macmiilnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) macmiil maalin walba la helo oo joogto ah ahaan. Wax iibsigu macmiilnaan ayuu ku habboon yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilan
(tilmaame) macmiil ah oo si joogto ah loola macaamilo ama loo iibsado. Maalin walba koob caano riyaad ah ayaa ii macmillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxmilnaan
m.f.dh eeg maxmilan. la-mid: maxmilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macmiilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilnaan
m.f.dh eeg kaamilan². la-mid: kaamilnaansho, kammilnaan, kammilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kammilnaan
m.dh la-mid: kaamilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamulnaan
m.dh la-mid: maammulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliiqnaan
m.f.dh eeg maliiqan. la-mid: maliiqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliiqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaboolaqnaan oo wax qoyan marmarsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqiiqnaan
(Maqiiqnaan-ta)
Wax maqiiqan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqiiqnaan
m.f.dh eeg maqiiqan. la-mid: maqiiqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maqiiqan ahaan. Dh: boodsanaan. Li: degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammulnaan
m.f.dh eeg maamulan. la-mid: maammulnaansho, maamulnaan, maamulnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maljiidnaan
m.dh la-mid: marjiidnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maljiidnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kala jiidnaan oo kala fidsanaan. Dh: fidsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjiidnaan
m.f.dh eeg marjiidan. la-mid: maljiidnaan, maljiidnaansho, marjiidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulnaan
m.dh eeg macaluulan. la-mid: macaluulnaansho, macaluushanaan, macaluushanaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax macaluuli hayso oo gaajo yo nafaqdarro u dhimanaya ahaan. Waxan leenahay hay'ad carruurta macaluulnaanta kala dagaallanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinla'aan
m.dh la-mid: miciinla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maciinla'aan
f. n., [abstract] harshness, lack of feeling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) gargaar iyo taageero waayid. Maciin la'aan Eeboow ha na badin. Dh: gargaar la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maciinla'aan
de: harshness, lack of feeling
lx: maciinla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
see: miciinla'aan
key: maciinla'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliilsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qarayaraan oo wax aad u dhumuc yar ahaan. Maliilsanaanta la caafimaadqabaa ma xuma. Dh: miliilsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilnaan
m.f.dh eeg diilan². la-mid: diilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilnaan
m.f.dh eeg kiilan. la-mid: kiilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la kiilay ama la cabbiray ahaan.
kiilnaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, cidhiidhyoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sooh wanaagsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalnaan
m.f.dh eeg maalan. la-mid: maalni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilo
(fal) maalin walba iibso oo si joogto ah u gado. Masaariifta bisha meel keliya ka macmiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax mamay oo welfay ahaan. Mamitaanku iimaan xumuu keenaa. Dh: walfitaan, mamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxmilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax maxmil lagu qabtay ahaansho (libaax-badeed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqnaan
m.f.dh eeg miiqan². la-mid: miiqnaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Miiqnaan
Ductility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax miiqa ahaan.
miiqnaan -ta: (magac, dhedig, keli) astaan biraha iyo birdhafyada oggolaada inay kala jiidmaan sidii silig oo quwaddii lagu suuqayna ilaashata oo aan gadaal ugu soo noqon qaab koodii hore. Dh: suuqnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miirnaan
(Miirnaan-ta)
Wax miiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirnaan
m.f.dh eeg miiran². la-mid: miirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miirnaan
f. n., [abstract] state of being filtered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax miiran ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miirnaan
de: state of being filtered
lx: miirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: miirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayilnaan
m.f.dh eeg cayilan. la-mid: cayillanaan, cayillanaansho, cayilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cayillaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasilnaan
m.f.dh eeg fasilan. la-mid: fasilnaansho, fasirnaan, fasirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) maro weyn oo isku taallay, mid la tolay oo qof lagu qiyaasay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaanaan
(Macaanaan-ta)
Wax macaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaanaan
m.f.dh eeg macaan³. la-mid: macaanaansho, macaani (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanaan
f. n., [abstract] sweetness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaanaan
-ta: (n) sweetness (iswiitnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Muus aan bislaan macaanaan ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanaan
a: macaani
de: sweetness
lx: macaanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: macaanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macbiilad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macmiilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinsad
m.l la-mid: miciinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinsad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmaysad oo tageero iyo gargaar ka dayid. Wiilkii aan maciinsad ka dayay ayaa ani dib ii baadhay. Dh: miciinsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macmacaan
(Macmacaan-ka)
Waxyaalo la cuno oo yaryar oo siyaalo badan loo sansameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macmacaan
m.l.u Cunto ama cabbitaan si gaar ah loo sameeyo oo dhadhan macaan leh sida buskudka, doolshaha, xalwada, dheecaanka liinta iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macmacaan
m.l.u Cunto ama cabbitaan si gaar ah loo sameeyo oo dhadhan macaan leh sida buskudka, doolshaha, xalwada, dheecaanka liinta iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macmacaan
m. n., [collective], pl., (adj.): sweets, candy; sweet (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macmacaan
-ka: (n) sweet things; such as cakes (keeykis); candies (kaandis); sweets (iswiitis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmacaan
-ka: (magac, lab, keli) sharaab iyo xalawiyaad keegag iyo cuntooyin kale oo kala nooc ah ka kooban. Qofkii sonkorow lihi macmacaanka wuu iska ilaaliyaa.
