macaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaaneysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macayshad
(Macayshad-da)
Wax lagu noolaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macayshad
m.dh (-do, m.l) Cuntada lagama maarmaanka ah ee lagu noolaan karo. la-mid: maceeshad, maciishad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macayshad
f. n. sustenance, essentials for living (e.g., food); livelihood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macayshad
-da: (n) basic foods or groceries; such as sugar, milk, cereals, meat, bread; subsistence; living condition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macayshad
-da: (magac, dhedig, keli) magac koobsada waxa la cuno iyo waxa la cabbo oo dhan; baad iyo biyo. Dh: quutaldaruuri, maciishad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macayshad
bw: Arabic
de: sustenance, essentials for living (e.g., food); livelihood
lx: macayshad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: macayshad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax mugdi kaaga jiro sida ay kula tahay u fasirasho oo u fahmid Dh: laqmaysad, macnaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysad
(Facaysad-ka)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysad
-ka: (magac, lab, keli) in uu qof kale kula fac yahay ku doodid; factirsasho la factirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneysasho
m.f.dh eeg macaaneyso. la-mid: macaaneysad, macaaneysi, macaysad, macaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysad
-ka: (magac, lab, keli) mirdhid oo daxal yeelasho. Bir labaatan sano meel taallay maaraysad waa lagama maarmaan. Dh: maarow, daxalaysad, midhidhid.
maaraysad -ka: (magac, lab, keli) si wanaagsan wax u maamulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansad
(Macaansad-ka)
Macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansad
m.l la-mid: macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansad
-ka: (magac, lab, keli) dhadhan jeclaysi raaxo leh. Macaansadka shaahu yaanu ku hodine iska jooji. Dh: macaansi macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysan
(tilmaame) wax la macneeyay oo la sharraxay ah. Dh: fasiran, sharraxan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micnaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax mugdi kaaga jiro sida ay kula tahay u fasirasho oo u fahmid. Dh: laqmaysad, macnaysasho,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasad
-da: (magac, dhedig, keli) goob wax lagu barto oo ay arday isugu timaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maayad
(Maayad-da)
Orodka biyaha badda; xiis; xiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maayad
m.dh (-do, m.l) Qulqulka biyaha badda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maayad
f. n. tide; flood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayad
-da: (magac, dhedig, keli) mawjado biyo ama daruuro ah oo kolka roobabbawga ah aad u madaw oo horseeda roobab lixaad leh iyo mawjado itaal waaweyn oo meel dheer ka muuqda. Mahiigaan sidiisii haddaan maayad soo kiciyo. Dh: mawjad.
maayad-da: (magac, dhedig, keli) orodka biyaha badda. Maayadda baddu mawjaday kicisaa. Dh: xiisxiisad.
maayad-da: (magac, dhedig, keli) hees ugaadha loo qaado oo midhaheeda ay ka mid yihiin: wallee wiil madow iyo tukuhu kugu madiixeeney hee!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maayad
cf: xiis
de: tide; flood
lx: maayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macays
m.l la-mid: macaaneyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg macayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax af uu wax ku gooyo ama turqo leh soofaysad. Afaysadka billaawaha ayaa ka horreeya gawraca neefka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadeysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsad
-ka: (magac, lab, keli) kaaftoomid wax laga kaaftoomo.
maarsad -ka: (magac, lab, keli) maangaabni. Dh: maarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysi
m.l la-mid: macaanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macaanaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: macaaneyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macayso
v. sweeten something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macayso
(fal) wax macaan ka dhigo. Bunka macayso. Dh: macaanayso, sonkorayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macayso
a: macaanayso
de: sweeten s.t. for oneself
lx: macayso
pd: (macaystay)
ps: v3b=tr
key: macayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysad
m.l la-mid: aanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysad
-ka: (magac, lab, keli) aargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dilalkii dhacay waxay ahaayeen aanaysad. Dh: godobaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaysan
(tilmaame) wax la baceeyay ah; wax bac ku jira ah. Alaabtu way bacaysan tahay.
bacaysan: (tilmaame) cid sas ama cabsi qabta ah; noqday qof haad ka carar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysad
m.l la-mid: bahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale xigtayso; cid kale la bahaw.
