maanayeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanayeyn
m.f.dh eeg maanyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyeyn
m.f.dh eeg maanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maanyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanyeyn
m.f.dh eeg caanyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanyayn
(Maanyayn-ta)
Hees gaar ah (maanyo) tirin, qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo aad u butaacid; mawjado waawayn kicin. Maanyyntiisa kolba moojad kicintiisa.
maanyayn -ta: (magac, dhedig, keli) carruur bidhibidhi ciyaarsiin. Maanyaynta waan ka daallee dhuumaalaysi aan ciyaarno. Dh: bidhibidhayn.
maanyayn-ta: (magac, dhedig, keli) sida sagaarada samayn. Maanyaynta iska daa. Dh: sagaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanateyn
m.l la-mid: caanteen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanateyn
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg canteen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaraweyn
m.dh Ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan gaar ahaaneed oo ka tirsanaa xooggii Daraawiishta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, raxmadda iyo khayrka Ilaah ka dheerayn; nacladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maakhadeyn
m.f.dh eeg maakhadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayn
m.f.dh eeg aanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» fal cid kale u tiirinta, si loo muujiyo in uu sababtiisa lahaa. Aanaynta gabay fidnadeed oo aanay lahayn Caasha, waa xadgudub loo gaystay xuquuqda qoraalka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanan
neg, vl. pron., neg. I ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanan
de: I ... not = ma + aan + aan
lx: maanan
ps: neg + vpro + neg
xe: I would not have gone.
xv: Maanan tegi lahayn.
key: maanan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafeyn
m.f.dh eeg anafee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanayn
m.f.dh eeg caanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, shaah iyo la mid ah, caano ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maad iyo maaweelo lagu qoslo samayn. Boon Xirsi waa xiddigga maadaynta Soomaalida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeyn
(Maadeyn-ta)
Hadal maad ah sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyn
m.f.dh eeg maadee. la-mid: maadeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyn
-ta: (magac, dhedig. keli) bandhig maaweelo oo lagu qoslo samayn; hadal maad ah sheegid. Jigjigaawi iyo Miicaad Miiggane maadeyn waa looga hadhay. Dh: majaajillayn, maaweelayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hees ugareed tirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanyee
v. recite ~ compose a hunting ~ fishing song
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyee
(fal) maanyo samee. Carruurta u maanyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanyee
de: recite ~ compose a hunting ~ fishing song
lx: maanyee
pd: (maanyeeyey)
ps: v2b=
key: maanyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarayn
(Maarayn-ta)
1. Maaro u helid; arrin ama wax kale, wax ka qabasho, hagaajin.
2. Maar ka dhigid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maarayn
Direzione
Management
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamulid. Dh: idaarayn.
maarayn-ta: (magac, dhedig, keli) daxal u yeelid; wax midhidhsan ka dhigix. Maaraynta ka ilaali weelasha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyn
m.f.dh eeg maaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heesta ugaadha ku heesid. Abwaaniintu maayaynta way ku kala ba'as yihiin. Dh: heesid, maanyays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macnayn
(Macnayn-ta)
Macne u yeelid; fasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macnayn
m.f.dh eeg macnee. la-mid: macnays, micnayn, micnays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharraxid oo waxa looga jeedo cid aan garanayn u fasirid. Erey la wada fahmayaayi macnayn uma baahna Dh: laqmayn, fasirid, macnays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manneyn
m.f.dh eeg mannee. la-mid: minneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayeyn
m.f.dh eeg waayee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-anayeen
de: they were doing (X)
lx: -anayeen
ps: v3-3pl-ppgr
xe: They were talking with Ali.
xv: Cali bey la sheekeysanayeen.
key: -anayeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeyn
m.f.dh eeg ąaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) nirgaha geela ee labojir u yaryahay. Aaloweynta nirgood iyo, ubadkii laga soocay, kama soo irirawne, oodda ma uga rognay. Dh: qaan, eeloweyn, ilweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaradeyn
m.f.dh eeg aaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaradeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) macawis ama gunti, geftin iyo cidhif u samayn.
aaradeyn -ta: (magac, dhedig, keli) macawis, daah iyo wax la mid ah, cidhifkiisa, liid maro ah ku sharraxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanaley
m.dh la-mid: caanooley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanaley
f. n., pl. milk-vendors; mammals
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanaley
-da: (n) people who sell or deliver milk to customers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanaley
-da: (magacwadareed) dadka caanaha xoolaha iibiya. Dh: caanadiiq.
