madalbaajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalbaajin
m.f.dh eeg madalbaaji. la-mid: madalbaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalbaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ballan la lahaa baajin oo inay dhici weydo sabab u noqosho Ninka in laga garhelayo ogaadaa madalbaajin buu marmarsiiyo ka dhigtaa. Dh: ballanbaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalbaaji
f.mg2 (-iyay, -isay) Meel lagu ballamay ka maqnaasho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madalbaaji
v. miss a meeting, fail to keep an appointment (with someone)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalbaaji
(fal) ballan la lahaa baaji oo inay dhici weydo sabab u noqo. Haddii lagaa garhelayo madalbaaji oo haba iman. Dh: ballanbaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madalbaaji
de: miss a meeting, fail to keep an appointment (with s.o.) (with preposition ku)
lx: madalbaaji
pd: (madalbaajiyey)
ps: v2a=intr
key: madalbaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalbaajis
m.l la-mid: madalbaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaajin
m.dh la-mid: dembaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dambaabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madawbaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax madaw ahaan. Gurcud madawbaan ayaan loo socon karin. Dh: madoobaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax madaddaalo ah u samayn. Dh: maaweelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaddaalin
(Madaddaalin-ta)
Qof ama cid wax madaddaalo ah u samayn, waqtiga ku dhaafsiin; maaweelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaddaalin
m.f.dh eeg madaddaali. la-mid: madaddaalis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaddaalin
vl. n. entertainment, amusement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaddaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madadaalin,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaddaalin
de: entertainment, amusement
lx: madaddaalin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: madaddaalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballanbaajin
(Ballanbaajin-ta)
Ballan hor loo dhigtay, furid; wacad ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballanbaajin
m.f.dh eeg ballanbaaji. la-mid: ballanbaajis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ballanbaajin
Non mantenere l'impegno
Not to fulfill an undertaking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanbaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ballanjebin laga baxo ballan la isku ogaa. Munaafaqa waxa lagu gartaa ballanbaajinta. Dh: ballanfur. ballanbaajis -ka: (magac, lab, keli) axdi ama ballan hore oo la isku ogaa jebin. Dh: ballanfuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalin
(Dabaalin-ta)
Qof ama wax kale oo aan dabaal aqoon biyo dhexmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalin
m.f.dh eeg dabaali. la-mid: dabaalsiin, dabbaalin, dabbaalsiin, dabbaalsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dabaalsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku wadidda dad jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaaji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dembaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambaaji
v. make someone sin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dambaaji
-yey / say: (v) cause someone to commit a sin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaaji
(fal) qof kale, inuu denbi galo u horseed. Dh: dambaabsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambaaji
de: make s.o. sin
lx: dambaaji
pd: (dambaajiyey)
ps: v2a=tr
key: dambaaji
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbaaji
-yey I say: (v) cause someone to sin or commit a sin ~ dambaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaajin
(Halaajin-ta)
Halaag ku ridid; halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaajin
m.dh la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) halaag ku ridid; halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalnaan
m.f.dh eeg maalan. la-mid: maalni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalin
m.f.dh eeg madaali. la-mid: madaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) madaal ku miisid oo ku cabbirid. Kol haddii joonyadda miisaanka la saaray madaalin kale uma baahna. Dh: miisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof ballan cid la dhigtay ahaansho. la-mid: madashan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madalsan
der. [adjective] arranged, fixed (of appointment, meeting, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsan
(tilmaame) madal fiican oo la jecel yahay ah. Maqaaxidaydu waxay ku taal madalsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madalsan
de: arranged, fixed (of appointment, meeting, etc.)
lx: madalsan
pd: (madalsanaa)
ps: adj-der
key: madalsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaajin
(Wadaajin-ta)
Wada siin; ka dhexaysiin; wada gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaajin
m.f.dh eeg wadaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wada cunsiin; ka dhexaysiin. Dh: wadaajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badbaadin
(Badbaadin-ta)
Badbaado siin; nabadgelin; samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadin
m.f.dh eeg badbaadi. la-mid: badbaadayn, badbaadis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
badbaadin
to save
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badbaadin
vl. n. safeguarding, act of caring for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaadin
-ta: (n) salvation (saal veey shan) ~ badbaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo col la filayay ka ilaalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badbaadin
de: safeguarding, act of caring for
lx: badbaadin
pd: (-ta)
ps: vn-f
xe: An infant needs caring for.
xv: Dhallaanku badbaadin buu u baahanyahay.