bahaysad -ka: (magac, lab, keli) (is ~) dad, urur, koox iyo waxii la mid ah isutaga, si ay u dhaliyaan awood iyo itaal wax lagu muquuniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysad
* (Danaysad-ka)
Danaysasho; danaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysad
m.l la-mid: danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaysad
vl. n. following after one's own interests; self-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysad
-ka: (magac, lab, keli) dan la imasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaysad
a: danaysasho (/da) [vn6-f], danaysi (-ga) [vn2-m]
de: following after one's own interests; self-seeking
lx: danaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: danaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsad
m.l la-mid: gacalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsad
-ka: (magac, lab, keli) gacal ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jacaysan
Jaci saamaysay; danabaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax jaci ku dhacday ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jacaysan
der. [adjective] electrified
jacaysan [derived] [adjective] disgraced, filled with shame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacaysan
(tilmaame) maayad dab ah oo la dhex mariyey shey. Battery jacaysan ayaa ku jira mobileka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysad
m.l la-mid: jahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysad
(Jaraysad-ka)
Jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysad
m.l la-mid: jaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraysad
-ka: (magac, lab, keli) faras iyo wax la mid ah, jare ku xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysad
(Kaxaysad-ka)
Kaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysad
m.l la-mid: kaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxaysasho, kaxaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysad
(Labaysad-ka)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysad
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana qaadasho. Dh: lamadasho, labaysasho, labaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macalgad
(Macalgad-da)
Fandhaal; qaaddo; (ama maclaqad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macalgad
m.dh (-do, m.l) Fandhaal macdan ah oo cuntada lagu cuno, qaaddo. la-mid: macalgo, maclaqad, malcaqad, malgacad, malqacad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macalgad
m.dh (-do, m.l) Fandhaal macdan ah oo cuntada lagu cuno, qaaddo. la-mid: macalgo, malcaqad, malgacad, malqacad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macalgad
f. n. metal spoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macalgad
-da: (n) spoon (ispuun) ~ qaaddo, macalqad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macalgad
-da: (magac, dhedig, keli) bir dhinac u ballaadhan oo meel la qabsado leh oo cuntada lagu cuno ama dheriga lagu laaqo. Fandhaalkii waxa beddeley macalgad. Dh: malqaacad, malcagad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macalgad
bw: maclaqad
de: metal spoon
lx: macalgad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: fandhaal, qaaddo
key: macalgad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macalqad
-da: (n) spoon (ispuun) ~ qaaddo, macalgad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madalsad
m.l la-mid: madalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madalsad
-ka: (magac, lab, keli) madal ku ballamid: ballan qabsasho oo meel iyo milay ku heshiin. Kolka ciyaar la tegayo madalsadka ayaa ugu muhiimsan. Dh: isballansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaysan
(tilmaame) xad iyo astaan lagu garto leh; daari la yaqaan leh. Beer madaysan laguma durki karo. Dh: daariyaysan, xadaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansad
-ka: (magac, lab, keli) cid wax weydiisasho. Magansad baan kuugu imide ha i hongoobin. Dh: tuugid, baryootan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsad
m.l la-mid: mehersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsad
-ka: (magac, lab, keli) meher ku xidhasho, si sharci ah u guursasho. Dh: mehersad, guursi, nikaaxsi. Li: furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malafsad
m.l la-mid: malafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malafsad
-ka: (magac, lab, keli) meermeerid oo kolba meel wax ka cunid; saxni xaabid. Malafsad buu habeenba meel la wareegaa. Dh: malafsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maneysad
m.l la-mid: manesyasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maneysad
-ka: (magac, lab, keli) cid abaal u galid; siin aan wax laga doonayn cid siin. Dh: mannaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsad
m.l la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsad
(Maraxsad-ka)
Maraxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsad
m.l la-mid: maraxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsad
-ka: (magac, lab, kel) eeg madharsad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaasad
-da: (n) nipple (nip'al); infant pacifier ~ mujurc-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaasad
-da: (magac, dhedig, keli) weel inta badan caag dhinacyada lambarro ku leh ah oo afkana cinjir naas u eg ku leh oo carruurta caanaha lagu siiyo. Bile masaasad buu caanaha ku dhamaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaysan
(tilmaame) isku mid ah; siman oo waxba is dheerayn ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midaysad
-ka: (magac, lab, keli) mid ka dhigasho. Midaysadka iska daa oo labayso. Dh: midaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraysad
-ka: (magac, lab, keli) miro yeelasho; miraysasho. Xilligii miraysadka geedaha ayaa la joogaa. Dh: mudhaysad, midhaysasho, midhaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutaysad
-ka: (magac, lab, keli) xaq u yeelasho: dadka kale uga mudnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqaysad
(Naqaysad-ka)
1. Naq yeelasho.
2. Xulasho, doorasho, togasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysad
m.l la-mid: naqaysasho.