madax-xige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-xige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Miisaaniyadda dawladda iyo wixi lamida qaybta ay u sii kala baxdo mid ka mid ah oo la sii qaybshay middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madax-xige
m. n., [compound] vice president, second in command; sub-chapter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxige
-ha: (magac, lab, keli) miisaaniyadda dawladda iyo wixii la mid ah qaybta ay u sii kala baxdo mid ka mid ah oo la sii qaybshay middood.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-CADDE
(Matha-ade) N Felicia abyssinica A.Rich. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxraxlee
(fal) madaxa rux oo wax oggol iska dhig. Talada sheefkaaga u madaxraxlee. Dh: madaxrux.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAALIGE
(Malige) S, C Maerua triphylla A.Rich. Capparidaceae.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Madax-a
tête.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) 1. Kubbad madaxa ku dhufasho. 2. Shir iyo wixi lamida hoggaamin (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxee
v. make someone the head of; set up a headquarters for someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxee
(fal) xoolo si aad u kaxayso mid ay daba kacaan horkexee oo madax ay raacaan u yeel. Lo'du intay waddada ku dhacayso u madaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxee
de: make s.o. the head of; set up a headquarters for s.o.
lx: madaxee
pd: (madaxeeyey)
ps: v2b=tr
key: madaxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxti
m.dh la-mid: madaxnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxti
f. n., [abstract] being the head ~ chief; condition ~ status of chief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxti
-da: (magac, dhedig, keli) madax ahaan. Laba nin ayaa madaxtida dalka isku soo sharraxay. Dh: madaxtinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxti
de: being the head ~ chief; condition ~ status of chief
lx: madaxti
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: madaxti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhxiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Ratibaad laba gudbiye oo uu ma-gudbiye u dhexeeyo, leh awoodda kaydinta saldanabka. Madhxinta madhxiyuhu waxa ay ku xirantahay xajmiga, qaabka iyo habka ratibaadda gudbiyeyaasha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madhxiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Ratibaad laba gudbiye oo uu magudbiye u dhexeeyo, leh awoodda kaydinta saldanabka. Madhxinta madhxiyuhu waxa ay ku xirantahay xajmiga, qaabka iyo habka ratibaadda gudbiyeyaasha.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madhxiye
Capacitor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhxiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab loo isticmaalo ama u shaqeeya in uu ururiyo oo kaydiyo saldanabka danabka. Dh: kaydiye.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAAR-DILE
(Mar-dile) N, C Tragus berteronianus Schult. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-BUQ
(Madah-bug) Luffa cylindrica (L) M. J. Roem. Cucurbitaceae.
N Momordica macrosperma (Cogn.) Chiov. Cucurbitaceae.
S Vitex negundo L. Verbenaceae.
S Vitex tangensis Guerke Verbenaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxadag
(tilmaame) ra'yigiisa mooyee ku kale aan dhegaysan xitaa hadduu khaldan yahay. Degtaatoorku waa nin madaxadag.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxeeye
header
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxnimo
(Madaxnima-da)
Madax ahaansho; waayeelnimo; duqnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxnimo
m.dh Madax ahaansho (qof). la-mid: madaxti, madaxtinnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxnimo
f. n., [abstract] leadership, headship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaxnimo
-madaxnimada: (n) leadership (liidhar-shiip)-, directorship (diraktar-shiip) ~ madaxtinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxnimo
-da: (magac, dhedig, keli) madax ahaan. Madaxnimo la iskama sheegto. Dh: madaxtinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxnimo
cf: duqnimo, waayeelnimo
de: leadership, headship
lx: madaxnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: madaxnimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax sare
(n) dignitaries (dig ni taries)-, high ranking leaders
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan wax laga dhaadhicin karin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madax-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan wax laga dhaadhicin karin ahaansho. m.f.dh, madax-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madax-adag
Comp. adj., (ie. n., adj.): stubborn, obstinate, hard-headed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-adag
-madax-adkaa: (adj) unreasonable; stubborn (istaban), obstinate (oobastineeyt), unyielding (an-y Hl-ding), tenacious (ta-neey-shas), headstrong or dogged man ~ canaadi, macangag
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-BUUR
(Madah-burr) C,N? Coelachyrum poaeflorum Chiov. Gramineae.
