maandha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandha
u.j la-mid: maandhay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandha
n. phr. daughter!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandha
de: daughter! {C & S}
lx: maandha
pd: (maandhay)
ps: np-voc
key: maandha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhay
u.j Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhay
(ereydhawaaq) qof dhedig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. Dh: maandha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandhe
n. phr. son!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhe
(ereydhawaaq) qof labood ah oo lala. hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. Dh: maandhow, wiiloow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandhe
de: son! {C & S}
lx: maandhe
pd: (maandhow)
ps: np-voc
key: maandhe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansha
xi. la-mid: maasha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maansha
[adverbial] [expression] because of this, for this reason
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansha
(xidhiidhiye) maasha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maansha
de: because of this, for this reason
lx: maansha
ps: adv-expr
xe: So thats why!' [expr]
xv: maasha
key: maansha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maandhaafid
(Maandhaafid-da)
(is maandhaafid) Arrin isku diidid, isku khilaafid; qofba meel iska tusid; is-afgaranwaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhaafid
m.dh eeg maandhaaf². la-mid: maandhaaf¹.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mandatory
/maandhatoori/ (adj) waajib ah (khasab ay tahay in la fuliyo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ikhtilaaf
-ka: (magac, lab, keli) is maandhaaf iyo iska hor'imaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isqabad
-ka: (magac, lab, keli) is khilaafid iyo is maandhaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) is khilaafid iyo is maandhaafid. Isqabasho meesha ma taallo ee kala joogsada.
isqabasho -da: (magac, dhedig, keli) is celin oo qaladka isu baraarujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khidmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg khidmad. khilaaf -ka: (magac, lab, keli) heshiis la'aan iyo is fahmi waa. Dh: maandhaaf, afgaranwaa. Li: afgarad. Wa: khilaafyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin isku diidid oo ku kala aragti duwanaan. Is maandhaafid laga heshiin doonaa dhib ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_maandhaaf
de: misunderstand one another; disagree
lx: is maandhaaf
pd: (maandhaafay)
ps: v1=expr
key: is_maandhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandaaha
-ha: (magac, lab, keli) meel rafaad iyo harraad badan lagula kulmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maandhaaf
(Maandhaaf-ka)
(is maandhaaf) Arrin laysku diido oo qofba si ula ekaata; heshiinwaa; khilaaf, is-afgaranwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhaaf
maandhaaf¹: m.l la-mid: maandhaafid.
maandhaaf²: f.g1 (-fay, -ftay) Is m.: is- afgaranwaayid, isku khilaafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhaaf
f.g1 (-fay, -ftay) Is m.: is- afgaranwaayid, isku khilaafid. m.f.dh, maandhaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandhaaf
vl. n. misunderstanding, disagreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maandhaaf
-een I nay: (v) misapprehend; misunderstand one another; be on different wavelengths ~ see also [eeg] ismaandhaaf
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maandhaaf
Malinteso
Misunderstanding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhaaf
-ka: (magac, lab, keli) kala aragti duwaanaan kokol isku rogta is afgaranwaa. Dad wada shaqaynaya is maandhaaf lagama waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandhaaf
de: misunderstanding, disagreement
lx: maandhaaf
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: maandhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhay
(fal) isdhexgeli oo isku dardar turubka si haadadku isugu dhafmaan. Baandhay turubka oo qaybi. Dh: baandhee.
baandhay: (fal) baadhitaan is dabajoog ah ku samee; fatashaad ku suubbi. Dh: baadh, baandhee, fatash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhow
u.j la-mid: maandhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshay
(fal) barwaaqee oo wax ka farxiya wada gaadhsii. Rooboow dhulka noo maanshay. Dh: nimcee, wanaaji, maashee, maashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaandhaw
qaandhaw¹: m.l 1. la-mid: qaandhebid, qandhow 1. Bixinta qaan laysku lahaa layska baxsho. 2. Kabarray.
qaandhaw²: f.mg1 (-dhebay, -dhawtay; - dhebi) U q.: qaan laysku lahaa bixin. la-mid: qaandhow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaandhaw
(fal) amaah lagugu lahaa iska bixi. Adaa amaah qaataye iska qaandhaw. Dh: bixi, qaanbax.
qaandhaw -ga: (magac, lab, keli) deyn ku sheegad, amaah ku sheegad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Ugaandha
(n) Uganda (yu-gaan-da); Kampala is the capital city
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadh
-a: (magac, dhedig, keli) geed cawseed ka baxa ciid casta oo raarka laga sameeyo. Wallee geela maadhaa ka badan inadan maalayn.
maadh -ka: (magac, lab, keli) hanti badan oo qiimo weyn leh oo qaybo badan ka kooban; barwaaqo nooc walba leh oo lagu raysto. Dhulkeenna maadh adduun waxba kama maqna. Dh: hanti, khayraad, adduunyo.
maadh -ka: (magac, lab, keli) barwaaqo nooc walba leh oo lagu raysto. Meesha aan joogo maadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaha
Ma aha (ama maahan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaha
v., neg., present habitual: it is not
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaha
(falkaabe) diidmo ah oo u dhigma 'sidaa si ka duwan weeyaan'. Dh: maaha, maahin, maahane, sidaas, maahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaha
de: it is not
lx: maaha
pd: (ma aha)
ps: v5a-3-neg-prhb
xe: Today the weather is not cold.
xv: Maanta hawadu qabow maaha.
