maareyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyn
m.f.dh eeg maaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeyn
(Maadeyn-ta)
Hadal maad ah sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyn
m.f.dh eeg maadee. la-mid: maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyn
-ta: (magac, dhedig. keli) bandhig maaweelo oo lagu qoslo samayn; hadal maad ah sheegid. Jigjigaawi iyo Miicaad Miiggane maadeyn waa looga hadhay. Dh: majaajillayn, maaweelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarayn
(Maarayn-ta)
1. Maaro u helid; arrin ama wax kale, wax ka qabasho, hagaajin.
2. Maar ka dhigid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maarayn
Direzione
Management
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamulid. Dh: idaarayn.
maarayn-ta: (magac, dhedig, keli) daxal u yeelid; wax midhidhsan ka dhigix. Maaraynta ka ilaali weelasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaraweyn
m.dh Ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareysan
(tilmaame) eeg maaraysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarheyn
m.dh Gaarhaye ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyeyn
m.f.dh eeg maanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maanyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maareeye
m. n. manager, administrator, director, foreman, monitor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maareeye
-maareeyaha: (n) director (diraktar); manager (maanijar); controller (kon-taroler); leader (liidher)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareeye
-ha: (magac, lab, keli) eeg maamule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maareeye
de: manager, administrator, director, foreman, monitor
lx: maareeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maareeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maareyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho. m.f.dh, maareysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maareyso
v. be damaged, get spoiled, go bad ~ off (water, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareyso
(fal) wax kuu gaar ah si wanaagsan u maamulo. Maareyso shirkaddaada. Dh: maamulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maareyso
de: be damaged, get spoiled, go bad ~ off (water, etc.) See also: maarayso
lx: maareyso
pd: (maareystay)
ps: v3b=intr
key: maareyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxeyn
m.f.dh eeg madaxee.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxeyn
to head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo la kaxaynayo mid ay dabakacaan hor wadid oo madax ay raacaan u yeelid. Lo'jirku madxeynta wuu yagaan. Dh: madaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaseyn
m.f.dh eeg malasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareyn
f. n. rapidity
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maadey
name-m Muhammad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadey
(fal) eeg maadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahey
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maahas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maaleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ka m.: wax ka kaaftoomid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ka m.: wax ka kaaftoomid. m.f.dh, maarmid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaran
(v) [with preposition ka] no longer need; not need ~ see also [eeg] ka maaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaran
(fal) ka kaaftoon oo baahidiisa ka hadh. Wixii laguu dildo ka maaran.
maaran -ka: (magac, lab, keli) ciid isku dhegta marka la qooyo oo wax lagu kabbiso. Ciddaa maaranka ah waddada ku kabbis. Dh: garri.
maaran -ka: (magac, lab, keli) kaaftoon wax laga kaaftoomo oo baahida loo qabo la iska dhaafo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaray
(fal) si wanaagsan u maamul. Shaqada laguu dhiibo daacad u maaray.
maaray: (fal) daxalee oo wax midhidh yeeshay ka dhig. Billaawaha maaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) 1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid. m.f.dh, maarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaree
v. organize, direct, guide (through difficulty ~ danger)
maaree v. rust, make rusty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaree
-yey / maareysay: (v) manage (maanij); handle (handhal); supervise (suuparvaayz)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarin
m.dh la-mid: maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xallin oo dil iyo colaad baajin. Dh: maadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mareen
m. n. route, course, way, passage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mareen
-ka: (n) passage (paaseeyj);
mareen: (prefix) used to modify nouns;
dheefmareen -ka: (n) digestive system; digestive tract
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mareen
de: route, course, way, passage
lx: mareen
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maseyn
m.f.dh la-mid: miseyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maseyn
-ka: (magac, laab, keli) dibi laboodhedig ah.
maseyn -ta: (magac, dhedig, keli) wax siman oo isku mid ama is le'eg ah ka dhigid. Dh: masayn, simid, misayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afareyn
m.f.dh eeg afaree. la-mid: afareys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabeyn
m.f.dh eeg baabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka uu qofka turubka ciyaarayaa hayo labo baab oo sooc ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baar ka dhigid; ka dhigidda wax sare oo wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeyn
m.f.dh eeg jaabee. la-mid: jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaarayn
-ta: (magac, dhedig, kali) si beelaha la isugu geeyo oo ay ku wada degaan. Dh: ollogeyn. Li: fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaseyn
(Jaaseyn-ta)
Abaalmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laakeyn
m.f.dh eeg laakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laakeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ilmood oo mataano ah dhalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maad iyo maaweelo lagu qoslo samayn. Boon Xirsi waa xiddigga maadaynta Soomaalida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeys
(Maadeys-ka)
Sheeko suugaaneed oo dhacday ama dhici karta, oo inta dad jilo la daawado si waxbarasho ama aqoon kale looga dheefa ama muusikada iyo cayaaraha ku jira loogu raaxaysto; riwaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeys
m.l 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh. 2. la-mid: maadeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadeys
m.l 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadeys
m. n. comedy, comic act; play; concert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maadeys
-ka: (n) amusement; laughter; wit, humor ~ maad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadays.
maadeys -ta: (magac, dhedig, keli) eeg maadeyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadeys
cf: riwaayad
de: comedy, comic act; play; concert
lx: maadeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: maadeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maajeen
maajeen¹: m.l Midab guduud boor xigeen ah oo ay lo'du yeelato.
maajeen²: m.dh Naq badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maajeen
-ta: (magac, dhedig, keli) caws xooluhu daaqaan oo ka baxa bannaanada oo birre leh oo maadha ay isku bah yihiin. Dhul maajeen leh ayuu reerku degey.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Maaraan
Daabdulle. Qalabka looxa lagu jeebo oo bogga hoose ku leh afka wax jeeba kan sarena yahay laydi-dulkoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarays
-ta: (magac, dhedig,meli) eeg maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heesta ugaadha ku heesid. Abwaaniintu maayaynta way ku kala ba'as yihiin. Dh: heesid, maanyays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madkeyn
m.f.dh eeg madkee. la-mid: madkeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdeyn
m.dh la-mid: megdeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magdayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maleeyn
vl. n. conception, representation, hypothesis theory
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maleeyn
a: maleyn ~ malayn
de: conception, representation, hypothesis theory
lx: maleeyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maleeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manneyn
m.f.dh eeg mannee. la-mid: minneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqleyn
m.f.dh eeg maqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maqle ku shiilid; daawe saarid. Maqleynta ha ku illoobin baastada aad shaaxidinayso. Dh: daawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardeyn
m.f.dh eeg mardee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ilaa saddex laamood isku qabasho oo mardo ka dhigid. Dh: mardays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marweyn
m.dh la-mid: murweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xilkasnimo iyo hannaan marwonimo ku dhaqmid. Marweyntu waa u dhalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meereyn
m.f.dh eeg meeree.