maalin walba
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalin walba
n. phr., time: every day
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalin_walba
de: every day
lx: maalin walba
ps: np-time
xe: It is getting warmer every day.
xv: Maalin walba wey sii kululaaneysaa.
key: maalin_walba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaab
1. (Ladaab-ka) leg.
2. (Ladaab-ta) (cabidda xoolaha) maalin walba; had iyo goor; kalaggo'id la'aan; durduur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabasho
(Ladaabasha-da)
(xoolo) maalin walba cabbid; qatin la'aan; durduurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masruuf
(Masruuf-ka)
Lacagta joogtada ah oo maalin walba cidda ku baxda; nafaqo; sarraafad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ratib
(Ratib-ka)
1. Wax waqti go'an (sano walba ama bil walba ama maalin walba, ...) la sameeyo, la yeelo.
2. Agaasin; nidaam.
3. Joogto; rukun, (ama raatib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusqor
* (Xusuusqor-ka)
Buug yar oo maalin walba lagu qoro wixii dhaca oo la doonayo in la xusuusto oo aan la illaawin. ~ Ajenda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaab
ladaab¹: m.l (-byo, m.dh) Legga xoolaha.
ladaab²: m.dh 1. Waraabinta xoolaha maalin walba la waraabiyo. 2. L. ah: xoolo maalin walba biyo cabba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo maalin walba waraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Xoolo maalin walba biyo cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalingoosad
m.l Qof shaqaale ah oo la siyo maalin walba waxa uu goosto. la-mid: maalingoosato.

majallad
m.dh (-do, m.l) Wargeys ka kooban baalal badan oo aan maalin walba soo bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalin
-ta: (n) [Pl. maalmood] day (dheey). Ex: laba maalmood; two days, —maalin kasta: (n) everyday (evri-dheey)-, daily (dheeyli) ~ maalin walba, —maalin kale; an other day, —maalin dhaaf; every other day, —maalin walba: (n) every day (evri-dheey)-, daily (dheeyli)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DIIWAANKA XISAAB MUUJINTA GUUD
Giornal mastro generale
General ledger
Waa diiwaanka lagu muujiyo maalin walba dhammaan dhaqdhaqaaqyada hantida shirkadda, wuxuuna muujiyaa dhammaan hantida, qaanta, kharashka iyo faa'iidada.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MAALIN JOOGTAYNTA DIIWAANNADA
Aggiornamento libri
Updating of books
Waa hawsha diiwaangelinta nooc kasta ah ee maalin walba la qoro, si dhib yari loogu ogaan karo xaaladda la xiriirta arrinta diiwaangelintaasi ku saabsan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaab
-ta: (magac, dhedig, keli) cabbidda xoolaha ee maalin walba la waraabiyo. Dh: durduurad
ladaab -ta: (magac, dhedig, keli) leg hilib ah. Nin ladaabta ka hirqaday, oo laqanyoonayaan ahaay. Dh: dhinac, leg, dhawar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, maalin walba biyo cabbid. Dh: durduurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, maalin walba biyo cabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabi
(fal) xoolo, maalin walba waraabi; maalinna ha qadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) maalin walba aroorin oo biyo waraabin; xoolo ladaab u shubid. Dh: ladaabis
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalin kale
n. phr., time: another day
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mar walba
adv., time: always, often, all the time
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalingaal
(Maalingaal-ka)
Hawl la dheereeyo oo la isku bixiyo; hawl aan la kala goyn, aan laga nasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalingaal
maalingaal¹: m.l 1. Hawl maalin dhan socoto oo aan kala go' lahayn. 2. la-mid: maalingaalid.
maalingaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Hawl maalin dhan wadid iyada oo aan la kala goyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalingaal
m. n., [compound] long drawn-out ~ uninterrupted work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalingaal
-ka: (magac, lab, keli) maalin hawsheeda la dheereeyo oo la isku bixiyo; hawl isku xiriirsan oo aan loo nassan.
