargal
(Hargal-ka)
1. Harka soo geliddiisa.
2. Harkii oo meel la joogo ama la harsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargal
hargal¹: m.l 1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. la-mid: hargelid. la-mid: hargalmo, hergel¹, hergalmo.
hargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. la-mid: hergel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargal
hargal¹: m.l 1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. la-mid: hargalmo, hergel.
hargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. m.f.dh, hargelid. la-mid: hergel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargal
v., [compound] get into the shade; sit in the shade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargal
(fal) eeg hadhgal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargal
de: get into the shade; sit in the shade
lx: hargal
nt: hargal (ka) [vn-m]
pd: (hargalay)
ps: v1=cmp
key: hargal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaal
(Madaal-ka)
Weel badarka iyo wixii la mid ah lagu cabbiro; mas labadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Weel badarka iyo wixi lamida lagu cabbiro. 2. Badar dhan hal madaal muggis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Weel badarka iyo wixi lamida lagu cabbiro. 2. Badar dhan hal madaal muggis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaal
m. n. measuring cup, grain measure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaal
-ka: (magac, lab, keli) weel badarka iyo wixii la mid ah lagu cabbiro. Dh: galaan, suus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaal
de: measuring cup, grain measure
lx: madaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: madaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiil
-sha: (magac, dhedig, keli) eeg maddiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margad
-ka: (magac, lab, keli) joogsi cunto ama hadal lagu joogsado oo hungurigu rogi waayo. Dad baan margadka aqoon oo hadalka isdaba dhiga. Dh: hakad.
margad -ka: (magac, lab, keli) arrin, hawl iyo wixii la mid ah hakad gaaban oo ku yimaad. Dh: rikad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax margaday ahaansho (nafley). la-mid: mergan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
margan
der. [adjective] choked, strangled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
margan
(tilmaame) cunaha u jooga. Qori ayaa ku margan saca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
margan
de: choked, strangled
lx: margan
pd: (marganaa)
ps: adj-der
key: margan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mariil
mariil¹: m.l la-mid: maliil1. la-mid: maliilid.
mariil²: f.mg1 (-iilay, -iishay) la-mid: maliil².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mariil
inch. v. waste away, be gravely ill, become decrepit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mariil
-ay / maliishay: (n) become thin (thiin), lean (liin) or gaunt (goont) due to sickness ~ maliil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mariil
de: waste away, be gravely ill, become decrepit
lx: mariil
pd: (mariilay)
ps: v1=inch
see: maliil (and related forms)
key: mariil
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marina
/mariina/ (n) deked yar oo doomuhu kusoo xirtaan kana shiraacdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxal
m.l (-llo, m.dh) 1. la-mid: marxalad (3). Fogaan maalin socod dhan. 2. Gar; daw; jid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radial
radial, adj. - xidhiidhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Targal
(Targal-ka)
Surweel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
targal
m.l (-llo, m.dh) 1. Sarwaal hoos ka dhuuban oo badanaa fardaha lagu fuulo.2. Sarwaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
targal
m.l (-llo, m.dh) 1. Sarwaal hoos ka dhuuban oo badanaa fardaha lagu fuulo.2. Sarwaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
targal
m. n. pair of pants, trousers
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
targal
de: pair of pants, trousers
initial: t
lx: targal
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: surweel
key: targal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargal
(Wargal-ka)
Qof warkiisu yahay, ku lagu kalsoon yahay oo la cuskan karo; qof warka heli og, runna ka sheega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargal
m.l.kh W. ah: qof warkiisa lagu kalsoonaan karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wargal
m. n., [compound] reliable informant
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wargal
Attendibile
Reliable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargal
-ka: (magac, lab, keli) qof warkiisa lagu kalsoonaan karo; qof warka heli og runtana ka sheega. Waa weriye wargal ah. Dh: wargaleen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wargal
de: reliable informant
initial: w
lx: wargal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: wargal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
admiral
/adhmaral/ (n) taliyaha sare ee ciidamada badda.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
admiral
/admaral/ (n) lang teliye eh oo askarty maagnathy ku mid eh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arrival
/arraayval/arrivals/ (n) 1. imaansho ama soo caga dhigasho. e.g. His arrival will be delayed. 2. wax cusub oo hadda dhashey, ilmo oo kale. e.g. Many people lost their jobs with the arrival of the computer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
arrival
n., imaad, -ki, soo socod, -ki.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Badriya
name-f early, resembling full moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragal
-ka: (magac, lab, keli) cudur faraha gala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garagal
-ka: (magac, lab, keli) dhib ka samatabixid; dhibaato ka badbaadid. Gurigii amxaarada hashii garagashii dhaaftey.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurigal
-ay / gurigashay: (v) a newly married couple united in home ~ aqalgal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurigal
-ka: (magac, lab, keli) labada ruux ee is guursaday marka ay guri isla tagaan ee ay reer noqonayaan. Dh: aqalgal, dadabgal, aroos.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhgal
(fal) hadh hoos fadhiiso oo iftiinka ka gabbo. Dh: hadhso. Li: cadceedso.
hadhgal -ka: (magac, lab, keli) xilliga duhurka ee kulka cadceedu meel sare gaadho. Dh: duhur, hadh, hargal.
hadhgal -ka: (magac, lab, keli) meelhadhsadka maalinta badhtankeeda meel la joogo ama la hadhsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangal
m.l.kh M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maangal
m.l.kh M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maangal
Real
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maangal
m. n., [compound] rational idea, conceivable event
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangal
-ka: (magac, lab, keli) wax garaadka beni'aadanku fahmi karo oo inuu caqligal ayahy uu u arako. Dh: macquul, caqligal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maangal
de: rational idea, conceivable event
lx: maangal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: maangal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddiil
m.dh la-mid: maliiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddiil
f. n. very sharp small knife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maddiil
-maddiisha: (n) small knife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddiil
-sha: (magac, dhedig, keli) middi yar oo dhuuban oo fandhaallada iyo fidhinnada lagu xardho. Maddiisha adhiga ciddiyaha kaga gur. Dh: muus.
maddiil-sha: (magac, dhedig, keli) makiinadda yar ee wax lagu gooyo ee lagu xiirto. Tukaanka maddiil iiga soo iibi. Dh: safeexad, makiinad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddiil
de: very sharp small knife
lx: maddiil
pd: (/sha)
ps: n1-f, n2-f
see: mandiil
key: maddiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madhiba
magac loo bixiyo gabadh si fudud u dhalatay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Madiina
pr. n., loc. Medina (holy city north of Mecca)
Madiina pr. n., [feminine] Medina, Madina
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madiina
name-f the holy city of Medina
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madiina
magaalada barakaysan ee uu ku aasan yahay Nebigeenii Muxammed ahaa, naxariisi iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
magical
/maajikal/ (adj) sixir ah (sixir ku lug leh).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
màndria
s.f. - horin, xayn (ari, geel, lo').
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardhal
-ka: (magac, lab, keli) eeg marcurad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marshal
/maarshal/ (n) 1. maarshaal (darajada ugu sarraysa ee ciidamada) 2. qof sarkaal sare ah (oo meel u sarreeya) 3. isku-habayn (isku-duwid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
martial
/marshal/ (adj) ee milateri (arimaha ciidamada ku lug leh).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
martial
martial, adj. - Maxkamadayn (militari ama madani).