maddaysnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xadaysnaan oo daari lagu garto lahaan. Beeruhu madaysnaan kama maarmaan. Dh: daariyaysnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysnaan
m.f.dh eeg caddaysan. la-mid: caddaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caddaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddaysnaan
m.f.dh eeg waddaysan. la-mid: waddaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) jidad iyo dawyo la maro lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadaysnaan
m.dh la-mid: cadcadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax midaysan oon firidhsanayn ahaan. Dh: midnimo. Li: firidhsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta mid cadhaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadbaysnaan
m.dh la-mid: jidbaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madkeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la madkeeyey oo madag lagu gubay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeysnaan
m.dh la-mid: megdeysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la magdiyay ahaan. Magdaysnaanta ayuu haraggu ku nadiifoobaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaysnaan
m.f.dh eeg margaysan. la-mid: margaysnaansho, mergaysnaan, mergaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeysnaan
m.f.dh eeg muddeysan. la-mid: muddeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeysnaan
-ta: (magac,dhedig, keli) wax xilliga uu bilaabmayo iyo inta uu soconayaba la garanayo ahaan; wax muddaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysnaan
m.f.dh eeg qardaysan. la-mid: qardaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul qardo ah oon la qodin ahaan. Muur la'aan ayaa beerta qardaysnaanta ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siddaysnaan
m.f.dh eeg siddaysan. la-mid: siddaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadnaysnaan
m.f.dh eeg wadnaysan. la-mid: wadnaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddaysnaan
m.f.dh eeg xiddaysan. la-mid: xiddaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xiddaysan oo aad loo sharraxay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg madaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadaysnaan
m.f.dh eeg cadcadaysan. la-mid: cadcadaysnaansho, cadadaysnaan, cadadaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddaraysnaan
m.f.dh eeg faddaraysan. la-mid: faddaraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddaraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid uskag iyo dhusuq badan ahaan. Dh: uskagaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardhaysnaan
m.f.dh eeg dardhaysan. la-mid: dardhaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayadaysnaan
m.f.dh eeg fayadaysan. la-mid: fayadaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysnaan
m.f.dh eeg malaxaysan. la-mid: malaxaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar malaxi gashay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabaysnaan
m.f.dh eeg midabaysan². la-mid: midabaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandaysnaan
m.f.dh eeg raandaysan. la-mid: raandaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumadaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax summad leh aahan; calaamadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysan
(tilmaame) xad iyo astaan lagu garto leh; daari la yaqaan leh. Beer madaysan laguma durki karo. Dh: daariyaysan, xadaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddanaan
m.f.dh eeg aaddan³. la-mid: aaddanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aaddanaan
Correspondence
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaddanaan
f. n., [abstract] alignment, parallelism; opposite; the fact of falling on a certain day, being due at a certain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka sii~> qof ama wax kale oo meel u sii jeeda ahaan.
aaddanaan-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) (isku ~) ku beegnaanta iyo ku abbaarnaanta qof ama meel. Liiska isku aadanaanta kooxuhu wuu soo baxay. Dh: beegnaan, abbaarnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaddanaan
de: alignment, parallelism; opposite; the fact of falling on a certain day, being due at a certain time
lx: aaddanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: aaddanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysnaan
m.f.dh eeg afaysan². la-mid: afaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afbadan oo aad wax u gooya ahaan. Middidu afaysnaan bay wax ku goysaa. Dh: soofaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysan
La caddeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax la caddeeyey ahaansho. 2. Wax caano lagu daray ahaansho (shaah). m.f.dh, caddaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddaysan
der. [adjective] white, whitened; clean, clear; explained
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddaysan
-caddaysnaa / caddaysnayd: (adj) whitened (waaytenidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysan
(tilmaame) awr aan heeryo saarnayn; la caddeeyey.
