madbaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madbaco
m.dh la-mid: madbacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madbacad
(Madbacad-da)
Aqalka (iyo alaabta) wax lagu daabaco, (ama madbaco).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madbacad
m.dh (-do, m.l) Meel dhisan oo ay yaalliin mashino waaweyn oo wax lagu daabaco. la-mid: madbaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madbacad
f. n. printing, present tenses; publishing house
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madbacad
-da: (n) printing shop or office
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Madbacad
Stamperia
Printing house
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madbacad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab iyo meel buugaagta lagu daabaco. Manhajka waxbarasho waxa lagu daabacaa madbacadda qaranka. Dh: madbaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madbacad
a: madbaco (/da) [n6-f]
bw: Arabic
de: printing-press; publishing house
lx: madbacad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: madbacad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
madbacad
مِطْبَعَة وَ آلَةُ طَبْعِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mabac
m.l Dhagax, dhadhaab iyo wixi lamida oo aad u adag oo qalabka qodidda iyo jabintu ayan burburin karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arbaco
m.dh Maalinta afraad ee toddobaadka, una dhexeysa talaadada iyo khamiista.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arbaco
m.dh Maalinta afraad ee toddobaadka, una dhexeysa talaadada iyo khamiista.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Arbaco
-da: (magac, dhedig, keli) maalinta shanaad ee todobaadka; maalinta Talaadada iyo Khamiista u dhaxaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arbaco
-da: (magac, dhedig, keli) hungurixumi uu qofku waxba sugi karin. Ridani waa neef arbaca hayso oo aan joogsannin. Dh: hungurixumi, gaajo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
Arbaco
الأربعاء
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaqo
-da: (magac, dhedig, keli) shuuro la jilciyo oo laga sameeyo budada hadhuudh isaga oon la feedagin la ridqo. Umusha madago u karsha. Dh: maddaqo, shuuro, muushaalli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madfac
(Madfac-a)
Qalab dabka waaweyn oo lagu dagaallamo kamid ah; wuxuu ka samaysan yahay birlab ama macdan kale oo adag, dhuun weyn qaabkeed buuna lee yahay; waxaa ka ridma jaliilado inta qarxada waxna guba waxna laaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madfac
m.l (-cyo/-daafiic, m.dh) Qalab hubka waaweyn oo lagu dagaallamo ka mid ah, ka samaysan birlab ama macdan kale oo adag, lehna dhuun dheer oo ay ka ridmaan jaliilado qarxada oo wax guba waxna burburiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madfac
m.l (-cyo/-daafiic, m.dh) Qalab hubka waaweyn oo lagu dagaallamo ka mid ah, ka samaysan birlab ama macdan kale oo adag, lehna dhuun dheer oo ay ka ridmaan jaliilado qarxada oo wax guba waxna burburiya. m.dh.w, madaafiic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madfac
m. n. cannon, field gun, artillery piece
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madfac
-a: (n) large-caliber weapon; such as cannon (kaanan), howitzer (hawatsar), and artillery (aartilari); mortar (moortar), missile launcher ~ kanooni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madfac
-a: (magac, lab, keli) hub lagu dagaallamo oo hubka culculus ka mid ah oo meel dheer la iskaga aa'o oo qalab kala geddisan laga gano. Dh: saaruukh. Wa: madaafiic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madfac
bw: Arabic
de: cannon, field gun, artillery piece
lx: madfac
pd: (-a Pl: madaafiic (da))
ps: n2a-m, n8-m
key: madfac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabaco
f. n. palm (of hand)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabaco
-baabacada: (n) palm (paam) ~ calaacal, sacab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabaco
de: palm (of hand) Alt sp: baabbaco
lx: baabaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: baabaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madbakh
(Madbakh-a)
Jiko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madbakh
m.l Jiko; alawaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madbakh
m. n. kitchen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madbakh
-ka: (n) kitchen (kijin) ~ jiko, kushiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madbakh
-a: (magac, lab, keli) meesha caadi ahaan cuntada lagu kariyo. Madbakha Soomaalida raggu inta badan ma galaan. Dh: jiko kushiin, alawaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madbakh
bw: Arabic
de: kitchen
lx: madbakh
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: jiko, kushiin
key: madbakh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madraso
m.dh la-mid: madrasad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madraso
f. n. school
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madraso
de: school
lx: madraso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: madraso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manfaco
(Manfaca-da)
Manfac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manfaco
m.dh la-mid: manfac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
manfaco
f. n. advantage; use
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manfaco
-da: (magac, dhedig, keli) quud kasta oo nafci iyo faa'iido leh. Wixii manfaco leh ku dadaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
manfaco
de: advantage; use
lx: manfaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: manfaco
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
maniaco
agg. - ku falan, ku ibtileysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqbaro
m.dh 1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqbaro
m.dh 1. Qabriyo badan oo meel ku wada yaal. 2. Siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqbaro
-da: (magac, dhedig, keli) qabriyo badan oo meel ku wada yaal.
maqbaro-da: (magac, dhedig, keli) siyaaro lagu sameeyo qabriyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayraco
f.g/mg3 (-cday, catay) 1. (f.g) Xoolo fiid daajisasho. 2. (f.mg) Goor galab ah daaqid (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayraco
v. graze in the late afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayraco
(fal) xoolo adu aad leedahay casar daajiso oo eego. Dh: daajiso.
