maararruugle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maararruugle
m.l Gudcur badan oo aan waxba la arki karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maararruugle
-ha: (magac, lab, keli) gudcur badan oo aan waxba la arki karin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MAAMUUSLE
Spettabile
Honourable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maararrow
maararrow¹: m.l Madaddaalo qof waqtiga isku dhaafiyo.
maararrow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax madaddaalo ahaan waqtiga isugu dhaafin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maararrow
m. n. amusement, pastime
maararrow v. amuse oneself (with something), pass the time (with someone)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maararrow
(fal) wax aan faa'iido badan kaa soo galayn nafta ku maaweeli; isku maaweeli. Telefishanka ku maararrow intaan kuu imanayo. Dh: baashaal, maddadaaloo.
maararrow-ga: (magac, lab, keli) is maaweelin iyo baashaalid wax aan qiimo badan lahayn nafta loogu raaxeeyo. Dh: baashaal, madaddaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarsuulle
(Afarsuulla-ha)
Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarsuulle
m.l Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afarsuulle
m. n. thigh muscle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarsuulle
-ha: (magac, lab, keli) muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaalla bawdada docdeeda kore. Waa muruqa kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto. Orodkuu badinaayay baa, afarsuullaha gooyaye, ma anaaba arkaayay!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afarsuulle
cf: muruq; labasuulle
de: thigh muscle
lx: afarsuulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afarsuulle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaafaajugle
-ha: (magac, lab, kali) qof kibir iyo xoog isku darsaday oo fadhfadh iyo faan badan. Dh: faataadhugle. Wa: jaafaajuglayaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maararrow_1
de: amusement, pastime
hm: 1
lx: maararrow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: maararrow_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maararrow_2
de: amuse oneself (with s.t.), pass the time (with s.o.) (with preposition ku)
hm: 2
lx: maararrow
pd: (maararroobay)
ps: v1=intr
key: maararrow_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faataadhugle
(Faataadhugla-ha)
Qof is tustus badan oo wuxuusan ahayn iska dhiga; afmiinshaar; jeedaldheere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhugle
m.l (-layaal m.l/dh) Qof faan badan oo sheegta wax uusan ahayn. la-mid: faataa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faataadhugle
m.l (-layaal m.l/dh) Qof faan badan oo sheegta wax uusan ahayn. la-mid: faataa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataadhugle
m. n. boaster, braggart, pretender; romancer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataadhugle
-faataadhuglaha: (n) bigmouth (big maw th); bluffer (balaafer); intimidator (iin tim i dhaaytor); boaster (bowster); showy person ~ faataale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhugle
-ha: (magac, lab, keli) qofka kibir badan oo wax uusan ahayn iska dhigdhiga. Dh: jeedaldheere.
faataadhugle -ha: (magac, lab, keli) qof hanjabaad iyo istus badan oo waxaanu ahayn iska dhigdhiga. Dh: digdigle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataadhugle
de: boaster, braggart, pretender; romancer
lx: faataadhugle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faataadhugle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maararroobid
m.f.dh eeg maarrow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maararroobid
-da: (magac, dhedig, keli) maaweelo iyo baashaalid isku mashquulin. Maararroobida waxa haleela nin ay meheradi u baylahsanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataadhuglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Faataadhugle samayn. la-mid: faataalee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faataadhuglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Faataadhugle samayn. m.f.dh, faataadhuglayn. la-mid: faataalee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faataadhuglee
v. boast, talk big, pretend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faataadhuglee
-yey say: (v) bluff (balaaf); show off; make people stare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataadhuglee
(fal) eeg faataadhuglay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faataadhuglee
a: faataalee
de: boast, talk big, pretend
lx: faataadhuglee
pd: (faataadhugleeyey)
ps: v2b=intr
key: faataadhuglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labafarraarle
m.l (-layaal, m.l/dh) Ul gadaal laba ganood ku leh. la-mid: labatarre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labafarraarle
m. n. walking stick with a small fork at the lower part
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labafarraarle
-ha: (magac, lab, keli) ul caaradkiisu uu labo u kala qaysamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labafarraarle
de: walking stick with a small fork at the lower part (to give greater balance)
lx: labafarraarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: labafarraarle