macaajileyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajileyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabdhabid oo sabasabayn. Macaajileyn ayaan waayahan oo dhanba ku waday. Dh: macaajileys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajileyn
m.dh la-mid: majaajilleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilleyn
m.f.dh eeg majaajillee. la-mid: majaajileyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajilay
(fal) dhabdhab oo saabasaabo samee si aad wax u hesho. Macaajilee inaad meesha wax ka hesho. macaajilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajilee
(fal) eeg macaajilay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajilays
-ka: (magac, lab, keli) dhabdhabid iyo sasabo. Macaajilayska ka daa oo ninka shaqatag dheh. Dh: aadda-aaddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajilsan
(tilmaame) dhabdhaban oo saabasabaysan. Sheeko macaajilsan baad waddaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaajillayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sugaan majaajillo ah ku hadlid. Dh: majaajillays, maadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaaneyn
(Macaaneyn-ta)
Macaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneyn
m.f.dh eeg macaanee. la-mid: macaaneys, macayn, macays, micayn, micays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhadhan macaan u yeelid. Dh: macaanayn. Li: qadhaadheyn.
macaaneyn -ta: (magac, dhedig, keli) hadal, sheegko, iyo wixii la mid ah xalladayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Sheeko macaaneyn bay doonaysaa. Dh: xalladayn, macaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaajilli
(fal) isku qoosh. Macaajilli budada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: majaajillee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majaajilleeye
-ha: (n) comedian (komiidi-yan); male comic ~ majaajillow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaajillays
-ka: (magac, lab, keli) eeg majaajillayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataatulleyn
m.f.dh eeg mataatullee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaadin
m.dh.w eeg macdan¹,².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaadin
-ta: (magacwadareed) wixii khayraad ah ee dhulka hoostiisa ku jira gaar ahaan kuwa aan dhirta ahayn. Dhulka geeska Afrika macaadin badan oon weli la ogayn ayaa ka buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamil
m.l la-mid: macaammilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaamil
m. n. customer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaamil
-ka: (n) treatment (tiriitment); handling (handhaling)-, manners and customs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaamil
(fal) xidhiidh iyo wax-isdhaafsi la samee qof ama in ka badan. Jaarkaaga la macaamil. Dh: dhaqan.
macaamil -ka: (magac, lab, keli) is dhexgal iyo wax-isdhaafsi dhexmara laba qof iyo in ka badan. Wanaaggu waa udubdhexaadka nolosha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaamil
de: customer Alt sp: macaammil
lx: macaamil
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n2-m/f
key: macaamil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaanin
-ta: (n) the act of making sweet or sweetening ~ macaynta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macsiley
m.dh (-yo, m.l) (dii.) Haweeney macsida badsata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macsiley
m.dh (-yo, m.l) (dii.) Haweeney macsida badsata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macsiley
f. n., [collective] adulteress, dissolute woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macsiley
-da: (n) a woman who commits adultery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macsiley
-da: (magac, dhedig, keli) naag ama dad macsi lagu yagaan. Macsiley cidi ma guursato. Dh: dhillo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macsiley
de: adulteress, dissolute woman {S}
lx: macsiley
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f, n7-m
key: macsiley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamilo
m.l la-mid: macaammilo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaamilo
-da: (n) mutual dealings or connections; relations (rileey-shinis); corporation (korpareeyshin); relationships (rileey shin-shiipis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaamilo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaamil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhadhan macaan u yeelid; macaan ka dhigid. Karuurku macaanayn uma baahna. Dh: macaanays. Li qadhaadhayn.
