madadaalasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) is maaweelin samayn. Dh: maaweelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaddaalasho
(Madaddaalasha-da)
Wax madaddaalo ah, waqtiga isku dhaafin, isku illowsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaddaalasho
m.f.dh eeg madaddaalo². la-mid: madaddaalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaddaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg madadaalasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
svagarsi
v.rifl. - baashaalid, madadaalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalo
-da: (magac, dhedig, keli) wax xilliga aan la shaqaynayn lagu baashaalo oo la isku maaweeliyo. Riwaayadaha waxan u daawadaa madadaalo ahaan. Dh: maaweelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalasho
m.f.dh la-mid: beddelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku doorsasho. Daawada haddaad farmasiga kala baxdo, baddalasho laguuma oggola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalasho
(Dabaalasha-da)
Biyaha dhexdooda marmarid sida kalluunka iyadoo aan waxba la qabsan, cagahana dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalasho
m.f.dh eeg dabaalo. la-mid: dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaalasho
vl. n. act of swimming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaalasho
- dabaalashada: (n) the act of swimming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabaalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaalasho
de: act of swimming
lx: dabaalasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dabaalasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalad
-da: (magac, dhedig, keli) ismaaweelin waqtiga la isku dhaafiyo. Madadaalad ayaan qaadka u cunaa. Dh: maddadaalo, maaweelo.
madadaalad -ka: (magac, lab, keli) madaddaalo isku illawsiin ismaaweelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magaalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaarsasho
m.f.dh eeg maradhaarso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cudaddaarasho
(Cudaddaarasha-da)
Cudaddaar la imaansho; sabab laysugu garaabo keenid; marmarsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudaddaarasho
vl. n. justification of one's actions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cudaddaarasho
de: justification of one's actions
lx: cudaddaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: cudaddaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handaraabasho
m.f.dh eeg handaraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meytakaalasho
m.f.dh eeg meytakaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badalasho
-da: (magac, dhedig, keli) shay wax kale ku doorsasho. Dh: beddelesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadsasho
m.f.dh eeg maadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaali
(fal) maaweelo u samee. I madadaali daali i maaweeli weeli. Dh: maaweeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaansho
(Caddaansha-ha)
Midab cad lahaansho; wax cad ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaansho
m.l/dh eeg caddow². la-mid: caddaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddaansho
f. n., [abstract] whiteness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaansho
-ha: (magac, lab, keli) caddaan noqosho; wax cad noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddaansho
de: whiteness
lx: caddaansho
pd: (/ha)
ps: n6-f-abs
key: caddaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalasho
m.dh la-mid: callaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabsasho
m.f.dh eeg dadabso. la-mid: dadabsad, dadabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) leexsasho ruux aad leexsato. Dh: duufsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaansho
-ha: (magac, lab, keli) qof daddan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalasho
m.f.dh eeg daldalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto ama alaab si aan joogsi lahayn isku xidhid oo u wadid.
daldalasho-da: (magac, dhedig, keli) shey meel ka soo laadlaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku hareeraysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalasho
m.f.dh eeg galaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalasho
m.f.dh eeg kafaalo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) noloshiisa gabi ama qayb kharaskiisa ah is dul dhig. Dh: xilqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabasho
(Ladaabasha-da)
(xoolo) maalin walba cabbid; qatin la'aan; durduurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabasho
m.f.dh eeg ladaabo. la-mid: ladaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, maalin walba biyo cabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamulasho
m.dh la-mid: maammulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamulasho
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u maaraysasho oo maamulkeeda gacanta ku hayn. Maamulashda kelida ah iska daa oo ha lagula maareeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madadaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wax madaddaalo ah u samayn. Dh: maaweelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaddaalo
(Madaddaala-da)
Maaweelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaddaalo
madaddaalo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Wax xiiso leh oo waqtiga la isku dhaafiyo.
