maaxis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyihiisa muddo u deyn si uu maax u yeesho. 2. Biyo calowsan muddo dhigid si gufarku uga fariisto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaxi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ceel biyihiisa muddo u deyn si uu maax u yeesho. 2. Biyo calowsan muddo dhigid si gufarku uga fariisto. m.f.dh, maaxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaxi
v. cause to expand; make ooze (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxi
(fal) biyo laas u kaadi oo ha darin inta ay maaxdu buuxsamayso; maaxda ururi. Innoo maaxi laaska inta uu dhaanku imanayo. Li: gudhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaxi
de: cause to expand; make ooze (out)
lx: maaxi
pd: (maaxiyey)
ps: v2a=tr
key: maaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxis
m.l la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadis
m.l la-mid: maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahis
-ka: (magac, lab, keli) eeg maahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalis
(Maalis-ta)
Maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalis
maalis¹: m.l la-mid: maalin².
maalis²: m.dh 1. Weel biyood ama caanood. 2. la-mid: maalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalis
f. n. milk can ~ receptacle; utensil for ~ act of milking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalis
-ta: (n) the act of milking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maalid.
maalis-ta: (magac, dhedig, keli) geedo yar oo xulanti ah oo neefka irmaan oo igadhka ah inta la maalayo lagu dago oo intuu daaqayo la liso. Caleen maalis ah hasha u dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalis
de: milk can ~ receptacle; utensil for ~ act of milking
lx: maalis
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: maalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamis
m.l la-mid: maamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaris
m.l la-mid: maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maaris
bisha saddexaad ee taariikhda miilaadiga. Dh: maarso, maaj.
Maaris: mid ka mid ah meerayaasha hawada sare oo aad u fog. Cirbixiyeennadu waxay biyo ka raadshaan meeraha maaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxid
(Maaxid-da)
Tallaabid; gudbid; xulid; mushaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxid
m.f.dh (-day, -dday) eeg maax².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maaxid
Navigation
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maaxid
Navigation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxid
-da: (magac, dhedig, keli) dhex mushaaxid. Maaxidda iska daa oo dadka ka fadhiiso. Dh: maaxis.
maaxid-da: (magac, dhedig, keli) maax soo saarid. soo biiridda biyo il ka soo baxaya oo soo maaxaya. Maaxidda ceelka ayaan sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxin
(Maaxin-ta)
Maax ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxin
m.f.dh eeg maaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo intay soo maaxanayaan sugid. Laasku maaxin uma baahna oo biyo wuu leeyahay. Dh: maaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marxis
(Marxis-ka)
Marxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marxis
m.l la-mid: marxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg marxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg naaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) «kala ~) aada u kala qaadid; kala waaxid; kala fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaahis
m.l la-mid: amaahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaahis
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macawis
(Macawis-ta)
Maro midabyo badan oo aalaa raggu qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macawis
m.dh (-syo, m.l) Maro, inta badan midabbo leh, labada daraf iskaga tolon oo raggu qaarka hoose ka xirtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macawis
m.dh (-syo, m.l) Maro, inta badan midabbo leh, labada daraf iskaga tolon oo raggu qaarka hoose ka xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macawis
m. n. lunghi (man's skirt of colored material)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macawis
-ta: (n) lungi or lungyi; sarong (saroong); a traditional skirt like garment worn by men ~ hoos-gunti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macawis
-ta: (magac, dhedig, keli) gunti la casriyeeyey oo midabyo iyo noocyo badan leh oo raggu qarqarka hoose ku xidho. Nin macawis xidhani shaqo diyaar uma aha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macawis
de: lunghi (man's skirt of colored material)
lx: macawis
pd: (-ta)
ps: n2a-m
key: macawis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadis
m.l la-mid: mahadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mahadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg makalid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malxiis
-ka: (n) best man ~ manxiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malxiis
-ka: (magac, lab, keli) nin caruuska dhinac fadhiista habeenka arooska oo gacan yare u ah. Dh: mixiis, maxiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraxir
m. n., [compound] knot in Somali traditional dress, body location of such a knot; dressing (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraxir
de: knot in Somali traditional dress, body location of such a knot; dressing (up)
lx: maraxir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: maraxir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masaxid
-da: (n) 1. wipe (waayp); by blowing or swiping. 2. deletion (di liishin) ~ masaxaad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaxid
-da: (magac, dhedig, keli) nadiifin oo uskag saaran ka tirtiid. Masixidda sabuuradda arday dheer u dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matajis
m.l la-mid: mantajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg matajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataxid
-da: (magac, dhedig, keli) isgiriirixin oo wax neerfis ah oo cadho madax martay iska dhigid. Mataxid xoolo kuma helayside is deji. Dh: mutuxid.
mataxid-da: (magac, dhedig, keli) mudh iyo gacan ka dhigid: qaawin oo dharka ka saarid. Dh: qaawin.