key: maaha
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maana
name-f mindful; intelligence; good sense
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maana
(pronoun plus negative) I ... not ~ maan. Ex: maana kuusheegin? Didn't I tell you?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maana
ama Maanafaay: magac loo bixiyo gabadh laga filayo maskax iyo xasuus gaar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Maalda
pr. n., loc. Malta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Maalda
de: Malta
lx: Maalda
pd: (-da)
ps: n0-loc-f
key: Maalda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanta
Maalinta la joogo, oo u dhexaysa shalaydii la soo dhaafay iyo berrida soo socota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanta
fk. la-mid: maan² (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanta
adv., time: today
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maanta
(adj) the present day; today (tudheey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanta
(falkaabe) maalinta xilliga la hadlayo la joogo. Maanta jooge berri ma noola.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanta
de: today
lx: maanta
pd: (maantu)
ps: adv-time
xe: What day is it today?
xv: Maanta waa ayaanma?
key: maanta
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maanta
الْيَوْمِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maasha
xi. (naxwe) Xiriiriye tilmaamaya waxa ku dhashay sabab. Tusaale: “Maasha xaashiyuhu duule ee dabayl baa jiidday”. la-mid: maansha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maasha
xi. (naxwe) Xiriiriye tilmaamaya waxa ku dhashay sabab. Tusaale: Maasha xaashiyuhu duule ee dabayl baa jiidday. la-mid: maansha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maasha
[adverbial] [expression] because of this, for this reason
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maasha
(adv) as a result of; because of; no wonder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasha
(xidhiidhiye) tilmaamaya waxa ku dhashay sabab. Dh: maansha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maasha
de: because of this, for this reason
lx: maasha
ps: adv-expr
see: maansha
key: maasha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandho
m.dh Isku qasidda ranka iyo biigga turubka. la-mid: baandhayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandho
-baandhada: (n) shuffling; mixing together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandho
-da: (magac, dhedig, keli) turubka is dhexgelintiisa si haadadku isugu dhafmaan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maan-ka
esprit.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maan-ta
aujourd'hui.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandow
maandow¹: m.l.kh M. ah: qof gabow awgiis wax la kala garan waayey.
maandow²: f.mg1 (-ay, -day) Gabow awgiis wax la kala garan waayid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansho
-ha: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo wanaag cid walba gaadha.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Mandhaw
Birjare, birxalluufe, birgooye. Sida maaraanku looxa u xalleefiyo ayaa mandhawguna birta u xalleefiyaa ama u jaraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandho
-da: (magac, dhedig, keli) taanbuug: khaymad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baandhayn
(Baandhayn-ta)
(turub) shaandhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhayn
m.f.dh eeg baandhee. la-mid: baandhays (2), baandho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandhayn
-ta: (n) shuffle (shafal); reshuffle (riishafal) ~ baandhada turubka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isku hagaajin iyo isku habaynta turubka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhays
m.l 1. Dhar ay askartu kubabka ku duuban jirtay. 2. la-mid: baandhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhays
-ka: (magac, lab, keli) baandhayn ku samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaandhari
-ga: (magac, lab, keli) nin bunduq ama qori gaadhi saaran rida. Gaandharigii baa la toogtay. Dh: ride.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqayn oo wax ka farxiya wada gaadhsiin. Maanshaynta Eebbaa abkoow meel walliba gaadha. Dh: nicmayn, maanshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshays
-ka: (magac, lab, keli) eeg maanshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacdhaw
-ga: (magac, lab, keli) magac an weli la shaacin oo afka gof laga maglo si aan rasmi ahayn. Ninkii falka geystay wax magacdhaw ah weli lagama magal. Dh: magacdhabid, magacdhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaandhay
(fal) waxyaabo isku dhexjira, shaandho ku kala safay.
shaandhay: (fal) turubka isdhexgeli; baandhay; bawis.
shaandhay: (fal) (isku ~) 'dawlad' xubnaha dawladda isku bedbeddel.
shaandhay: (fal) 'arrin' waxa ku dheeriga ah ka saar, si fiican uga baaraandeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dacwad ku soo oogid oo maxkamadda taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taandhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamaandho
f. n. tomato ~ tomatoes
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TAMAANDHO
(Tamando) N, Og Lycopersicum esculentum Mill. Solanaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamaandho
-tamaandhada: (n) tomato (ta-meeytow); tomatoes ~ yaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaandho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tamaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamaandho
de: tomato ~ tomatoes
initial: t
lx: tamaandho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: tamaandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Turub, baandho ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baandhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Turub, baandho ku samayn. m.f.dh, baandhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baandhee
v. shuffle (cards)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandhee
-yey say: (v) reshuffle (riishafal). Ex: turubka baandhee; reshuffle cards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhee
(fal) turub isku laaq oo is dhex geli si aan loo kala naqaysan karin. Dh: baandhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baandhee
de: shuffle (cards)
lx: baandhee
pd: (baandheeyey)
ps: v2b=
key: baandhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaan
(Daandaan-ka)
Wareer iyo tabaryari in lala dhaco lagu sigto; dhacdhaca haya; dalanbaabbi: sirinsirqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaan
daandaan¹: m.l 1. D. ah: nafley tabar daran oo dhaadhacaysa. 2. la-mid: daandaamid.
daandaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Tabardarro awgeed dhicdhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaan
v. feel dizzy
daandaan vl. n. dizziness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daandaan
-ah: (adj) dizzy (diisi) ~ dhawakhsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaan
-ka: (magac, lab, keli) wareer iyo miyir-doorsoon in lala dhaco lagu sigto. Dh: dalanbaabi, sirinsirqo, wareer.