madaxraxlee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxraxlee
(fal) madaxa rux oo wax oggol iska dhig. Talada sheefkaaga u madaxraxlee. Dh: madaxrux.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxraxleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaxraxlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-araxley
m.dh la-mid: madax-adhaxley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxraxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) madaxa kor iyo hoos u lulid oo wax wax oggol iska dhigid oggolaansho oo madaxa ruxid. Madaxraxlaynta aan daacadda ahayn ha la iska daayo. Dh: madaxruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adhaxley
m.dh (cilmiga naflayda) Faylam hoosaad ka tirsan adhaxleyda oo xubnaha ka tirsan oo dhani ay yaryaryihiin, dirxiga ayey u egyihiin, waana xayawaan biyood ku nool ciidda. Astaamahooda waxa ka mid ah a) Maskax ma leh, b) qalfoof lafeed ma leh. Tusaale: amfiyooksas. la-mid: madax-araxley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Magdax-xalleef
Nooc kamid ah magdaxyada ee leh madax koobaaban iyo garbo wax jara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Meel magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaalee
v. set up a town; make (a village) into a city
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magaalee
-yey / magaaleysay: (v) urbanise (eerbaneeyz); make urban; make into a city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalee
(fal) eeg magaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaalee
de: set up a town; make (a village) into a city
lx: magaalee
pd: (magaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: magaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-xige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Miisaaniyadda dawladda iyo wixi lamida qaybta ay u sii kala baxdo mid ka mid ah oo la sii qaybshay middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madax-xige
m. n., [compound] vice president, second in command; sub-chapter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxfareed
m.l la-mid: maskaxfareed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxwareer
m.l la-mid: madax-xanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxwareer
m. n., [compound] dizziness, giddiness, vertigo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxwareer
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaxanuun.
madaxwareer -ka: (magac, lab, keli) xanuun juucjuuc ah oo dumarka ku dhaca bilaha ugu horreeya ee ay uuraystaan. Gabadha madaxwareer ayaa haya. Dh: wallac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxwareer
de: dizziness, giddiness, vertigo
lx: madaxwareer
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: madaxwareer
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-CASEEYE
(Mada-aseie) N Gnidia somalensis (Franch.) Gilg. Thymelaeceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-wareer
-ka: (n) headache (heedh-ek) ~ madax-xanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxfalluuq
m.l Caro iyo dulqaad yari qof dabeecad u leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxfalluuq
m.l Caro iyo dulqaad yari qof dabeecad u leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxfalluuq
m. n., [abstract] lunacy, condition of being a little moody ~ crazy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaxfalluuq
(adj) brainless (bareeyn-les)-, mindless (maayn-dh-les) empty-headed; moronic (mooranik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxfalluuq
-a: (magac, lab, keli) xanuun madaxa nuskii ku dhaca oo wata xummad kulul. Dh: shaqiiqato, shimbir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxfalluuq
de: lunacy, condition of being a little moody ~ crazy
lx: madaxfalluuq
pd: (-a)
ps: n0-m-abs
key: madaxfalluuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabax-kabaxlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: kabash-kabashlee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adorable
/adhoorabal/ (adj) wax aad loo jeclaysto ama laga helo gaar ahaan caruurta ama xayawaanka. e.g. She is an adorable little girl.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
adorable
a., la caabuda; God alone is adorable, I;aah keliyaa la caabudaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaylee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaylee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax qoyan si uu u qallalo dabayl u dhigid. m.f.dh, dabaylayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaylee
(fal) xagga dabaysha u kexee. Maroodiga dabaylee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Neef geel ah jilbaha korkooda ka xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahablee
(fal) dahabka iibi oo ka ganacso. Suuqa ka dahablee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Libaax badeed iyo wixi lamida damrad ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damradee
(fal) libaaxbadeed ama wax kale, damrad ku gan. Dh: damraday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaree
(fal) cunto duco looga jeedo, samee. Dh: casuumee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darangee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Xoolo, meel daran leh daajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darangee
v. take animals to where they can graze on a specific plant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darangee
(fal) meel uu daaq ka baxo gey ama ku soofi. Riyaha darangee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darangee
cf: daran
de: take animals to where they can graze on a specific plant
lx: darangee
pd: (darangeeyey)
ps: v2b=tr
key: darangee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyee
(fal) xoolo iyo wax la mid ah baylihi oo ha dhaqaalayn. Dh: baylihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alwaax faarad ama raando ku simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faaradee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Alwaax faarad ama raando ku simid. m.f.dh, faaradayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaradee
v. plane, smooth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaradee
