ereyga

macaandheregla'

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

macaandheregla'

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) lafdhabarta geela oo cadka laga jaro.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

macaandhereg

DHAFAN

-ga: (magac, lab, keli) barwaage aan meel dheer loo soofin oo xooluhu duleedka ku dhergaan. Macaan dhereg ayuu reerku ku jiraa Dh: barqadhereg, oodolulul.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

milandheregsane

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) milan gaadhay heerkii ay wax ku dhex milmi karayn oo uu adkaado.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abaalsheegad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) mannasheegad uu ruux wanaag hore qof kale uu sheegashadiisa ku dhibo. Dh: mannasheegad, abaalsheegasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Garaadyeelad

DHAFANDHAAF
1

(Garaadyeelad-ka)

2

Garaad yeelasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garaadyeelad

DHAFANDHAAF

m.l Fil wax lagu kala garto gaarid. la-mid: garaadyeelasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

garaadyeelad

DHAFANDHAAF

vl. n., [compound] age of reason (knowing right from wrong)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

garaadyeelad

DHAFANDHAAF
1

de: age of reason (knowing right from wrong)

2

lx: garaadyeelad

3

pd: (-ka)

4

ps: vn2a-m-cmp

5

key: garaadyeelad

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

laandheeraan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg laandheer. la-mid: laandheeraansho, laandheeri.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laandheeraan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) qof tol weyn ka dhashay ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

mannasheegad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: mannasheegasho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mannasheegad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) abaal shee gasho anaa waxaa ku siiyay anaa waxaa kuu sameeyey cid lagu yidhaa; cid abaal loo sameeyey oo mar walba loogu faano. Mannasheegadku waa bahdilaad. Dh: mannasheegasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

maxaa yeelay

DHAFANDHAAF

(conjunction) because (bi kooz); because of ~ maxaa yeelay, sababtoo ah

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magacdheeraan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg magacdheer. la-mid: magacdheeraansho, magacdheeri.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

magacdheeraan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) caan. ahaan oo wax magaciisa meelo fogfog laga yaqaanno ahaan. Magacdheeraan dhayal laguma helo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maqaardhexaad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka. waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iyo wixii la mid ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maxaandhawrsan

DHAFANDHAAF

ciyaar ay ciyaaraan marwooyinka la qabo oo inta ay godeeyaan midi ereyo iyo suugaan qurxoon oo habdhac wanaagsan le ku qaaddo labana intay gudaha u dhaadhacaan jaan iyo bootin sameeyaan dalladna si qurxoon u wareejiyaan oo ku ciyaara inta kalina waxay ku jiibiyaan: «maxaan dhawrsan maanta waa dhabe». Waxa aad looga ciyaaraa agagaarka Jigjiga. Dh: bootin.

waa la naqliyay ✓