mayraco: (fal) galab soo daaq oo wax soo cun. Galabta soo mayraco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayraco
de: graze in the late afternoon
lx: mayraco
nt: mayracad (ka) [vn-m], mayracasho (/da) [vn-f]
pd: (mayracaday)
ps: v3a=intr
key: mayraco
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddaco
v. farewell, take leave of someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddaco
de: farewell, take leave of s.o.
initial: w
lx: waddaco
pd: (waddacday)
ps: v3b=tr
key: waddaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbaco
(Baabbaca-da)
1. Gacanta dadka inta dhudhunka ka hoosaysa oo calaacasha, faraha iyo suulku ka mid yihiin oo wax lagu qabto; cukur; sacab; cagta nafleyda qaarkeed;
2. Orod gaar ah oo geelu cagaha la dhaco dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabbaco
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. la-mid: baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabbaco
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. la-mid: baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabbaco
vl. n. jog, trot, gambolling of young animals
baabbaco [feminine] n. palm of the hand
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabbaco
-baabbacada: (n) palm (paam) ~ calaacal, sacab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbaco
-da: (magac, dhedig, keli) orod dhereg aawadii geelu cagta hoose dhulka la dhaco.
baabbaco -da: (magac, dhedig, keli) gacanta iyo lugta dadka inta ka soo hadha faraha iyo suulka. In aan Axmad guursadaa waa baabacadaa oo timo ka soo baxeen! Dh: sacab, calaacal.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baabbaco
راحة (اليَد)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badbaado
(Badbaada-da)
Cabsi iyo wax laga baqo oo dhan la'aan; nabad ku sugnaan; nabadgelyo; nabaaddiino; samatabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaado
m.dh Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badbaado
m.dh Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badbaado
f. n. safety, security; salvation; immunity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaado
-badbaadada: (n) salvation (saal veey shan); an act of rescuing; a deliverance; rescue (res kiyuu) ~ badbaadin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Badbaado
Sicurezza
Safety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaado
-da: (magac, dhedig, keli) ka samata-bixidda col ama dhibaato kale oo la filanayay. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin bah iyo reer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badbaado
de: safety, security; salvation; immunity
lx: badbaado
pd: (/da)
ps: n6-f
key: badbaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbadso
(fal) biirbiirso oo in badan qaadqaado. Li: yaryarayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaco
f.g/mg3 (-cday, -catay) Dhabbac u jiifsasho (qof). la-mid: dhambacaadso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabbaco
v. lie prone ~ on one's stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaco
(fal) beerka u jiifso oo bogga dhulka saar. Cadaw kolkaad aragto dhabbaco.
dhabbaco: (fal) gabbo oo bogga dhulka saar. Dh: gabbo, is gaabi. Li: is muuji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabbaco
de: lie prone ~ on one's stomach
lx: dhabbaco
pd: (dhabbacday)
ps: v3b=
syn: dhambacaadso
key: dhabbaco
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hardback
/hardh-bak/ hard cover (n) kalbad-adag, gal-adag. e.g. a hardback book.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadbasho
(Kadbasha-da)
Kadab ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadbasho
m.f.dh eeg kadbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadbasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheef aad heshay, ku intifaacid. Dh: calafsho, dheefsasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Madfac-a
canon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madhasho
(Madhasha-da)
Naag aan dhalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhasho
m.dh (-ooyin, m.l) Naag aan rimi karin. la-mid: madhaleys².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madhasho
m.dh (-ooyin, m.l) Naag aan rimi karin. la-mid: madhaleys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhasho
f. n. childless ~ sterile woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madhasho
-madhashada: (n) barren (baaran), infertile (infeer tal), sterile (isteeral) female
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhasho
-da: (magac, dhedig, keli) inta u wanaagsan kala bixid. Dh: xulasho, naqaysasho.
madhasho -da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday ahaansho. Dh: idlaasho, dhammaasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhasho
de: childless ~ sterile woman
lx: madhasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: madhasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhaxso
(fal) harag, hilib iyo wixii la mid ah meel dhigo illaa uu qudhmayo. Dh: qudhmiso.
madhaxso: (fal) meel dhigo si aad mar dambe u isticmaasho. Khudradda madhaxso intay bislaanayso. Dh: kaydso, dhigo, maraxso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madmadow
adj., pl. black, dark (ones)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmadow
-ga: (magac, lab, keli) eeg madmadaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madmadow
de: black, dark (ones)
lx: madmadow
pd: (Sg: madow)
ps: adj-pl
key: madmadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Qof khasaare uu geystay qiimaheeda ka qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabo
(fal) wax waxyeello la gaadhsiiyay mag ka qaado oo waxyeellada gaadhay beddelkeedii hel. Ninka aqalka kaa jiidhay ka magdhabo. magdhane: magac loo bixiyo wiil magtiisu buuxdo oo aanay dhinnayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
massacro
s.m. -xasuuq.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qardhaco
Rhombus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madbacaday
(fal) qoraal madbacad ku daabac. Buugga ii madbacaday. Dh: madbacadee, daabac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madbacadee
-yey / madbacadeysay: (v) publish (pablish)-, issue a publication ~ daabac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madbacadee
(fal) eeg madbacaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobasho
vl. n. becoming black
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobasho
de: becoming black
lx: madoobasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: madoobasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobayso
(fal) wax ad gaar u leedahay midab madaw u yeelo. Li: caddayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamandhaco
(Qamandhaca-da)
Sida oogadu noqoto kolkay qarqaryo badan dareento, oo jiriirico ku jajabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamandhaco
m.dh Qarqaryo jariirico wadata oo ku dhalata oogada marka ay dhaxan badan dareento.