maaxdunsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxdunsan
(tilmaame) laas ama ceel kolka uu maaxday dumay ah. Laaskii an qayay ayaan isga oo maxdunsan u imid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxdunsaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maaxdunsan ahaan. Laaska maaxdunsanaan ha uga tegine dib u god oo gay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxdunsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg maaxdunsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxdunsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maaxdunsan ahaanho. Laaska maaxdunsanaantal waan ugu imid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduunsan
(tilmaame) dad, mood iyo noolkii ba ka madhay oo halkii ay degenaayeen abaar ama colaad darteed ka soo barakacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxdun
-ka: (magac, lab, keli) dumidda ceelasha iyo laasaska gaar ahaan kolka la godo ee biyaha dhoobada ah laga qayo ee ay maaxanayaan. Dh: maaxdumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax maax yeshay ahaansho (ceel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaxsan
der. [adjective] full (of water); replete
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxsan
(tilmaame) maax keenay ah; biyo maax ahi ayay ku jiraan. Laasku wuu maaxsan yahaye intaan lagaaga horrayn gaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaxsan
de: full (of water); replete
lx: maaxsan
pd: (maaxsanaa)
ps: adj-der
key: maaxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxdumin
-ta: (magac, dhedig, keli) laas ama ceel kolka uu maaxanayo taabasho ama qardabayn oo dumin. Allahyoow mar ii sahal, hay maaxduminin anigee muraadkayga ii yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxsanaan
(Maaxsanaan-ta)
Wax maaxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxsanaan
m.f.dh eeg maaxsan. la-mid: maaxsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaxsanaan
f. n., [abstract] state of being full of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maaxsan ahaan; maaxi ay buuxisay ahaan. Maaxsanaanta laaska waan ugu imidday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaxsanaan
de: state of being full of water
lx: maaxsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: maaxsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madluunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof la madluumiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madluunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof la madluumiyey ahaansho. m.f.dh, madluunsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madluunsan
der. [adjective] sad, gloomy, unhappy, displeased
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madluunsan
-aa: (adj) depressed (dipareesty, sad (saadh); low in spirits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madluunsan
(tilmaame) cidlaysan oo ciil iyo walbahaar ku sugan. Ninkii oo keligii meel madluunsan ayaan ka soo kexeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madluunsan
de: sad, gloomy, unhappy, displeased
lx: madluunsan
pd: (madluunsanaa)
ps: adj-der
key: madluunsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wareersan ahaansho (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansan
(tilmaame) ruux la wareersan, nabar iyo jug gaadhay darteed. Nin daandaansan dariiq ma maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammulnaan
m.f.dh eeg maamulan. la-mid: maammulnaansho, maamulnaan, maamulnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandoorsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax miyirkii ka lumay ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandoorsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax miyirkii ka lumay ahaansho (qof). m.f.dh, maandoorsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandoorsan
Comp. adj., (ie. n., adj.): drunk, drugged, intoxicated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandoorsan
-ka: (magac, lab, keli) khalal ku dhaca habdhiska dareenka oo qofku uu si sax ah wax u kala garan waayo ama wax xun iyo wax fiican uu kala saari garan waayo. Waallidu waa maandoorsan Eebbe keeno sakhradduna waa maandoorsan qofku isku keeno. Dh: miyirdoorsan Li: fayoobi.
maandoorsan: (tilmaame) maankiisu shaqaynayn oo wax garadkiisu fiicnayn ah. Nin si Ilaahay u maandoorsan dembi ma le. Dh: miyirbeelsan, miyirdoorsan, waalan. Li: fayaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandoorsan
de: drunk, drugged, intoxicated
lx: maandoorsan
pd: (maandoorsanaa)
ps: adj-cmp
key: maandoorsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanguursan
(tilmaame) dawakhsan oo dhulku la wareegayo ah. Nin maanguursan lalama hadlo. Dh: maskaxguursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulsan
(tilmaame) wax macaluuli hayso co nafaqadarro hayso ah. Waxan u gurmannay ubad macaluulsan. Dh: gaajaysan. Li: dheregsan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MADAXDUSHAR
Momordica spinosa 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majasuuxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: manjasuuxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsanaan
m.f.dh eeg maraxsan. la-mid: maraxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsanaan
-ta: (magac, dhedig, kell) wax la madhxiyay oo meel kayd ahaan luugu qariyay ahaan. Dh: madhaxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafursan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: masaafirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafursan
(tilmaame) taarxiilsan oo qasab lagu masaafuriyay ah. Dh: masaafirsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caansan
der. [adjective] famous; popular; notorious
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caansan
de: famous; popular; notorious
lx: caansan
pd: (caansanaa)
ps: adj-der
key: caansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadsan
Quban; bilqaxan; kala firirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la daadiyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la daadiyay ahaansho. m.f.dh, daadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadsan
der. [adjective] spilled, scattered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daadsan
(n) spilled (ispilidh) scattered —daadsnaan -ta: (n) spillage (spileeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadsan
(tilmaame) wax daatay ama la daadiyay Qodaxdu, aqalka meel walba way daadsan tahay. Dh: quban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadsan
de: spilled, scattered
lx: daadsan
pd: (daadsanaa)
ps: adj-der
key: daadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faansan
La faaniyey; wax faan ah lagu sheegay; ammaanan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansan
f.mg4 (-naa, -nayd) La ammaanay ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faansan
der. [adjective] praised
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faansan
-aa: (adj) commended (kam-maandidh); admired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansan
(tilmaame) qof la faaniyey; qof wanaagasan oo aan u baahanayn in la faaniyo. Gabadh faansan baad tahay. Dh: ammaanan. Li: caayan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faansan
de: praised
lx: faansan
pd: (faansanaa)
ps: adj-der
key: faansan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaadsan
nickname; name-f the state of being ready for action. Lit: she who is always alert
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxsan
Neef aan goortii la lisi jirey la lisin oo goor kaloo danbe lala suga hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caano ku baaqdeen ahaansho (candho xoolaad). m.f.dh, gaaxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxsan
der. [adjective] left unmilked (animal); untouched, virgin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaaxsan
-aa: (adj) not milked [a female mammal]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxsan
de: left unmilked (animal); [ext.] untouched, virgin
lx: gaaxsan
pd: (gaaxsanaa)
ps: adj-der
key: gaaxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadeysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maahsan
(qof) Aan dhugmo iyo fiiro u lahayn waxa uu qabanayo oo caqligiisu meel kale jiro; aan baraarugsaneyn; maqan; khafsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maahsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho. m.f.dh, maahsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maahsan
der. [adjective] deficient, absent-minded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maahsan
-maahsanaa: (adj) absent minded; preoccupied (pirioki-paaydh). distracted (distarak-tidh) incautious (inkoo-shas) ~ aan digtoonayn, maqane-jooge, baxsan, qalbi la'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahsan
(tilmaame) maankiisu magan yahay muuqaalkiisuna joogoo waxa socda aan fiiro iyo dhugmo toona u lahayn ah; aan sheekada la socon ah. Nin maahsan malo lagama sugo. Dh: magan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maahsan
de: deficient, absent-minded
lx: maahsan
pd: (maahsanaa)
ps: adj-der
syn: khaafsan
key: maahsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maannan
neg, vl. pron., neg. we [excl.] ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maannan
de: we [excl] ... not = ma + aannu + aan
lx: maannan
ps: neg + vpro + neg
xe: We would not have eaten lunch.
xv: Maannan qadeyn lahayn.
key: maannan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madnaan
m.f.dh eeg madan. la-mid: madnaansho, mednaan, mednaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cayilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naaxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cayilay ahaansho. m.f.dh, naaxsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxsan
(tilmaame) cayilan shilis ah. awr naaxan ayaa saylada la keenay. Dh: buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax la waaniyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax la waaniyey ahaansho. m.f.dh, waansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waansan
der. [adjective] counseled, advised, notified
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waansan
(tilmaame) waano qaba oo talo wanaagsan oo loo soo jeediyay qaatay ama wax xun oo laga reebay iska daayay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waansan
de: counseled, advised, notified
initial: w
lx: waansan
nt: waansan (waansamay) [v1=inch]
pd: (waansanaa)
ps: adj-der
key: waansan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xaadsan
pr. n., [feminine] Hadsan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaadsan
name-f blemishless, smooth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xaadsan
magac loo baxsho gabadh jidh dumar oo qurxoon leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadsan
(tilmaame) dusha laga xaadiyay ah; xaad iyo gan laga dhameeyey ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xaadsan
de: Hadsan
initial: x
lx: Xaadsan
ps: name-f
key: Xaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusan
Aan hadla hayn; shib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aammusan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid). m.f.dh, aammusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aammusan
der. [adjective] silent, quiet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aammusan
-aa: (adj) silent (saay.lant) ~ aan hadal lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aammusan
(tilmaame) mid aan hadlayn; shib ah. Af aamusan waa dahab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aammusan
de: silent, quiet
lx: aammusan
pd: (aammusnaa)
ps: adj-der
syn: shibban
key: aammusan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadnaan
f. n., [abstract] state of being spilled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadnaan
a: daadsanaan
de: state of being spilled
lx: daadnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: daadnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalnaan
m.f.dh eeg maalan. la-mid: maalni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) la-mid: maammulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamulan
(tilmaame) si fiican u kala socda oo qaab maarayn wanaagsan leh. Shaqo si wanaagsan u maamulan laguma daalo. Dh: maaraysan, agaasiman, habaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maannaan
(pronoun plus negative) we ... not. Ex: maannaan arag; we didn't see ~ maannu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansayn
m.f.dh eeg maansee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxdumi
(fal) laas ama ceel kolka uu maaxanayo taabo ama qardabee ha dumee. Haddaan laga wada cabbayn maaxdumi laaska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxsan.
La maaxshey, maax leh.