maciinid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinid
m.dh la-mid: miciinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miciinid
(Miciinid-da)
Cid miciin u gelid; teegaarid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinid
m.f.dh eeg miciin². la-mid: maciin¹, maciinid, miciin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid: gargaarid, Nin itaal yarbaa miiciinid xaq u leh. Dh: maciinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
armaamitegid
-da: (magac, dhedig, keli) u maciinid; wax u qabasho. Dh: khidmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinsad
m.l la-mid: miciinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinsad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmaysad oo tageero iyo gargaar ka dayid. Wiilkii aan maciinsad ka dayay ayaa ani dib ii baadhay. Dh: miciinsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid badeecad malin walba si joogto ah uga iibin oo in la isla og yahay u qoondayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marriinid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marrimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinbid
-ka: (magac, lab, keli) cid gargaar ka doonid; dhib cid ula ciirsasho. Dh: maciinbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciin
maciin¹: m.l la-mid: miciinid.
maciin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: miciin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maciin
m.l la-mid: miciin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maciin
m. n. aid, help, support, assistance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maciin
-ka: (n) aid (eeydh); assistance (a-siis-tansi); help (help) ~ kaalmo, miciin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciin
(fal) u adeeg: kaalmo iyo garab gal cid kale sii. Dh: miciin, gargaar, taageer.
maciin -ka: (magac, lab, keli) cid cid kale u gargaarta. Adigaa maciin ii ah. Dh: miciin, gargaare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maciin
bw: miciin
de: aid, help, support, assistance
lx: maciin
nt: maciin (maaciinay) [v1=intr]
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maciin
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MALIINI
(Mallini) N Caesalpinia pulcherrima (L)SW. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniinid
m.dh la-mid: ciniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniinid
-da: (magac, dhedig, keli) caniin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daciifid
m.dh la-mid: laciifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daciifid
-da: (magac, dhedig, keli) wax itaal yar noqosho. Dh: diciifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damiinid
m.dh la-mid: dammiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiinid
- da: (magac, dhedig, keli) masuuliyad qof damiin laga noqdo qaadid. Dh: damiinis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faniinid
m.dh la-mid: finiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faniinid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama bir wax lagu dubo, kululaansho.
faniinid -da: (magac, dhedig, keli) quruurax yaryar, farsamo gaar ah oo faraha ah, ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laciifid
m.f.dh eeg laciif². la-mid: daciifid, liciifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Maqaaxida jaarka cunto macaanid ayaa looga hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinsi
m.l la-mid: miciinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maciinsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciinso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: miciinso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maciinso
f.g3 la-mid: miciinso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maciinso
v. ask for support; expect help from
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maciinso
-maciinsaday / maciinsatay: (v) be dependent or rely upon for support or help ~ miciinso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciinso
(fal) taageero ka dayo; gargaar ka dhigo. Aqoontaada maciinso Ilaahayna talo saaro. Dh: taageerso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maciinso
de: ask for support; expect help from
lx: maciinso
pd: (maciinsaday)
ps: v3a=tr
see: miciinso
key: maciinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiidid
m.dh la-mid: midiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madiixid
(Madiixid-da)
Madiix tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiixid
m.f.dh eeg madiix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiixid
-da: (magac, dhedig, keli) hal dhashay ciyid oo gunuunicid. Hal dhashay madiixid ma deyso. Dh: ololid, ciyid.
madiixid -da: (magac, dhedig, keli) maanso qasiido ah tirin. Abwaaniintu sida ay heesidda ugu kala fiican yihiin bay madiixiddana ugu kala fiican yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiibid
m.dh la-mid: mihiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahiibid
-da: (magac, dhedig, keli) si sakhinnimo ku jirto u bixid. Mahiibidda lacagta xad u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirid
m.f.dh eeg majiir³. la-mid: majiir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toos u socda ama taagan dhanka kale u leexin. Shookaanta gaadhigu majiiridda degdegga ah way ku jabtaa. Dh: melmelid, leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makiinad
* (Makiinad-da)
Qalab ka kooban xubno badan oo dhaqdhaqaaqa oo hawl wada qabta; (ama maakiinad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makiinad
m.dh (-do, m.l) 1. Mashiin. 2. Sakiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
makiinad
m.dh (-do, m.l) 1. Mashiin. 2. Sakiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Makiinad
Machine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makiinad
f. n. machine; motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
makiinad
-da: (n) [pl. makiinado-ha] machine (ma shiin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makiinad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maddiil.
