macaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansho
m.l/dh la-mid: macaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansho
-ha: (magac, lan, keli) wax macaan ahaan, Macaanshaha badan waan nebcahay.
macaansho -ha: (magac, lab, keli) hilib mac oo fiican lahaansho, Macaluusha xoolaha leh waa laga macaadaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaanso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax dhadhankiisa jeclaysasho. 2. Sheeko, salaax, iyo wixi lamida u bogid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaanso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax dhadhankiisa jeclaysasho. 2. Sheeko, salaax, iyo wixi lamida u bogid. m.f.dh, macaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanso
v. sweeten, make something sweet (for oneself); be fond of, love
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanso
(fal) aad u dhandhanso oo jeclayso. Macaanso dhadhanka malabka.
macaanso: (fal) isku illaw oo sii socoshadeeda jeclayso. Habeenkii hurdada macaanso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanso
de: sweeten, make s.t. sweet (for oneself); be fond of, love
lx: macaanso
nt: macaansad (ka) [vn-m], macaansasho (/da) [vn-f], macaansi (ga) [vn-m]
pd: (macaansaday)
ps: v3a=
key: macaanso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaanshe
m. n. sweetener
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaanshe
de: sweetener
lx: macaanshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: macaanshe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansasho
(Macaansasha-da)
Macaan ka dhigasho; jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansasho
m.f.dh eeg macaanso. la-mid: macaansad, macaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madnaansho
m.l/dh la-mid: madnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqnaansho
(Maqnaansha-ha)
Wax maqan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqnaansho
m.l/dh eeg maqnow. la-mid: maqnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqnaansho
-maqnaanshaha: (n) absence (aab 'sansi); lack (laak); deficiency (di-fi-shansi) ~ maqnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax aan joogin ahaansho. Maqnaasho cudurdaar lihi dhib ma leh Dh: maqni. Li: joogitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marnaansho
m.l/dh eeg marnow. la-mid: marnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la faaruqiyay oo aan waxba ku jirin ahaan. Qof wax kuu soo doontay fara marnaansho ha helin.
marnaansho -ha: (magac, lab, keli) wax maran oo isku duuban ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacbaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg nacayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wacnaansho
(Wacnaansha-ha)
Wacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacnaansho
m.l/dh la-mid: wacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wacnaansho
-ha: (magac, lab, keli) fiicnaansho; wanaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsasho
(Duufsasha-da)
1. Falaad ama dhaqan xun oo qof loo macaansho si uu ugu bogo oo isagana u falo oo u raaco.
2. (-') Sanka oo xoog loo fiifsado, si duufka ku jiraa uga yimaado; duuf iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamro
(Khamra-da)
1. Wax la cabbo oo aalkol ku jirto oo laga sameeyo miraha canabka lis laga miiro oo la khamiiriyo.
2. Wax kastoo la cabbo oo aalkol ku jirto oo la macaansho, dhir udgoonna lagu daro; (ama khamri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaan
1. Aan xaraar ahayn; dhadhan naftu jeclaysato leh.
2. (Macaan-ka) Dhadhanka sonkorta iyo wixii la mid ah.
3. (Macaan-ta) Macaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaan
macaan¹: m.l 1. Dhadhanka sonkorta, malabka, xalwada iyo wixi lamida. 2. Dhadhan kasta oo carrabku jeclaysto.
macaan²: m.f.dh eeg mac². la-mid: macaansho, maci.
macaan³: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax dhadhan carrabku aad u jeclaysto leh ahaansho (cunto, cabbitan). 2. Qof aad u dabci wanaagsan ahaansho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
seasoning
/siisanin/ (n) dhirayn (geedaha cuntada lugu sanuunadiyo, macaansho).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaan_3
a: macaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being sweet; [fig.] sweetheart (female)
hm: 3
lx: macaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: macaan_3
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansho
-ha: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo wanaag cid walba gaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaash
(Macaash-ka)
Faa'ido, ribix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaash
macaash¹: m.l 1. Faa'iidada laga helo badeeco la gaday. 2. Badeeco.
macaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Ka m.: macaash ka helid; faa'idid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaash
macaash¹: m.l 1. Faa'iidada laga helo badeeco la gaday. 2. Badeeco.
macaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Ka m.: macaash ka helid; faa'idid. m.f.dh, macaashid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Macaash
Gain
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Macaash
Profit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaash
m. n. gain, profit; income; pension
macaash v. make a profit (from)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaash
-ka: (n) profit (porofit)-, benefit (benafit)-, gain (geeyn) ~ faa'iido, ribix —macaash -ay / -tay: (v) obtain a profit; make a gain; profit (porofit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaash
(fal) faa'iido hel. Cüidda dharka ka macaash, Dh: faa'iid. Li: khasaar.
macaash-ka: (magac, lab, keli) inta raasamaalka dheer ee wax laga dul helo. Macaash badan baan ciidda helaa. Dh: ribix, faa'iido, dheef. Li: khasaare.
