madaxbannaanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxbannaanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Ka m.: hawl iyo wixi lamida fulinteeda xor u noqosho. 2. Ka m.: cid cid kale maamulkeeda, xukunkeeda iyo wixi lamida ka xor noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxbannaanow
inch. v. remain autonomous; be independent; remain unmarried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxbannaanow
(fal) xor noqo oo cidna ha ka amar qaadan. Ra'yigaaga u madaxbannaanow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxbannaanow
de: remain autonomous; be independent; [ext.] remain unmarried (of a woman remaining free of matrimonial ties)
lx: madaxbannaanow
pd: (madaxbannaanaaday)
ps: v3a=inch
key: madaxbannaanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxbannaan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Hay'ad iyo wixi lamida oo danahooda u xor ah ahaansho. 2. Haweeney aan nin lahayn ahaansho. 3. Dawlad calan leh oo xor ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxbannaan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Hay'ad iyo wixi lamida oo danahooda u xor ah ahaansho. 2. Haweeney aan nin lahayn ahaansho. 3. dawlad calan leh oo xor ah ahaansho. m.f.dh, madaxbannaanaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madaxbannaan
Independent
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxbannaan
Comp. adj., (ie. n., adj.): free, autonomous, independent; unmarried (woman)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaxbannaan
-ta: (n) freedom (firii dham)-, independence (in-di-peendhansi) ~ gobbonimo, xoriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxbannaan
(tilmaame) xor ah oon cidna ka amarqaadan.
madaxbannaan: (tilmaame) aan la qabin oo guur doon ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxbannaan
de: free, autonomous, independent; [ext.] unmarried (woman) (i.e., free of matrimonial ties)
lx: madaxbannaan
pd: (madaxbannaanaa)
ps: adj-cmp
key: madaxbannaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxbannaani
(Madaxbannaani-da)
Karti loo lee yahay in wixii la doono la sameeyo; xornimo; Isutalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxbannaani
m.dh la-mid: madaxbannaanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxbannaani
f. n., [compound] independence, freedom
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Madaxbannaani
Indipendenza
Independence
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxbannaani
bw: madax bannaan
de: independence, freedom
lx: madaxbannaani
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
syn: isutalis, xornimo
key: madaxbannaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxbannaanaan
m.f.dh eeg madaxbannaan. la-mid: madaxbannaanaansho, madaxbannaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxbannaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax madaxbannaan oon cidna ka amarqaadan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxbanaani
-da: (magac, dhedig, keli) is xukumid aan meel ku xidhnayn oon cidna laga amar qaadan. Jabuuti 1977 ayay madaxbannaanida qaadatay. Dh: xorriyad, gobanimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabannaano
(Dhabannaana-da)
Sacab fidsan oo si xoog leh qof dhabanki loogu dhufto; dharbaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannaano
m.dh (-ooyin, m.l) Si xoog leh oo cid sacab fidsan dhabanka looga dhufto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabannaano
f. n. slap on the ears ~ side of the face
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabannaano
-dhabannaanada: (n) slap (islaap); a sharp blow made with the open hand to the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabannaano
-da: (magac, dhedig, keli) dhirbaaxo lagu dhufto qof. Dh: dhirbaaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabannaano
de: slap on the ears ~ side of the face
lx: dhabannaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhabannaano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsanaan
m.f.dh eeg madalsan. la-mid: madalsanaansho (2), madashanaan, madashanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madashanaan
m.dh la-mid: madalsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madalsamaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxadkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) keni adkaan oo wax tiisa mooyee ta dadka aan maqlin ahaan. Ilmaha madaxadkaanta waa laga waaniyaa. Dh: madax'adayg, keni'adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsanaan
m.f.dh eeg maraxsan. la-mid: maraxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsanaan
-ta: (magac, dhedig, kell) wax la madhxiyay oo meel kayd ahaan luugu qariyay ahaan. Dh: madhaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalbadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hadal-badi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adkaan
m.f.dh eeg madax-adag. la-mid: madax-adkaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabaxnaan
m.dh la-mid: masaamaxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) saamaxnaan oo dembi ka cafisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanbannaani
-da: (magac, dhedig, keli) waqti madhan haysasho; mashquulid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adkaansho
m.l/dh la-mid: madax-adkaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaddabaanlow
m.l (-wyo, m.l/dh) Nin mardaddabo yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardaddabaanlow
m. n. cheat, swindler (male)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaddabaanlow
-ga: (magac, lab, keli) eeg mardaddabaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardaddabaanlow
de: cheat, swindler (male)
lx: mardaddabaanlow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: mardaddabaanlow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabaxnaansho
m.l/dh la-mid: masaamaxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabaxnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg masaabaxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tirabadnaan; wax aad u badan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxalnaan
m.f.dh eeg faraxalan. la-mid: faradhaqnaan, faradhaqnaansho, faraxalnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxsanaan
m.f.dh eeg faraxsan. la-mid: faaraxsanaan, faaraxsanaansho, faraxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaamanaan
m.f.dh eeg gadaaman. la-mid: gadaamanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel fiican lahaan. Dh: madalfiicanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxsalaax
f.mg1 (-xay, -xday) U m.: cid sasabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxsalaax
f.mg1 (-xay, -xday) U m.: cid sasabid. m.f.dh, madaxsalaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxsalaax
-a: (magac, lab, keli) calaacasha oo timaha madaxa la dulmarmariyo iyadoo sababo badan sidaa loo yeelo. Madaxsalaaxa agoonka ajarbaa ku jira.