macaanayn -ta: (magac, dhedig, keli) hadal. sheegko iyo wixii la mid ah xalladayn oo qosol iyo xigmadba ku darid. Dh: xalladayn macaanays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneys
m.l la-mid: macaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaashle
m.l Qof badeeco yar rogrogta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Macdaneyn
Mineralization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) magaalo ka dhigid. Dh: magaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilo
m.dh la-mid: majaajillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafeyn
m.f.dh eeg masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh guur u kaxaysasho oo meel weligeeda ka fog oo masaafo jirta u qaadasho. Masaafayntu waa nooc la isku guursado. Dh: masaafageyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacdaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid cadho Ilaahay gaba ka yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laxda oo codka 'bacaac' ku celcelisa. Bacaaclaynta laxda meel fog baa laga maqlayaa. Dh: macaaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacleyn
m.f.dh eeg jacjaclee. la-mid: jac-jacleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamiloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: macaammiloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaaneeye
-ha: (magac, lab, keli) qof sheeko macaan oo sida ay wax ahaayeen qurxiya amal wax ku dardara. Af miishaar waa macaaneeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majaajillo
(Majaajilla-da)
Kaftan; dheeldheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajillo
m.dh (riw.) Ereyo iyo falal loogu talaggalay in dad looga qosliyo. la-mid: majaajilo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majaajillo
m.dh (riw.) Ereyo iyo falal loogu talaggalay in dad looga qosliyo. la-mid: majaajilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaajillo
f. n. joke, joking ~ kidding around
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majaajillo
-majaajillada: (n) comedy (komadi); farce (faarsi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaajillo
-da: (magac, dhedig, keli) suugaan inta badan riwaayadaha la socota oo iskugu jirta tixo habdhac iyo qaafiyad leh iyo hadal furan oo maad iyo maaweelo ka buuxdo. 'Alla waa saaqidintii shalaytoole, dadka oo wada soomman, sebiga beerka ka laagayee, saanbuusihiina ka qaatayee ku saxdee ku hunqaacay' waa majaajillo caan ah. Dh: kaftan, maadeys.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaajillo
cf: dheeldheel, kaftan
de: joke, joking ~ kidding around
lx: majaajillo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: majaajillo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajiloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: majaajilloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacdalleyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nacnacleyn
(Nacnacleyn-ta)
Hadal nacnac ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacnacleyn
m.f.dh eeg nacnaclee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacnacleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg nacnaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacaayadeyn
m.dh la-mid: dicaayadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal dacaayad ah ka fidin oo sumcadiisa hoos u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamilood
m.l la-mid: macaammilood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaajillay
(fal) hadal suugaaneed oo maad ah ku hadal. Sidii Boon Xirsi u majaajillay Dh: majaajillee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajillee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Majaajillo samayn. la-mid: majaajilee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaajillee
v. joke, act the comedian
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majaajillee
-yey/ majaajileysay: (v) perform comedy; tell humor or jokes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaajillee
(fal) eeg majaajillay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaajillee
de: joke, act the comedian Alt sp: majaajilee
lx: majaajillee
pd: (majaajilleeyey)
ps: v2b=intr
key: majaajillee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) (riw.) Majaajillo samayn. la-mid: majaajiloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majaajilloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) (riw.) Majaajillo samayn. la-mid: majaajiloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majaajillow
v. joke, act the comedian
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majaajillow
-ga: (n) comedian (komiidiyaan); humorist (hiyumar-iist)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majaajillow
a: majaajilee
de: joke, act the comedian
lx: majaajillow
pd: (majaajillooday)
ps: v3a=intr
key: majaajillow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajilood
m.l la-mid: majaajillood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafageyn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn gabadh la guursanayo reerkooda laga kexeeyo oo meel masaafo jirta lagu soo meheriyo iydoo weligeeda lagala baxsanayo. Dh: masaafaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macasalaameyn
m.f.dh eeg macasalaamee. la-mid: macasalaameys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macasalaameyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg macasalaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaajilayste
-ha: (magac, lab, keli) qof majaajillada caan ku ah oo dadka ka qosliya. Dh: maadayste.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majaajillayso
-majaajillaysada: (n) comedienne (komiidiyaan)-, female comic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halamashleyn
m.f.dh eeg halamashlee.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Macaamilo-da
rapport, relation.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaammilood
m.f.dh eeg macaammiloo. la-mid: macaamilood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaammilood
m.f.dh eeg macaammiloo. la-mid: macaamilood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaashitaan
-ka: (magac, lab, keli) faa'iiditaan badan helid. Beryahan macaashitaankii badnaa hoos buu u dhacay Dh: macaashid, ribxitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxraxleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaxraxlayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaalo weyn
Metropolis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaajillood
m.f.l eeg majaajilloo. la-mid: majaajillood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majaajillood
m.f.l eeg majaajilloo. la-mid: majaajillood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishaariyeyn
m.f.dh la-mid: mushaalliyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddaahineyn
(Muddaahineyn-ta)
Muddaahino ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddaahineyn
m.f.dh eeg muddaahinee. la-mid: muddaahaneyn, muddaahano, muddaahino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mushaariyeyn
m.dh la-mid: mushaalliyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaaljoogleyn
(Dabaaljoogleyn-ta)
Biyaha dhexdooda isku taagid iyadoo aan cagaha dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaljoogleyn
m.f.dh eeg dabaaljooglee. la-mid: dabaajoogteyn, dabbaaljoogleyn, dabbaaljoogteyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljoogleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dabaaljoogayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaacle
-ha: (magac, lab, keli) qof aan caqli badan lahayn. Bacaacle bah uma taliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacaadle
(Bacaadla-ha)
Geddislaha kudhacda wax ku iibsada; warato.