maalingaal -ka: (magac, lab, keli) geedi socodkiisu maalin gellinkeed ka badan yahay dharaar iska dhanna ka yar yahay. Maalingaal ayuu reerku magaalada u jiraa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalingaal
de: long drawn-out ~ uninterrupted work
lx: maalingaal
nt: maalingaal [v1=] 'work without interruption for the whole day'
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: maalingaal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meel walba
pr. n., loc. everywhere, every place
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Meel walba
partout.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalin_kale
de: another day
lx: maalin kale
ps: np-time
key: maalin_kale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalingaalid
m.f.dh eeg maalingaal². la-mid: maalingaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalingaalid
-da: (magac, dhedig, keli) maalingaal socosho; in maalinsocod ka yar maalin gellinkeedana ka badan socosho. Maalingaalid anku daalay ayaan halkan ku soo gaadhay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalin dhaafka
n. phr., time: every other day
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalin roobaad
Wet day
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
had walba
adv., time: always
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kol walba
adv., time: always
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maalin-ta
jour, journée.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalinqad
m.l Qadidda xooluhu maalin kaliya biyo ka qadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinqad
(tilmaame) wax maalin qaday ah. Iduhu waa maalingade arooriya.
maalinqad -ka: (magac, lab, keli) nidaam jilaalkii lagu biyacabbo oo xoolaha iyo dhaankuba maalinna arooraan maalinna ceelka ka nastaan. Xoolaha labaqadka ka daaya oo maalingad ka dhiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaranwaa
-ga: (magac, lab, keli) u baahni aan laga kaaftoomi karayn. Dh: maarmiwaa. Li: maarmid, maaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mar_walba
de: always, often, all the time
lx: mar walba
ps: adv-time
xe: Write to us often.
xv: Noo so qor mar walba.
key: mar_walba
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax walba
n. phr., [expression] everything
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wax walba
(pronoun) anything (eni-thing); everything (ev-ri-thing) ~ wax kaste; wax kasta. Ex: wax walba way rabtaa; she wants everything
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalin uun
n. phr., time: any day; one day, some day (past ~ present)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marin webi
Course river
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meel_walba
de: everywhere, every place
lx: meel walba
ps: np-loc
key: meel_walba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalindhaaf
m.l.fk Wax maalin la sameeyo malinna la dhaafo; fal hawl iyo wixi lamida oo inta maalin la qabto maalinna la baajiyo..
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalindhaaf
m.l.fk Wax maalin la sameeyo malinna la dhaafo; fal hawl iyo wixi lamida oo inta maalin la qabto maalinna la baajiyo..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalindhaaf
-ka: (magac, lab, keli) labadii maalmoodba maalin; maalin ka bood. Lo'du jilaalkii waxay ku cabtaa maalindhaaf. Li: maalinle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalintacab
-ka: (magac, lab, keli) qof shaqada uu maalin dhan qabto ka hela inta maalintaas uu cunayo ama uu cabbayo oo keliya. Waxaygu waa maalintacab oo afkayga ma dhaafo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinsawaal
-ka: (magac, lab, keli) maalinta badhtankeeda. Salaadda duhur waxa la tukadaa maalinsawaalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalinsayaal
-ka: (magac, lab, keli) maalinta badhtameheeda oo la guuro ama la socdo. Jilaalkii maalinsawaal waa la karaa. Dh: maalinsocod, dhalandhoolid. Li: habeensocod, guure.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalin_dhaafka
de: every other day
lx: maalin dhaafka
ps: np-time
key: maalin_dhaafka
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maciin la'aan
-ta: (n) vulnerability (voonara biliti); helplessness ~ miciin la'aan
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Platalea alba
(I) Spatola africana;
(E) African Spoon-bill;
(S) HARIRO (B. G. Hariro)
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xaqlin shabaq
Grid bias
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalin dayaxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalin dayaxeed
m.dh (-lmo ..., m.l) (c.fal.) Inta uu soconayo hal isrog oo dhulku dhidibkiisa isku rogo iyadoo loo fiirinayo dayaxa, ama waa muddo waqti ah oo u dhexaysa labo udub oo isku xiga oo dayaxu ku sameeyo dhig. Muddadaas oo la eg ilaa 24 saacadood iyo 50 daqiiqo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalin dayaxeed
Lunar day, tidal day
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalin qoraxeed
Solar day,mean