makiinad-da: (magac, dhedig, keli) mishiin weyn oo wax lagu soo saaro oo ka kooban qalab aad u tiro badan oo isla wada shaqeeya oo mooteerradana ka weyn wershadahana ka yar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makiinad
bw: Arabic
de: machine; motor
lx: makiinad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: makiinad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliilid
m.f.dh eeg maliil². la-mid: maliil¹, mariil¹, mariilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad u qarayar oo aad u dhuuban noqosho. Xanuun ayaa wiilka yar maliilidda ugu wacan. Dh: miliilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maliiqid
(Maliiqid-da)
(wax qoyan oo adag) si foolxun, korka uga marmarin, uga jiidjiidid, ku dhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maliiqid
m.f.dh eeg maliiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maliiqid
-da: (magac, dhedig, keli) marmarin wax malleelan oogada wax kale lagu dhoodhoobo oo si aan habaysnayn loo marmariyo. Maliqidda xinnaha iyo huruudda la isku malligo dumarku way ka helaan. Dh: dhaboolaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqiiqid
m.f.dh eeg maqiiq². la-mid: maqiiq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhyoon si xoog ah ku marin oo ku jiidhsiin. Baabuurka maqiiqidda ka daa dadbaad jiidhsiine. Dh: matatarid, maqiiqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mariilid
m.dh la-mid: maliilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
namiinid
m.f.dh eeg namiin ². Namiin ahaansho. la-mid: nabiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniinid
m.f.dh eeg qaniin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaniinid
-da: (magac, dhedig, keli) ilkaha xoog ugu qabasho oo ku xanuunin. Dh: qaniinis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammiinid
m.f.dh eeg dammiin². la-mid: damiinid, lammaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammiinid
-da: (magac, dhedig, keli) dammaanad u samayn; dammiin u noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macbiilad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macmiilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciishad
m.dh la-mid: macayshad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macmiilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macriifad
m.dh Aqoon dheeraad ah oo wax loo leeyahay. la-mid: macriifo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macriifad
m.dh Aqoon dheeraad ah oo wax loo leeyahay. la-mid: macriifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macriifad
f. n. knowledge; acquaintance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macriifad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macrifad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macriifad
a: macriifo
bw: Arabic
de: knowledge; acquaintance
lx: macriifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: macriifad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makiinado
m. n., pl. machines; machinery
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makiinado
de: machines; [col] machinery
lx: makiinado
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: makiinado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maljiidid
m.dh la-mid: marjiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjiidid
m.f.dh eeg marjiid². la-mid: maljiid¹, maljiidid, marjiid¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marriimid
(Marriimid-da)
1. Marriin siin; dharayn; cid u arratirid, qurxin.
2. (gogol, kd.) marriin u yeelid, ku qurxin, midabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marriimid
m.f.dh eeg marriin². la-mid: marriin¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marriimid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar marriin ah u xidhid. Marriimidda caruusaddu waa dhaqan wanaagsan. Dh: marriinid.
marriimid -da: (magac, dhedig, keli) qurxin oo sharraxaad iyo farshaxan ku samayn. Marriimidda maqsinnadu bilicda aqalka ayay soo saartaa. Dh: sharraxid, marriinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskiinad
m.dh la-mid: miskiinad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maskiinad
f. n. poor woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maskiinad
-da: (n) 1. Poor woman or girl ~ miskiinad. 2. humble woman or girl
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maskiinad
a: miskiinad
de: poor woman
lx: maskiinad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maskiinad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miciinsad
(Miciinsad-ka)
Miciinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinsad
m.l la-mid: miciinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinsad
-ka: (magac, lab, keli) id taageero ka dayid; miciin ka dhigasho. Gabadh aan miciinsad u soo kaxaystay ayaa la iga guursaday: Dh: miciinsi, taageersad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacsiirid
(Tacsiirid-da)
Tacsiir saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacsiirid
m.f.dh eeg tacsiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) eedsiin iyo takhsiirid, qof denbi galay oo lagu xukumo wax gefka uu galay u dhigma. Dh: ganaaxid, takhsiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidid
m.f.dh eeg ciid². la-mid: iidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ka qaybgelid. Dh: iidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciirid
(Ciirid-da)
Sii baabbi'id, sii dhicid, hoos aadid, ciilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirid
m.f.dh eeg ciir³. la-mid: ciir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirid
-da: (magac, dhedig, keli) culays daraaddii, dhinac u liicid ama u dullaamid. Dh: liicid, dheelliyid, ciiris.
ciirid -da: (magac, dhedig, keli) buuxdhaafitaan; tirabadi awgeed oo meel la kala joogsado la waayo. Dh: buuxdhaafid.