caanaley -da: (magac, dhedig, keli) qof haween ah oo caano iibisa ama caanadiiqda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanaley
de: milk-vendors; mammals
lx: caanaley
pd: (-da)
ps: n1-f-col; n5b-f-pl
see: caanooley
key: caanaley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanatey
(Caanatey-da)
Naasaley (ama caanooley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanteyn
m.l Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. la-mid: caanateyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanteyn
m. n. twenty cents
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanteyn
-ka: (n) two dimes: twenty cents
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanteyn
-ka: (magac, lab, keli) eeg caantayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanteyn
bw: caanad; lacag {N}
de: twenty cents
lx: caanteyn
pd: (-ka)
ps: n-m
syn: saaq
key: caanteyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanyeys
(Caanyeys-ka)
Calaanji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanyeys
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubka iyo cidhiidhiga nolosha. Dh: calaanji, caanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangeyn
m.f.dh eeg daangee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haanseyn
m.f.dh eeg haansee.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maagayya
hésiter.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanacan
f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax la mamnuucay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanacan
der. [adjective] forbidden (to), not allowed (for someone)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacan
(tilmaame) maamnuuc ah oon loo oggolayn. Ninkaa siyaasaddu way ka maanacan tahay. Dh: mamnuucan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanacan
de: forbidden (to), not allowed (for s.o.) (with preposition ka)
lx: maanacan
pd: (maanacnaa)
ps: adj-der
key: maanacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansayn
m.f.dh eeg maansee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaxeyn
m.f.dh eeg madaxee.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
madaxeyn
to head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo la kaxaynayo mid ay dabakacaan hor wadid oo madax ay raacaan u yeelid. Lo'jirku madxeynta wuu yagaan. Dh: madaxays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaseyn
m.f.dh eeg malasee.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maqnayya
être éloigné.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanabeyn
m.f.dh eeg qanabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qanabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dariiqa xaqa ah ka leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadeys
-ka: (magac, lab, keli) ilmo caanihii uu jaqi jiray laga gudhiyey. Wiilku haddeed caanadeys buu noqday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanayeen
v., pl., past progressive form: they were coming
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imanayeen
de: they were coming
lx: imanayeen
pd: (imaneyeen)
ps: v4b-3pl-ppgr
key: imanayeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) raxmadda iyo khayrka Ilaah ka dheerayn. Dh: lacanadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqayn oo wax ka farxiya wada gaadhsiin. Maanshaynta Eebbaa abkoow meel walliba gaadha. Dh: nicmayn, maanshayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaraysan
der. [adjective] rusted, oxidized
maaraysan [derived] [adjective] managed, directed, arranged
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaraysan
-maaraysnaa: (adj) 1. rusted (raastidh); corroded (ko-rowdhidh). 2. under control; managed (manajidh)-, supervised (supar-vaayzidh) controlled (kon-taroolidh)-, guided (gaaydhidh)-, conducted (kon-dhaktidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysan
(tilmaame) gaboobay oo daxal yeeshay ah. Dh: daxalaysan, midhidhsan, ruujimaysan.
maaraysan: (tilmaame) si wanaagsan u maamulan. Meel la kala dambeeyaa waa meel saani u maaraysan. Dh: maamulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaaneyn
(Macaaneyn-ta)
Macaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaaneyn
m.f.dh eeg macaanee. la-mid: macaaneys, macayn, macays, micayn, micays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaaneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhadhan macaan u yeelid. Dh: macaanayn. Li: qadhaadheyn.
macaaneyn -ta: (magac, dhedig, keli) hadal, sheegko, iyo wixii la mid ah xalladayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Sheeko macaaneyn bay doonaysaa. Dh: xalladayn, macaanayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Macdaneyn
Mineralization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macnaysan
(tilmaame) wax la macneeyay oo la sharraxay ah. Dh: fasiran, sharraxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magaaleyn
(Magaaleyn-ta)
Magaalo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaaleyn
m.f.dh eeg magaalee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magaaleyn
Urbanization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaaleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg magaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
martiyeyn
m.f.dh eeg martiyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafeyn
m.f.dh eeg masaafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh guur u kaxaysasho oo meel weligeeda ka fog oo masaafo jirta u qaadasho. Masaafayntu waa nooc la isku guursado. Dh: masaafageyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naanaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: naynaasan.