macaash-ka: (magac, lab, keli) shaqo ka fadhiisiga ay hawlgabnimadu keento marka da'weyn la gaadho. Dh: hawlgab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaansho
(Ahaansha-ha)
Noqosho; si, ku sugnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaansho
m.l/dh eeg ahow. la-mid: ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaansho
-ha: (magac, lab, keli) ku sugnaanta si ama xaalad gaar ah. Ahaanshaha aad tahay arday, ayaan kuugu abaal guday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansi
(Macaansi-ga)
Macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansi
m.l la-mid: macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg macaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaashi
f.lg2 (-iyay, -isay) Cid macaash u oggolaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaashi
ditransitive v. make someone earn something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaashi
(fal) hawlgab geli; aayo maal ka dhig. Dadka gaboobay macaashi oo fasax.
macaashi: (fal) cid kali inay lacag macaash ah hesho adu sababu noqo. Ninka aad u shaqaynayso macaashi ha kugu kalsoonaadee. Dh: macaashsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaashi
de: make s.o. earn s.t.
lx: macaashi
pd: (macaashiyey)
ps: v2=ditr
key: macaashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casaansho
m.l/dh eeg casow. la-mid: casaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax cas ahaansho; wax cas noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
La'aansho
(La'aansha-ha)
Wax la la' yahay ama aan la haysan ama aan la lahayn, ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
la'aansho
m.l/dh la-mid: la'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
la'aansho
-la'aanshaha: (n) lacking (laaking)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
la'aansho
-ha: (magac, lab, keli) waxba li'i'; madhnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la'aansho
de: lack, state of not having
lx: la'aansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: la'aansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaansho
m.l/dh la-mid: labaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax lab ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lahaansho
(Lahaansha-ha)
Lahaanta wax la lee yahay; wax lihi ah ama hanti yeelasho, haysasho, qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lahaansho
m.l/dh la-mid: lahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahaansho
vl. n., [abstract] possessing, state of owning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lahaansho
-lahaanshaha: (n) 1. possession (pozashan) ~ milkiyad. 2. (adj) possessive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahaansho
a: lahaan
de: possessing, state of owning
lx: lahaansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-abs
key: lahaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lahaansho
تملك
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansad
(Macaansad-ka)
Macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansad
m.l la-mid: macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansad
-ka: (magac, lab, keli) dhadhan jeclaysi raaxo leh. Macaansadka shaahu yaanu ku hodine iska jooji. Dh: macaansi macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagaansho
m.l/dh la-mid: negaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg nagaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaansho
m.l/dh eeg samow. la-mid: samaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax san noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraansho
m.l/dh eeg yarow. la-mid: yaraan².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaraansho
-yaraanshaha: (n) shortage (shoor-teeyj); the act of decreasing, reducing or diminishing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraansho
-ha: (magac, lab, keli) wax yar ahaansho. Yaraansho ayaa jilaalkii biyaha webiga laga dareemaa. Li: badnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaanaansho
m.l/dh eeg macaanow. la-mid: macaanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg macaanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amranaansho
m.l/dh la-mid: amranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amranaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid cid ka sarraysaa amar siisay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacnaansho
m.l/dh la-mid: dhacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idmanaansho
m.l/dh la-mid: idmanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg madhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayrnaansho
m.l/dh 1. eeg mayrnow. 2. la-mid: mayrnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayrnaansho
-ha: (magac,lab, keli) wax mayran oo nadiif ah ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasnaansho
m.l/dh eeg aasnow. la-mid: aasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasnaansho
-ha: (magac, lab, keli) xabaalnida wax uu ku jiro meel la qoday. Dh: aasnaan, aasni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ba'naansho
m.l/dh la-mid: ba'naan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'naansho
-ha: (magac, lab, keli) aad u bukid; mid sakaraad ah oo liita ahaan. Dh: liidasho, sakaraad. Li: ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badnaansho
(Badnaansha-ha)
Wax badan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badnaansho
m.l/dh eeg badnow. la-mid: badnaan (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badnaansho
vn-m, stative v. increase, abundance; state of being abundant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badnaansho
-badnaanshaha: (n) the state of being a great or plentiful amount; majority (majooriti) ~ badni
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badnaansho
de: increase, abundance; state of being abundant
lx: badnaansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-st
key: badnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barnaansho
m.l/dh la-mid: barnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barnaansho
-ha: (magac, lab, keli) badh ahaan; wax dhiman ahaan. Barnaansho kuma ogayn joonyadda ee way buuxday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaansho
(Caddaansha-ha)
Midab cad lahaansho; wax cad ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaansho
m.l/dh eeg caddow². la-mid: caddaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddaansho
f. n., [abstract] whiteness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaansho
-ha: (magac, lab, keli) caddaan noqosho; wax cad noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caddaansho
de: whiteness
lx: caddaansho
pd: (/ha)
ps: n6-f-abs
key: caddaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaanasho
(Canaanasha-da)
Hadal canaan ah ku dhihid; xaarxaarin.