caddaysan: (tilmaame) shaah iyo wax la mid ah oo caano lagu daray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddaysan
a: caddeysan
de: white, whitened; [ext.] clean, clear; [fig.] explained
lx: caddaysan
pd: (caddaysanaa)
ps: adj-der
key: caddaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daddanaan
(Daddanaan-ta)
Qof wax ku daddan ahaansho; mammanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddanaan
m.f.dh eeg daddan. la-mid: daddanaansho, deddanaan, deddanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daddanaan
f. n. (adj.): attentiveness; eager to do, anxious, 'gung ho'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad ugu mammanaan; wax aad iskugu taxallujin oo u jeclaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daddanaan
de: attentiveness; [atr.] eager to do, anxious, 'gung ho'
lx: daddanaan
pd: (-ta)
ps: n2b-f
key: daddanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaysan
(tilmaame) muddo go'an leh; muddo cayiman loo qabtay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax siddo loo yeelay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddaysan
(tilmaame) wax sidde loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddaysan
La waddeeyey; korka iska saarsaaran; rasaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Badeeco wax si nadaamsan isu dulsaaran ahaansho. 2. Meel wax waddo laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddaysan
der. [adjective] paved
waddaysan [derived] [adjective] piled up, stacked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddaysan
(tilmaame) la raseeyey ah; korka iska saarsaaran ah.
waddaysan: (tilmaame) dariiqyo la mara leh; dawyo fiican leh. Meel waddaysani waa meel ay ilbaxnimo ka jirto. Dh: jidaysan, wadiiqaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaddanaan
(Xaddanaan-ta)
Wax xaddan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaddanaan
f. n., [abstract] completeness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xooggan ahaan. Dh: xoogganaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaddanaan
de: completeness
initial: x
lx: xaddanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xaddanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ibtilo iyo aafo qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsaysnaan
m.f.dh la-mid: asqaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqsaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u oommanaan.
aqsaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid jahadu ka lunsantahay oo wareersan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmaysnaan
m.f.dh eeg asmaysan. la-mid: asmaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo la sanceeyay ahaan.
asmaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid la habaaray ahaan.
asmaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax calaamadaysan ahaan. Dh: amaaradaysnaan, astaysnaan. asmaysnaansho -ha: (magac, lab, keli) eeg asmaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqaysnaan
m.f.dh eeg asqaysan. la-mid: aqsaysnaan, aqsaysnaansho, asqaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dayowsanaanta lafteeda; hallawsanaan.
asqaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid aad u wareersan ahaan.
asqaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid jahada ka lunsan ahaan.
asqaysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid xoog u comman ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaysnaan
m.f.dh la-mid: astaamaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) amaarad iyo astaan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalnaan
m.dh la-mid: beddelnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baddalan oo wixii hore ka duwan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysnaan
m.f.dh eeg caraysan. la-mid: caraysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadhaysan ahaan; cadhaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysnaan
m.f.dh eeg danaysan. la-mid: danaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dan qaba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysnaan
m.f.dh eeg eedaysan. la-mid: eedaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof eed qaba ahaan; qof denbi loo haysto ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddisnaan
m.dh la-mid: geddisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala gadisnaan; wax kale, ka duwanaan.
gaddisnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhinicii uu yaalay maahee dhinaca kale loo rogay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaysnaan
(Galaysnaan-ta)
Wax galaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaysnaan
m.f.dh eeg galaysan. la-mid: galaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaysnaan
f. n., [abstract] state of having a cover
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax gal ku jira ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaysnaan
de: state of having a cover
lx: galaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: galaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysnaan
m.f.dh eeg gasaysan. la-mid: gasaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysnaan
m.f.dh eeg habaysan². la-mid: habaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hab iyo hannaan fiican u dhignaan. Dh: hannaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeysnaan
m.f.dh eeg hadeysan². la-mid: hadeysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadeysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hadaysan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraysnaan
m.f.dh eeg haraysan. la-mid: haraysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacaysnaan
m.f.dh eeg jacaysan. la-mid: jacaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysnaan
m.f.dh eeg jahaysan. la-mid: jahaysnaansho, jihaysnaan, jihaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafaysnaan
(Lafaysnaan-ta)
Qof madaxa ka lafaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafaysnaan
m.f.dh eeg lafaysan. la-mid: lafaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafaysnaan
f. n., [abstract] state of having a fractured skull