key: badbaadin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalin
m.dh la-mid: dabaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan dabbaal aqoon biyo dhexmarsiin, dabaalsiin biyaha dhexdooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaalin
m.dh la-mid: dallaallimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dembi inay gasho sabab u noqosho. Dh: dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dembaajin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dembaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalbadi
m.dh Dabeecad qof leeyahay oo ah in uu had iyo jeer sheego hadal tiro badan oo aan loo baahnayn. la-mid: hadalbadni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalbadi
m.dh Dabeecad qof leeyahay oo ah in uu had iyo jeer sheego hadal tiro badan oo aan loo baahnayn. la-mid: hadalbadni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalbadi
f. n., [abstract] talkativeness, flood of words, talking too much
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalbadi
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan loo baahnayn ku hadlid; dabeecad dadka qaar leeyihiin oo uu qofka lihi wax walba ka hadlo. Dh: hadal-badnaan, dhuran. Li: hadalyari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalbadi
de: talkativeness, flood of words, talking too much
lx: hadalbadi
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: hadalbadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka huleelka wax laga quustay laga jeedlado, jigixeey la sheegyaaba. Ka jalbaasin mooyaane, joogjoogid waa beeshay. Dh: huleelid, baxnaanin, caymad.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
laalaadin
hang
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Laalaadin
Lalmin, daldalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaali
(fal) maaweelo u samee. I madadaali daali i maaweeli weeli. Dh: maaweeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalufin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madallufin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Madhibaan
nickname-m harmless, very decent one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Madhibaan
ama Madhibe: magac loo bixiyo wiil uurka intii lagu siday iyo dhalmada midna aan hooyadii dhib arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madoobaan
(Madoobaan-ta)
Wax madow ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobaan
m.f.dh eeg madow². la-mid: madoobaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobaan
f. n., [abstract] blackness, darkness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madoobaan
-ta: (n) darkness (dhaarknes); dimness (diimnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax madow ahaan; mugdi ahaan; sida dhuxusha u ekaasho. Dh: madoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobaan
de: blackness, darkness
lx: madoobaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: madoobaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalnaan
m.f.dh eeg makalan. la-mid: makalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax makalan oo hantaaqo qaba ahaan. Makalnaan waad mutaysatee la meermeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardabaan
(Mardabaan-ka)
1. Weel wax lagu shubto oo af yar oo qiro weyn oo dhoobo adag laga sameeyo.
2. Weel weyn oo dhoobo ah oo biyaha lagu shubto; ballaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabaan
m.l (-nno, m.dh) Aanshuun adag oo dhoobo ka sameeysan; jalxad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardabaan
m. n. water jar, large vessel for storing water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabaan
-ka: (magac, lab, kel) aanshuun adag oo dhoobo ka sameeysan. Dh: jabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardabaan
bw: Arabic
de: water jar, large vessel for storing water
lx: mardabaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mardabaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalbadni
m.dh la-mid: hadalbadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalbadni
-da: (magac, dhedig, keli) hadaltiryo; hadaljecli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laallaadin
(Laallaadin-ta)
Meel sare surid ama ka lulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaadin
m.f.dh eeg laallaadi. la-mid: laallaadis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaddaali
f.g2 (-iyay, -isay) Cid maawelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaddaali
f.g2 (-iyay, -isay) Cid maawelin. m.f.dh, madaddaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaddaali
v. entertain, amuse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaddaali
-yey I say: (v) entertain (entar-teeyn)-, amuse (am-yuus), divert (diveert), regale (ri-geeyl)-, keep amused ~ maaweeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaddaali
(fal) eeg madadaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaddaali
de: entertain, amuse
lx: madaddaali
pd: (madaddaaliyey)
ps: v2a=tr
syn: maaweeli
key: madaddaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madalhufin
(Madalhufin-ta)
Si dhagar ah, qof, hadalka toosan uga leexin oo wax gef ah ku ridid ama ka yeersiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalhufin
m.f.dh eeg madalhufi. la-mid: madalhufis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madallufin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan la garanayn u eryesho oo u kaxayn. Ninkaan dalka sharci ku joogin madallufin ayuu ku fiican yahay. Dh: asaruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaxaabin
m.dh la-mid: manjaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaxaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) lugaha iskugu dhifasho oo legdid. Majaxaabinta waa lagu jabaa. Dh: mijaxaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masallafin
m.dh la-mid: musallifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masallafin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale caydhayn oo wuxuu xoolo lahaa idlayn. Aabbahaa masallafinta ka daa. Dh: kicin, caydhayn.