S,C Dactyloctenium scindicum Boiss. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-KUUS
(Madah-koos) C Blepharis phillipsiae Rendle. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxweyne
(Madaxweyna-ha)
Nin qaran u madax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxweyne
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Qof qaran madax u ah. 2. Bayd faal oo madaxa ka ah labo, saddexda hogood oo kalena min hal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxweyne
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Qof qaran madax u ah. 2. Bayd faal oo madaxa ka ah labo, saddexda hogood oo kalena min hal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxweyne
m. n., [compound] president
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaxweyne
-madaxweynaha: (n) president (parezedant); chairman (jeer-meen); chairperson (jeerpeerson) ~ guddoomiye
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Madaxweyne
Presidente
President
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxweyne
min ka mid ah minanka faalka. Waa min colaadeed waxa la yidhi, 'Madaxweyne waa waraabe kidin jooga' arsaaqda haddii loo dhigo oo uu kuu soo hadho waa daddaab malab sida oo waa risiq buuxa.
madaxweyne -ha: (magac, lab, keli) qof dal u sarreeya oo u arrimiya. Dh: ra'iis, hoggaamiye, madaxwayne.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxweyne
cf: guddoomiye
de: president
lx: madaxweyne
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: madaxweyne
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
madaxweyne
ريس
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-wareer
-ka: (n) headache (heedh-ek) ~ madax-xanuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-xanuun
m.l (daawo) Xanuun madaxa ku dhaca; madax-wareer. la-mid: madaxwareer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madax-xanuun
m. n., [compound] headache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-xanuun
-ka: (n) headache (heedh-ek) ~ madax-wareer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
madax-xanuun
وَجَعُ الرَّأْسِ صُدَاع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adayg
madax-adayg¹: m.l Wax ka dhaadhicid la'aanta qof ku sugnaado, garmaqaatenimo.
madax-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Ka m.: wax samayntooda diidid. 2. Ku m.: wax ku adkaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madax-adayg
madax-adayg¹: m.l Wax ka dhaadhicid la'aanta qof ku sugnaado, garmaqaatenimo.
madax-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Ka m.: wax samayntooda diidid. 2. Ku m.: wax ku adkaysasho. m.f.dh, madax-adaygid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madax-adayg
m. n., [compound] stubbornness, hard-headedness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-adayg
-ga: (n) obstinacy (oobis-tanasi)-, single-mindedness; hard line; stubbornness ~ see also [eeg] macangag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madax-farad
-ka: (n) strong headache, usually affecting only one side of the head; migraine (maay gareeyn) ~ goonjab
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-MADAL
(Matha-madal) May, C, S, Gradenia fiorii Chiov. Rubiaceae.
Gardenia volkensii K.Schum. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxfareed
m.l la-mid: maskaxfareed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxtinimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg madaxnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxwareer
m.l la-mid: madax-xanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxwareer
m. n., [compound] dizziness, giddiness, vertigo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxwareer
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaxanuun.
madaxwareer -ka: (magac, lab, keli) xanuun juucjuuc ah oo dumarka ku dhaca bilaha ugu horreeya ee ay uuraystaan. Gabadha madaxwareer ayaa haya. Dh: wallac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxwareer
de: dizziness, giddiness, vertigo
lx: madaxwareer
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: madaxwareer
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Midab-beege
Colorimeter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adaygid
m.f.dh eeg madax-adayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-araxley
m.dh la-mid: madax-adhaxley.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-CASEEYE
(Mada-aseie) N Gnidia somalensis (Franch.) Gilg. Thymelaeceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MADAX-XARBUUN
? (Mada-harbun) C,May Dactyloctenium bogdanii S.Phillips. Gramineae.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Magdax-xollob
Ka qaab iyo qadan duwan magdaxyada kale hase ahaatee u dhigma magdax-xalleefka.