madaddaalo²: f.mg3 (-aashay, -aalatay) Wax xiiso leh waqti isku dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madaddaalo
m.dh (-ooyin, m.l) Wax xiiso leh oo waqtiga la isku dhaafiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaddaalo
f. n. entertainment, amusement
madaddaalo v. be entertained, amuse oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaddaalo
-madaddaalada: (n) entertainment (entar-teeyn-ment), amusement (amyuus-ment), distraction (dis-tarak-shin) ~ maaweelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaddaalo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg madadaalo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
madaddaalo
تسلية
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsasho
m.f.dh eeg madalso. la-mid: madalsad, madashad, madalsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) madal ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madnaansho
m.l/dh la-mid: madnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsasho oo afka ka keensasho. Malaasashada ad weelka malaasanayso ma beelo ba'ay baad ka hadhay. Dh: buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxlalasho
m.f.dh eeg maxlalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxlalasho
-da: (magac, dhedig, keli) naag saddex la furay nin u dhisid si ay kii hore xalaal ugu noqoto. Maxlalashadu sharci maaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalasho
m.f.dh eeg qafaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalasho
(Qasaalasha-da)
(weel, alaab, dhar, kd.) biyo ku mayrasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalasho
m.f.dh eeg qasaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iskaa u maydhasho. Qof walba qasaalashada dharkiisa isgaa ka masuul ah. Dh: maydhasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramaalasho
m.f.dh eeg ramaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalasho
m.f.dh eeg xabaalo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo iyo ehel ka yeelasho. Dh: aaddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadaysasho
(Caadaysasha-da)
Caado ka dhigasho; caado u noqosho; wax u barasho; (ama caadeysasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysasho
m.f.dh eeg caadayso. la-mid: caadaysad, caadaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaysasho
vl. n. act of forming a habit; getting used to something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadaysasho
-caadaysashada: (n) the act of accustoming; customary manner or practice: habit (hab-if)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama fal, caado ka dhigasho. Dh: joogtaysasho.
caadaysasho -da: (magac, dhedig, keli) caad yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadaysasho
a: caadaysad (ka) [vn-m]
de: act of forming a habit; getting used to s.t.
lx: caadaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: caadaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysasho
(Caddaysasha-da)
1. Wax cad ka dhigasho; wax qarsasho ka bixid.
2. Shaaha caano ku darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysasho
m.f.dh eeg caddayso. la-mid: caddaysad, caddaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddaysasho
vl. n. adding milk to tea; doing something openly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) aragti u badheedhid; badheedhid; bareerid.
caddaysasho -da: (magac, dhedig, keli) shaah iyo wax la mid ah, caano ku darsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddaysasho
de: adding milk to tea; doing s.t. openly
lx: caddaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: caddayso
key: caddaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaalasho
m.f.dh eeg callaalo. la-mid: calaalad, calaalasho, callaalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalasho
m.f.dh la-mid: dabaalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha dabbaal ku dhexmarid ama kaga bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalasho
m.f.dh eeg farahalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxalasho
(Faraxalasha-da)
1. Cunnada horteeda iyo gadaalkeeda, faraha mayrasho.
2. Biyo kastoo farahu lagu mayrto, nadiifin darteed.
3. (ka faraxalasho) dhammaystirid; farakalabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxalasho
m.f.dh eeg faraxalo. la-mid: faradhaqad, faradhaqasho, farammayrasho, faraxalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faraxalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laalaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysasho
m.f.dh eeg maadeyso. la-mid: maadeysad, maadeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maadeysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maammulasho
(Maammulasha-da)
Si maammul leh ku wadasho, u dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammulasho
m.f.dh eeg maammulo. la-mid: maamulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangarasho
m.f.dh eeg maangaro. la-mid: maangarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangarasho
-da: (magac, dhedig, keli) maanka waxa lagu hayo sii garasho. Hooyadu maangarsho ayay ilmaheeda ku korisaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maamulasho.
maaraysasho -da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho; wax midhidhay noqosho. Dh: ruujimaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansasho
(Macaansasha-da)
Macaan ka dhigasho; jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansasho
m.f.dh eeg macaanso. la-mid: macaansad, macaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaddaalad
(Madaddaalad-ka)
Madaddaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaddaalad
m.l la-mid: madaddaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaddaalad
vl. n. amusing oneself, being entertained