macmacaan: (tilmaame) wax kala duwan oo wada macmacaan ah. Cuntooyin wada macmacaan ayaa miiska ka buuxa. Dh: macmac. Li: qadhqadhaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macmacaan
de: sweets, candy; [atr.] sweet (ones)
lx: macmacaan
pd: (-ka Sg: macaan)
ps: n-m-col / adj-pl
key: macmacaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid badeecad malin walba si joogto ah uga iibin oo in la isla og yahay u qoondayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mahiigaan
(Mahiigaan-ka)
(roob, col) weyn, faro badan; (ama mahiiggaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiigaan
m.l.kh M. ah: wax tiradoodu aad u badantahay (roob iyo col). la-mid: mahiiggaan, mihiigaan, mihiiggaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mahiigaan
m.l.kh M. ah: wax tiradoodu aad u badantahay (roob iyo col). la-mid: mahiiggaan, mihiigaan, mihiiggaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mahiigaan
m. n. much (in quantity, e.g., heavy rain, mighty army)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mahiigaan
-ka: (n) pouring rain; downpour (dhaawnpuur); torrent (toor-rant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahiigaan
-ka: (magac, lab, keli) roob aad u da'a oo biyo badan keena. Mahiigaanka roobkoo, intuu meel biyaha dhigay...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mahiigaan
de: much (in quantity, e.g., heavy rain, mighty army)
lx: mahiigaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: raining cats and dogs, torrential rain
xv: roob mahiigaan ah
key: mahiigaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makalnaan
m.f.dh eeg makalan. la-mid: makalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax makalan oo hantaaqo qaba ahaan. Makalnaan waad mutaysatee la meermeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mammanaan
(Mammanaan-ta)
Wax mamman ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mammanaan
m.f.dh eeg mamman. la-mid: mammanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mammanaan
f. n., [abstract] being at a climax, peak ~ high point (as an emotion)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mammanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mamitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mammanaan
de: being at a climax, peak ~ high point (as an emotion)
lx: mammanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: mammanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafilnaan
(Qafilnaan-ta)
Wax qafilan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafilnaan
m.f.dh eeg qafilan. la-mid: qafilnaansho, qufulnaan, qufulnaansho, qunfulnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qafilnaan
f. n., [abstract] state of being locked; isolation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qafilnaan
de: state of being locked; isolation
lx: qafilnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: qafilnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamisnaan
m.f.dh eeg qamisan. la-mid: qamisnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilnaan
m.f.dh eeg shiilan. la-mid: shiilaysnaan, shiilaysnaansho, shiilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiilan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddilnaan
m.f.dh eeg caddilan². la-mid: caddilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caddillaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammirnaan
m.f.dh eeg cammiran. la-mid: cammirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cammiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catiirnaan
m.f.dh eeg catiiran. la-mid: catiirnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliiqnaan
m.f.dh eeg daliiqan. la-mid: daliiqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliiqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan habboonayn, wax u cunid. Dh: mamsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariirnaan
m.f.dh eeg dariiran. la-mid: dariirnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fakiirnaan
m.f.dh la-mid: faqdiirnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilnaan
m.dh la-mid: fashalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) guuldarro iyo khasaare.
fashilnaan -ta: (magac, dhedig, keli) sir kashifantay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambisnaan
m.dh la-mid: gembisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afka u rogan ahaan. Dh: genbisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammisnaan
m.f.dh eeg hammisan. la-mid: hammisnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid hammi qaba ahaan; walbahaarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madmadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kebirsanaan oo isla weyni iyo qab la mannaanikhid. madmadnaansho -da: (magac, dhedig, keli) eeg madmadnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiiggaan
m.l la-mid: mahiigaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Marriixaan
name-m m sling, catapult; restless; hurler; thrower. Cf: Marraaxaan, Marreexaan, Warfaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxlalnaan
m.f.dh eeg maxlalan. la-mid: maxlalnaansho.