mataxid -da: (magac, dhedig, keli) orod aan joogsi iyo jeedsi midna lahayn ordid. Nin kaa orod badan mataxid ku gaadhi maysid. Dh: maqiiqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxabis
m. n. captivity; prison
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxabis
bw: Arabic
de: captivity; prison
lx: maxabis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: maxabis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel mehered ah ka tagis oo xaafad u hoyasho. Dh: hoyasho, rawixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulaaxis
m.l la-mid: ulaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulaaxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ulaaxin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Axis
Dhidib
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Axis
Dhidib
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
axis
/aaksis/ (n) 1. xarriiq dhexda marta (xuddun ah) 2. xarriiqaha joqoraafiga lugu muujiyo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Axis
Sabarad Tiir gudban
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
axis
/aaksis/ (n) uthub (jiiting shey dhattis maraasy).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maas
(Maas-ka)
1. Harag la megdeeyey.
2. (beer) a) Fil weyn oo aan harame danbe ka soo bixin. b) La falay welise aan wax lagu abuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maas
m.l 1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maas
m.l 1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maas
m. n., (mass n.): leather
maas m. n., [collective] fallow ~ unplanted land; sterile ~ unproductive soil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maas
-ah: (adj) leather (leether) ~ harag. Ex: kabo maas ah; leather shoes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maas
-ka: (magac, lab, keli) beer la rogay oo aad loo jilciyay oo haramo iyo gufiba la salabeeyey Beer maas ah nin leh roobna ugu da'o barwaaqo kama maqna.
maas-ka: (magac, lab, keli) dubbe weyn oo dhagaxa lagu jajabsho oo toban kiiloo iyo wax ka culus ah. Nin buur god ka qodayaa maas kama maarmo. Dh: dubbe
maas -ka: (magac, lab, keli) saan aad loo jilciyay oo kabaha, suumanka iyo wixii la mid ah, laga sameeye. Dh: saan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maax
(Maax-da)
Biyaha hoose oo inta ilaha soo raaca, ceelasha laga cabbey soo buuxsha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maax
maax¹: m.dh Biyo badan oo ceel ku jira, oo dhulka hoose ka soo baxay.
maax²: f.g1 (-xay, -xday) Biyo dhex marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maax
maax¹: m.dh Biyo badan oo ceel ku jira, oo dhulka hoose ka soo baxay.
maax²: f.g1 (-xay, -xday) Biyo dhex marid. m.f.dh, maaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maax
f. n., (mass n.): water that accumulates in a well; spring
maax v. be full (of a well); flow, gush (of water)
maax v. produce, create, expand (upon)
maax v. cross (over), traverse
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maax
name-m flow, gush (of water); to be full (said of a well); produce, create
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maax
-da: (v) accumulation of water, especially in a well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maax
magac loo bixiyo wiil ay hooyadii dhashay xilli labadiisa waalid midkood uu ubad ka quusnaa da' ahaan ama ay is lahayd waad dhalmadeysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maax
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha ilaha ceelasha ka soo baxa kolka biyihii horay ugu jiray laga qayo. Ceelku wuu gudhaye maaxda suga.
maax-da: (magac, dhedig, keli) hadal dib loo goodo oo kolka la dhammeeyaba haddana dib loo bilaalo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maïs
maïs, n.m. - Hadhuudh; Masaggo; Badar; Galley; Arabikhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxi
(fal) biyo laas u kaadi oo ha darin inta ay maaxdu buuxsamayso; maaxda ururi. Innoo maaxi laaska inta uu dhaanku imanayo. Li: gudhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'is
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aa'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaris
m.dh la-mid: aarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaris
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» cid dhib iyo aano loo geystay, uga soo goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawis
m.l la-mid: aawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayis
m.dh la-mid: aayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayis
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaag hore, dib ugu manaafacaadis. Dh: aayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxis
-ta: (magac, dhedig, keli) ka bixid meel kugu xeeran. Baxista ka hor baabuurka shidaal ku shub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Bur, badar iyo wixi lamida khamiirin. 2. la-mid: faafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxis
m.l la-mid: faxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxis
-ta: (magac, dhedig, keli) qoosh iyo wixii la mid ah, khamiirid. Dh: fixis.
faxis-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, kululaad oo baylid; dareere, aad u kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Candho xoolaad caano ku baajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxi
v. delay milking (an animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxi
(fal) caanaha, neefka hal caanomaal iyo in ka badan haka lisin ama yaan la nuugin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxi
de: delay milking (an animal)
lx: gaaxi
pd: (gaaxiyey)
ps: v2a=tr
key: gaaxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maa'i
qolada afraad ee magiiganaha waa afar iyo labaatan dhagax oo u kala baxa Min sicdi iyo Min sixri. Waxay ka kooban tahay Garbraar oo ah lix dhagax oo Min sicdi ah, Badhyaale oo ah lix dhagax oo Min sicdi ah, Bayaad oo ah toddoba dhagax oo Min sixri ah iyo Kowshad oo ah shan dhagax oo Min sixri ah. Sheekh an sheekhba ahayn waa shanbadhyoodliyo maa'i, waa nin faal ka shaqeeyey oo wuxuu sheegay la waayay.hangel*