-yey / faaradaysay: (v) smooth or finish with or as if with a plane ~ raandhee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradee
(fal) eeg faaraday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaradee
de: plane, smooth
lx: faaradee
pd: (faaradeeyey)
ps: v2b=
key: faaradee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama meeshal faaradda ka shaqaysa ama wax faaradeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) Faataxo akhriyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataxee
v. recite the first Sura of the Koran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxee
(fal) eeg faataxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataxee
de: recite the first Sura of the Koran
lx: faataxee
pd: (faataxeeyey)
ps: v2b=intr
key: faataxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadallee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Fadal samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallee
(fal) xoog u orod oo fadallo kici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho. m.f.dh, gadaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafee
(fal) cid kale, gardareyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Wax macaan ka dhigid. la-mid: macee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Wax macaan ka dhigid. m.f.dh, macaanayn. la-mid: macee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanee
v. sweeten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaanee
-yey / macaaneysay: (v) make sweet or sweeter; sweeten (iswiitari) ~ macee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanee
(fal) eeg macaanay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanee
a: macee
de: sweeten
lx: macaanee
pd: (macaaneeyey)
ps: v2b=tr
key: macaanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaabax
m.l Goodir lab oo aad u weyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaabax
-a: (magac, lab, keli) goodir lab oo aad u weyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalin
m.f.dh eeg madaali. la-mid: madaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) madaal ku miisid oo ku cabbirid. Kol haddii joonyadda miisaanka la saaray madaalin kale uma baahna. Dh: miisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalis
m.l la-mid: madaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaarad
-da: (magac, dhedig, keli) uudka sabuulka lagu urursho ee lagu tumo. Dh: uud.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Madaax-a
chef.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo neef madax u ah u yeelid oo horkaxayn. Saca u weyn ayaa madaxayn loo kaxaystaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxgad
(fal) meel aad doonayn oo laguu dirayo ka warwareeg oo si aan laguu arag indhaha dadka iska qari. Meel aan wanaag ku jirin haddii laguu diro ka madaxgad. Dh: dhuumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxige
-ha: (magac, lab, keli) miisaaniyadda dawladda iyo wixii la mid ah qaybta ay u sii kala baxdo mid ka mid ah oo la sii qaybshay middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxla'
(Madaxla'-da)
Waddo soo oodanta; aan madax lahayne go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxla'
m.dh 1. Waddo yar oo markii waxyar lagu socdo dhammaato. 2. Jeex wax yar markuu socdo dhamaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxla'
f. n. closed road, dead end
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxla'
-da: (magac, dhedig, keli) waddo soo oodanta oo aan lahayn meel loo sii socdo. Dariiq madaxla' ah ayaad na soo marisay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxla'
de: closed road, dead end Lit: without a head
lx: madaxla'
pd: (-da)
ps: n-f
key: madaxla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maddaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan hawsha ka daalin, hawlkar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddaale
m. n. tireless man, indefatigable person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddaale
-ha: (magac, lab, keli) qof hawlkar ah oo gacan fudud. Dh: hawlkar. Li: waxmatare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddaale
de: tireless man, indefatigable person
lx: maddaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maddaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaadee
(fal) dambas ku dar buuriga. Buuriga ii magaadee. Dh: dambasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) Doon, markab iyo wixi lamida hadba dhan u iilasho. la-mid: maraamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabee
v. roll (of a ship ~ boat); move on the waves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabee
(fal) kolba dhan u dheelli oo u dullaan. Sidii markab duufaan helay u maraabee. Dh: maraabay, duldullaan, dheeldheelli, leegleego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabee
de: roll (of a ship ~ boat); move on the waves
lx: maraabee
pd: (maraabeeyey)
ps: v2b=intr
key: maraabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraamee
f.mg2 (-meeyay, -meysay) la-mid: maraabee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraamee
v. roll (of a ship ~ boat)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraamee
de: roll (of a ship ~ boat)
lx: maraamee
pd: (maraameeyey)
ps: v2b=intr
see: maraabee
key: maraamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marashee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) la-mid: marashiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafee
f.g2 (-feeyay, -feysay) Naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid; walaal iyo wixi lamida) ka fogeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masaafee
v. take to a distant place; make someone elope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaafee
-yey: (v) elope (ilowp); run away with a girl, especially with the intention of getting married with out her parent's approval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafee
(fal) xawaare xoogan ku soco; xoog u wad. Masaafee gaadhiga an kaa kale gaadhnee. Dh: degdeg.
masaafee: (fal) naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid, walaal iyo wixii la mid ah) ka fogee.