madaxsalaax-a: (magac, lab, keli) ilmo ama cid masuul laga yahay oo loo sii laandaayo oo qaladka uu sameeyo waxba laga soo qaadi waayo waxa uu doonana kolkaaba la siiyo. Wiilka madaxsalaaxa ka daa oo dugsigaaga teg dheh. Dh: rabarabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxxanuun
(Madaxxanuun-ka)
Madaxwareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadsanaan
m.f.dh eeg mahadsan. la-mid: mahadsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsanaan
m.dh la-mid: mehersanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naag meher lagu xidhay oo la guursaday ahaan. Waajibaad badan ayaa maharsanaanta ka ratibmaya. Dh: mehersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsanaan
m.f.dh eeg maragsan. la-mid: maragsanaansho, meregsanaan, meregsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) marag ahaan; markhaati ahaan. Maragsanaanta aan la isku ogolayni maragsani maaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsanaan
m.dh la-mid: marqanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaabaxnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) la-mid: masaamaxnow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaabaxnow
(fal) cafisnaw; saamaxnaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamaxnow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax la masaamaxay noqosho (qof). la-mid: masaabaxnow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamaxnow
(fal) wax qalad hore saamaxaad ka haysta ahaw. Maanta masaamaxnaw oo qalad dambe iska ilaali. Dh: cafisnow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masabidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la masabiday oo dembi ay galin la saaray ahaan. Dh: masabidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayacsanaan
m.f.dh eeg mayacsan. la-mid: manyacsanaan, manyacsanaansho, mayacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caano soo dhanaanaanaya ahaan. Dh: maydhanaanaan.
mayacsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) suyucsanaan oo qoyaan siniin yeesha lahaan.
mayacsanaan-ta: (magac, dhedig, keli) kibir manaanakh ah kibirsanaan. Dh: mannaanakhsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midabaysnow
inch. v. get colored, be ~ remain colored
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midabaysnow
de: get colored, be ~ remain colored
lx: midabaysnow
pd: (midabaysnaaday)
ps: v3a= inch
key: midabaysnow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saangannaan
m.f.dh eeg saangan². la-mid: saangamnaan, saangaamnaansho, saangannaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayaxsanaan
m.f.dh eeg sayaxsan. la-mid: sayaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sayax leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wabaxsanaan
m.f.dh eeg wabaxsan. la-mid: wabaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wixii la mid ah biyo ka dhergsan oo gaajoonaya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabannaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Qof dharbaaxo dhabnaha kala dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabannaanee
v. box on the ears, slap someone in the face
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabannaanee
-yey / dhabannaaneysay: (v) slap on the face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabannaanee
(fal) dharbaaxo la dhac. Wiilka yar budka ka daa oo dhabannaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabannaanee
de: box on the ears, slap s.o. in the face
lx: dhabannaanee
pd: (dhabannaaneeyey)
ps: v2b=
key: dhabannaanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbadnaan
m.f.dh eeg farabbadan. la-mid: farabbadi, farabbadnaansho, farabbadni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarabbarnaan
m.f.dh eeg jarabban. la-mid: jarabbarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarabbarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tababbarnaanta faras iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarnaan
m.f.dh eeg kalabbaran². la-mid: kalabbarnaansho.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MADAXBUSHAAR
Momordica spinosa 40
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxmaygaag
m.l Geedgaab xooluhu daaqaan oo ka baxa cadduunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxraxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) madaxa kor iyo hoos u lulid oo wax wax oggol iska dhigid oggolaansho oo madaxa ruxid. Madaxraxlaynta aan daacadda ahayn ha la iska daayo. Dh: madaxruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxtinnimo
m.dh la-mid: madaxnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxtinnimo
f. n., [abstract] leadership
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaxtinnimo
-madaxtinnimada: (n) leadership (liidhar shiip)', directorship (diraktar-shiip) ~ madaxnimo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxtinnimo
de: leadership
lx: madaxtinnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
xe: the schools principalship
xv: dugsiga madaxtinnimadiisa
key: madaxtinnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysnaan
m.f.dh eeg malaxaysan. la-mid: malaxaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar malaxi gashay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaansanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Wax marqaamay noqosho (qof). la-mid: murqaansanow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marqaansanow
(fal) eeg marqaansanaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaamaxnaan
m.f.dh eeg masaamaxan. la-mid: masaabaxnaan, masaabaxnaansho, masaamaxnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaamaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la cafiyay oo saamaxan ahaan. Masaamaxnaan ayaa xabsiga lagaga bixi karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masabbidnaan
m.f.dh eeg masabbidan. la-mid: masabbidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxammasnaan
m.f.dh eeg maxammasan. la-mid: maxammasnaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
meel bannaan
free space
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabaysnaan
m.f.dh eeg midabaysan². la-mid: midabaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudbaxsanaan
m.f.dh eeg mudbaxsan. la-mid: mudbaxsanaansho, murbaxsanaan, murbaxsanaansho.