madalsamaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel fiican lahaan. Dh: madalfiicanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsanaan
m.f.dh eeg madalsan. la-mid: madalsanaansho (2), madashanaan, madashanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsamaw
(fal) maadal fiican lahaw. Meeshaan degaay madalsamaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalsamaan
m.f.dh eeg camalsan. la-mid: camalsamaansho, camalsami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camalsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo wanaagsan samayn.
camalsamaan -ta: (magac, dhedig, keli) dabeecad iyo dhaqan wanaagsan lahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madashanaansho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg madalsamaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsamaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg madalsamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof ballan cid la dhigtay ahaansho. la-mid: madashan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madalsan
der. [adjective] arranged, fixed (of appointment, meeting, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsan
(tilmaame) madal fiican oo la jecel yahay ah. Maqaaxidaydu waxay ku taal madalsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madalsan
de: arranged, fixed (of appointment, meeting, etc.)
lx: madalsan
pd: (madalsanaa)
ps: adj-der
key: madalsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falsamaan
m.f.dh eeg falsan. la-mid: falsamaansho, falsami, falsamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) farsamo ama hannaan wanaag wax u samayn. Dh: farsamawanaag, farshaxannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsamaan
m.f.dh eeg kalsan. la-mid: kalsamaansho, kalsami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) niyadsamaan; qalbisamaan. Dh: niyadsami. Li: niyadxumo, qalbixumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maahsanaan
(Maahsanaan-ta)
Wax maahsan ahaansho; khaafsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahsanaan
m.f.dh eeg maahsan. la-mid: maahsanaansho, maahsani.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maahsanaan
f. n., [abstract] mental deficiency, absent-mindedness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maahsanaan
-ta: (n) inattention (in-ateey-shin); preoccupation (piri-oki-peeyshin); absent-mindedness; daydreaming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mashquulsanaan dhanka maanka ah oo qofku isga oo jooga waxa laga sheekynayana uuna la socon. Maahsanaanta waxa iigu wacan Xaawalay dumar e. Dh: maqnaan, maahsani. Li: soo jeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maahsanaan
de: mental deficiency, absent-mindedness
lx: maahsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: maahsanaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalmahaan
(adv) nowadays (nowadheeys)-, these days ~ ayaamahaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxsanaan
(Maaxsanaan-ta)
Wax maaxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxsanaan
m.f.dh eeg maaxsan. la-mid: maaxsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaxsanaan
f. n., [abstract] state of being full of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maaxsan ahaan; maaxi ay buuxisay ahaan. Maaxsanaanta laaska waan ugu imidday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaxsanaan
de: state of being full of water
lx: maaxsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: maaxsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsanaw
(fal) eeg madalsamaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xadaysnaan oo daari lagu garto lahaan. Beeruhu madaysnaan kama maarmaan. Dh: daariyaysnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabsamaan
m.f.dh eeg qaabsan¹. la-mid: qaabsamaansho, qaabsami (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hannaan wanaagsanaan, qaab fiicnaan. Suleekha waa gabadh Ilaahay qaabsamaan u dhaliyay. Dh: habsamaan. Li: qaabxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalla'aan
m.dh Aamusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalla'aan
f. n., [abstract] lack of discussion, no discussion (at all); lack of talking, without argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aamusnaan iyo waxsheeg la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalla'aan
de: lack of discussion, no discussion (at all); lack of talking, without argument
lx: hadalla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: hadalla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalyaqaan
m.l.kh H. ah: qof cod kar ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalyaqaan
m.l.kh H. ah: qof cod kar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalyaqaan
m. n., [compound] orator, good speaker, just, upright person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal, si wanaagsan u jeedin kara oo dadka kale qancin kara. Dh: fasiix.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalyaqaan
de: orator, good speaker, just, upright person
lx: hadalyaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hadalyaqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madashanaan
m.dh la-mid: madalsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madalsamaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxsalaax
f.mg1 (-xay, -xday) U m.: cid sasabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxsalaax
f.mg1 (-xay, -xday) U m.: cid sasabid. m.f.dh, madaxsalaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxsalaax
-a: (magac, lab, keli) calaacasha oo timaha madaxa la dulmarmariyo iyadoo sababo badan sidaa loo yeelo. Madaxsalaaxa agoonka ajarbaa ku jira.
madaxsalaax-a: (magac, lab, keli) ilmo ama cid masuul laga yahay oo loo sii laandaayo oo qaladka uu sameeyo waxba laga soo qaadi waayo waxa uu doonana kolkaaba la siiyo. Wiilka madaxsalaaxa ka daa oo dugsigaaga teg dheh. Dh: rabarabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadsanaan
m.f.dh eeg mahadsan. la-mid: mahadsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsanaan
m.dh la-mid: mehersanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naag meher lagu xidhay oo la guursaday ahaan. Waajibaad badan ayaa maharsanaanta ka ratibmaya. Dh: mehersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsanaan
m.f.dh eeg maragsan. la-mid: maragsanaansho, meregsanaan, meregsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maragsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) marag ahaan; markhaati ahaan. Maragsanaanta aan la isku ogolayni maragsani maaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsanaan
m.dh la-mid: marqanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsanaan
m.f.dh eeg maraxsan. la-mid: maraxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsanaan
-ta: (magac, dhedig, kell) wax la madhxiyay oo meel kayd ahaan luugu qariyay ahaan. Dh: madhaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayacsanaan
m.f.dh eeg mayacsan. la-mid: manyacsanaan, manyacsanaansho, mayacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caano soo dhanaanaanaya ahaan. Dh: maydhanaanaan.
mayacsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) suyucsanaan oo qoyaan siniin yeesha lahaan.
mayacsanaan-ta: (magac, dhedig, keli) kibir manaanakh ah kibirsanaan. Dh: mannaanakhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salalsanaan
m.dh la-mid: selelsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxalsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax xanuun ku jiro. Dh: diifaysnaan. Li: fayoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsanaansho
m.l/dh eeg madalsanow. la-mid: madalsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardadsanaan
m.f.dh eeg bardadsan. la-mid: bardadsanaansho, barkadsanaan, barkadsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardaqsanaan
m.f.dh eeg bardaqsan. la-mid: bardaqsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaqsanaan
(magac, dhedig, keli) ahaanta wax xaddhaaf ah u buuran. Bardaqsanaan badan baahi looma qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadsanaan
m.f.dh eeg cadaadsan. la-mid: cadaadsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hoos loo riixay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolsamaan
m.f.dh caloolsan. la-mid: caloolsami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caloolfurnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadal yaqaan
-ah: (adj) well-spoken (weel-ispookan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalbadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hadal-badi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madax-adkaan
m.f.dh eeg madax-adag. la-mid: madax-adkaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxbanaani
-da: (magac, dhedig, keli) is xukumid aan meel ku xidhnayn oon cidna laga amar qaadan. Jabuuti 1977 ayay madaxbannaanida qaadatay. Dh: xorriyad, gobanimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxbannaan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Hay'ad iyo wixi lamida oo danahooda u xor ah ahaansho. 2. Haweeney aan nin lahayn ahaansho. 3. Dawlad calan leh oo xor ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaxbannaan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Hay'ad iyo wixi lamida oo danahooda u xor ah ahaansho. 2. Haweeney aan nin lahayn ahaansho. 3. dawlad calan leh oo xor ah ahaansho. m.f.dh, madaxbannaanaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madaxbannaan
Independent
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaxbannaan
Comp. adj., (ie. n., adj.): free, autonomous, independent; unmarried (woman)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaxbannaan
-ta: (n) freedom (firii dham)-, independence (in-di-peendhansi) ~ gobbonimo, xoriyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxbannaan
(tilmaame) xor ah oon cidna ka amarqaadan.
madaxbannaan: (tilmaame) aan la qabin oo guur doon ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaxbannaan
de: free, autonomous, independent; [ext.] unmarried (woman) (i.e., free of matrimonial ties)
lx: madaxbannaan
pd: (madaxbannaanaa)
ps: adj-cmp
key: madaxbannaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliilsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qarayaraan oo wax aad u dhumuc yar ahaan. Maliilsanaanta la caafimaadqabaa ma xuma. Dh: miliilsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manyacsanaan
m.dh la-mid: mayacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manyacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) inyar soo dhanaanaan. Dh: maydhanaanaan.
manyacsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) suyunaan oo qoyaan raagay dartii u siniinitaan. Hilibka karisra ayay manyacsanaantu kaga ba'daa. Dh: suyucnaan.
manyacsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) kibir; manaanakhsanaan. Dh: mannaanakhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardaddabaan
(Mardaddabaan-ka)
Qof mardabo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaddabaan
m.l la-mid: mardabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardaddabaan
m. n. treacherous person; trouble-maker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaddabaan
-ka: (magac, lab, keli) qof khiyaamo iyo xeelad ku nool. Dh: khaa'in, khaatil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardaddabaan
de: treacherous person; trouble-maker
lx: mardaddabaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mardaddabaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsanaan
m.f.dh eeg masayrsan. la-mid: masayrsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hinaase ku jirid; hinaasanaan. Dh: masayrnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataansanaan
m.f.dh eeg mataansan. la-mid: mataansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayraqsanaan
m.f.dh eeg mayraqsan. la-mid: mayraqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudbaxsanaan
m.f.dh eeg mudbaxsan. la-mid: mudbaxsanaansho, murbaxsanaan, murbaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudbaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hawl si wanaagsan uga farabaxay oo mudh ka yidhi ahaan. Dh: mudhbaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nadaamsanaan
m.dh la-mid: nidaamsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nadaamsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habsami u socod wanaagsan lahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallalsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gallainaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqalsanaan
m.dh la-mid: khalkhalsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandacsanaan
m.f.dh eeg qandacsan. la-mid: qandacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) diirranaan iyo dugsooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwalsanaan
m.f.dh eeg walwalsan. la-mid: walwalsanaansho, warwarsanaan, warwarsanaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwalsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mustaqbalka cabsi ka qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalsamaansho
m.l/dh eeg camalsamow. la-mid: camalsamaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulsanaan
-ta: (maagac, dhedig, keli) eeg macaluulnaan.